Home » Warar »

Musharrax kasta waa in uu bixiyaa 10-kun oo doolar oo diiwan galin ah

Gudiga dooorshada Madaxweyanimo ee Jamuuriyada Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay ku dhawaaqeen sharuuhada looga baahanyahay musharaxiinta u taagan u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka.

Afhayeenka gudiga doorashada Madxweynimo ee dalka xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa Saxaafada u akhriyay sharuudaha looga baahanyahay murashaxiinta, waxana uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya loo dooran karo muwaadin kasata oo Soomaali muslim ah dadiisuna aysan ka yarayn 40 sano, lehna aqoon ama waayo aragtino u qalanta xilka uu tartamayo iyo inuu dhimirkiisu dhanyahay iyo waliba inuu bixiyo lacag dhan 10 kun oo dolar oo diiwaan galin ah.

Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedka ayaa sidaan u qoraa sidan:

Shuurdaha doorashada madaxweynenimada .

  • 1. Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweyne ee Soomaaliya Muwadin kasta Soomaali ah Muslim ah
  • 2. Da’diisu aanay ka yareyn 40 sanadood
  • 3. Leh aqoon jaamacadeed ama aqoon kale oo u qalanta xilka madaxtinimo ee dalka.
  • 4. Waa in uu dhimirkiisu dhan yahay.
  • 5. Waa in uusan galin danbi culus oo ay maxkamadi ku heshay.
  • 6. Waa in uu bixiyaa $10,000 (toban kun oo doolar) oo diiwan galin ah
  • 7. Waa in uu soo gudbiyaa taariikh nololeydkiisa oo dhameystiran
  • 8. Laba sawir oo kalar ah iyo codsi musharaxnimo oo laba nuqul ah

Qoraallaan waxaa saxaafada u akhriyey xildhibaan Cusman ibraahin Libaax

Sharuuhadani ayaa imaanaya xilli 10-ka September 2012 lagu wado in ay qabsoonto doorashada dalka, waxaana sii badanayeen murshaxiinta u taagan u tartamida xilka madaxweyanimo, ina kastoo ay suuragal tahay in sharuudahaana ay yareeyaan tirada musharaxiinta.

Akhri: 10-ka September oo La Qaban doono Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Muuse Maxamuud Jiisow
0699907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Musharrax kasta waa in uu bixiyaa 10-kun oo doolar oo diiwan galin ah "

  1. mat chemico says:

    shuruudaha waa kuwo aad u fiican, weli waxaan aran lahaaba shardiga lacagta waa tiro aad u yar, waxaana haboon in wax lagu darro. waayo taa waxaa lagu agaanayaa qofka faqiirka ah iyo midka qaniga ah. hadii qofku bixin waayo lacagtaas, micneheedu waxey tahay musharraxa isgaaba u baahan marka hore taakuleyn oo wax qawadkiisa wuxuu u jeedinayaa familkiisa oo baahan. lkn haduu yahay ruux dhaqaale ahaan dhisan, aqoonna ay udheertahay, waxaan is leeyahay xoogaa amey dhaaantaa qofka baahan. nin baahanna tiisa ayaaba daryeel u baahan, ee goormuu tu kale daryeelaa!!!

  2. abubakar says:

    waxay ilatahay in yareen doonto tirada musharaxiinta
    maxayeelay qaarbaa si laablakac iso soo sharaxay
    madaama laweydiiyay 10.000$ waxaa isu soo hari doona
    kuwa macquulka ah anagu waxaan rabnaa hal madaxweyne oo
    sharaf kuleh bulshada

  3. Abdikadir says:

    Aniga waxay ila tahay shuruudaha qaar waa kuwa aan loo baahneyn. Tusaale ahaan shuruuda oraneesa $ 10,000 waa inuu bixiyaa musharaxa waxay iila muuqataa in ay tahay jalaafo loo dhigayo qofkii wanaagsanaa oo aan awoodi Karin inuu intaa bixiyo. Sidoo kale shuruudan laguma sheegin dastuurta KMG, marka gudiga jeebkooda miyey kala soo baxeen.
    Mida kale waxaan meesha lagu soo darin Musharaxa in uu yahay qof somaliyeed oo diinta ku dhaqmo, waayo haddii la cayimin shaqsiyada qofka musharaxa ah waxay horseedi qof faasid ah oo lacag leh inuu soo tartamo jagada Madaxwenenimada.