Home » Warar »

10-ka September oo La Qaban doono Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga doorshada ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono Setember 10, 2012.

“Qabashada Araajida musharaxiinta Madaxweynaha waxay bilaabanaysaa 3da ilaa 6da bisha September 2012. 7da ilaa 8da September waxaa golaha baarlamaanku dhegeysanaa khudbadaha musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha. 9ka bisha September waa maalinta loogu talo galay “Maalinta Ololaha Doorashada”. 10ka bisha September 2012 waa maalinta ay qabsoomi doonto doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” sidaas waxaa shaaca ka qaaday guddiga doorashada madaxweynaha:

Halkan ka dhegeyso afhayeenka guddiga doorashada oo waraysi siiyey idaacadda boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/guddi_dorasho12.mp3]

Warbixin: Go’aanka guddiga doorashada Madaxweynaha

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay guriga Ummadda ayaa soo saaray war mutiyeed ku aada xilliga Doorashada.

Kulanka oo socday muddo saacado ah ayaa kolkii uu soo gabagaboobey waxaa saxaafada la hadlay afhayeenka gudiga doorashooyinka oo shaaciyey in gudigu ay iskuraaceen warmurtiyeed uu u akhriyey saxaafada oo ahaa sidan:

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliya

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuiuriyada Federaalka Soomaaliya waxay shaqada bilaabeen taariikhda 30.08.2012 waxayna Gudoomiye u doorteen Maryan cariif Qasin .

Taariikhdu Marki ay Aheyd 31.08.2012 Gudigu waxay Magacaabeen gudoomiye ku xigeen , Afhayeen , khasnaji guud iyo 3 gudi hoosaadyo .

  • 1. Xildhibaan Axmed Cusmaan Ibraahin ( Daqare ) – Gudoomiye Ku xigeen
  • 2. Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim – Afhayeen
  • 3. Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye – Khasnaji

Guddiga Qabashada Araajiida iyo Qoraalka

  • 1. Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamed
  • 2. Xildhibaan Muumino Sheekh Cumar
  • 3. Xildhibaan sacdiyo careys Ciise kaarshe
  • 4. Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin
  • 5. Xildhibaan Axmed Adan Axmed

Guddiga Amniga iyo habmaamuuska

  • 1. Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow
  • 2 Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim
  • 3 Xildhibaan Maxamed Sheekh Adan Hiiraale
  • 4 Xildhibaan Cusmaan MAxamed cabdi ( Cusmaan Daalo )
  • 5 Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir

Guddiga Dhaqaalaha

  • 1. Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye
  • 2. Xildhibaan Ibraahin Sheekh saalax Deyfulaah
  • 3. Xildhibaan Axmed Cusmaan Ibraahin
  • 4. Xildhibaan Axmed Adan Cabdiraxmaan
  • 5. Xildhibaan Aweys Cabdulaaahi Ibraahin

Gudigu wuxuu isku raacay in xiliga Doorashada Madaxweynaha uu Bilaabanayo 1da bisha Septemper 2012 ilaa 10 –ka Bisha Septemper 2012

  • A :- Qabashada Araajida Musharixiinta Madaxweynaha Waxey Bilaabneysaa 03.09.2012 waxayna Ku egtahay 06.09.2012
  • B :- Araajida qabashadoodu waa maalin kasta saacadda ka bilaabanaysa sadax saac subaxnimo.
  • C :- Xafiiska arji Qabashada wuxuu ku dhax yaalaa xarunta Golaha Shacabka (Guriga Ummadda).
  • D :- 7-da bisha September ilaa 8-da bisha September Golaha barlamanka Federalka wuxuu Dhageysanayaa Khudbooyinka Musharixiinta u tartamaya Jagada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.
  • E :- 9-ka bisha Septemper waa maalinta loogu tala galay Ololaha doorashada.
  • F :- 10-ka Bisha Septemper 2012 waa maalinta ay qabsoomi doonto doorasahda madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
  • G :- Wixii faafhaahin intaa dheer oo khuseeyo arimaha doorashooyinka dib ayuu ka soo sheegi doonaa gudigu doorashooyinka Madaxweynaha

Sidaas waxaa shaaciyey afhayeenka gudiga dorashooyinka madaxweynaha, Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahin

Warkaan ayaa soo baxay xili ay shacabka Soomaaliyeed sugayaan xilliga iyo shaqsiyaadka ka qeybqaadan doono doorashada madaxweynenimo ee dalka. Waxaana isa soo tareyso tirada murashixiinta u taagan in ay mar uun la yiraahdo madaxweyne.

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.