Home » Warar »

Guddiga Doorashada Xubnaha Baarlamaanka oo shaaciyey Lacagaha ay Bixinayaan Xubnaha u Taratamaya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku Xigeeenadiisa

Musharaxa Guddoomiyaha Barlamanka waxa uu bixinayaa $3000, Guddoomiye ku Xigeenka Koowaadna $2000, halka Musharaxa Guddoomiye ku Xigeenka Labaadna uu ka bixinayo $1000… Waxaana doorashadu dhici doontaa taalaadada Agoosto 28, 2012

iyadoo maalinimadii shalay Labada Duhurnimo ay ku eked Xilligii Qabashada Musharixiinta Guddoonka Balmaanka ayaa arrintaa dib u dhac ku yimid.

Afhayeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada Musharixiinta Guddoonka Barlamaanka Cusmaan Libaax oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay sababaha dib u dhaca ku keentay Xilligii ay u qabteen Musharixiinta in ay ku soo gudbiyaan Dukumintiyadooda.

Xildhibaan Libaax ayaa sheegey in arrintaasi ay keentay Musharixiinta qaarkood oo yar dib u dhacay ha yeeshee Habeenkii xalay ahaa ay gebi ahaanba soo afjareen arrintaa isla markaana Musharixiintii ay soo dhamaystireen Dukumintiyadii laga soo sugayay in ay soo dhamays tiraan.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay Shuruudaha looga baahan yahay Musharaxa in ay ka mid yihiin ugu horeynba inuu ka mid yahay Xildhibaanada Barlamaanka isla markaana sida uu qorayo Xeer Hoosaadka Barlamaanka uu iska bixiyo Lacagaha Khidmada ah ee Tartamuhu howshaa uga qayb qaadanayo.

Af hayeenka Guddiga qaban qaabada, Cismaan Libaax Ibraahim, oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay illaa iyo Iminka in Xilka Guddoomiyaha Barlamaanka ay isu soo tageen Lix Mushrax, halka Sagaal ay isu soo sharaxeen Guddoomiye ku xigeenka Kowaad, Seddax kalena Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

Ugu dambayntii ayuu afhayeenku sheegey in Guddoomiyaha Barlamanka Musharaxa isu soo taagaya uu bixinayo Saddax Kun oo Doolarka Maraykanka ah ($3000), Guddoomiye ku Xigeenka Koowaadna Laba Kun oo Doolar ($2000), halka Musharaxa Guddoomiye ku Xigeenka Labaadna uu ka bixinayo Lacag lagu sheegay Kun Doolar ($1000), arrimahaas oo uu ku sheegey in ay ahaayeen abidkood kuwo soo jireen ah.

Isku soo Duuboo Musharaxiinta Jagada Guddoomiyaha Barlamaanka isku soo sharaxaday ayaa waxaa ka mid ah Cali Khaliif Galayr. Maxamed Cusmaan Jawaari, Cabdi Xaashi iyo Cabdirisaaq Jurille iyo Xubno kale oo aan sidaa loo shaacin

Dhinaca kale iyadoo la filayay in Maalinimada Axadda oo ay Bishu ku beegan tahay 26ka Bisha Ogosto in ay dhacdo Doorashadii Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo ku Xigeenadiisa ayaa haddana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay dib u dhacday muddo Laba Maalmood ah.

Sababaha dib u dhaca ku keenay Doorashada ayaa waxaa Saxaafadda uga war bixiyay Afhayeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Barlamaanka Cusmaan Libaax.

Xildhibaan Libaax ayaa sheegey in kastoo hore uu u shaaciyay Guddoomiyaha Barlamaanka ku meel gaarka Soomaaliya in ay Doorashada Guddoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenadiisaba ay dhacayso Maalinta Axadda ah in haddana arrintaa ay wax iska bedeleen, Doorashadna ay si rasmi ah u dhici doonto Maalinimada Salaasada ah ee ay Bishani tahay 28ka.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddiga Doorashada Xubnaha Baarlamaanka oo shaaciyey Lacagaha ay Bixinayaan Xubnaha u Taratamaya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku Xigeeenadiisa "

  1. garaad yusuf says:

    asc waa wax wanaagsan in wadan ku yeesho gudoon baar lamaan waana soo dhawaynaynaa mida kale somaliyeey doorta brof jawari si uu meesha udhaafo shariif sakiin oo ah nin caadaystay dhaca iyo boob ka hantida qaranka loogu deeqo waxuu yaqaano oo qayaano qaran ahayna majirto ee kafogaada sakiin laqahaas ilaah haqabtee w/w/w