Home » Warar »

Waxaa lasoo gaaray waqtigii ay ku talagashay Kenya in Shiidaalkii Badda Soomaaliya loo qodo

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in lasoo gaaray waqtigii aay ku tala gashay Dowladda Keenya in shiidaalka batroolkii badda Soomaaliya loo qodo, ayadoo isla markaasna ay ciidammada Dalka Kenya ku suganyihiin gudaha Dalka Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer in dayaaradohoodu ay duqeynayaan magaalooyin Soomaaliyeed.

Waxaa arrin la yaab leh ah annagoo la wada soconna DAMACA aay KENYA ka leedahay Batroolka Badda Soomaaliya oo soo jiitamayay sanooyin badan ayaa haddana dadka qaarkiis (oo Soomaali ku jirto) ay leeyihiin Keenya ayaa Soomaaliya badbaadineysa. Arrintaasi ma ahan arrin caqli gal ah.

Hadaba si aan u fahamno heerarkii ay soo martay damaca Batroolka Badda Soomaaliya, marka hore aan taariikhdan yar dib u jalleecno oo SomaliTalk ay horay usoo diyaarisay:-

1991 kaddib burburkii xukuumaddii Soomaaliya ayaa Kenya waxay xiriir la samaysay qab-qable dagaal oo ku sugnaa magaalada Kismaayo si wada xaajood ugala gasho xudduudda badda, qab-qablahaasi waa ku gacan sayray qorshahaas.

2004 markii xukuumaddii FKMG ee uu madaxda ka ahaa C/laahi Yuusuf lagu soo dhisay Eldoret/Nairobi ayaa Kenya waxay xiriir la sameeyeen madax sare oo ka tirsanayd xukuumaddaas si wada xaajood ay ugala yeeshaan xuduudda badda, laakiin xukuumaddaasina waa diidey arrintaas in ay heshiis ka galaan.

2009 bilowgiisii markii Jabuuti lagu soo dhisay xukuumadda FKMG ee uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif waxaa durbadiiba April 7, 2009 ay Kenya la gashay heshiis loogu magac daray Isfaham, maalin kaddib April 8, 2009 ayaa DFKMG waxay heshiiskaas u gudbisey UN-ka. April 14, 2009 ayaana website-ka UN-ta lagu daabacay.

Agoosto 1, 2009 ayaa baarlamaanka DFKMG ayaa si aqlabiyad ah heshiiskaas uga dhigay WAXBA KAMA JIRAAN. Go’aankaas baarlamaanka Soomaaliya muddo 8 bilood ah kaddib, ayaa March 12, 2010 Qarammada Midoobey waxay shaaca ka qaaday in heshiiskaas Is-fahamka aan la cuskan karin. Shacabka Soomaaliyeed oo heshiiskaas ka horyimina waxay arrintu ula muuqatay in ay dhammaatay.

Laakiin, arrin taas xagal daacinaysa ayey bilaabeen madaxda xukuumadda FKMG iyo dalalkii damaca watey oo is garabsanaya, taas oo ahayd hindise qorshe cusub oo lagu soo barbaariyey shirkii Soomaalida loo qabtay 21-23 May 2010 ee ka dhacay Istanbuul, Turkiga, kaddib markii Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFKMG Abuukar Cabdi Cusmaan uu shirkaas Istanbul ka yiri “Aagga Ganacsiga EEZ ee badda Soomaaliya looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee Qarammada Midoobey.”

June 11, 2010 ayaa Norway waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya u samaynayso CABBIRKA aagga ganacsiga EEZ oo ah 200-mayl badeed, taas oo loo qaatay hirgelin arrintii ay DFKMG u ololaynaysey ee ahayd in badda Soomaaliyeed la yiraahdo malaha cabbir la yaqaan oo hadda ayaa loo samaynayaa.

October 14, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha cusub ee DFKMG waxaa loo magacaabay Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxaana durbadiiba soo baxay in dib loo soo celinayo qorshahii badda Soomaaliya lagu doonayey in lagu dhaxal wareejiyo. Dabayaaqadii October waxaa soo ifbaxay dublomaasiga cusub ee xukuumaddu u xilsaartay qorshaha cusub.

October 20, 2010 warbixin ay faafisay ECOTERRA ayaa sheegtay in uu jiro dukumiinti cusub oo looga golleeyahay “agaasimid cusub ee aagga ganacsiga badda EEZ” ee Soomaaliya. Dukumiintigaas “loogu magac daray bud-dhigidda ama dib-u-agaasimida aagga Ganacsiga EEZ”, haddii ay saxiixaan DFKG iyo/ama Maamuladda Dawlad Goboleedyada, waxaa dukumiintigaas ku jira weero sheegaya in Soomaaliya iyo/ama Dawlad Goboleedyadu ay tahay in ay ka tanaasulaan xuquuqda ay u leeyihiin baaxadda badda ee ah 200 mayl-badeed, isla markaasna xuquuqdooda lagu xadido ama lagu soo koobo 12 mayl-badeed.”

October 24, 2010 Safiirka DFKMG u fadhiya UN, Dr. Cilmi Axmed Ducaale, ayaa sida aan kor ku soo xusnay, waxa uu sheegay in badda Soomaaliya cabbirkeedu ka yar tahay fogaanta 200 mayl badeed.

October 27, 2010 ayaa warbixin ay soo saaray Barwaaqa sooranka Yurub waxa ay ku sheegeen inay Kenya ka caawinayaan sidii ay Soomaaliya ugala xaajoon lahayd xuduudda badda. Waxaana islamarkaas Nairobi lagu qabtay tababar ay khubaro ka socota Barwaaqa Sooranka Yurub ay siinayeen saraakiil Kenya oo ku saabsan sida Soomaaliya ugala xaajoog lahaayeen xuduudda badda.

Janaayo 18, 2011 ayaa waxaa soo shaac baxay heshiis 10 sano ah oo ay shirkadda lagu magacaabo “Sifaynta Badweynta” (Clear Ocean) ay la gashay DFKMG, shirkaddaas oo sheegtay in ay iibsatey Markab milatari oo ay lahaayeen Militariga Norway. Arrintaas waxaa ka hortegey muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan Norway oo xiriir toos ah la sameeyey wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway, arrintaas oo sababtay in Janaayo 21, 2011 ay Dawladda Norway joojisey in markabka militari laga iibiyo shirkadda reer Norway.

May 5, 2011 ayaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bey’ada ee DFKMG, Maxamed Macallin Xasan (Mohamed Moalin Hassan) waxa uu warbaahinta u sheegay sidan: “Waxaan dhawaan ka soo laabtay safar aan ku tegey dalka UK, oo ahaa safar shaqo, shaqadaas oo ku saabsanayd sidii loo soo gabagabayn lahaa hawl in muddo ahba aan ka wadnay oo la xiriirta xadaynta badda Soomaaliya, iyo in aan ka keenay dukumiintigii ugu dambeeyey ee finalka ahaa ee jeexayey xadaynta badda, ayadoo loo sameeyey sida waafaqsan sharciga badaha ee caalamiga ah iyo kan United Nationka ee loo yaqaan United Nations Convention on Law of Sea. Dukumiintigana waa loo gudbin doonaa Qarammada Midoobay, taas oo lagu diiwaan gelin doono xaqa ay Soomaaliya u leedahay in waxa loo yaqaan “Xuduudda Dhaqaale ee u Gaarka ah” Soomaaliya (Exculisive Economic Zone) ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 kiiloomitir” – DHEGEYSO.

Waxa kale oo shirkii jaraa’id ee xukuumadda DFMG ee May 5, 2011 lagu xusay “Dokumentigan iyo khariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabaci doonaa websiteyada QM”. Taas oo markaas macnaheedu yahay in Kenya oo aan weli loo qoondayn baddeeda ay tixraac u adeegsan karto, dhehina doonto “Maadaama baddiinu ay tahay EEZ, markaas waa in dib loo cabiro” – arrintaas oo ah tii ay shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaanka DFKMG ay ka dhiidhiyeen, kana hor tageen. Waana xagal daacin cusub oo u baahan difaac cusub.

Sida ka muuqata hadalka wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bey’ada ee DFKMG, waxa uu safar ku tegey Yurub, halkaas oo khariidadaha cusub laga soo xaqiijiyey. Gaar ahaan dal kamid ah barwaaqa sooranka Yurub oo sida kor ku xusan ay barwaaqa sooranku ku dadaalayaan sidii Kenya uga caawin lahaayeen sidii ay wada xaajood ugala gasho badda Soomaalida.

May 7, 2011 Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa ka dhoofay Muqdisho isagoo kusii jeeda Xarunta QM ee New York, waxaana warsaxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay lagu sheegay “inuu Qaramada Midoobey siin doono warbixin la xiriirta xaaladda dalka uu marayo, horumarka dowladda ay ka sameysey dhinacyo badan sida amniga, dhaqaalaha, gargaarka bani’aadanimo, adeega bulshada, iyo maamul wanaaga.” iyo ” inuu Qaramada Midoobey uu ka dhaadhiciyo go’aankii Golaha Wasiirada ee ahaa in doorashooyinka Madaxda Qaranka dib loo dhigo muddo 12 bilood ah.”

Sida aad wada aragteen waxaa iska cad in Dowladda KMG ay si toos ah iyo si dadbanba ay lug ugu lahayd fududeynta hirgalinta mashruuca Kenya ay wadato.

Waxaannu la wada soconnaa in isqab-qabsiga faraha badan oo soo kala dhex gala Dowladda KMG iyo Baarlamaanka uu salka ku hayo qorshahaan gurracan oo Kenya ay wadato oo ah sidii ay ku hantiyi lahaayeen Batroolka Badda Soomaaliya.

Qorshaha gurracan iyo damaca oo ay Kenya ka leedahay Badda Soomaaliya waa midda gaarsiisay in ay duulaan ku qaadaan Soomaaliya markii uu fashilmay qorshihii la rabay in badda Soomaaliya laga dhigo 12nm oo laga saaray Roadmap-ka (https://somalitalk.com/2011/10/11/no-eez/)

  • (Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa lagu go’aamiyey in “arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.”)

Sidaannu la wada soconno markii uu soo baxay go-ankaasi, Dowladda Kenya waxaay ku dhaqaaqday Qorshihii aay muddo dheer soo diyaarineysay oo ahaa in aay Soomaaliya ku duusho.

Sida uu daabacay wargeyska Kansas City dowlada Mareykanka ayaa la sheegay in 2-sano ka hor uu ku diiday duulaanka Kenya ay ku qaaday Soomaaliya.

Waxaa iska cad in qorshahaan Kenya ay ugu tala galeen in Gudaha Soomaaliya uu ka furmo JAHWAREER oo ah midda illaa iyo maantay na haysata oo hayaddii dastuuriga Soomaaliyeed (BAARLAMAANKII) uu qarka u taaganyahay in uu meesha ka baxo.

Inta JAHWARWWRKAAS lagu jiro awgeed lama arki doono ruux ka hadla Qorshii Kenya aay heshiiska kula gashay SHIRKADAHA SHISHEEYE si aay u qodaan Batroolka ku jira DHUL BADEEDKA SOOMAALIYA oo qoditaankiisa la billaabi doono sanadka 2012.

Halkan ka ka akhrista in la gaaray xilligii batroolka badda Soomaaliya in bililiqadiisa la billaabo sanadkan 2012.

  • Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya.

Walaalayaal Waxaa lasoo gaaray waqtigii ay ahayd in si rasmi ah loogu baraarugu in ay ku talagashay Kenya in Shiidaalkii Badda Soomaaliya loo qodo, ayadoo isla markaas dayaarado dagaal ku duqeyneysaa DHUL SOOMAALIEED. Muraadkuna waxuu yahay in aan loo soo jeesannin Mashruucaas Badda Soomaaliya ka socda oo Heshiiskii qoditaanka la billaabayo sanadkan billowgiisa 2012.

  • Waxaa la ogyahay in: Shirkad kamid ah shirkadaha saamiga ku leh aaggaas waxay sheegtay in sannadkan 2011 ay sahaminta shidaalka aaggaas u qoondaysay US$6 million oo wajiga hore ah. Waxaana warbaahinta loo sheegay in aaggaas laga sameeyey sahaminta nooca loo yaqaan 2D Seismic iyo in dhawaan ay soo gabagaboobeyso in qaar kamid ah aaggaas lagu sameeyo 3D Seismic – taas oo ah farsamo sahamin oo lagu ogaado in badda hoosteeda uu ku jiro shidaal. Waxaana markaas qorshaysan in ceelka koowaad aaggaas laga qodo 2012.

Walaalyaal,

Waxaannu la wada soconnaa in aay jiraan Dowlado iyo Hayado kooban oo dabada ka riixaya qorshaha ay wadato Kenya ayagoo ku gabanaya DAAHA GADAASHIISA daneynayana Batroolka Badda Soomaaliya.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa siiba inta awoodda u helikarta in aay beesha caalamka ka dhaadhiciyaan in KENYA aay faraha kala baxdo KHEYRAADKSA ku jira Badda iyo Birriga Soomaaliya oo aay kusoo duushay.

GABO-GABO

Walaalayaal,  JIDKA KALIYA oo noo furan waxuu yahay in banaanbax aan kala go’ lahayn in aan sameyno oo aan uga soo horjeedno duulaankan dalkayagii lagu soo qaaday dhinaca BADDA iyo DHINACA BIRRIGABA.

Somaliya Soomaali baa leh.

  • Somalia is not the first failed state. There were many other countries experienced such difficulties. The UN and the international community supported and rescued, without violating their sovereignty, seas and territorial rights. They were provided with reconstruction and rehabilitation programs of development and peace restoring.

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si aad ah uga horyimaadaan iskudayada iyo heshiisyada lagu doonayo in lagu booboo dhulkooda iyo khayrkaadka ku jiraba. Ma jirto maanta cid noo maqani, waana in aan gacmaha isqabsanno kuna dadaalno wixii tabarteenna ah inaan ku difaacanno dalkeenna.

Waxaan Soomaalida oo idil ka codsanayaa ( Dowladda, Mucaaradka, Shicibka iyo Dowlad Goboleedyada) in aay sameeyaan hal maalin BANAANBAX NABAD AH oo ula jeedadeedu tahay in aan ka badbaadno qorshaha gurracan oo cusub oo lagu boobayo badda iyo dhulka Soomaaliya.

Waxaan soo jeedin lahaa in la isku dayo in la sameeyo Hayad Madax Banaan oo loogu magac daro:-

  • Xarunta Daraasaadka Qeyraadka iyo Xuduudaha Badda Soomaaliyeed / Somali Marine Resources and Boundaries Studies Center

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Tixraac:-Qoraallo hore oo muhiim ah ee ku saabsan Badda Soomaaliya:-

http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac60.html

http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac2011.html

http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda125.html

http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac1.html

https://somalitalk.com/2011/badda/difaac22.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Waxaa lasoo gaaray waqtigii ay ku talagashay Kenya in Shiidaalkii Badda Soomaaliya loo qodo "

  1. Naasriin says:

    Salaan kadib, walaalayaal Qofna ma jecla in naftiisa, maalkiisa iyo dalkiisa midna lagu soo xadgudbo, waana la filan karaa in dadka somalida oo dhib badan deriska iyo dunida qaarkeed ka tirsanayaa ay shaki qabaan. laakiin halla ogaado in waxa la i na loo sheegayaa ay uun mala awaal iyo Mu-aamaraad aan markhaati loo heyn u badan yihiin.

    foojignaan lama diibadana, laakiin run maaha in dunida oo dhami ku heshiisey in dadka Somaaliyede la waxyeelleeyo, waana fikir qaldan.

    Somalidu iyadaa dadkeeda xasuuqday oo qabiil qabiil isu leysay oo qaxooti iska dhigtay, iney dowladnimadoodii iyo sharaftoodii soo ceshtaanna iyagaa la rabaa, waana iney fahmaan iney masuuliyaddaasi iyaga oo qur ah sugeyso

    laakiin ilama ahan in qoraalada noocaan ah ee ku dhisan mu-aamaraadka ay taa innaga caawinayaa. keliya waxaa ay welwel iyo argagax ku abuurayaan shacabka masaakiinta ah.

    dadka magacyadooda qoraalkani lagu soo taxayna ma jiraan wax cadeynaya iney ka tanaasuleen dhul ama bad somaliyeed, xitaa majirto wax cadeynaya iney niyad xumi nuucaas ah ku jirto. waase iska fudud in dad la iska eedeeyo ama la tuhmo.
    arinta badda iyo Cabirkeeda waa mid farsamo aqooneed iyo xeel dheerayaal u baahan iney sharraxaad ka bixiyaan sida habboona u sheegaan cidda masuuliyadda heysa ee ay khuseyso ee maahan in shacabka lagu jaahwareeriyo.
    ugu danbeyn haddii la rabo in bad la badbaadiyo horta dadka halla badbaadiyo oo dowllad ha lloo dhiso iyagaa bad iyo berriba badbaadsan doonee……….. haddii kale masaakiinta qaxootiga iyo colaaduhu labaatanka sano ku jirey yaan welwel iyo walbahaar loo abuurine wax laga yaabi ineysan jirinna lagu argagax gelin.

  2. roble farax says:

    walayal dhaman uma somaliyel wan salama i nt akhrisata maqal kay ga iyo int amaqashaba dhaman inta waxa dher wad aragtan dhulki iyo badini sida lodhacay xalkuna ifinka dhexdina ayu kujira adikana fududayn kara in ladhco inan ladhacina adinakaa bad badin kara waxan idin kacodsanaya wixi dhig iyo somalinimo kujirto mel kasta ay joganba muda aharag in la ababulo dag daga meshi xata labo qof lugu jogo in mudaharad ujiya qofki inta awed kabadan leh wa inusan hagran umadisa iyo dalkisa intaba allah bad baadsho dalkena iyo dadkena intaa waduco by somaliweyn

  3. maxamed says:

    asc.wey mahadsanyihiin somalitalk iyo bashiirba ,walaalayaal waa boob iska cad waana wax lamalaynayey in saqda dheer laynaku dagayo oo hurdo laynaku gaadayo, marka waxa lagudboon soomali inay baraarugaan oo boodhka iska jafaan .

  4. Samo Doon says:

    It is sad that the ongoing tremendous conspiracy being undertaken by regional and global powers using Somali traitors under their protection against the Somalis and their country escapes the intelligence of many Somalis. Kenya had planed to invade Somalia and take over much of its oceanic resources long before it launched its current Western/Israeli/African supported bombardments on the Somalis at a time they are most vulnerable. Proof to Kenya’s planned adventure in Somalia are two US embassy cables published by wikileaks.org.

    The first – http://s3.documentcloud.org/documents/267888/somalia-addis-246718.pdf – sent from the US embassy in Addis Ababa two years ago, Ethiopia, indicates Kenya’s repeated attempts to secure the US green light tfor it o go ahead with its planned invasion into Somalia while the US expressed concern over the possibility that the Somali groups siding with Kenya in its move against Somalia might be allied with ONLF fighters against Ethiopia for the independence of the Somalia region occupied by Ethiopia. In other words, what the US was saying to Kenya is “it is good to use some Somalis in achieving your goal but can you guarantee they won’t be supportive to the Ethiopian enemy in Somalia region under the Ethiopian colony?” When will they see, Soomaali madax yar!?

    Another cable – http://s3.documentcloud.org/documents/267885/somalia-djibouti-248187.pdf – sent from the US embassy in Djibouti discloses the government of Djibouti’s foreknowledge of Kenya’s intentions against Somalia and its people. The cable spells out Djibouti’s displeasure with Kenyan scheme not because Djibouti senses its immoral nature but it apparently feared it would give the Somalis a cause for unity. That was to my shock something I least expected from Djibouti! Waheey maxaa la gumoobay!

    In addition to the two cables above, I would also like to share a confidential report (http://www.oromoindex.com/images/stories/frazer-somalia-memo-2006.pdf) by the so-called United Nation in a meeting it had with US officials. The report also leaked by wikileaks contains information about how the US with no effort spared courted Ethiopia into its 2-year occupation of Mogadishu, the heart of Somalia, in December 2006. As indicated by Amnesty International, the occupation, which, for many Somalis, will remain to be a painful stain in the history of the country, mercilessly and brutally slaughtered over 16 thousand Somali civilians of all ages and sexes in their homes, businesses, streets and mosques. It saw countless number of gang-rape cases, forced the displacement of millions of Somalis and deliberately turned into ruble over seventy percent of the Somali capital’s buildings and crucial and scarce infrastructures. The Ethiopia’s deep cruelty for Somali people was displayed in all its forms in Mogadishu. They did not even shy away from raping the women related to those who were servilely obedient to them like the rape by Ethiopian General Gabre of Mohammed Dhere’s female cashier as Mohammed Dhere himself would shamelessly admit. How sick it is!

    Finally, this video http://vimeo.com/33120953 which I compiled from a dozen of films made in the span of over three decades about the Somali-Ethiopian relationship, and which I would like to share with you puts the Somalis in their historic context. At the end of the video, it must be clear to every Somali who is able to join the dots into the big picture that Somalia and Somalis have no friends, and therefore, unity among themselves is so crucial for their very survival. Let not clan devotion many of you are so intoxicated about blind you from the fact that your extinction is being orchestrated and is well underway at least as a sovereign nation. Remember that as mentioned in the Quran, Prophet Noah (may peace be upon him) were told just prior to the great floods in his time by Allah that his own biological son was not not of his own family simply because the son fell out of the fold of the faithful! Any one, not matter how closely you are related to, who sides with an enemy who is after your very existence is absolutely far worse than the enemy themselves! Hope you come to your senses and upon the reality! Salaama

  5. c says:

    asc sidee iyo ragee na abaabuli hadan nahay ummada soomaaliyeed walaal waxan idinka codsanayaa anigoo ah gabar soomaaliyeed inaad arintan adiga shaqsi ahaan abaabusho waayo wax badan baad ka ogtahay arintan, walaal waxaad la xiriiri kartaa somalida tv yada ay leeyihiin waxan hubaa 100% dadka soomaali in ay ku raaci hadii la abaabulo oo la hago kaliya waxay u baahan yihiin wax abaabula oo isku xira marka somalitalk waxan ka codsan sidaan uga baranay dabagalka iyo kicinta dadka.ogow qof wadanka u maqan ma leh waxba ha ka sugina baarlamaanka feerka isku garaaci iyo madaxdan la heystayaasha ah ee dadkiina aqoonta lahoow kaca wabillaahi towfiiq.

  6. Samo Doon says:

    Waa arin xabuun iyo murugo leh! Indin Ilaaheey kuwaa loo kiraystay in ay soor quureed na siistaan, waanu ka aargudan doonaa si hore loo arag loona maqal oo cibaaro u noqoto kuwo danbe oo sidaasi damaaci u galo. Soomaaliya Soomaalibaa leh. Nin la soo kiraysay oo Gaalka urahayo u magana waanan walee waxba aanaan ka qorin!

  7. wadani says:

    walaahay si aan sameeyno garanmeyno kuwii wadanka ka masuul ahaa garowe bay isku haystaan oo ka doodayaan arimo iyaga u dan ah laakin waxaanse la yaabanahay aqoonyahka somalitalk.com qora iyo nimanka madaxda isku sheegayaa farqiga u dheexeeya inuu ka weynyahay dunida u dhaxeysa somalia iyo japan waxaaan ula jeeda aqoonyahankan maalinkasta dhulka soomaaliyeed ku difaacaya maqaal iyo warbixin una adeegaya wadankoodii hooyo ,iyo nimankan garowe ku sugana illahay meel daran ha ku danbeysiiyo oo aan garanayn xuquuqda ay ku leedahay deerada ay siinayeen caleenta qoyan maalintii dhaweyd iskadaa inay muwaadin soomaaliyeed xuquuqdiisa ilaaliyaan waa kuwaas garowe suugada iyo paastada ku cunaya dalkiina kenya baa dhulka la sintey caruur iyo dumar midna ma reebin illahay waxaan ka baryey kuwaan iyo kuwii lamid ahaa ee horey wadanka u curyaamiyey in illahay ka qabto oo caruurteyda ama jiilka naga danbeeya aan illahay kuwaan kuwo la mid ah madax uga dhigin rabiyey muwaadin soomaaliyyeed oo ku dhiban dhulkiisi hooy baan ahaye kuwaas illahow umada ka qabo bahda somalitalk.com mar horaad taariikhda soomaaliyeed gasheen taariikhda anagaa markhaanti ka ah halkaasna ka sii wada

  8. Cabdiboqor says:

    Walaalkeen Bashiir Sheikh Maxamed, waxaan leeyahay Ajar iyo Xasanaad farabadan Allaha kaa siiyo, maxaa yeeley Wadan jaceeyl ku waa Qeyb ka mid ah Iimaanka. Waxaa hubaal ah in aad tahay Muwaadin Dalkiisa jecel, Qalinkiisana ku difaacay Kheyraadka Dalkisa cadowga Hororka ahi doonayo in uu Ku dhaco cadow kaloo shisheeye iyo Kuwo Diirka Soomaali ka ah intaba.Waana sax in dal iyo Dibadba la isu xilsaaro sidii Mudahaaradyo aan kala go’in laga sameeyo si indhaha Caalamka loogu soo jeediyo dhaca eey wado Kenya. Nasiib darada jirta ayaa waxeey tahay madaxdii Diyaafi laheyd ayaa waxaa lagu qanciyey in Kursiga loo ogolaanayao in eey kusii fadhiyaan, ama xoogaa dhaqaalaha ah qaataan oo la shaqeeyaan Cadowgaa Qaranka.

  9. S.w.w.

    Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinaynaa Somalitalk iyo dhamaan aqoonyahanada soo ururiya xogaha dhulkeena hooyo, waa waajib idin saaran gaar ahaan cid kasta oo wax ka taqaan qaanuunka badaha, waxaan oran lahaa waxaa la gaaray xilliigii hadal inta laga tago ficil lala iman lahaa, su’aashu waxay tahay qaabkee baa wax looga qaban karaa Umad ayadu aqoon yahankoodii culuma udiinkoodii iyo waxgaradkiiba la safan yihiin Gumaysiga madaw ee damaca waalan, ma waxaa jira wax qarsoon oo ayan shacabka ogayn? ma waxaa laga hayaa faro qof kasta oo mas’uul noqdaa muxuu wax uga dhagaystaa gumaysigan Damaca waalan? waa su’aal aad noo jahawareerisay, waa inaan diyaar u noqonnaa sidii looga hortagi lahaa, Hadal+ficil+aqoon+dhaqaale loogu hortagayo arintan, yaa diyaar u ah oo hogaankaa qaban kara? wabillaahi towfiiq

  10. Ahmedbashir says:

    Asc walaalo salaan kadib waxaad moodaa inaad hadda soo buraarugtay, walaalo laga soo bilaabo 1991 ilaa maantadan la jooga somalia waa laheystay 1- marna sidadban 3- marna si toos ah. Ee hadda lama qabsan wadankee hurdad ku jirtay kheyr Allaha ku siiyo haddad haddda sooo buraarugtay. Hadii aan u soo dago 2 da qodob ee aan sare kusoo xusay 1- waqtigii qabqablaha wadankeena jooogeen waxaa dalka ka talinaaye hubkana isugu dhiibaaye wadanka ethiopia markii ay soo baxeen maxkamadihii, Ethiopia mashruuucii waa ay weysay waxeyna bilowday iney tiraahdo anigaa leygu soo socdaa bulshada caalamka eeaad hadda u yeeraneysana Ethipia ayeey ku taageereen damaceedii ahaa iney somali qabsato laakiin Alle mahadii rag badan ayaa dhiigoodu ugu deeqay iney Ethiopia wadanka ka saaraan dibna loo xoreeyo wadankii. Waxaa soo haray kenya, sidaa sheegtay kenya waxey laheyd damac qarsoon laakiin soo shaac baxay waxiii ka danbeeyay xukuumaddi Cabdulaahi Yuusuf markii inta baarlamaankii fariisteen laga horyimidna waxaa dhacday iney xulufa sameyso si ay ugu adeegato waxey saaxiib dhaw la noqotay Gaandi iyo qolooyin diirka somali ka ah laakiin qaa’inul wadan ah. Isla markiiba waxey bilowday olole ay ku sameyneyso ciidama somali ah laakiin fulinaaya qorshaheeda si ay isugu qariso ciidamadii markey wadankii tageen waxey halaag kala kulmeen wiilal wadankooda jecel una daadiyay dhiig badan ugu danbeyn iyadaa soo gashay iyadoo ku marmarsiyooneysa wadankeygaa leygu yimid iyo hadalo kale. Innagoo ogsoon goob joogna ka ah jubooyinka ma dhicin xilligii ay shabaabka heysteen xuduudaha hal xadgudub oo ka dhan ah kenya iskaba daa gudaheeda ayaa lagu nastay oo burcadii yaraatay. Kenya waxaa mugdi galay damaceedii ahaa iney dhul badeed ka hesho somalia ugu danbeyn danta ayaa ku qasabtay iney ciidankeeda galiso Somalia laakiin insha’allah wey ku qasbanaan doontaa iney kala baxdo ciidankeena wadankeena ayadoo aan la baryin loona cabanin bulshada caalmka ee waxaan u cabaneynaa Rabbiga caalamka. Walaal somalida waxey tiraahdaa (shanfaroodle shantaada ayaa kaa celiso baryootan malahan ee waa leyska dhicinaayaa kenya sidaad sheegaty wadanka anagaa iska leh ee ninkii dhoof ku yimid bey geeridu dhibeysaa. Waad maqashaan dowlad dhan oo diyaarado iyo dabaabado wadata waaye kenya waxey dhaafi la’adahay 10m km ilaa 2 bilood insha’allah waan arkenaa damaca kenya waxaan filaayaa ineysan ka awood badneyn dowladihii hore ee ka horeeyay. Waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa kenya waxey kuu iclaamisay iney col kula tahay dee adna col la noqo ha baryine waxaa laga yabaa iney mugdi kaa gasho iney kenya col kula tahay oo aad is tiraahdo waxey la dagaalameysa alshabaab laakiin aan runta kuu sheege kenya col bey kula tahay inta ay shacabka diyaarado ku garaaceys, kenya col bey kula tahay inta ay kujirto wadankeena somalia, kenya col bey kula tahay inta ay wadato qorshahaan gurracan ee ay aqbali kari waayeen hogaamiye kooxeedyadii ugu xumaa ee wadankeena soo mara.