Home » Faallo »

Cabdiraxamaan Cabdishakuuur oo faahfaahina waxaa u ahaa Heshiiskii Isfaham ee dhexmarey Somaaliya iyo Kenya

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur “ Isafgaradku Ma sax buu ahaa Mise khalad waa arrin aan u dhaafayno khubarada Sharciga iyo dadka ku Xeeldheer Sharciga Badaha. Hadiise uu khalad ahaa Waxaan Diyaar u ahay…”

Cabdiraxamaan Cabdishakuuur oo faahfaahina waxaa u ahaa Heshiiskii Isfaham ee dhexmarey Somaaliya iyo Kenya

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa soo saarey War Saxaafadeed uu kaga hadlayo Heshii skii isfaham ee Badda Soomaaliya ku saxiixey Xili uu ka mid ahaa  Xukuumaddii Cumar Cabdirshiid wuxuuna War saxaafadeedkaas u Qornaa sidatan:

Waxaan maanta doonayaa in aan si hufnaan leh idinla wadaago war soo noqnoqday oo si khaldan loo macneeyey ama loo baahiyey. Waxaan uga dan leeyahay qoraalkan in aan anigu is macneeyo intii cid kale i macnayn lahayd Waxaan maanta doonayaa in aan qoraalkan ku cadeeyo Isfaham aan magaca Xukuumadda KMG ah ku saxiixay xilligii aan ka tirsanaa. Isfahamkaas wuxuu la xariiray Continental Shelves. Waxaa halkaan ku soo gudbiyaa sida ay wax u dhaceen iyo wixii dhacay.

Sideey wax u dhaceen

Waxay ahayd 06 dii bishii April 2009 markii Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya u fariistay inuu ka doodo Mashruucan oo uu soo jeediyey Wasiirkii Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee xilligaas Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi. Wuxuu Goluhu warbixin ka dhegeystay Khubaro ka socota Qaramada Midoobay iyo Dawladda Norway. Goluhu markii uu dhagaystay khubaradii wuxuu go’aan ku gaaray in la saxiixo Isfahamka, waxayna u gudbiyeen Madaxweynaha oo wafdigii qaabilay, ogoladaayna in is Afgaradka la saxiixo. Waxaa xusid mudan in xubnaha Golaha Wasiirrada ay dhammaantood wada noolaayeen xiligaas, waxayna ahayd ka hor intii uusan dhicin Qaraxii Shaamow iyo Dilkii Cumar Xaashiba ka hor. Ma hubo in dhamaan 39ka xubnood oo Golaha Wasiirrada ay fadhigaas wada joogeen sababtoo ah aniga ruuxayga ma joogin fadhigaas oo waxaan ku sugnaa Nairobi anigoo ka imid markaa wadanka Botswana oo aan shir kaga qaybgalay.

Markii Golihii Wasiirradu go’aanka gaareen Madaxweynihiina uu ku raacay ayaa Ra’iisu wasaarahii waqtigaa Cumar C/rashiid ila soo hadlay oo uu iga codsaday in aan isfahamka saxiixo, wuxuu kaloo ii sheegay in ay jirto muddo lama dhaafaan ah (deadline) oo 07.04.2009 la dhaafi karin oo ay suurtogal tahay in Soomaaliya ay seegto Continental Shelves-ka haddii aan isfaham jirin, kadibna wuxuu ii sharraxay siday wax u dhaceen. Waxaan waydiiyey haddii uu khubaro sharci yaqaan ah arrinka kala tashaday, wuxuu ii sheegay in nin Garyaqaan Soomaali ah, Garsoorana ka ah Maxkamada Caalamiga ah ee Huge lana yiraahdo C/Qawi Yuusuf uu kala tashaday isafgaradka, taladiisiina ay ahayd in aysan waxba ka khaldanayn. Waxaan ka codsaday Ra’iisu Wasaaraha inuu qoraal ka soo dhigo farriintan ama hawsha uu iga dalbayo inaan xukuumadda u qabto kaasoo halkan ku lifaaqan.

Warqaddii Cumar C/rashiid u qaray C/raxmaan C/shakuur

Kuma ekaan halkaas waxaan Taleefon kula hadlay Madaxweyne Shariif oo aan waydiiyey sida wax yihiin wuxuu ii sheegay inuu wafdiga qaabilay kuna qancay in Isafgaradka la saxiixo. Qaar ka mid ah Wasiiradii oo aan la soo hadlay waxay ii sheegeen in ay ku qanceen sida wax u dhaceen. Markii aan waxaasoo dhan xaqiiqsaday ayaan saxiixay Isfahamka anigoo u wakiil ah Xukuumadda. Markii aan Saxiixayna waxaa la horgeeyey Baarlamaanka oo diiday Isafgaradkii.

Maxaa dhacay

Waxa aan saxiixay waa Isfaham ee ma ahayn Heshiis, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in heshiis uu u baahan yahay Dawlad Soomaaliyeed oo buuxda oo awood sharci iyo karti ay dalka ku difaacdo leh. Tan kale Isafgaradka aan saxiixay wuxuu ka hadlayey Continental Shelves ee kama hadlaynin Sumadayn Xuduud inaga iyo Kenya innaga dhaxaysa oo taas waxaa ka hadli kara Dawlad rasmi ah oo shacabka ogolaansho buuxda ka haysata, Dawlad ku mee lgaar ahna awood uma laha in ay arrin xuduud ka hadasho. Waxaan ku noqnoqday dhowrjeer oo aan aqriyey intii aanan saxiixin. Waxaan ku takhasusay sharciga inkastoo aanan takhasus u lahayn sharciga Badaha (Maritime Law), haatanna waxaan hubaa in aanan saxiixin wax xuduud Badeed ka hadlaya ama aan u arkayey inuu ku jiro khalad ay ka ilduufeen madaxdii kale ee aan kasoo hadlay mawqifkooda iyo wadahadalkii na dhex maray.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Walaalahayga sharafta leh,

Waxaan idiin xaqiijinayaa in aan daqiiqad ku talagelin in aan wax Dalkayga iyo Dadkayga wax u dhimaya aan qayb ka noqdo, waxaana taas ka marqaati ah taariikhdayda. Waxaan sameeyey dadaal intii macquul ah in aan hubiyo waxa aan saxiixayo, waxaan la tashaday dad badan, waxaana markasta qirsanahay in aan bani’aadam ahay oo aan qaldami karo, xukuumaduna khaldami karto Baarlamaanka waxa loo sameeyey ay tahay inuu hubiyo go’aanada iyo tallaabooyinka xukuumada ay qaadayso, oo uu saxo wixii khalad ula muuqada, shacabka Soomaaliyeedna ay dalkooda iyo diintooda u taagan yihiin, oo ay diidi karaan wixii khaldan ama khalad u arkaan, laakiin waxaan hubaa inaanan aniguna u gelin siyaasadda wax dalkayga iyo dalkayga wax u dhimayo inaan u bareero, ismana lihi in xukuumaddii oo idil ay sidaa u bareeraysay.

Isafgaradku ma sax buu ahaa mise khalad waa arrin aan u dhaafayno khubarada sharciga iyo dadka ku xeeldheer sharciga Badaha. Hadiise uu khalad ahaa waxaan diyaar u ahay in aan mas’uuliyada wax ka qaato waxaase mas’uuliyaddaas ila wadaaga Golaha Wasiirada ee Xukuumadii xilligaas jirtay iyo Madaxweynaha intaba, ma ahan mid aniga igu gaar ah sababtoo ah wuxuu ahaa go’aan si wadajir ah loo qaatay.

Arrintaasna Goobo badan oo uu Ra’iisul wasaarihii iyo qaar ka mid wasiirrada fadhiyaan ayaan ka sheegay sida kulankii London Jaaliyadda noogu qabteen .

Laakiin, waxaa meesh ku jirin dacaayadda, been abuurka iyo sumcad dhaawicid. Sideedaba been abuurku waa Taariikh soo jireen ah oo lagu dhaawaco magaca iyo sumcada dadka bulshada maqaamka iyo miisaanka ku dhex leh. Waxaa Tusaale idinku filan in Nabiga (SCW) iyo Qoyskiisa Allaha ka raali noqdee lagula kacay been abuur oo dad fitno soo abaabuleen. Dacaayadaas oo shaki weyn iyo muran xoog leh Saxaabadii dhexgelisay ilaa Ilaaheey Quraan kasoo dejiyey. Waxaa been abuur kaas la mid lagula kacay Nabi Yuusuf (CS) oo shirqool loo maleegay iyo masabidasho.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Walaalayaal.

Haddaba haddii aan sharraxaad ka bixiyey sidii wax u dhaceen iyo wixii dhacay waxaan filayaa in aad garawshiyo ka bixisaan. Waxaan ogohay in ay jiraan dad daacad ah oo si khalad ah wax loogu sheegay Qasadka fariintaydu waa in xaqiiqada si hufnaan ku jirto ula wadaago been fariinka laga sameeyey arrinka iyo dadka badan ee si xun wax loogu sheegay.

Waxaan u mahadcelinayaa inta si sax ah arrinta u qeexday iyagoo ka duulaya xogta iyo aqoonta ay arrinta u leeyihiin oo qura ama ay u wehliso aqoonta ay u leeyihiin shakhsiyadayda, waxaana ka codsanayaa in ay sii wadaan. Waxaa kaloo cafis iga ah intii iyagoon wax hubsan ama si khalad ah wax loogu sheegay talaxtag sameeyey. Waxaan ku kalsoonahay sooyaalkayga Taariikheed iyo qiimaynta intii aan shaqo, waxbarasho, deegaan, iyo siyaabo kale ee nololeed isugu nimid. Ma doonayo in aan ku dheeraado arrinkan waxaanse uga gol lahaa in aan iftiimiyo mugdiga ku jira arrinkan, waxaana Ilaaheey ka rajaynayaa inuu Quluubteena isku soo dhoweeyo, cafiskiisa iyo naxariistiisana ina huwiyo, kuwii wax hubsada inta aysan wax xukmina naga dhigo.

Waxaa qoray C/raxmaan C/shakuur Warsame
oo lagala xiriiri karo
Tel: +25269900851 +252618525933
Email: cabdirahman@hotmail.com

###

  Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Dowladda KMG ee Soomaaliya oo si kulul uga soo horjeestay Heshiiskii ay Kenya la Gashay Shirkadaha Talyaaniga iyo Faransiiska ee shidaal sahamin

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

37 Jawaabood " Cabdiraxamaan Cabdishakuuur oo faahfaahina waxaa u ahaa Heshiiskii Isfaham ee dhexmarey Somaaliya iyo Kenya "

  1. cabdikadir says:

    salan kadib walalkay abdirahman inuu alle u towbad keeno ayaa u wanagsan dadkana ka hor qirto danbiga uu galay,waxaa la yaab leh inuu hada madaxwayne u taganahay,
    waxan la kulmay nin ka mid ahaa ragii ilaalada dowlada kenya ka socaday oo goobjoog ka ahaa meesha saxiixa ka dhacay waxauu ii xaqiijiayay in madaxda somaliya ka socatay ay qaateen lacag aad u yar markay saxiiceen ka dib heshiiska,:
    marka walalaky ha qirto danbiga ataas ayaa uga wanaagsan inuu is difaaco
    wabilaahi towfiiq

  2. mohamed says:

    waa nasiib daro in ummada masiirkeeda ay ka taliyaan shaqsiyaad saxiixaya documents uu kala garan waayayo sharcinimadiisa iyo xaaraan ahaanshihiisa, ninkan anigu ma garanayee aqoonta iyo waayo aragnimada uu sheganayo waxa ka run ah, wasiir aan advisors lahayn oo aan government establishement hagayn aqoon iyo waayo aragna ahayn , bad iska daaye dhul iyo dad waa iibsanayaa, somalia sold for a sink.

  3. maxamuud says:

    aduunka nin nooli wax walba waa arkaa ninkan hadda wuxuu umadda soomaaliyeed u ka dhaadhicinayaa denbi maan gelin isfahan baan saxiixay ee heshiis ma gelin , marka lais fahmo ayaa wax lasaxiixaa …walaahay waa wadan baylaha mar hadii ay kanoo kale wax u dirsadeen ilaahoow na astur

  4. MAR I DAGE ALLE HA DAGO LABO GOOR I DAGANA ANAA IS DAGAY

    ikhyaareey qofka muslimka ah laba god lagama wada qaniino,
    qoraalkani waa mid damqaya boogihii iyo na´baradii shalay ina gaaray
    ninkii shalay la marsaday ,,berina in la mariyaa, waa sahalo
    walaalayaal yaan la is xaman ee ha la xisaabtamo, c/shakuur waa ninkii shalay iclaamka caalamka oo dhan isla soo taagay waxba fahmi maysaan

    Maanta waa u nasiib darro qoraalkani…waayo dadkii uu shalay ´wax ma garatada ku sheegayey ee iyaguna dalkooda iyo badooda af iyo adin ba ku difaacayey ayuu maanta taageero ka madaxweynenimo ka rabaa…..cakuye hunguiyoow talo xume…..

  5. carabey xasan says:

    sallaan kadib horta waxaan aqriyay qoraalka abdirahman cabdi shakuur muddo saddax cesho kabadan ayaan maalin kasta aqriyay oo aan ku laalaabtay waxa iso baxday abdirahman inu saxiixa uu bixiyay inu sax aha iyo inkale inu wali kala ogayn oo uu rabo inu u dhafo sharci yaqaan badda ku taqusasay ,balse haddii qalad ay ahayd uu rabo inu dhankiisa ka qaato mas’uuliyadda qaladkaas ,balse waa layla waddaaga qaladka macno ma samaynayso ,lakin waxan waydiin lahaa abdirahmaan wallaallow haddii aadanba xita illa hadda aadan kala ogayn inay qalad ahayd ,iyado aad ogtahay kenya marka ay arinka badda ka hadlayso inay cuskanayso qoraalkan isfahamka aha ee aad saxiixday ,maxaad u sugi waysay sharci yaqaan badda ku taqusasay maxa ku dadajiyay sow ma masuul qaran ma ahayn ? dabcan timir lafba ku jirta .
    maxaad isu casili waysay marki aad aragtay culayska qaladka aad gashay intu gaarsiisan yahay ,intaan xilka laga qaadin ,
    hadda oo aad musharax tahay qoraalkan aad shacaka somali uso dirtay bal adigaba qiyaase maxu macno samaynayaa.waa laygula jira qaladka af ma ahane .
    waxaan ka codsan lahaa waxaad ahayd masuul qaran oo hayo xog fara badan oo siyaasadeed iyo heshiisyo caalami ah wallaallow ma noo kashafi karta waxi aad caddayn u hayso oo hagardaamo ah iyo sida beesha caalamka loola hadlo ama idiinla hadlaan ama heshiisyadda ka hor haddii ay jiraan qarash lakala qaato iyo sida loo kala qaato ama meelaha lagu kulmo haddii ay jirto hanjabaad cida laysku cabsi galiyo ,haddi intas wax xog ah aad ka haysto haddii aad rabto ku jir fadhi ka mid ah fadhiyadaas ama qolo kale haddi aad ino qarxiso waxaad noqon lahayd geesi wadani ah walibana mudan in taallo loo dhiso mustaqbalka siyaasiyiinta somali ee ka danbaysana waxay u naqan lahayd waano iyo hogo_tusaalayn.iyo geesi ay ku daysadaan.
    waa mahadsan tahay wallaallkey abdirahman abdi shakuur warsame.

  6. Ifraax says:

    Runtii hadalka c/raxmaan wuu cadyahay, waxaase dhici karta in dad qaar aysan si fiican u aqariyin amaba aysan fahmin, waraaqda uu qoray raisul wasaarihii hore cumar c/rashiid waxaa ku qoran anigoo cumar c/rashiid ah ayaa amray in heshiiskaa la saxiixo taasina waxaa ay heshiiska ka dhigeysaa inuu ahaa wax dowladdu wada ogtahay sida wasiirku cadeeyey. qofkii c/shakuur arrimo kale ku heysta ha u qabsado, arrinka badda laakiin meel cad ayuu iska saaray aniga aragtideyda.

  7. ahmed kilwe says:

    bismillahitiinkaa
    marka hore waan salaamayaa wasiirkii hore c/raxmaan cabdi shakuur waxaanan leeyahay waad mahadsantahay iftiinkaa noo saartay arrinkan ummadda soomaaliyeed ku noqdey dhaulgariirka.
    marka labaad waxaan rabaa inaan ku weydiiyo dhowr su,aalood oo ku saabsan barnaamijkaan:
    1.Haddii uu ahaa isfahan oo kaliya ee uusan ahayn heshiis isla markaana aykula ogaayeen golaha fulinta xukuumadda maxaad hadda ka hor usheegi weydey inay howshaan hor boodayaan madaxweynuhu iyo ra,iisul wasaarruhu iyo waliba wasiiradda qayb ka mid ah oo uu ugu horreeyo prof.ibbi?
    2.ummada soomaaliyeed waxay rumaysantahay inuu kow ka ahaa isfahankaan(waa saad hadalka udhigtaye) gudoomiyaha barlamaanka shariif xasan taas maxaad nooga shegi karta adiga ogaalkaaga?
    3.walal adoo iga raalliya waxaad naga jaahil bixisaa inaad barnaamijkaan si gaara dhaqaala ugu qaadateen iyo inkale waatan annaga dhagaha naloo ku ridey inuu saxiixaan ku fadhiyay hanti fara badan, waa halkii sayid maxamed kalahaa(duunyaa la dhaafsadey dugsigaa galayseen).
    gabagabadii waxaan leeyahay haddii aadan wax danbiya kulahayn ilaahay annagana hannacafiyo adna ajar hakaasiiyo haddii kalana ilaahay hakuu danbi dhaafo waa xaalad halisee.
    mahadsanid walaalkay c/raxmaan

  8. Falaadhi gilgilasho kaagama hadho.

    C. Cabdishakuur warkiisu wuxuu lamid yahay Dhurwaa naftiisana udaran laf duleed taalana udaran. Wixii uu sameeyay waxa uu hadda wado ayaaba kadaran. Wuxuuba lasoo shirtagay waa laygu shubtay iyo waa layga siixday. Xadhigii lagu xidhi lahaa xusuladuu kusitaa. Ileen hadal aa iyo idaa mayidhaah. Allahayoow af laba daan leh baan hadalka daynayne hadalkii daleed laga dhahaa waa daleed madhane. Waxaabad moodaa marka uu ustaadku warqadan qorayay inuu yaraha dheelalowsanaa. War Soomaaliyeey wax fahmi oo muslimka laba god lagama wada qaniinee nin mar idin dagay mar labaad yuusan idin dagin ee dad soo jeeda oo ninkii khalad gala khaladkiisa kula xisaabtama noqda.

    C.Cabdishakuur waxaa looga fadhiyaa oo kaliya inuu xaqiiqada qaabilo oo waxa arintan kuxabaaray iyo waxa ay kubasheen sheego. Inuu allah cafis waydiisto kadibna umada Soomaaliyeed, ugu dambayna dantiisa raacdo.
    wsc wr

  9. Sayyid says:

    Salaan kadib, C/raxmaan C/shakuur inta uusan isa soo sharxin waa in la horgeeyaa maxkamad cadaalad ah, maxaayeelay wuxuu saxiisay Arin aad u culus xasaasiana u ah, Shacabka soomaaliyeedna SOMALITALK ayaa qareen ugu filan maxaayeelay iyagaa haya Cadeymo ku filan oo arinta badda aad ugu dhuun daloolay

  10. Abdullahi says:

    Alleylehe anigu kolleytaba waan ka qancay, C/raxmaanna waxaan weydiisanayaa inuu i cafiyo haddii uu qoraalkeyga aqriyo sababtoo ah waxaan ka mid ahaa intii iyagoon wax hubsan ku fududaatay wax ka sheeggiisa. walaal iska key cafi.
    dadka weli aan ku qanci marqaatiga c/raxman waxaan dhihi lahaa horta alle ka baqa qoraalkana si fiican u aqriya ka dibna maskaxdiinnoo degan wax ka dhaha. tan kale nin kani sidii wax u dheceen ayuu shacabka u soo bandhigay ee cidna axsaan ma weydiisane ogaada.
    wabillaahi towfiiq.

  11. Cali Yare says:

    Here in the West, if a politician commits a political suicide, his political career dies. He/She gets out of the business of politics. At least one Somali guy understands this and that is Huseen Caydiid. He killed his political aspirations when he said Ethiopia and Somalia should have one passport and money when Ethopian troops were killing civilians in Mogadishu. He is out of politics now for good. C/raxman Warsame did something worse than what Huseen Caydiid did, C/Raxman actually signed a document. He should do himself and all Somali citizens a big favor and retire from politics.

  12. Abdifitah says:

    qofka walbaa waxaa xukminaayo waqtiga balse dadka qaar ee halkaan ku qoray firkardoo waxaan filaa in aysan aqrin qoraalka is fahan uu Abdiraxmaan saxiiyay sida uu sheeganay ahaa go’aan dowladii xiligaas jirta ay gaartay, hadii aad aqrisaan waxaan filaa wax badan waad fahi kari leheedeen, waxaanse jeclaan lahaa in aan labo su’aal waydiino:-
    1- Somalia ma leheed xuduud badeed la yaqaano oo ku qoran Dastuuradii wadanka soo maray?
    2- hadii ay Kenya damacado in ay bada ama beriga Somalia qabsato ma qof bay kala tashanee, hadaba sootan dhulka Somalia maalin walab sida ay rabta ka yeelata.
    Waxaan fahmi karaa in dadka intooda badan aysan aqrin qoraalkaas, qofka ka mid ah dadka qoray fikradahood ayaa leh keen cadeeyn in laguu diray ama amarka ra’isul wasaaraha aad ku saxiixday warqada baa ku jirta malaha qofkaasi waxbada siima aqrin, qof walabaahi wuxuu xor u yahay in uu dhiibto fikirkiisa balse waxaan sax eheen in aad qof xukmiso, hadii aad dhahdo Danbiil qaran baad tahay adiga ma tihid maxkamada qofkaani ku ogtahay danbi, bad baad gadatay hadii aad cadeyn heesyo soo saar aan ku wada qanaco, dadka qaar waxay dhahaan iyaga oo xusaya madaxda dowlada qaarkood sida labada shariif lacag ayay dheceen cadem ma u heysaa, wax muuqdo waan sheegi karnaa sida dowlada wax bada ma qaban sidii la rabay u ma shaqeeeyn balse hadii aan wax qarsoon sheegeeyno waa in aan cadeen la imaanaa walaalyaal waxaan codsanaa dadka Somalia mar walba isku daya in aadan xukmina qofna idinka oo marqaati cada ama cadeeyn u heynina , islmaku wuxuu amaray in loo helo marqaati qofkii dani lagu oogayo, waliba wuxuu qeexay marqaatiga shuruudiisa, yaanun noqonin reer banuu israa’iil oo kale oo nabi walba iyo wax walba uu Allah siiya wax ka sheegay ceeb ama eed u yeelay, maanta waxaa la joogaa waqti aan ka shaqeyn leheen sidii aan wadankeena marxalada adag uu ku jiro ugu saari leheen, oo wixii aan awoodno ugu qeyb qaadan leheen, ugu yaraa duco. Allah waxaan ka barayayaa in madax wadanka samata bixisan oo badbaadisa na siiyo Augusto. Isgana ayaa SWT og cid walba oo isa soo sharaxda. Amiin.

  13. Ninka wuxuu la soo shax tagay bal eega Soomaaliyeey. waa ninkii saxiixay badii Soomaaliya maalin cad. haduu na leeyahay aniga waxba ma ogeen waraaq baa la ii keenay waa iska saxiixay oo waxaa i amray Cumar C/rashiid horaa loo yiri nin dheer iyo caqli kala dheer. waryaa C/Shakuur ma waxaa rabtaa in Madaxweyno laguu doorto oo Soomaaliya oo dhan iibiso kadibna tiraahdo aniga ma ogeyn markaan wadanka iibinayey hebel ayaa tel igula soo hadlay oo waa saxiixay. war ilaah hadaa taqaano naga hor leexo waxba mahayside.

  14. Tabaarak says:

    Anigu waxaan aad uga xumahay dadka weli taageryaya Cabdirahman Cabdishakur. Somalida taageersan waxay garan garan la’ yahii dhibaatada uu somalia u horseeday. Waxuu Kenya u ogolaaday in ay ku qabsan karto ama ay ku murmi karto mulkiyada bada ilaahay siisayay Somalia. Ninkaani wuxuu istaahiliaa in lagu soo oogo khiyaaano qaran.

  15. Diini says:

    ASC , Illaah SWT ayaa mahada iska iyo nabigeenii Muxamad ee Suubanaa SCWnabadgelyo iyo korkiisa ha ahaato. Amaa bacda Abti C/shakuur waxaasoo dhan kasoo tag hal su’aal hadaad si fiican uga jawaabto danbiile matihid su’aashuna waa sidatan. 1.Abti marka aan ku leeyahay Abti ha’uqaadan inaan sikale ka wado Abti waa sax waad ii tahay su’aashuna waa Abti sow ma’aadan ogayn in ragii kaaga horeeye xukumaada ka biloow Qabqable dagaal,Hogaamiye kooxeed, Dawladihii soo maray Somaliya oo dhan ka bilow ACC Aadan cade alaha u naxariisto, MSBare alaha u naxariisto illaa Dawladii C/laahi YSF alaha u naxariisto aay dhamaantood Diideen inaay saxiixeen warqadda aad saxiixdey waxaad warqadaada ku tirri Abti cilmi baan leeyahay cilimiga aad leedahay xagee marey marka intaas oo Janereshiin aay diideen oo aadna ogtahay ineey diideen in DHulka Somaliyeed aay u gacan gashaan Umado kale adigana aad leedahay hebel baa igu yiri saxiix ragga kugu yiri makaa cilmi badan yihiin Abti nin daad qaadey xunbo cuskey ayaa ku haysata maanta Abti magacii baa lagaaga cayaarey marka adigu isxukun lakiin arintaanu waxay u taal Umadda Somaliiyeed go’aankooda adigana tuneel ayaa lagaala baxay gool fiican ayaa lagaa dhaliyey marka Illaah swt danbi dhaaf weydiiso wabilaahi towfiiq sc.

  16. ahmedJama says:

    Bacada salaan dambi ayaad ka gasheen Somali, hadana waxaad u ordaysaa inaad hgaanka wadanka qabto,fadlan dhib intii hore ayaa noogu filan , waxaan kugu la talinayaa inaad candhuuftaada dib u liqdid oo aaadan u hanqaltaagin hogaanka ummada, waxaan kula talinayaa barlamanka laoodooran doono inaysan dooran dambilayasha dollarka dhaafsday dalkii iyo dadkii

  17. Qayaad says:

    This is nonsense! You either knew what you were doing and therefore a traitor or you are so incompetent that you did not even understand the terrible mistake you were committing. Either way, it shows your lack of judgment and patriotism. Big thanks to good men and women at Somalitalk.com. If it were not their tremendous effort, it would have been over.

  18. maxamuud says:

    laaluush baad qaadataye jooji ilmada yaxaaska markaad kusii ordaysayba shacab wax maad weydiinayne

  19. Ugu horayntii waxaa fiicnaan lahayd inaan barano habka nimanka siyaasada Somalia soo maray ama kulug leh ay udhaqmaan ama uhadlaan.

    C. Cabdishakuur wuxuu si hufan ugu warhayaa in ay arintan dad aqoon uleh baadheen intay sixiixeen kadib lana wada og yahay wax ay ahayd danta laga lahaa iyo sida ay wax udhaceen waxaadse moodaa inuu C. Cabdishakuur kawareegaysano inuu arinta qirto kas iyo kama,aba. Kadibna uu dadka Soomaaliyeed cafis waydiisto. Taasi waa xalka ugu dhow .Waxaa layaab leh in C.Cabdishakuur khaladkii uu galay uu asagu isku cadaynayo laakiin uusan fahansanayn, maxaa yeelay heshii waa layaqaan laakiin isfahan waxa layidhaado oo heshiisyada noocaas oo kale ah kusaabsan aduunka kama jiro. Arintu waa uun laba midkood. Inuu dhaho dowlad ayaan ahayn oo sidaas dambiga ku ogolaado. Inuu yidhaahdo dowlad maanan ahayd oo ay noqoto arin aysan awood ulahyn oo ay galeen oo uu sidaas dambiga ku ogolaado. Intaas wixii kasoo hadhay wakhti badan lagu bixin maayo.

    Haddii C.Cabdishakuur uu dano gaar ah iyo isgadid ka leeyahay hadalkan taasi waxaad moodaa gabalkeedii waa dhacay.

    Waxaa kale oo C.Cabdishakuur looga fadhiyaa inuu cadeeyo danta ay heshiiskan ugaleen iyo waxa ay kubadasheen.

    wsc wr

  20. Asc: salaanta islaamka kadib: warka Abdirixmaan Abdishakur ma aha mid aad u cad, waayo waxuu leeyahay waxaan shir uga qayb galay wadanka Botswana, waxaan ku soo noqay Nayroobi, golihii wasiiraduna way isku raaceen in heshiiskaa laqaato, wax cadayn ahna ama dukumiinti ah muukeenin Abdirixman. Marka wali warkaan wax baa ka dhiman waxaan sugeeynaa inay wasiiro kale kahadlaan arinkaan. Abdirixmaan waa nin xoogsanaya sidii uu u noqon lahaa mar un madax weyne soomaaliyeed ,haddii madax weyne noqodo waxay noqdoontaa inuu inta hartay badda uu gato.
    Abdishakur A.yusuf

  21. Wadani says:

    Cabdishakur waa hubaal inaad akhrin doontid hadalka aan soo wado. Waxaan ku leeyahay hadalka aan soo wado tixgeli – Soomali inta fiyow oo dhan ayaa ila qabtee.

    Fadlan isaga-bax siyaasadda Soomali. Adiga ayaa is-toogtay oo suicide galay.

  22. Jaamac says:

    Soomaalidu ma Caruur nacnac lagu sasabayaa!!!!!!!!!!!!!!!!

    Tani ma noqonayso mar marsiinyo Araxman Abdishakuur khaladka dadkiisa dalkiisa iyo diintiisa uu ka galay ma aha mid maanta qoraal lagu halmaamayo khiyaanada uu sameeyey hortiis cid samaysay mid lamid ah ma jirto marka laga reebo kii Cali Mahdi se kan uu sameeya ka daran.
    Abraxman Abddishakuur khiyaanada uu sameeyay waxaa loo soo bandhigay qabqablayaashoo oo aysan jirin cid dalka dadka iyo diintaba uga liidatay iyana way diideen.
    Bal kawaran waxa ay diideen qabqablayaal dhiig miirata ah ee uu saxiixay nin aqoon yahan ah, Wasiir dhan ah khaladka iyo saxa kala fahmaya in uusan kas usamayn ee kama ahayd ma dhacayso caqliga saliimka ahna ma galayso.
    Hadii ay run tahay waxa uu sheegayo ee uusan waxba kala socon oo uu cafis dalbanayo muxuu ugu soo beegay xiliga uu musharaxa yahay waxaan leeyahay nin laga caqli badan yahay baad u egtahay, waana sax oo hadii aad caqli leedahay dhulkaaga maadan dhaxal wareejiseen oo dad daanyeero ah kuma aadan wareejiseen, dadku kala roone. wa kenyatige.
    Waxaan leeyahay Abdiraxmaan Abdishakuur dadka soomaaliyeed sidii ilmaha caruurta ah ee nac naca lagu sasaban jiray marka dan laga leeyahay oo kale ma aha, waa dad kaa caqli iyo cilmi badan 100% kuwooda hada qaan gaaraa xataa ka caqli badan iskada dad waawayne.

    Marka kaliya waxan ku leeyahay ilaahay cafis ka dalbo kadib dadkaaga riyadaada Madaxweyne inaad umadaas unoqotana iskadaa haku riyoon haday dad wax doorta yihiin koley kuma dooranayaan iyagoo sidan kuu yaqaan.
    Haday ku doortan hada dee dalka inta ka hartayna waa dhaxal wareejinaysaa saad waxa aad saxiixaysaa qiima kulama leh

  23. Cawil says:

    Su’aaasha iswaydiinta mudan waxaytahay. maxaa xilagaaan ku soo beegay war martiyeedkaan uu kaga hadlayo Cabdirahman saxiixii lagu gatay baddeena. jawaabtu waa mark kale ayaan rabaa inaan dhulka saxiiixo.

    hadii qof aad la tashatay iyo hadii kaleba saxiixa meesha ku qoran waa adiga. hadiise aadba ka shakiday maxaad u saxiixday ileen dhulbadeed cayaarmaahan umadaas oo dhan ka dhaxeeya.

  24. adam says:

    aniga waxay ilatahay warka c.raxaan mahan war somali anfacaya waxaad lasocotaan kenya inay iskudayday inay hashiid lagasho hogaamiye kooxeed sagaashameeyadii hogaamiye kooxeedkaas waa kadiiday kenya inuu lagalo hashiid dhib ukeenaya umada somaliyeed waxaa kale oo anmaqlay in c.laahi yusuf diiday inuu kenya kala hadlo arimaha bada su.aashu waxay tahay c.raxaan oo sheeganaya aqoonyahan waliba sharci yaqaan ah mawuxuu fahmi waayay waxa ayfahmeeen c.lahi yusuf iyo hogaamiye kooxeedkaas runtii waxaan oron lahaa hashiiskaas somali dhibwayn ayuu ukeenay waana kan fursada siiyay kenya inay somali maanta bad iyo biriba ay daneheeda ka fushato waxaan xasuustaa 2006dii waxaan ahaa dadkii aadka utaageeri jiray maxaakiimtii maalin ayaan waxaaan sheekaysanay nin oday ah wuxuu arkay sida an uladhacsanahay kacdoonkii maxaakiimta wuxuu igu yiri hadal inbadan qalbigayga kusoonoqnoqday wuxuu yiri waxaan kabaqayaa kuwaan hogaaminaya maxaakiimta inay wadanka boorso lacag siistaan wuxuuna sii raaciyay askarta ayaa inoodhaanta waayo dadka halaayaan dalkase magadanayaan waqtii askartii meesha kabaxday wixii kadabeeyay wadanka boobaa kusocda

  25. xuseen says:

    A/c walaalayaal aad ayaan ugu qancay hadalka AA Shakuur. wayo sida wafiga ah ee uu u sharaxay. waxanse layabanahay mantadan lajogo kenya bada soomaliyeed ayay shidal ka baraneysa ee ma A A Shakuur ayay kala tashteen jawabtu waa MAYA aniga fikirki awal aan qabay waxbadan ayaa manta iska key badalay. shekadu na waa BARASHO HORTEED HA INICIN AA Shakuur mahadsanidiin…..

  26. ASC WR DHAMAAN.
    Mudane Abdirahman Abdishakur waad ku mahadsan tahay sida geesinimada iyo xilkasnimadu ku jirto ood arintaan u cadeeysay waana ku filantahay ummada Soomaaliyeed inta Alle garaat iyo cilmi siiyay inta garaatyaro, aqoon daro heyso ama dano qaas ah leh si lagu daaweeyo waa arin u baahan shaqo dheeraad ah iyo adkeeysi badan horay ayaa loo yiri nin xilqaaday eed qaad ee dulqaad badan muuji.

  27. midnimo says:

    asc aniga waxaan dhihi lahaay in A.raxmaan u danbi weyn galay hadane uu si rabo in uu ma kale umada dhibaato u geysto illlaaheey inta ka cabsado illaahe ha u towba keeno waxoow soo barteey waxeey noqdeen in uu dadkiisa iyo dalkisa uu ku dhibaateeyo hadane khayaano oo uu ku marmarsimooda danbiga waa leeygula jiraa taasina sax maahan.midakale raga weey badanyihiin ragbaa waxey dhaheyn muqdisho qeybtaas waa la tirtiraahe halaga guuro hadana rabo in eey madaxweeyne noqdaan, war iimaan is galsha intaad caruurtiina geeysataan dibadaha oo dhalasho kale siisaan ha u soo noqanina aad dalkiina inta ku hartay aad baabisaan aad iibsataan illaaheey kabaqa oo ha idin anfacaano waxaad barateen waad ogtihiin dibada aad ku nooshahaan hadlada xun xun oo somaalida usoo yeero ku dadaala dalkin iyo dadkiina wixi horane ka towba keena jagada aad raadineeysaane in aad iska deeysaan illaahe ha idinku duwo saa wixi horo aayd wax ka keeni weeysaane .
    mida kale madaxda somaliyeed aniga waxaan leeyahay meeqa madaxweyne iyo wasiiro musuq maasuq kaliya ah ayaa soo maratay wadankeena maanta maxeey ka hayaan god ayey kaga jiraan maro ama karfan ayey ka gashteen war illaaheey ka baqa islaanimada idinku abuura y waxaad ogtihiin in uusan qof lacag ka dhargaa dadka aduunka ugu lacagta badan weli lacag ayey raadihaayaan war muslim ayaa tihiin khayaanada shacabkiina iska dhaafa oo caruurtiina wadankooda u dhisa dal aan dalkooda eheyn weey ku dhibaateeysanaayaan ma anfacaayo walaahi aniga finland wadan la dhahaa ayaan joogaa mararka qaarkood waxan arkaa ayadoo nala leeyahay neegaro oo nala caayhaa waan xanaaqaa hadane waan is adjaiyyaa adiga u yimide maxaa u xanaaqee ayaan is dhahaa marka lcag lagama dharko nolone waa maalinta danbo oo aakhiro ee aan illaaheey u noqono walaayaal asc

  28. M somali says:

    Madaama uu yiri shar ciyaqaan baan ahay, ma isweeydisay in qalad dhici karo. Tan kale waxaa la sheegAY IN pm OMAR UU YIRI HA SAXIIXIN. Laaakiin uu ku indho adeegay.
    2) doowlada ma waxeey u soodiri wyday waziirka arimaha dibada ama waziirka cadaalada
    3) waxaa uu dhihi karay aniga shaqadeeyda ma aha u soodira.

    ee waxa uu sameeyay ayaa wax aay aheeyd in uu lahadalay doowlada Kenya iyo Nima Norwigian ah, HALKAAS OO UU KU MATALAY DOOWLDII. ilamah in uu rabo in uu madaxweeyno noqdo ee waxa uu rabaa in waziir laga dhigo haduu isa sso sharxao

  29. diyaad says:

    ALEYLEHA WAAN KU QANCAY SIDA WAX U DHECEEN HADII WAX LA DAYACAY XUKUUMADII AYAA DAYACDAY NINKAAN KA MID AHAA WAXAAN LEEYAHAY WALAALL ANIGA XUDUUDA GALDOGOB AYAAN DAGANAHAY XADUUDUHU WAXA AY YIHIIN AYAAN AQAANA ALAHA KUU SAHLO KURSIGA AAD MUSHARAXA U TAHAY HADII KHAYRKAAGA IYO KAN UMADAAN KU JIRO.
    MIDA KALE WALALALL FAAH FAAHINTU WILI NAGUMA FILNA WAXAASE CADAYSAY IN AAD AHAYD WASIIR GOLIHIISII IYO MADAXDIISI AMARTAY, HADAAD DIIDI LAHAYD MAXAA DHICI LAHAA? MAANTAYSE MURAN MA KU GALI LAHAA?

  30. nuur macalin says:

    asc walaalayaal somaliyeed c.cabdi shakuur waa danbile shacabka somaliyeed danbi ka galay oo baadeeyna muran eeysan ku jirin geliyay asigoo shisheeye qancihaa ee illaaheey danbiga uu galay haka abaal mariyo ee hana dhaafo aqoonyahano ayaa ka badan iyo siyaasiyin kale.
    hada waxoow u ordaa waa in uu wadanka intiisa kale sii iibyo hadoow awood u helo na dhaaf ayaan dhihi lahaa aniga wax aad somaali qabahe haba yaraadaane ma jiraane.

  31. cawil says:

    Mansha allaah. waa war farxadleh. waxa la yiri ninkii ugu danbayn qosla ayaa wada qosla. lkn wali la isma gaarin. Maadama Rag sar sare oo siyasada somaliya hogamiya ayay ay howshan ku tararaxeen in caddalada la horkeeno lkn nasiib daro waxan dhisnayn hay aadda garsoorka ama aan dhaho cago fiican ku taagnayn. waxaan ku baxsanahay barlamanka walow shacabku haba ka dayrsadeene.

    geed haduu man iyo ubax iyo caleen qurux badan leeyahay waxa ku qabanaysa ma iska daawataa. Taa waxaa ka dhigan dowladdi ka fogaata eex iyo musuq maasuq. shacabkedu wuu ku diirsadaa.

    Lakin ogow hadii geedka u oomay caleentisana badh qalashay uu soo doogo wuxu bilabaa in uu marka hore iska hurgufo caleentii qalashay.

    Sidaso kale ayaa dowladda loga bahan yahay. Qof walba oo wadani ahna taariikhda ayaa xusi doonta.

    dadalkaga hakla ka sii wad ayan ku leeyahay waxa tahay hogamiyaha mustaqbalka dhow insha allaah wsc wr wb

  32. Somali says:

    ASC WRW dhamaan umadda Somaliyeed , khaasatan kuwa wadaniga ah . Waa Arin lagu fududaaday, unabaahnaa wadatashi sharciyaqaanada Bada, ee Somaliyed . Qaladkii dhacayna waa lalawadagaa A/ rixmaan, laakiin qaladkaa gasheen miisaankiisa , ayaa kalifeeysa Danta Dalka iyo Dadkaba, inaadan karti ulaheen maamul , waan ka xumahay in Nin aqoonleh waliba mustaqbal fiicanku dhex yeelan lahaa bulshada somaliyeed uu qiil kadhigto khaladka waa la’iigu waheliyaa , shaqadii hore ee umada Somaliyed aad uheeysay hadii tuhun ku jiro hada seed xil kasii weeyan uraadineeysa ?

  33. Hassan says:

    Arintaan waa arin weyn oo hadana qatar ah, dhibaato iyo muran iyo isqabqabsina mar hore usoo jiiday Soomaaliya iyo Keenya. Mana u malaynaayo maanta hadal meel lagu qorey inuu macne sameynaayo. Hadaad lawada socotaan Kenya waxay dhibaato iyo xadgudub weyn kawadaa badeena iyo dhulkeena waxaana sabab u ah heshiisyadaan. Balse
    su’aasha meesha taala waxay tahay ee aadan weli kajawaabin, waa maxay heshiiska “IS AFGARAD” marka hore? Waxaan xasuustaa mar madaxweynaha SH. Shariif laweydiiyay arintaan wuu diiday inuu sharaxo waxa ay tahay. Sax miyaa, sharcise miyaa in shaqsiyaad ay inta qol isku xiraan ay heshiis lagalaan wadan kale ayadoo aysan cidkale ogeyn wadanka? Maxaa markii hore intaadan saxiixin ama aydanba galin ugu ban dhigi weyseen shacabka iyo baarlamaanka? Maxaase heshiiska loogu turjumi waayay “AF SOOMAALI” si shacabka soomaaliyeed ay u fahmaan? Arintaani wey iska cadahay iney tahay danbi aad ka gasheen dadkeena, dalkeena iyo diinteena, waxaana tusaale ugu filan, DIIDMADA BAARLAMAANKA. Waxayna ku tusineysaa inaad dhamaantiin gasheen heshiis qarsoodi ah, oo hadana aan sax ahayn.
    Mida ah adiga shaqsi ahaantaada, waxaan aaminsanahay inaad danbi naga gashay adiga iyo intii kula wadaagtay arintaan. Marhorena dhaawacii aad geysateen. Balse waalaga yaabaa in lagugu qalday ama aadan islahayn wax halee. Laakiin taas macnaheeda maaha inaadan danbi gelin. waxaanan aaminsanahay iney mustaqbalka shiyaasadaada wax u dhibtay.
    Ilaahow Soomaaliya hogaamiyayaal run ah u sahal.
    Waadmahadsan tihiin.

  34. Mohamamed says:

    A/rahman A/shakuur, marna kama yeeleyno ama ma cafineyno khaladka uu ummadda iyo wadanka soomaliyeed ka galey. Waxaa ka cad qoraalkiisa in uu dareemayay in heshiiskaasi ahaa qalad la saxiixayo waxayna u muuqataa in uu ku raaligalineyey madaxdaa oo markaa ay saaxiib wax wadaaga ahaayeen. Waxaan aaminsanahay in uu daaqada u furey wadamadii wadanka iyo badda soomaliyeed boobka ugu jirey. Waxayna la mid moqoneysaa baddaasi in muran iyo khilaaf hor leh galiyo badda soomlaiyeed.

  35. Mohamed says:

    Wallahi, C/raxmaan waa nin geesi ah, qofkii run daneynaya waa uu ka gar baxay, waxaanna oral lahaa haddii xilka aad raadineyso Somali kheyr u yahay allaha kuu fududeeyo.

  36. Adan says:

    Hadalkaan run inuu yahay inuubeen yahay ma ahan sheekada is waydiinta mudan , Maanta ood Musharax tahay aad looma dhagaysan karo warkaan ee waad lasoo daahday , wixii ilaahay raali ka yahay allaha na wada haleeshiiyo, haddii aad somali khayr u tahay allaha kuu yasiro hadiise aad shar u tahaya allaha kaa fogeeyo aaamiin

  37. Abdikadir says:

    Aad ayuu ugu mahadcelinayaa sharaxaada cad ee uu A/raxman ka bixiyey saxiixa memorundum ama is afgaradka labada dal. balse, waxaa shaki weli ka qabaa in warqada la saxiixey aysan ku lifaaqneyn wax documents kale oo arrinta badda quseeya!
    Marka waxaan iga weydiin ah: ma jireen wax documents ah oo cover letter la wada saxiixey la jirey?