Home » Faallo »

I AM NOT A SPOILER – (MA IHI QASWADE)

Codsi ku socda  ODAY DHAQMEEDYADA SOOMAALIYEED

Waxaa xaqiiqo ah in Ummadda Soomaaliyeed ay la wada socdaan damaca faraha badan oo lagu raadinayo in DHULBADEEDKA SOOMAALIYA lala wareego (LA BOOBO).

Si arrintaas looga hortago waxaan Oday Dhaqmeedyada Soomaaliyeed ka codsanayaa in ODAY kasta uu keeno XILDHIBAAN uu hubsaday in uu wadani yahay.

Masiirkii ummadda Soomaaliyeed maanta waxuu gacanta ugu jiraa ODAY DHAQMEEDYADA SOOMAALIYEED.

Si looga hortago  shirqoolka gurracan ee la doonayo in lagu dhaxal wareejiyo badda Soomaliyeed ee muddo dheer soo socday, asagoo hadba waji cusub loosoo sameynayo, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in fursaddaan  ay ODAYAAL DHAQMEEDYADA SOOMAALIYEED ay ka gaaraan xal kama dambees ah ayadoo Oday Dhaqmeed kasta uu keenayo XILDHIBAAN  WADANI  ah oo difaacaya DALKIISA iyo DADKIISA, hana kala dardaarmo in BOOBKA NALALA DAMACSANYAHAY UUSAN  MARNABA YEELIN. (Boob iyo xadgudub halla diido).  Shaqsi ahaan aad ayaan ugu kalsoonahay Wadani-nimada ay leeyihiin ODAY DHAQMEEDYADA SOOMAALIYEED.

Waxaan wada rajeyneynaa GUUL IYO BARWAAQO.

Bashir Shekh Moxamed.

bashirmohamud@yahoo.com

 

Halkan hoose ka aqriso qoraalladii Bashir Shekh Moxamed ee Difaacca Badda.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.