Dawladda Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantay heshiisyadii Aagagga L21, L23 iyo L24 ee Kenya la gashay Shirkadda ENI iyo L22 oo ay la gashay shirkadda Total…
“Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sharci darro tahay heshiiska ay Kenya la gashay shirkadaha sahaminta Batroolka iyo gaaska ee ENI iyo TOTAL, sababtoo ah dhulka heshiiskaas ay kula galeen waxa uu dhacaa badda Soomaaliya”, sidaas waxaa Jimacadii July 6, 2012 warbixinteeda ku bilowday wakaaladda wararka ee Reuters
Wasiir ku-xigeenka Tamarta (Macdanta, Biyaha iyo Batroolka) ee Soomaaliya, Cabdullaahi Dool Maxamed, ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan (INVALID) yihiin heshiisyada Kenya ay shirkadaha kula gashay afar aag (blocks) oo badda ah, waxaana Dawladda Soomaaliya qorshaynaysaa in ay arrintaas cabashadeeda u gudbiso Qarammada Midoobay qaybta u qaabisan shariciyada xuduudaha badaha.
“Waxaan ka welwelsanahay heshiisyadda aagaggaas,” ayuu Cabdullaahi Dool u sheegay Reuters. Isagoo intaas raaciyey “Waxaan hubaa in aan cabashooyin ka gudbineyno.”
Waxaa warbixinta Reuters sheegtay in aagagga laga hadlayaa ay ka mid yihiin toddoba aag (dhul-badeed) oo Kenya ay toddobaadkii hore heshiis ku bixisay, oo saddex kamid ah ay siisay shirkadda Talyaaniga ee ENI iyo hal aag oo ay siisay shirkadda Faransiiska ee Total. Dhul-badeedkaas oo ku yaal badda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya, ayey tiri Reuters.
Warbixintu waxay intaas raacisay in Kenya ay diidey eedayntaas ku saabsan in dhul-badeedkii uu yahay dhul la isku haysto, sidaas daraadeedna aysan joojinayn sahaminta shidaalka ka baarayaan aagaggaas.
Afhayeenka shirkadda Talyaaniga ee Eni waxa uu Reuters u sheegay in aysan wax hadal ah ama faallo ah ka bixinayn cidda xuquuqda u leh aagaggaas L21, L23 iyo L24. Dhanka shirkadda Total wax jawaab ah kama aysan bixin markii ay Reuters wax ka weydiisay aagga L22 ee Kenya heshiiska kula gashay.
Kenya waxay sheegtay in axuduud badeedkaasi yahay mid aah heshiis rasmi ah uusan ka jirin, waana in lagu kala calaamadiyo xarriiq jiifta oo u socota jihada dhanka Bari. Halka Soomaaliya ay ka sheegtay in ay tahay xarriiq ku qotonta xeebta (90 derejo) oo u socota dhanka badda.
Waxaana markiiba ay Reuters xustay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray DFKMG iyo Kenya 2009, Is-fahamkaas oo markii dambe uu baarlamaanku ka dhigay waxba kama jiraan.
Warbixintu waxay xustay in Ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
Joshua Brien,oo xagga sharciga kala taliya Barwaaqasoornka Yurub (Commonwealth Secretariat), oo islamarkaas Kenya kala taliya arrimahan (xuduud badeedka) ayaa Reuters u sheegay in aan xuduud shari ah la xadidi karin ilaa labada dawladood ay saxiixayaan heshiis ay ansixiyaan Qarammada Midoobay ama arrinta loo gudbiyo maxkad caalami ah. “Arrinta in xal laga gaaro ma aha wax aan suurto gal ahayn, laakiin xaaladda Soomaaliya waa mid aan caddayn,” ayuu Brien telefoon ugu sheegay Reuters isagoo ku sugan London.
Waxaa arrintani ay Kenya ka hor taagan tahay in ay kordhisato Qalfoofka Qaaradda ee 200 mayl-badeed (370km) ee dhul-badeedka, ilaa arrintaas la xaliyo. Waxaana taasi dib u dhigeysaa heshiisyo kale oo ay Kenya ku bixin lahayd shidaal Sahaminta, ayaa warbixintu ku gabagabaaysay.
Haddii aan halkaas kaga gudubno tarjumadii nuxurka warbixintii Reuters.
Maxaa la Gudboon Madaxda Dawladda Kumeel Gaark ah
Ugu horayn waxaa ammaan iyo mahad celin mudan Wasiir ku-xigeenka Tamarta (Macdanta, Biyaha iyo Batroolka) ee Soomaaliya, Cabdullaahi Dool Maxamed, oo sida geesinimada leh u sheegay in ay waxba kama jiraan (INVALID) yihiin heshiisyada Kenya ay shirkadaha kula gashay afar aag (blocks) oo badda ah ( L21, L23 iyo L24 iyo L22). Aagagaas oo si cad kharidada uga muuqda in ay yihiin gudaha badda Soomaaliya.
Mar haddii ay DFKMG ay garwaaqsatay arrintaas waxaa muhiim ah in ay san xagal daacin hadalkaas geesinimada leh ee ka soo yeeray wasiir-xigeenka.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in Qarammada Midoobey qaybta xuduudaha badaha uu dhawaan xubin ka noqday nin reer Kenya ah oo ka mid ahaa dadkii u ololaynayeyy sharcigii ay Kenya u gudbisatey Qarammada Midoobay. Tan kale Barwaaqasooranka Yurub (sida ka muuqataya warbixinta Reuters) waxay u ololaynayaan dhanka Kenya. Arrimahaasi waxay shaki gelinayaan dhexdhexaad nimada maxkamada caalami ah.
Sidaas daraadeed, waxaa la gudboon madaxda DFKMG in ay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigaan qorshe cad oo ay ku badbaadinayaan badda Soomaaliyeed, maadaama muran gelinta ay markii hore qayb ka ahaayeen (is-fahamkii 2009).
Arrimaha ugu muhiimsan ee DFKMG samayn karto waxaa ka mid noqon kara: in ay ka laabtaan qaybaha lagu soo daray qodobka 7aad ee Dastuurka cusub (Kaas oo muran gelin kara dhulka Soomaaliyeed) ka hor inta aan la dhaqan gelin dastuurka.
Maxaa la gudboon Odayaasha Dhaqanka ee kushirsan Muqdisho:
Sida la ogyahay DFKMG waxay qorshaaynaysaa in ay hirgeliso Dastuur ay si qayaxan ugu xusan tahay sidan:
- “Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafka soohdimaha caalamig ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi…” waa farqad lagu siyaadiyey qodobka 7aad ee Dastuurkii lagu soo saxiixay Nairobi Jimacadii June 22, 2012 AKHRI/GUJI…
- Hoos ka akhri is barbar dhig qodobka 7aad ee labada dastuur ee ay soo kala diyaariyeen saxiixayashii roadmapka iyo guddiga madaxa bannaan ee dastuurka….
Ifafaalaha socda marka la eego, Kenya iyo saaxiibadeed waxay damacsan yihiin in ay arrinta geeyaan maxkamada Caalami ah (Taas oo ah sidii ay damacsanaayeen markii ay DFKMG la saxiixatay heshiiskii Is-fahamka kaas oo markii ugu horaysay muran geliyey dhul-badeed Soomaaliyeed), markamadana ay markaas farta ugu fiiqaan in xitaa Dastuurka Soomaaliya qirayo in dhulkoodu muran ku jiri karo.
Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsan Muqdisho waxaa la gudboon in ay ku adkaystaa in aan dastuurkaasi dhaqan geli ilaa laga masaxo qaybaha lagu soo siyaadiyey qoodobka 7aad. Isla markaasn ay dalbadaan in lagu bedelo qodob cusub oo oranayo “Badda soomaaliya waxay ku cabiran tahay sida uu dhigayo Xeer Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972.”
Go’aankaas haddii ay qaataan Odayaasha Dhaqanka, waxaa shacabka Soomaaliyeed uga hayn doonaan abaal waara, oo gaari kara jiilasha mustqabalka.
Shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaankoodii waxay is hortaageen heshiiskii guracnaa ee Is-fahamka, laakiin baarlamaankii maadaama laga dhigay mid aan jirin, arrintu waxay u u janjeersanaysaa in ay shacabka Soomaaliyeed ka dhur sugayaan go’aan adag oo ay arrinta dastuurka ka qaataan Oday Dhaqameedku, oo ay laalaal qodobada lagu soo kordhiyey ee muranka gelinaya dhulka Soomaaliyeed.
- Warbixinta Reuters waxay sheegatay in guddoomiyaha ama madaxa Kenya u qaabilsan Batroolka oo magaciisu yahay Martin Heya uu yiri “Waxaa Nairobi (xukuumadda Kenya) ay shidaal sahamiyaasha u xaqiijisay in aagaggaasi ay ku negaan doonaan (ahaan doonaan) dhul ay Kenya leedahay” (Heya said Nairobi had reassured explorers the blocks would remain Kenyan.).. (TIXRAAC HALKAN)
Waxaa muuqata in Kenya ay dardar gelisey heshiisyada sharci darrada ah ee ay la galayso shirkada sahaminta ee badda Soomaaliyeed (sida uu qiray wasiir ku xigeenka Macdanta iyo bartoolka DFKMG). Waxaana murankaasi soo bilowday markii DFKMG ay Kenya la saxiixatay heshiis loogu yeeray Is-faham kaas oo markii ugu horeeyey muran geliyey dhul badeed Soomaaliyeed oo baaxad weyn.
Heshiiskaas waxaa DFKMG u saxiixay C/raxmaan C/shakuur, waxana uu arrintaas dhawaan kasoo saaray warsaxaafadeed.
C/raxmaan Cabdishakuur oo faahfaahin ka bixiyey sidii uu u usaxiixay Heshiiskii Is-faham
Qoraal warsaxaafadeed ah oo uu soo saaray June 28, 2012 ayuu ku sheegay:
“Sideey wax u dhaceen:” oo uu sheegay “Waxay ahayd 06 dii bishii April 2009 markii Golaha wasiirrada ee Soomaaliya u fariistay inuu ka doodo mashruucan oo uu soo jeediyey Wasiirkii Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee xilligaas Prof. C/raxmaan Ibbi. Wuxuu Golohu warbixin ka dhegeystay Khubaro ka socota Qaramada Midoobay iyo Dawladda Norway. Goluhu markii uu dhagaystay khubaradii wuxuu go’aan ku gaaray in la saxiixo Isfahamka, waxayna u gudbiyeen madaxweynaha oo wafdigii qaabilay, ogoladaayna in is Afgaradka la saxiixo. Waxaa xusid mudan in xubnaha Golaha Wasiirrada ay dhammaantood wada noolaayeen xiligaas, waxayna ahayd ka hor intii uusan dhicin qaraxii Shaamow iyo dilkii Cumar Xaashiba ka hor. Ma hubo in dhamaan 39ka xubnood oo Golaha Wasiirrada ay fadhigaas wada joogeen sababtoo ah aniga ruuxayga ma joogin fadhigaas oo waxaan ku sugnaa Nairobi anigoo ka imid markaa wadanka Botoswana oo aan shir kaga qaybgalay.
“Markii golihii wasiirradu go’aanka gaareen madaxweynihiina uu ku raacay ayaa Ra’iisuwasaarahii waqtigaa Cumar C/rashiid ila soo hadlay oo uu iga codsaday in aan isfahamka saxiixo, wuxuu kaloo ii sheegay in ay jirto muddo lama dhaafaan ah (deadline) oo 07.04.2009 la dhaafi karin oo ay suurtogal tahay in Soomaaliya ay seegto Continental Shelves-ka haddii aan isfaham jirin, kadibna wuxuu ii sharraxay siday wax u dhaceen. Waxaan waydiiyey haddii uu khubaro sharci yaqaan ah arrinka kala tashaday, wuxuu ii sheegay in nin Garyaqaan Soomaali ah, Garsoorana ka ah Maxkamada Caalamiga ah ee Huge lana yiraahdo C/qawi Yuusuf uu kala tashaday isafgaradka, taladiisiina ay ahayd in aysan waxba ka khaldanayn. Waxaan ka codsaday Ra’iisuwasaaraha inuu qoraal kasoo dhigo farriintan ama hawsha uu iga dalbayo inaan xukuumadda u qabto kaasoo halkan ku lifaaqan.
“Kuma ekaan halkaas waxaan Taleefan kula hadlay Madaxweyne Shariif oo aan waydiiyey sida wax yihiin wuxuu ii sheegay inuu wafdiga qaabilay kuna qancay in Isafgaradka la saxiixo. Qaar ka mid ah wasiiradii oo aan lasoo hadlay waxay ii sheegeen in ay ku qanceen sida wax u dhaceen. Markii aan waxaasoo dhan xaqiiqsaday ayaan saxiixay Isfahamka anigoo u wakiil ah xukuumadda. Markii aan Saxiixayna waxaa la horgeeyey Baarlamaanka oo diiday Isafgaradkii.”
Halkan ka akhri warsaxaafadeedkii C/raxmaan C/shakuur, oo sharaxay sidii uuu saxiixay heshiiskii Is-faham, xilligan C/shakuur waa musharax madaxweynaha Soomaaliya.
Isbarbardhig: Qodobka 7aad ee labada Dastuur ee ay soo kala diyaariyeen Guddiga Madaxa bannaan (Jabuuti) iyo Saxiixayaashii Roadmapka (Nairobi)
Sida kuqoran Q.7aad ee Dastuurka ay so diyaariyeen Guddiga Madaxa Bannaan
Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
1. Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda sare, iyo geyi-qaaradeedka iyo sidoo kale, dhulka iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Federaalku ansixiyo.
2. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan lamana qaybin karo.
Sida ay Q.7aad u bedeleen Saxiixayaashii Roadmapka
Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya
1. Gobannimada Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.
2. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.
4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.
5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya
Akhri Jawaabtii ay Guddiga madaxa bannaan ee dastuurku ka bixiyeen qodobada lagu soo siyaadiyey dastuurka ee muranka gelinaya dhulka Soomaaliyeed, una gogol dhigaya ka tanaasulka NFD iyo Soomaali galbeed.. Halkan ka akhri
—————
Qoraalkii Reuters ee July 6, 2012:
Somalia challenges Kenya over oil blocks
NAIROBI, July 6 (Reuters) – Somalia’s government accused Kenya on Friday of awarding offshore oil and gas exploration blocks illegally to multinationals Total and Eni because the concessions lie in waters claimed by Somalia.
The spat between Kenya and its war-ruined neighbour could complicate the hunt for resources along a part of the East African coastline, rapidly emerging as one of the world’s hottest oil exploration prospects.
Somalia’s deputy energy minister, Abdullahi Dool, said contracts awarded for four blocks in deep waters were invalid and the government planned to complain to the United Nations, which oversees maritime border laws.
“We are concerned about the lease of blocks,” Dool told Reuters. “I am sure we will lodge complaints.”
Waxaan la yaabay waraysi wasiirka arrimah dastuurka Xoosh uu siiyey VOAda, waxaana h hadalkiisa uu kaga jawaabayo qodobka 7aad ee dastuurka iyo sida uu u qoran yahay is ma lahan, wuxuu leeyahay qodobkaani wuxuu si adag uga hadlayaa xuduudaha wadanka oo kuwa inaga maqanna lagu raadinayo si nabad gelyo ah, laakiin waxaa ku qoran dastuurkay saxiixeen in xuduudka Soomaaliya lama taabtaan yahay, wixii muran kala dhexeeyo xuduudkaasna si nabad gelyo leh loo xaliyo iyadoo la raacayo sharciga wadanka iyo kan calamiga ah, tanoo loo fahmayo qodob ay dastuurka ku darsatay Kenya, weriyihiina sidaas wax umuusan waydiin, tan kale hadii aysan meesha dhibaato ku jirin maxay uga cararayaan odayaasha dhaqanka inay dastuurka wax ka bedelikaraan? dadka iska taageeraya wuxu nin ku hadlo waa doqoniimo ee wax uu qabtay oo uu ku noolaado sheega ama iska aamusa
Umad dhulkeedii iyo dhiigeedii la boobayo oo iyadu madaxa iskula jirta, weligay ma arag, annagaa deriska dhul u haysanay ma haday keenii nagu qabsadeen, war walahay inaynaan qaran noqon karin ee inta goori goortahay aynu isu dhiibto gumaysi sidii la doono ha la inaga yeelee, bal eega kuwa siyaasada inoo hor boodaya mid keliyoo ka hadli kara lama arkayo
wxaan marka hore u mahadcelinayaa Allah oo na tusay in wax badan naga qaldan yihiin, marka labaadna waxaan u mahadcelinayaa bahda Somali talk oo muddo dheer na tusaaleyneysay sida dalka kheyraadkiisa loo boobayo weliba aan la garaneyn cida laga booybayo.
waxaa kaloo yaab leh sida ay u fekerayaan madaxda dawladda somaliya, ma waxay iska indha tirayaan in badda somaliaya soomalidu leedahay, mise waa caado qaatayaal wax yar siisanya dalka oo dhan? waxaan ku baraarujineynaa madax dhaqmeedka somaaliyeed in aay ku baraarugaan oo ay naga dhiciyaan boobka cusub ee loo geysanayo geyigeena.
aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay wasiir cabdulaahi waa nin innaga farxiyay mudane wasiir dadaalkaaga sii wad somalitalk iyana aad beey u mahadsantahay
ASCaleykum,Ugu horayn waxaa mahad iska leh Illaah SWT iyo rasulkeenii suubanaa Muxamed scw. Hadal badan waxba tari maayo dhamaan Umadda Somaliyeed meel walba oo aay dunida dacaladeeda ka joogaan waa in lagu mudaaharaada UNka Qaramada Midoowdey iyo Safaaradaha Kenya meel walab oo aay dunida ku yaalaan war majiro waa bood iyo dhac aan geed loogu soo ganban waxaana mas’uliyadeeda le Lixda Yuug Yamaa Yuug = Sixixayaasha iyo Dijaajal Cawarka Mahiga war inta goori goor tahay hala sameeyo Mudaaharaad Ducadana yaan la iloobin xataa Masaajidada halaga Duceeyo waxaanu wixii la arki jirey maaha sheekadu waxeey mareysaa Adigoo u jeeda aan Dharka kaala baxo kadiban adigoo qaawan iska bax ku dhaho oo iska neecawso, wax harey majiraan inta caqliga lahoow kaca ILAAH SWT hanaga qabto Aamin sc.
Ac
Bahda Somalitalk waa mahadsantihiin sida aad qaranka Soomaali u badbaadinaysaan.
Dastuurka qodobka 7aad manoo qeexi kartaan mase soo guurin kartaan waxa ku qaran si in badan oo umada ah ay u baraarugaan fadlan soo qeexa.
Soomalida madaxdeeda waa kuwa ugu musuqmaasuqa badan dunida hanti badan oo shacabka iyo qaranka soomaaliyeed leeyahay ayey xaalufiyeen. Nin sheekh ah ayaan ka maqlay markay Turkigu imaadeen Soomaaliya ayey culumo tababar ugu qaadeen Turkiga markaaseey ku dheheen labo cilidood oo ceyr lagu noqdo ayaad leedihiin. Mid waa ma aragtaan nimcadaad heysataan iyo dulqaadkoo aad iyo aad idinkugu yar. Yacnii dameer malab sidaa tihiin nimanka MOA saxiixay labadaas sifaba waa leeyihiin maxaa u diiday xitaa in ay dareemaan damaca Kenya allow naga qabo kuwa aan kaa baqeyn anagana noo naxayn amin.
Kenya waxay iska indha tiraysaa NFD oo ay xalaalaysatay haddana waxay u dagaala maysaa in soomaliya ay qayb ka xalaalaysato .
Taana waxaa u sabab ah Markii sharciyaddii wadanka oo dhan la laalay oo awoodii oo dhan loo gacan geliyay nimanka uu mahiga ugu sareeyo ee saxiixa yaasha ah iyagaana ka masuul ah wixii soomaaliya ka dhaca.
Midda kale dastuurka hadda la wado ayaa kenya u xalaalaynaaya dhulka iyo badda somaliya
asc dhaman waxaa salamayaa shacabka somaliyeed meel walbo ey joogaan salan kadib waxaan layabanahay nimanka masu,liyada sheganaya oo leh waxaan saxixnay isfaham (waa maxay ismfaham maxaase leyska fahmaa badan somaliya ayaa iska leh uma baahneen in wax isfaham ladhaho laga hadlo craxmaan abdi shakuur isaga ayaa saxiixay markii uu saxiixay wey la gudbooneed xaqiiqdi markii ey timidna. in mas,uliyadeeda uu kaleexdo ma,ahan lkn aniga waxaan ku talin lahaa umada soomliyeed ee wadanka joogo ma,ahan kuwa inta badan wax lasocda waxaad sameysiin warqado qoraalo aha ama boorar lagu cadeenayo waxayabaha wadanka ka dhacaya iyo bananbaxyo lasameeyo ma,ahan wax uu qadan kara qof walbo oo wadan jeyl qaba,wblh towfiiq
Asc bahda somalitalk mr.Amiin yuusuf faa,ido {n’t khasaaro} soomaaliyey hurdada halaga kaco wadani wu inagu yaraaday warbaahinta somaliyed inti ay umada bararujin lahaayeen dhamaan wa caada qataal an saxaafad waxbo ka aqonin bal eeg meq website ayaa af-somali lagu qoraa maxaa u diday in sida somalitalk o kale qiiro wadaniyed yeeshaan o umada u baraarujiyaan warbaahinta somalida tiro badanaa o tayo xumaa wlh waxan dhihi karaa dhamaan websiteyada somalida marka la isku geeyo kuli somalitalk kaliya aya ka fa.ida iyo wax tar badan allaha ku xafido mr amin yusuf faa,ido maanta kadib qasaaro in lagugu yero ma ogolin boski qasaaro waxan ku bedalney fa.ido wcs.wr.t.wbr
Qof walba oo aqriya maqaalkan waxaa waajib ku ah in oday dhaqameedkii uu la xiriiri karo inuu qeyla dhaan u diro. Waxa ay kenya ay maalin cad dhacayso waa jiritaankanaga ee intii dadnimo ku dambeysow kaca oo u istaaga dhaxalkii awoowe-yaashandu dhiigooda u daadsheen. Hadaan dhulkanaga cirif kasta aynu difaacin Soomaaliya meel la yiraahdo ma jiri doonto, hadii Soomaaliya la waayana qofka Somaliga ah eyga ayuu ka liidan doonaa, jiilasha dambana waxay nagu habaari doonaan duligaan badnay. War yaa Soomaali aheey! war intey goori goor tahay aan is daba qabano, tan inaga dhaxaysa ha inoo dambeysee war quursiga aan ka dhiidhino. Alla ma hilbaan noqonayoo haad ay dul heehaabeyso. Allow inagaa is badnaye roonoow inoo roonoow.