Home » Warar »

Maxamed Xasan Xaad “ waxaan uga Digaya Oodayaasha la sheegey in ay Ansaxinayaan Dastuurka in aysan iska Horkeenin Bulshada Soomaaliyeed”

Guddoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Shirka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iminka uga soconaya Magaalada Muqdisho. Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha ayaa sheegey in haatan aan loo baahnaynba Dastuur Dalka loo sameeyo isagoona sheegey in uu jiray dastuur weligiis lagu dhaqmi jiray kaasoo ah kii Lixdankii.

Xaad ayaa ka digay in Odoyaashan iminka ku shiraya magaalada Muqdisho una shiraya ansixinta dastuurka muranka badan uu ka jiro inaan laga hor keenin qaybaha kale ee Bulshada Soomaaliyeed. Maxamed xasan Xaad ayaa ku cel celiyay in Dastuurkii dalku lahaa dib loogu laabto haatana aan la joogin xilli dastuur hor loo sameeyo dalkan.

Guddoomiayaha ayaa sheegey in iminka ay wax is daba marsan yihiin loona baahnaa ka hor inta aysan Odoyaashu ansixin Dastuurka in Bulshada loo bandhigo marka ay ku qancaana Odoyaashu ansixiyaan. Hawsha ayuu ku sheegey in halkii la rabay in loo daba mariyo haatan laga bilaabay taasna aya keeni karto iska horimaad dhex mara Odoyaashan iyo qaybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.
Warka ka soo yeerey Guddoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho uu ka soconayo Kulanka Odoyaasha Dhaqanka Soomaalieed ay ku diyaarinayaan Ergadii ansixin lahayn Dastuurka laga daba qaylinayo oo la filayo in Odoyaashan ay dhawaan ansixiyaan Ergada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maxamed Xasan Xaad “ waxaan uga Digaya Oodayaasha la sheegey in ay Ansaxinayaan Dastuurka in aysan iska Horkeenin Bulshada Soomaaliyeed” "

  1. somali man says:

    runtii aad bay u qurux badnaan lahayd in qof kasta oo islaanimo sheeganaya uu dhaliishiisa qaato, ninkan hada leh beesha hawiye baan gudoomiye u ahay soo ma oga in 20 sano beesha hawiye soomaali oo dhan u xayirnayd, haduu gudoomiye u yahay xagee intaas jiray? tan kale waxan oran lahaa odaygu soo ma oga puntland iyo soomaliland ba waxaa sidan ka dhigay waa odayaal aan gudoomiye la buunbuuniyo lahayne, ninkani ma idaacadaha un buu ka sheegtaa gudoomiye nimada mise waa dhab? waxaanse oran lahaa dastuurkan kolay laftaydu kuma qanacsani oo muqdisho inay caasimad sii ahaato buu qorayaa iyo waxyaalo kale lkn waxaan taas oo dhan ku ilaawayaa bal horta magac iyo muunad ha la helo ka dib baa wax kasta laga doodi karaaye. waad mahadsantihiin.