Home » Faallo »

Shareecada Islaamka iyo Doorashada Madaxda

Qore: Sh. Xasan Jaamici

Waxaa jira welwel ay qabaan Soomaalida inteeda badan oo ku saabsan waxa ay hasha maandeeq (Soomaaliya) ay dhali doonto maalmaha soo socdo.  In kastoo xanuunka foosha uu ka sii darayo haddan dib u dhac ayaa  ku dhacay waqtiga la filayay in ay Maandeeq dhasho August 20keed, 2012, saqda dhexe habeenkii.

Waxaa muran ka taagan ciddii dhalin lahayd Maandeeq.  Waxaa jira warar sheegaya inay maalinta ay ahayd in ay Maandeeq dhasho August 20keeda, 2012  ayaa waxaa dhimatay umulasadii dhalin lahayd maandeeq.  Waxaa kaloo dood ka taagan ilmaha dhalan doono cidii banaan bixin lahayd iyo cidii  magac u bixin lahayd iyo magacii loo bixin lahaa.

5 magac ayaa layksu heystaa;

1.DOWLAD    

2. DANEYSTE  

 3. HANAD   

4. DALJIR              

5. SHANKAROON (waa haddii ay gabar noqoto).

 

Ilaahey hana siiyo dowlad kheyr badan oo na wada deeqda oo na daryeesha. Aamiin

Su’aasha maalmahan laysla dhexmaraya waxay tahay in kastoo doorasho xor iyo caddaalad aanan la filaynin sanadahan dhow haddana xikmad ayaa waxay dhahdaa waxaan la wada haleynin  lagama wada tago.  Wixii wanaagsan ee la heystaa lagu dhegaa.  Su’aasha waxay tahay waa maxay tilmaamaha qof lagu xulan karo oo ay shareecadu fartay oo ay xildhibaanada ku dooran karaan madaxda dalka.  Maxaa halbeeg ah oo lagu cabiraa qofka mas’uulka inuu xil qaadi karo iyo in kale.  Shareecada Islaamka laba shardi oo aasaasi ah ayey u sameysay ruuxa mas’uul noqonayaa sida ku cad suuratu Yusuf:

1) Cilmi (knowledge) oo loola jeedo khibrad, xilkasnim, xikmad, fahmad badan, indha badan iyo waaya aragnimo.  

Waxaa meesha ka baxayaa: 

  • Jaahil
  • doqon
  • dhoohane iyo mid kastoo wax kala garaneynin
  • meel dhow wax ka fiirshe
  • Talo diid iyo ma tashada

 2) Aaminnimo (Honesty) waxaa meesha ka baxaya: 

  • khaa’in
  • tuug
  • dab dhalif
  • gumeysi kal kaal
  • cadaw kal kaal
  • jaajuus
  • qabiiliste (reerkiisa wax walba la rabo oon u kala soocneyn danta qabiilkiisa iyo tan qaranka)
  • munaafiq wajiyo badan.

Haddii labadda sifo la helo qofka waa loo dooran karaa in uu madax noqdo iyadoo shardi ahayn inuu xisbi ama urur ama qabiil gooni ah uu ka soo jeedo.  Waxaa hubaal ah haddii Soomaalida ay sidaa wax ku xulato ama ku doorato in uu Ilaahey barakeynayo doorashada iyo madaxda la doortay ka dibna ay horseedi doonaan nabada, xoriyad, cadaalad, horumar iyo midnimo.

Halbeega shareecada ma ahan yuu u dhashay ee waa CILMI IYO AMAANO  MA LEEYAHAY.

Sh. Xasan Jaamici,

xasanjaamici@gmail.com

Sh. Xasan Jaamici is Adjunct Professor of Islamic Law at William Mitchell College of Law and Director of Minnnesota Dawah Institute.

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Shareecada Islaamka iyo Doorashada Madaxda "

  1. Runta Sheeg says:

    Xasan Jaamici,

    Ka waran hadda oo Madaxwaynihii uu noqday nin kooxdiina Al-Islaax (Damul-Jadiid) ka soo jeeda?

    War aan kaa sugaynaa!

  2. fiqi says:

    si xikmadeysan ayaad u cabirtay alle hakaa abaal mariyo shiikheena.

  3. maxamed says:

    alle ha ku xifdiyo hadalka aad ka dhawaajisay waa xaq waana xalka maanta layska indho tirayo, in laysku xukumo shareecada islaamka. rabi baa sharciga hore u dejiyay ninkii yidhaahda sharcigaas marabee anaa mid gaara samaysanaya noloshiisa oo dhan ayuu khatar geliyay.

  4. Bin Xusseen says:

    ACW

    Sheekhu aad buu u hagaajiyay waana ku mahadsan yahay.

    Lakiin nimanka wax dooranayaa ma xildhibaanaa mise waa doolar-dhibaano…!

    Culimada diinta waxaan kamaqalay inay nimanku islaanimada uga dhowyihiin gaalnimo, maxaayeelay shaqadooda ugu weyn ooy qabtaan waa “sharci dajin”, diintuna waxay leedahay “allaa sharci dajinta la khaas ah”, wuxuuna soo dajiyay shareecada islaamka..

    marka niman islaamnimadoodaba doodi kataagantahy, oo layiri allay sharci dajinta ku haystaan, inay khayr umada u horseedaan lagasugi mayo…!

    WCW

  5. c/razaaq says:

    Allaah ha ku xifdiyo waxaad sheegtay war macaan oo kooban oo xaq iyo cadaalad ku salaysan.
    Waxaana loo baahan yahay in Soomaalida oo dhami sidaas u fekeraan oo Cadaalada u hiiliyaan