Home » Warar »

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Laga kala Cararayo, waayo Beesha Noqota Guddoomiye waxay waayeysaa Ra’iisul-Wasaare ama Madaxweyne

Habar- Shiish yey ku Dhiman Doonta a Labada Shariif ?

Markiiba waxaa soo muuqanaya in xilligii kala Guurku u muuqdo mid isku bedelaya isbahaysiyo Siyaasadeed waxaana Isbaheysiyadaas ugu Tunka Roon  Madaxweynihii Xiligiisii dhamaaday Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyihii isaguna Xilkiisii dhamaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna mid walba uu doonayaa inuu kan kale Siyaasadda kaga adkaado, waxaana meesha ka baxay Halggankii ay u soo galeen in mar uun Waddankan Madax ka noqdaan, waxay ahaayeen raggii Dhidibada u aasay Dawladdii jirtay Sedaxdii Sano ee la soo dhaafay iyadoona labada Shariif ay ahaayeen kuwo Saaxiib ku noqday in ay ka muuqdaan Masraxa Siyaasadda Soomaaliya, waxaana Shiikh Shariif laga hayaa isagoo ammaanaya Shariif Xasan inuu yiri “Waa Nin la Aamini karo”.

Maanta waxaa mid walba oo labadooda ah uu u Bir tumanayaa in kan kale kaga Takhaluso gaar ahaan dhinaca Siyaasadda waxaana Qamaarkan Siyaasadeed uu haatan dhex yaala Garoonka Baarlamaanka halkaas ayaana lagu ogaan doonaa Ninka ku adkaada Siyaasadda, waayo wuxuu nin walba riixaya ninkii uu ku dili lahaa Qamaarkaas Siyaasadeed, waxaana mid walba dadaal ugu jiraa in uu samaysto isbahaysi Siyaasadeed ee ku aaddan dhinaca Baarlmaanka.

Sheikh Shariif waxaa uu gadaal ka riixayaa awooddiisii Siyaasadeedna isugu geeyay inuu Guddoomiye Baarlamaan uu Noqdo Maxamed Cusmaan Jawaari oo ah Ruug Caddaa Siyaasadeed ee si wanaagsan looga yaqaano Masraxa Siyaasadda Soomaaliya kaasoo haddii uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka dhabbaha u Xaaraysa sidii uu Shariif Xasan  ku waayi lahaa Hammigiisii iyo u Hanqal Taaggiisii Jagada Madaweynaha Soomaaliya oo uu sheegey inuu doonayo qabashada Xilkaas hase yeeshee isagaba waa  Nin Xeelado badane dhankiisa wuxuu day dayayaa sidii Xilka Guddoonka Baarlamaanku ugu soo bixi lahaa Nin Hawiye ah si uu u Jallaafeeyo meeshana uga saaro Shiikh Shariif. Isagoona wata Rag ka soo jeeda Beelaha Daarood iyo Dir si ay u qabtaan Baarlamaanka isagoona gadaal ka riixiya rag ay ka mid yihiin Cabdirisaaq Jurile balse Cadaadis uga yimid Beeshiisa uu ka baxay tartankii Doorashada  iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi taasoo mid ka mid ah labadaan haddii uu ku guuleysto xilkaas Shariif Xasan Rajadiisu kor u soo kacayso.

Waxaan Dab yar Shideyn oo ka faaiideysta Siyaasada Noocaan oo kale ah  maadaama uu hore ugu guuleystey Siyaasada ka faaiideysiga marka ay mareyso Qiir qiiir, Cali Khaliif Galeyr oo u taagan Xilka Gudfoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa Musharanimadiisa welwel weyn waxay ku hayaan Beesha Daarood gaar ahaan reer Pundland iyadoo sababaha  Cali Khaliif Galeyr ugu Tartamayo Xilkaas ay tahay in uu Kaga Aarsado reer Pundland oo la sheegey in ay ku soo farageliyeen qaybsigii Xubnaha Baarlamaanka iyo iyadoo uu ka socon waayey maamulkii ay dhisteen ee Khaatumo  ka dib markii ay u dhigeen Jalaafooyin Badan  hase yeeshee Beelaha Daarood ayaa Siyaasiintoodu waxa ay kula taliyeen inay ka haraan Suxulka Duubka ay ugu jiraan Jagada Guddoomiyaha Barlamaanka, Si ay ugu Guuleystaan Xilka Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare.

Waxay sidoo kale ka Welwelsan yihiin Maxamed Cabdulaahi Farmaajo haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynenimo waxaa meesha ka baxaya Hamigii reer Pundland  ee Qabashada Xilka Madaxweyninimo ee Soomaaliya oo u taagan  Cabdiweli Cali Gaas.

Nin Raxanweyn ah oo aan wax ka weydiiyay Siyaasadda xilligan taagan ayaa waxa uu ku Maah-Maahay isagoo ku hadlaya afka Raxan weynta “Labadii Eeyraan ku Shal Bati Kirsiin Maku Kulmow” oo micnaheedu yahay labadii Ceyriinka ku qaybsatay Biseylka isuguma yimaadaan oo uu ula jeeday in qaybta Siyaasadeed ee  Soomaaliya hore loo qorsheeyey Jagadana ay leeyihiin sideedaba Qabaa’ilka Digil iyo Mirifle, sidaa darteed waxaan ka Cabsi qabaa in Shariif Xasan Beesha Raxan weyn uu Dhaafiyo Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka balse waxa ay ahayd in Shariif Xasan qorshahaan uu mar hore ka Dagaalamo halka uu Maanta ku Beer Laxawsanayo Beesha Raxan weyn inaan laga xigin Kursiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Beesha Daarood oo uu Hormuud u yahay Dr Cabdiweli Gaaz oo Xukuumaddii ku meel Gaarka ee Xiligeedii dhamaaday Ra’iisul Wasaare ka ahaa ayaa Ciyaarta Qamaar ee u Dhaxaysa Labada Shariif waxa uu ka daawanayaa Taribuunka hase yeeshee waxaa uu ka soo hor jeedaa in Beesha Daarood xiligan ay Tartan u gasho Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna u Xusul duubayaa in uu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya maadaama Cabdullaahi Yuusuf Axmed horey ugu sii Salaxay in Beesha Daarood u tartami karto Jagada Madaxweynaha, sidaa darteed Shariif Xasan ma Ciyaari doonaa habkii Siyaasadeed ee Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa inaan la kala xigin xilalka ugu sareeya Dawladda cid walbana u tartami karto iyadoo xiligii Cabdullaahi Yuusuf la dooranayayna uu Beesha Hawiye ka helay kow iyo Lixdankii Xubnood konton iyo Todobo Cod oo Beeshaas ugu Codeysey in Yuusuf uu Noqdo Madaxweynaha Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.

In kastoo Shariif Xasan sidii aan kor ku soo sheegayba uu yahay Nin Jilaa Siyaasadeed ah isla markaana laga yaabo inuu la yimaado Xeelado kale ma ciyaari doonaa Doorkii Cabdullaahi Yuusuf oo kale ah oo ma kasban doonaa Beesha Hawiye in ay u Codeeyaan inuu ku guulaysto Jagada Madaxweynaha Soomaaliya, Ciyaarta uu kula jiro Shariifka kalena ma kaga  Guulaysan karaa iyadoo Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle dhamaantooda ay yihiin kuwo uu soo Xulay Shariif Xasan. Sidoo kale Beelaha Shanaad ayaa iyaguna la sheegey inuu qayb weyn ku leeyahay isagoona Geed Gaaban iyo Geed Dheerba u Fuulay sidii uu Taageerayasha Shiikh Shariif uga reebi lahaa Baarlamaanka hase yeeshee Shiikh Shariif uu soo baraarugay goor dambe oo Xeero iyo Fandhaal ay kala dhaceen isla markaana Af labadii yeeray kaddib markii uu Guddiga Farsamada ku Eedeeyay inay ku talax tageen  hanaan qaybsigii Xulidda Barlamaanka.

Isku soo wada Duuboo Su’aasha ay cid walba oo arrimaha Siyaasadda Soomaaliya u Dhuun Dalooshaa ay is weeydiinayso ayaa waxa ay tahay haddii Ciyaarta Dubnadda aan u Rogno Siyaasadda Soomaaliya haatan taagan qofkii Ciyaara yaqaanee inta badan waxa la iska Ilaaliyaa in laguugu Dilo ama kugu Dhimato Habar Shiish, haddaba Qamaarkaan Siyaasadeed ama Dubnaddan ay Ciyaarayaan Labada Shariif kee baa ay ku dhiman Doontaa Habar Shiish ama looga adkaan doonaa Loolanka u dhaxeeya. Labadooda?.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


LIFAAQ:

Musharrraxiinta u taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka:

  • Prof. Maxamed Cismaan Jawaari
  • Prof. Cali Khaliif Galayr
  • Cabdirashiid Maxamed Xiddig
  • Cabdi Xaashi Cabdullaahi
  • Xasan Abshir Faarax

Waxaa tanaasuley Cabdirisaaq Cismaan Juurile, sida uu ka sheegay kulankii Axaddii Agoosto 26, 2012 ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanku.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Laga kala Cararayo, waayo Beesha Noqota Guddoomiye waxay waayeysaa Ra’iisul-Wasaare ama Madaxweyne "

  1. wadani says:

    aniga wxaan qabaa isjiijitan dambe dooni mayno, iyo loolan udhaxeeyo qabaail, aniga Jawaari ayaa raba in uu noqda gudoomiyaha barlamanka, kadib madaxwaynaha iyo raysulwasaraha barlamanka utala cida ay dooranayaan…

  2. Ahmed says:

    Shekadan wey iska cadahay goormee siyaasadda somalia sidan xiiso iyo hami u lahayd Shekh Shariif hortii. Markan ka tagno xaasidnimadda iyo wax isku quurid laáanta, Shekh Shariif waa kii soo celiyay haykalkii Dowladnimo, nabaddii iyo kala dambayntii keliya isagoo xilka hayay 3 sanno, xageen xiliyaddan ku aragnay Madaxweyne saq dhexe lugaynaya ee kormeer ku jira, markaa maxaa diidaya in uu dhamaystiro howsha qabyadda ah ee uu bilowgeeda lahaa?

  3. Sheegoow says:

    ASC Amiin aad baan ku salamayaa walaal Qoraalkaadan wuxuu ahaa mid cajiib ah taabanaya Siyaasadda saxda ah ee hada Dalka ka jirto. Loo-lanka hada socda waa mid uu qiimeen kara cid walbo oo aqli eey wax ku qimeeyn karto leh. Anigu ka shacab ahaan Cidii somaliya u naxeeyso waxaa Dan ugu jirtaa cidii somlinimo ku jirto awood,Aqoon,Karti hufan u leh xilka eey qabaneyso ama Barlmaan, Madaxweynee, Ra’iisul wasaare. Somaliya hada waxeey Jeebka ugu jirtaa manaxa yaal aan aqoon dantooda wax aan Aheyn Allah yaana ka baryeeyna inaan gacantooda kuwaa ka baxno. Aniga fikir ahaan waxaan hilka siin Lahaa Sheikh Sharif oo aan ula jeedo wuxuu ahaa madaxweynihii ugu danbeeyay hoosha uu qabtana inta badan eey Postive aheed ogna meesha eey hada wax marayaan sababtoo ah somaliya aragti ahaanteeda wax dayacay waxeey aheed dowlado ku meel gaar ah oo is badbadalayo hadanee aanan ka tageeyn mid walbo raad raac iyo meel eey wax waday marka hadii Shariifka fursad la siin waayo waxaan u arkaa ineey tahay Dib u dhac cusub iyo somaliya oo arinkeeda hoos kasoo bilaabma koleytabo cidii maamul taqaan i fahmi karto . Alloow Dal-nabada iyo Dad-Cafimaad qaba iyo Dowlad cadilaa. Amiiin

  4. Dirshe says:

    Markaan cabiray qoraalkan ma ahan mid rabay inuu falanqeeyo runta ee wuxuu yahay mid lagu taageerayo mid ka mid ah musharaxyada waana taas mida ka lumisay jahada. Waqti badanse nama xige bal iska sug beri waxa ka dhaca fagaraaha baarlamanka ayaad indhahaad oo shan ku arki doontaa. Waqtigii la oran jiray Rahanweyn keliya ayaa ah gudoomiye baarlamaan waa dhamaaday!!!! Maadaama ciyaarta furan tahay waxaan rajeyn inaad kuligiin taageertaan cid walba oo ku adkaata tartankan haddii uu yahay xitaa ninka aad necebtahay!!! Dimoqraadiyada ayay ka mid tahay oo ay soomaalida barashadeedu aad ugu dhib badan tahay!!

  5. Egal says:

    Cali Khaliif raggii hantida qaran dhunsaday ma ku jiray, mise waa nadiif?

  6. abdi says:

    asc wr wb, dhamaan waad salaamantihiin intaa kadib, waxan doonayaa in aan waxa yar ka iraahdo ninka qoralkan qoray, waxan u malaynayaa in uu yahay nin saxafi ah hadakiisana waxan ka dhadhansanayey hadallo aan haboonayn, markan aqriyey qoraalkiisa waxan aad ula yaaby qoralkan soo sosocda uu ku yiri “wuxuuna u Xusul duubayaa in uu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya maadaama Cabdullaahi Yuusuf Axmed horey ugu sii Salaxay in Beesha Daarood u tartami karto Jagada Madaxweynaha”, waxan is weydiiyey xilka ma Hawiya un baa isu sharixi karo ayu ka wadaa qoraaga mise Cabdullahi Yussuf ka hor nin darood ah isma sharixin, waxan qoraaga u shegaya dib ugu noqo siyaasada somaliya markaad qoraal qoraysidna ka saar wax yaabaha xun ee uurkaaga ku jira.

  7. hamza says:

    Talada haddii aan rogrogay ,su,ashaasi jawabteeda kee baxaya ? Aan ku siiyo
    labaduba way na dhaafayaan insha allah oo iyaga ayey la rogmaysaa, waa
    haddii aan siyasada aan soo bartay in muddo ahna ku dhe jiray.An ku saxo
    marka hore Jawaari haduu helo waa aqoon yahan waayo arag ah,soo sameeyey dastuurkan Somalia,kasbaday dowlada badan ,tan madaxweynaha
    waxa ka soo baxaya nin aqoon yahan kale oo beesha caalamka iyo shacabkuba ay u riyaaqayaan sida ula soco.

  8. KKK RUNTI qoralkan wa midyable blse anigu shikh sharif inu gulastan jeclahay wayo waxad moda inu waxbadalilaha hadi sharifkan kale bada ugalo micnihi kaboxo siyasada gudomiyaha barlaman ku na helan darodku san maqlay cali khalif galar wuxu xukunka ku doni arsi iyo lolanu puntland kulajiro blse hadan nahay bulsho somaliyed rabtana nabad sanadkan dorashadan cusub iny nga dhalato doni mayno qofay iminkadan usan xilba qaban xasid nimo iyo arsi kujiro mhsd.