Home » Warar »

Prof Axmed Ismaaciil oo Xisbiga Hiil Qaran u Sharaxay ka Qaygalka Tartanka Doorasho Madaxweyne ee Soomaaliya

Prof Ibraahim Macalin Mursal oo sheegey in Haddii Axmed Ismaaciil uu ku guulleysto Tartanka Doorashada uu Mashaarkiisu Noqon Doono Hal Doolar Bishii

Prof Axmed Ismaaciil Samatar”Halayaabina Mushaarkeyga Halkaan uma imaan in aan lacag Gurto, in igu filan Ilaah waa I siiyey

Marwo Xamdi “ Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxaan Filayaa in haddii loo doorto Xilka in uu xiriirin doono Xerada Madaxtooyada iyo Xeradda Ariga”

Xaflad si heer sare ah oo loo soo agaasimey uuna soo qaban qaabiyey Xisbiga Hiil Qaran ayaa ka dhacdey Hotel Naaso Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho waxaana ka soo qaybgaley Xubnaha ka tirsan Hiil Qaran Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano , Haween iyo Dhalinyaro waxayna Xaflasaas ku saabsaneyd ku dhawaaqida Musharaxa Xisbiga Hiil Qaran ee Tartanka Doorashada Madaweynaha Soomaaliya , waxaana ay Xisbiga u sharaxeen Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Halkan ka daawo Sawirada….

Ugu Horeyn waxaa halkaa Warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Hiil Qaran Prof Ibraahim Macalin Mursal oo isugu ku dheeraadey qaabkii loo aas aasey Xisbiga Hiil Qaran iyo Waxaa uu Higsanyo Mustaqablka , wxuu kaloo uu sheegey in Xisbiga Hiil Qaran uu yahay Xisbi doonaya in uu samatabixiyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Ibraahim waxaa uu sheegey in kal fadhiyo badan oo ay yesheen Xubnaha Hiil Qaran ay bishii Abriil ee Sannadkaan Axmed Ismaaciil U doorteen Gudoomiyaha Siyaasada Xisbiga Hiil Qaran ka dib markii uu Xisbiga u arkey nin ka bixi kara Howshaas Culus ,

“Maanta oo ay bishu tahay 9 Luulyo 2012 Xisbiga Hiil Qaran waxaa ku dhawaaqey Mushraxa u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya waxaana uu u soo xuley in uu Tartankaas Xisbiga uga qaybgalo Axmed Ismaaciil oo aan filayo in uu yahay shaqsi karti u leh In uu qabto Hogaanka Dalka”ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiiga Hiil Qaran Prof Ibraahim Macalin Mursal oo halkaa kaga dhawaaqey Mushaarka uu qaadanayo Haddii uu Axmed Ismaaciil Samatar uu ku guuleysto Madaxweyninimada Soomaaliya oo ah Hal Doolar Bishii Sannadkii waa 12 Doolar taasoo ay si aad ah ula yaabeen dadkii ka qaybgaley Munaasabadaas.

Xamdi Cabdulaahi Axmed oo ka mid Xisbiga Hiil Degena Cariga Mareykanka ayaa iyana ku dheeraatey Taariikhdii Prof Axmed Ismaaciil Samater laga soo bilaabo Yaraantiisii ee uu ku sugnaa Magaalada Gibiley ilaal Cariga Mareykanka waxay sheegtey in Prof Axmed Ismaaciil oo yahay shaqsi haddii loo doorto Xilka Madaxtinimada Soomaaliya uu Xiriirin Doono Xerada Madaxtooyada Ilaa Xerada Ariga.

Prof Axmed Ismaaciil Samater oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweyninimada Soomaaliya oo isna Goobta ka Hadley ayaa sheegey In haddii loo doorto Xilkaas uu ka shaqeyn doono Sagaal arrimood oo kala ah Nabadgelyada, Dib u Heshiisiinta , Kobcinta Dhaqaalaha iyo Shaqo Abuuris, Dib u dejin,Hagaajinta Deegaanka, Caafimaadka, Wabarashada, Xiriirka Caalamka iyo Safaaradaha, Machad Cilmi Baariseed oo ay ku jiraan Aqoonyahano iyo Culama’udiin

Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxaa uu sheegey in qofka Qabanayo Hagaan Wadan waxaa Muhiim ah in uu ku yimaado Si Xalaal ah , kuna shaqeynayo si Cadaaladah iyo in uu Karti u leeyahay Xilka loo dhiibayo oo uu aqoontiisa leeyahay , isagoo markii ka hadayey Mushaarka loo Qoondeeyey ee Halka Doolar waxaa uu yiri Prof Axmed Ismaaciil Samatar “ Halkaan uma imaan in aan lacag Gurto, in igu filan Ilaah waa I siiyey inta Cimrigeyga dhiman in aan Dadkeyga iyo Dalkeyga uga faaiideeyo Aqoonteyda” isagoo sheegey in marka loo dooro Xilka uu ka shaqeyn doono sidii uu wadahadal ula geli lahaa Soomaaliland oo uu sheegey in uu ka soo jeedo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Prof Axmed Ismaaciil oo Xisbiga Hiil Qaran u Sharaxay ka Qaygalka Tartanka Doorasho Madaxweyne ee Soomaaliya "

  1. Adam says:

    Haddii la doorto Xusbiga Hiil Qaran oo ku Huysan Aqoon waxaa dhamaan doona wakhtigii dullaaliinta , ugu yaraan waxaan noqonaynaa Qaran ay dunidu hadalkiisa maqasho

    Axmed waa Macalin ee ma ahan oo kaliya aqoon yahan wuxuu sanad kasta soo saaraa boqolaal Aqoon yahan , cid kaga haboon iima muuqato ee ilaahoow naga qabo qawlaysatada

  2. AAD AYAAN U TAAGEERAYAA MUSHARAXA AXMED ISMAACIIL SAMATAR WAA WADANI WAA MUTACALIM ISAGA AYAA KA MIDA KUWA MUDAN HOGGAAMIYAHA QARANKA

  3. Cabdul says:

    Asc. Waxay ila tahay in haddii la doorto Prof. Axmed I Samatar, ugu yaraan ololahan siyaasadeed wax ka mid ah uu fulin lahaa, laakiin nasiib darro dadka la filayo uma malaynayo inay noqon doonaan dad garan kara horumarka ummada iyo cidda ku hoggaamin karta horumarkaas. Illaahay Soomaali hawga gargaaro 4.5. Amiin.

  4. prof: Axmed Ismaciil samatar waa aqoonyahan u qalma in uu dalka hogaamiyo , waa nin huwan dareen qarannimo.
    ilaa hada waa musharax kowaad ee soo bandhigay qorshaha siyaasadeed ee uu doonayo in uu dalka ku hogaamiyo haduu tartanka kusoo baxo .
    waana aqoonyahan baal nadiifa kuleh bulshada dhexdeeda .
    dadka iyo dalkubu maanta baahi weyn bay uqabaan ee allaw noo door.
    amiin amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin allahayaw
    runti waan ku kalsoonahay in uu san cuno doon aheyn waana nin dhexdhexaad ah oo xiligaan lajoogo ku haboon.