Home » Qoraallada Halkudhegga "musharax"

Warcad oo uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mahiga kuna saabsan doorashada Xasan Sheekh oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Sep 11, 2012
Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) – Muqdisho, 10ka September 2012 – Maanta dadka Soomaaliyeed waxay horey u qaadeen tallaabo weyn ee waddada nabadda iyo barwaaqada. Maanta Xildhibaanada Soomaaliyeed waxay – si degan, sharaf leh oo u fiirsasho leh – ku dhammeeyeen xilligii ku-meelgaarka, waxayna si buuxda u doorteen Mudane Xasan Sheekh Maxmuud... 
Halkudheg: ,

Cabdiraxmaan Faroole oo Durbaba Taageeray Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud

Sep 11, 2012
Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa Taageeray Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh loo Doortay Jagada Madaxweynaha Soomaaliya. Faroole oo hadlay intii aysan soo bixin Natiijada Doorashada ayaa mar uu la hadlayay Warbaahinta Soomaalida ayaa sheegey inuu si weyn ugu farxsan yahay soona dhaweynayo is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya. Faroole ayaa sheegey... 
Halkudheg:

Xasan Sheikh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Sep 10, 2012
Wareegii 3aad ee doorashada markii la tiriyey codadkii waxaa ku guulaystay Xasan Sheikh Maxamuud oo helay 190 cod, halka Sh. Shariif Axmed helay 79 cod, sidaas waxaa shaaca ka qaaday guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Jawaari, oo sheegay in tirada guud ee codka dhiibtay ay ahaayeen 269 xildhibaan. Sidaasna waxaa madaxweynaha Soomaaliya ay xildhibaanadu u doorteen Xasan Sheikh Maxamuud, oo noqonaya... 
Halkudheg:

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka Digay in Musharixiintu ay Abaabulaan Musuq-Maasuq iyo ku Shubasho

Sep 9, 2012
Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliya oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ku aadan Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya. Jawaari ayaa sheegey ugu horeynba in Doorashadu ay dhici doonto xilligii loogu tala galay isla markaana Xildhibaanada ay soo xaadiri doonaan Madasha Lixda Subaxnimo ee maalinta Isniinta... 
Halkudheg: ,

Warbixin Dheer oo ku saabsan Ololahii ugu Dambeeyey Musharaxiinta u Tartameysa Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya

Sep 9, 2012
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tanaasulay Tantanka xilka Madaxweynaha  Soomaaliya….. Afhayeen Guddiga Doorashada Cismaan libaax ayaa sheegey in maalinta berri ah ay tahay maalintii Doorashada madaxnimo ee Soomaaliya isagoo sheegey in ay ka qayb galyaan 24 Musharax ka did markii uu Afhayeenka uu sheegey in uu ka Tanaasuley Tartankaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Shiikh Shariif ayaa Ololahiis... 
Halkudheg:

Dalaaliin ka Dhex Abuuratey 275-ka Xildhibaan iyo 25-ka Musharax

Sep 8, 2012
Lacagi waa Qaadasho, Codkana aniga i sii cidi ku arkimeysee…. Iyadoo laba Maalmood ay ka Harsan tahay Xilliga loo Balansan yahay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa hadda Baarlamaanka ka socda Wax qabadka siyaasadeed ee Musharaxiinta iyadoo mid weliba uu balan qaadey in uu is bedel keeni doono , waxaana Magaalada ka socda Ololaha Doorashada oo ay wadaan Musharaxiinta waxaa Magaalada... 
Halkudheg: ,

Khubaddii Salaad Cali Jeelle ka jeediyey Baarlamaanka: “Lacagi waa Qaadasho, Codkana waa in aniga la i siiyo”

Sep 8, 2012
Khubad socotey 15 daqiiqo oo xildhibaanada, shir guddoonka baarlamaanka iyo musharaxiinta kaleba ay qosol aan kala go’lahayn kaga jawaabeen…. Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada September 10, 2012 ayaa in badan oo kamid ah waxay khudbado ka hor jeediyeen baarlamaanka, khubadadaas oo ay ku cabirayeen aragtidooda ku wajahan waxqabadkooda haddii ay xildhibaanadu... 
Halkudheg: ,

Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Sep 8, 2012
“Hadii shaqsiyaadka tilmaamtaas leh ay xukunka Dalka ku yimaadaan si aan cadaalad ahayn, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay inay ka tashato aayaheeda iyadoo raacaysa Dastuurka Puntland.” Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa u qornaa sidan: Puntland State of Somalia Garowe Dowladda Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya WAR SAXAAFADEED 8 September... 
Halkudheg:

Musharax Ing Maxamed Axmed Saalax “Waxaan Baarlamaanka Hortiisa ka Sheegi Doonaa Cidda aan u Magacaabayo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

Sep 7, 2012
Shir Jaraaid oo maanta Khamiis uu qabtey Musharaxa Ing Maxamed Axmed Saalax kana mid ah Musharaxiinta u Taagan Doorashada Madaxweyne ee dhacaysa 10 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ayaa waxaa uu Daboolka ka qaadey in Guddiga Doorashada ay ka aqbaleen in uu ka qayb galo Doorashada ka dib markii uu sheegey in uu buuxiyey Sharuudihii looga baahnaa Musharaxiinta u artameysa xilka Madaxweynimo. Ing... 
Halkudheg:

Sheikh Shariif oo Degmooyin Cusub u Magacaabay Degaanno ka tirsan Gobollada Galgaduud

Sep 6, 2012
Madaxweynaha Dawladda FKMG ee xilkeedii ku ekaa Agoosto 20, 2012 ayaa wareegtooyin uu soo saaray September 5, 2012 iyo September 2, 2012 waxa uu degmooyin ugu magacaabay Docoleey, Godinlabe, Waxbo iyo Derri oo ka tirsan isla Gobolka Galgaduud. Digreeto September 5, 2012 uu soo saaray Sheikh Shariif ayaa waxa uu dagmooyin ugu aqoonsaday deegaanka Docoleey oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxana uu wareegtada... 
Halkudheg:

Labaatan Musharrax oo u Taagnaa Xilka Madaxweynaha oo u tanaasulay Xaaji Maxamed Yaasiin

Sep 4, 2012
Kulan ay shalay Isniintii ku yeesheen gelinkii danbe Magaalada Muqdisho Isbaysiga Musharixiinta isu soo Taagtay qabashada Jagada madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaarkood xilkaas isaga Tanasuleen. Af hayeen u hadlay Musharixiintaas ayaa ka war bixiyay sida ay arrintaa ku dhacday isagoona sheegey in ay ku heshiiyeen in hal Musharax oo tartanka uga qayb gala ay iska soo xulaan. Afhayeenka... 
Halkudheg:

Xildhibaanada Barlamaanka oo Fududeeyay Shuruudaha looga Baahan yahay Musharaxa Madaxtinimada Soomaaliya.

Sep 3, 2012
Qodobka Dastuurka KMG ee qeexaya in Musharaxa isu soo taagaya Jagada Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay in uu saxiix ka haysto illaa Labaatan Xildhibaan waa adkaaday, sidaa darteed waa la khafiifiyey oo waxaa laga dhigay in musharaxu helo saddex xildhibaan…. Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in... 
Halkudheg:

Daldaloolada Shuruudaha doorashada madaxweyne Soomaaliyeed | Qore: Omar Dhollawaa

Sep 3, 2012
Qoraalkan waxaan ku qaadaa dhigayaa laba qodob oo ka mid ah shuruudaha lagu xiray in qof isu soo sharaxo madaxweyne kuwaas oo kala ah:  (no.4) Inuusan gelin dambi culus oo ay maxkamad xukuntay. (no.5) Inuu bixiyo lacag dhan 10 kun oo doollar oo ah diiwaan-gelin ah. Waa muhiim in waxyaalla badan la qadariyo si looga gudbo xaallada maanta Soomaaliya ku sugan tahay. Sidoo kale waa muhiim in safarku aanu... 
Halkudheg:

Musharrax kasta waa in uu bixiyaa 10-kun oo doolar oo diiwan galin ah

Sep 2, 2012
Gudiga dooorshada Madaxweyanimo ee Jamuuriyada Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay ku dhawaaqeen sharuuhada looga baahanyahay musharaxiinta u taagan u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka. Afhayeenka gudiga doorashada Madxweynimo ee dalka xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa Saxaafada u akhriyay sharuudaha looga baahanyahay murashaxiinta, waxana uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya loo dooran... 
Halkudheg:

10-ka September oo La Qaban doono Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Sep 1, 2012
Guddiga doorshada ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono Setember 10, 2012. “Qabashada Araajida musharaxiinta Madaxweynaha waxay bilaabanaysaa 3da ilaa 6da bisha September 2012. 7da ilaa 8da September waxaa golaha baarlamaanku dhegeysanaa khudbadaha musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha. 9ka bisha September waa maalinta loogu talo galay “Maalinta Ololaha... 
Halkudheg:

Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ku Guuleystey in uu Noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Aug 28, 2012
Waxaas Goor dhow Xarunta Dugsiga Sare ee Booliska lagu soo gabagabeeyey Doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Bilaabantey Saakey Waaberigii (Agoosto 28, 2012) waxaa u Taretamayey Shan Musharax oo kala Cali Khaliif Galeyr, Maxamed Cismaan Jawaari , Xasan Abshir faarax , Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Cabdirashiid Xiddig , waxana wareegii hore la kale heley Codod ahaan Maxamed Cismaan Jawaari oo heley... 
Halkudheg: , ,

Guddiga Xulista Xildhibanada Baarlamaanka oo ku Gacan Seyray Maxkamadda Sare

Aug 28, 2012
Iyadoo Maalinimadii Axaddii Todoba iyo Toban ka mid ahaa Xubnihii Guddigaasi uu ka hor joogsaday u gudbista Barlamaanka ay Dacwad hor geeyeen Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa haddana waxaa Dacwaddaas ku gacan seeyrey Guddiga Farsamada Xulista Xildhibanada oo sida la sheegey xilkiisu ku ekaa Habeenkii Xalay. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ku meel Gaarka Ceeydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf oo warbaahinta la... 
Halkudheg: ,

Shareecada Islaamka iyo Doorashada Madaxda

Aug 27, 2012
Qore: Sh. Xasan Jaamici Waxaa jira welwel ay qabaan Soomaalida inteeda badan oo ku saabsan waxa ay hasha maandeeq (Soomaaliya) ay dhali doonto maalmaha soo socdo.  In kastoo xanuunka foosha uu ka sii darayo haddan dib u dhac ayaa  ku dhacay waqtiga la filayay in ay Maandeeq dhasho August 20keed, 2012, saqda dhexe habeenkii. Waxaa muran ka taagan ciddii dhalin lahayd Maandeeq.  Waxaa jira warar sheegaya... 
Halkudheg: ,

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Laga kala Cararayo, waayo Beesha Noqota Guddoomiye waxay waayeysaa Ra’iisul-Wasaare ama Madaxweyne

Aug 26, 2012
Habar- Shiish yey ku Dhiman Doonta a Labada Shariif ? Markiiba waxaa soo muuqanaya in xilligii kala Guurku u muuqdo mid isku bedelaya isbahaysiyo Siyaasadeed waxaana Isbaheysiyadaas ugu Tunka Roon  Madaxweynihii Xiligiisii dhamaaday Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyihii isaguna Xilkiisii dhamaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna mid walba uu doonayaa inuu kan kale Siyaasadda kaga adkaado,... 
Halkudheg:

Saxiixayaasha Roadmap-ka oo ka hor yimid Hadalkii Sheikh Shariif ee ahaa “Maxkamadda Sare ayaa go’aan ka gaareysa xubnahii Barlamaanka laga reebay”

Aug 26, 2012
Xubnaha loo diidey baarlamaanka in maxkamadda Sare loo gudbiyo waa “Go’aan siyaasiyan iyo sharciyanba khalad ah…” Shir jaraa’id uu uu Habeenimadii Axadda Muqdisho ku qabtay ayaa Sheikh Shariif waxa uu ku sheegay in xubnihii ay laga reebay baarlamaanka cusub ee ay diideen guddiga farsamada ee soo xullida Xildhibaanada in xubnahaas loo gudbinayo “Maxkamadda Sare”... 
Halkudheg: , ,

Idaacadda Villa Soomaaliya oo Qirtay in Xilkii uu ka dhammaaday Prof. Gaas, laakiin weli uu madaxweyne yahay Sheikh Shariif

Aug 26, 2012
Idaacadda Villa Soomaaliya oo bedeshey Warsaxaafadeed ka soo baxay  Golaha Wasiiradda DFKMG…. Sida caadiga saxaafaddu waxay dhawrtaa xuquuqda qoraallada, oo marka ay qoraal hesho waxaa la gudboon: (1) In ay qoraalkaas sida uu yahay u daabacdo (2) In haddii ay u aragto mid khaldan ay dib ugu celiso qoraagga si uu soo saxo, (3) ama in aysan daabacin haddii qoraalkaasi ka hor imanayo anshaxa u... 
Halkudheg:

Guddiga Doorashada Xubnaha Baarlamaanka oo shaaciyey Lacagaha ay Bixinayaan Xubnaha u Taratamaya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku Xigeeenadiisa

Aug 25, 2012
Musharaxa Guddoomiyaha Barlamanka waxa uu bixinayaa $3000, Guddoomiye ku Xigeenka Koowaadna $2000, halka Musharaxa Guddoomiye ku Xigeenka Labaadna uu ka bixinayo $1000… Waxaana doorashadu dhici doontaa taalaadada Agoosto 28, 2012 iyadoo maalinimadii shalay Labada Duhurnimo ay ku eked Xilligii Qabashada Musharixiinta Guddoonka Balmaanka ayaa arrintaa dib u dhac ku yimid. Afhayeenka Guddiga qaban... 
Halkudheg: ,

Baarlamaanka Cusub oo la dhaariyey ma noqon doonaa baarlamaan Soomaaliyeed.. mase…?

Aug 23, 2012
Waxaa magaalada Muqdisho lagu dhaariyey xildhibaano tiradoodu gaarayso 211 xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee ay yeelanayso Soomaaliya. Dhaartan ayaa lagu soo beegay (Isniin Agoosto 20, 2012) oo ah xilligii ay ku ekeyd DFKMG ee uu madaxweynaha ka ahaa Sheikh Shariif, sida ku cad waxa loogu yeero Roadmap-ka. Waxaa baarlamaanka cusub la dhaariyey ayadoo aan weli tiradii 275 xildhibaan... 
Halkudheg: ,

Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub oo Magacyada 202 kamid ah la faafiyey

Aug 18, 2012
Magacyada 202 qof oo ka mid noqonaya xildhibaanada baarlamaan cusub ee loo samaynayo Soomaaliya ayaa waxaa faafiyey guddiga farsamada ee qaabilsan soo xulidda xubnaha baarlamaanka. Waxaana la sheegay in magacyada inta dhiman la soo dhamaystiri doono, laakiin lama sheegin sababta keentay in la shaaciyo magacyada qaar ayadoo aan la soo dhamaystirin. Tirada guud ee laga raboo in uu noqdo baarlamaka cusub... 

Bayaanka Hay’adda Culumada oo ku aadan Xulidda Xubnaha Baarlamaanka

Aug 16, 2012
Guddiga Culumada Soomaaliyeed ayaa Ka digey Beesha Caalaamku Faragelinta ay ku hayso Habka Xuliddda Xubnaha Baarlamaanka iyo faqooqidda beegsanaysa Diinta iyo dadka u danqanaya danaha ummadda…  Read More →
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...