Home » Warar »

Cabdiraxmaan Faroole oo Durbaba Taageeray Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa Taageeray Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh loo Doortay Jagada Madaxweynaha Soomaaliya. Faroole oo hadlay intii aysan soo bixin Natiijada Doorashada ayaa mar uu la hadlayay Warbaahinta Soomaalida ayaa sheegey inuu si weyn ugu farxsan yahay soona dhaweynayo is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya.

Faroole ayaa sheegey in haatan Soomaaliya ay ka gudbayso Marxaladii hore ee ku meel gaarnimada loona gudbayo Dawlad Rasmi ah oo wax la qaybsanaysa Dawladaha kale ee Caalamka.Cabdiraxmaan faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay wax u dhaceen sidii ay doonayeen isla markaana doorashadii Magaalada Muqdisho ka dhacday ay ahayd mid Cad isagoona soo dhaweeyay dhankooda.

Madaxweynaha Maamulka Puontland ayaa ku nuux nuuxsaday in Doorashadu ahayd mid ku dhacday sidii loogu tala galay isla markaana ay soo gaba gabowdey xiligii ku meel gaarnimada.Hadalkan Madaxweyne Faroole ayaa imaanaya xilli dhawaan uu ku hanjabay in haddii sida ay doonayaan in ay wax u dhici waayaan in ay ka fiirsanayaan aayahooda.

Dhinaca Kale Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalim oo ka hadlayay Doorashadii Xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho uu si weyn u soo dhaweynayo.Xoghayaha guud ee IGAD ayaa sheegey isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo kan Ururka inuu soo dhaweynayo Doorashada Diimoqraadiga ah ee ka dhacday Muqdisho.

Maxbuub Macalin ayaa sheegey in ay soo dhaweynayaan isla markaana ay la shaqeynayaan Madaxweynaha Cusub ee loo Doortay Soomaaliya isagoona raja wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay haatan ka soo kabanayso Bur burkii inta badan labaatanka Sano ay ku jirtay.

Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa sheegey in Ururkooda uu la shaqayn doono Dawladda Cusub ee Soomaaliya ka dhalatay isla markaana ay taageerayaan is cedelka Cusub ee looga gudbay Marxaladdii ku meel gaarnimada.

Ururak IGAD ayuu sheegay Maxbuub oo Soomaaliya ay Xubin ka tahay in Doorashadaas ay ahayd mid si weyn loo soo diyaariyay isla markaana ku dhacday si cadaalad ah isagoona u mahad Celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo isagu aqbalay Natiijada Doorashadaas.

Sidoo kale waxaa isaguna u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafuulo Waminyiiya oo sheegay in Ururka Midowga Afrika soo dhaweynayo lana shaqeynayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ay yeelatay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Cabdiraxmaan Faroole oo Durbaba Taageeray Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud "

  1. samajecel says:

    Hambalyo iyo duco ayaan kuu hibeeynayaa.

    halyeeyga la doortayoo, dowladdii hantoow.

    hanadka noo soo daahiroo, hiil ILAAH ku sii.

    heegan baan nahay inaan, hoowsha kula wadnaa.

    hadafka nabadiyo, hogaankaaga lagu heshii.