Home » Warar »

Baaq iyo talooyin ku socda Bulshada soomaaliyeed Gaar ahaan Ergada ansixinta dastuurka

iyo dastuurka oo loo codaynayo laba maalmood gudahood: Qoraal ka soo baxay xukuumadda KMG, kuna qoran afka Ingriisiga, ayaa lagu qeexay in laba maalmood gudahood loo codayn doono dastuurka cusub. Waxa kale oo warsaxaafadeedka oo soo baxay July 30, 2012 uu tibaaxay in madasha shirka uu tegey xubin ka socda dawladda Norway. (Qoraalkaas ka akhri halkan – ENGLISH) – Ref: XRW/OM/PR 00224/07/12

  • (July 30, 2012) – “Today, the Norwegian representative to Somalia Jann-Peter Holtedahl addressed the plenary session, extending his country’s good wishes and highlighting the historic nature of this assembly” – Source: Office of TFG PM.

Dhanka kale, Bayaan (July 29, 2012) ka soo baxay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku saabsan Dastuurka Cusub ayaa soo jeediyey talooyin ay kamid yihiin: in la saxo qodobada sida tooska ah uga hor imaanaya diinta, in la saxo qodobada halista ku ah jiritaanka ummadeed ee soomaaliya (sida qodobka muranka gelinaya dhulka jamhuuriyadda soomaaliya), in erayga ah ( wixii aan shareecada ka horimaanayn) lagu dabro dhammaan qodobada keeni kara in la waayo midnimada diineem iyo dhaqameed ee dadkeena iyo qodoba kale oo hoos ku qoran.

بسم الله الرحمن الرحيم

Baaq iyo talooyin ku socda Bulshada soomaaliyeed Gaar ahaan Ergada ansixinta dastuurka
الحمد لله ، والصلاة والسلام على رسول الله ، وبعد؛
Hay’adda culimada soomaaliyeed ayadoo gudanaysa xilka ka saaran ilaalinta diinta dalka iyo dadka ,uana naseexaynaysa ummadda soomaaliyeed guud ahaan, si gaar ahna ergada ansixinta dastuurka,waxay soo saaraysaa :

WARBIXIN

1-hay’adda culimada soomaaliyeed iyo in badan oo ka mid ah qaybaha bulashada oo ay u dambeeyeen oday dhaqameedka soomaaliyeed, ayaa isku dayay in ay talo ku yeeshaan dastuurka, maadaama uu yahay arin khuseeya ummadda,laakiin laguma guulaysan.

2-qabyo qoraalka dastuurku wuxuu isku badalay agreement ama heshiis ka dhaxeeya dhowrka qof oo saxiixday,sidii midkii kampaala,,waana waxa diiday in loo furo ra’yiga qaybaha muhim ka ah ee bulshada.

3-waxaa la yaab ah in xitaa ergada ka kooban 825 aysan waxba ka badali Karin qabyo qoraalka,waxa laga rabaana ay tahay in ay gacanta u taagaan oo kaliya.

4-waxaa kaloo taas kasii daran in haddii xitaa ergado aysan ansixin,uu soconayo oo lagu dhaqmayo,sida ku cad faqrada 5aad qodobka 7aad ee barotokoolka golaha ansixinta dastuurka,oo lagu soo saxiixay Nayroobi 22/Juun/2012.

5-waxaa halkaas ku cad in dastuurkaan lala ordayo layskuna khasbayo ayadoo lagu sababaynayo si looga baxo ku-meel-gaarka,waxaase su’aal ah: dastuur ku meel gaar ah iyo barlamaan ku meel gaar ah ma kasoo bixi kartaa dowlad aan ku meel gaar ahayn.

6-hay’addu waxay u kuur galaysay daraasadna ku samaysay dhammaan nuquladii qabyo qoraalka dastuurka ee kala duwanaa,dhammaantoodna waxay ka midaysan yihiin qodobada diinta iyo danta ummadda lidka ku ah ama hagar daamaynaya,haba ugu darnaadee midka nayroobi,ayadoo aan dheg jalaq loo siin talooyinkii iyo cabashadii ka soo yeeraysay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan culumada iyo odayaasha,taas oo macnaheedu yahay in ay jiraan dad ilaashana qodobadaas lana mari la’yahay,kuwaas oo ciriir ku haya sadkii ay diinta islaamku ku lahayd soomaaliya,waxaan leenahay: ummadda soomaaliya way ogoshahay awood qaybsi dhexdeeda ah,laakiin ma ogola diin qaybsi.

TALOOYIN

7-hay’addu hadda ka hor ayay ka soo saartay bayaano daldaloolada ku jira qabyo qoraalka, waxayna halkaan ku tilmaamaysaa qodobada ugu muhimsan:

1-in la saxo qodobada sida tooska ah uga hor imaanaya diinta: sida ;qabashada dumarka dhammaan jagooyinka, gudniinka gabdhaha oo aan fircowniga ahayn oo la ceebeeyay lana reebay,erayga caruur oo lagu qeexay wixii ka yar 18 sano, xoriyadda diinta oo aan xadkeedu caddayn.loona baahan yahay in lasoo cesho faqradii ahayd: Qofka Muslimka ahi kama bixi karo diintiisa.

2-in la saxo qodobada halista ku ah jiritaanka ummadeed ee soomaaliya,sida midka ka saaraya af carabiga in uu ka mid noqdo afafka rasmiga ah ee dalka soomaaliya, iyo qodobka muranka gelinaya dhulka jamhuuriyadda soomaaliya.

3-in erayga ah ( wixii aan shareecada ka horimaanayn) lagu dabro dhammaan qodobada keeni kara in la waayo midnimada diineem iyo dhaqameed ee dadkeena,sida qodobada habka furan uga hadlaya xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyaadka ama marjica ka dhigaya xeerarka caalamiga ah.

4-si loo ilaaliyo anshaxa wanaagsan,waa in horumarinta iyo ilaalinta hiddaha, dhaqanka, fanka iyo suugaanta lagu ekeeyaa nooca suuban oo waafaqsan diinteena.

5- in shuruudaha xil qabashada dhammaantood la waafajiyaa diinta laguna daro weedhaan: waa in uu yahay qof muslim ah,gutana waajibaatka diiniga ah,lehna anshax wanaagsan,

6- si loo hirgaliyo go’aankii ku dhaqanka shareecada,loona hubiyo isla jaanqaadka qawaaniinta iyo shareecada waa in:

1- qaybaha garsoorka,gaar ahaan ,maxkamadda dastuurka, xubnahoodu noqdaan ku-xeel-dheere yaal qaanuunka iyo shareecada islaamka.

2-waa in la sameeyo Gole Qaran oo u xil saaran hirgelinta shareecada islaamka

7- waa in lagu daraa qodobada aan la badali Karin,qodobka 2aad oo ka hadlaya dowladda iyo diinta.

BAAQ

Hay’adda culimada soomaaliyeed iyo wax garadka ummaddu in badan ayay isku dayeen in la saxo qabyo qoraalka si uu u ahaado mid ka tarjumaya himilooyinka ummadnimo ee shacabkeena , horayna loogu socdo oo marxaladdaan adag laga baxo,laakiin dhagaha ayaa laga furaystay.

Sidaas darteed,hay’adda culimadu waxay ugu baaqaysaa:

kow-ergada ansixinta dastuurka:

1-in ay ilaahay kaga baqaan xilka saaran, ummaddana uga run sheegaan waxa loo idmaday,iskana ilaaliyaan shahaadatu suurka.

2-in ay hubiyaan kaalinta ay ku leeyihiin ansixinta.si ay u ilaashadaan sumcaddooda.waa in aad wax bedali kartaan ama aad bannaankiina martaan,oo aad diintiina iyo aakhiradiina ilaashataan.

3-in aysan ansixin dastuurkaan ilaa laga saxayo, gaar ahaan dhanka diinta,lana hubinayo.

Labo-saxiixayaasha:

1-in ay ilaahay ka baqaan oo aysan ummaddooda ka xayoobin xaqa ay u leedahay aayo ka talinteeda.

2-in aysan isi saarin culays aysan qaadi Karin xaqna u lahayn,waxaana ku haboon in ay wax garadka ummada siiyaan fursad dhab ah oo ay kula wadaagaan xilka iyo masuuliyadaha ka dhalanaya arimaha dastuurka.

Saddex:beesha caalamka:

1-waxaan xasuusinaynaa in shacabka soomaaliyeed xaq u leeyahay-sida shucuubtooda oo kale-in uu ka taliyo mustaqbalkiisa.

2-in nabadda iyo deganaanshaha aan lagu gaarayn afduub iyo amar ku taaglayn.

وبالله التوفيق

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Guddiga Fulinta Hay’adda culimada Soomaaliyeed

Muqdisho-Soomaaliya

Tel: +252- 2- 4319161 / +252 -699- 423000 E-mail: hayadaculumada@gmail.com Mogadishu – Somalia

### Dhammaad


AKHRI: Bayaankii Shirkii Gudiga Musaalaxada Culimada ku oo soo Gabagaboobay Muqdisho (Feb 2009)

2009: Dawladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya waxay noqoneysaa Cilmaani (Secular), Sidaas waxaa wakiilka AU u “xaqiijiyey” Sheikh Shariif Sh. Axmed…. Akhri (VOA) – The African Union special envoy to Somalia said Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has assured him the national unity government now being formed will be secular… AU Envoy Says Somalia’s National Unity Government to Be Secular.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.