Home » Warar »

Liiska Odoyaasha ka qayb gelaya Shirka Muqdisho ee lagu ansixinayo Dastuurka Jajuubka ah

Odayaashii Matalijirey Beelaha Soomaaliyeed oo qaarkood iska waayeen Liiska 135-ka Xubnood ee “Odoyaasha Dhaqanka” ee ka qayb gelaya Dastuurka Jajuubka ah ee lagu qulaaminayo Soomaalida–

Waxaa maalintii labaad galay shirka aan Soomaalidu u dhamayn ee la doonayo in lagu jajuubo dastuur aan nuqulkiisa ugu dambeeya ilaa hadda loo soo bandhigin shacabka Soomaaliyeed.

Markii la arkay liiska 135 magac (hoos ka akhri) ee ka soo qayb galay ayaa waxaa soo baxay in beelaha Soomaaliyeed aysan u dhamayn ama magacyadii beelaha dhab ahaan u matalijirey laga waayey liiska.

Waxaa kale oo qaabka loo wajahay dastuurka jajuubka ah ka soo horjeestey culimada Soomaaliyeed.

Jimadii la soo dhaafay ayey ahayd markii Sheikh Maxamed Cabdi Umal uu khudbadiisii Jimcaha si kulul ugaga hadlay dastuurka cusub ee lagu qulaaminayo ama lagu khasbayo shacabka Soomaaliyeed, waxana uu yiri: Dastuur qoran waxaa fahmi kara oo keliya waa dad yaqaan qaanuun ahaan waxa uu ka tarjumayo. Marka in dad caamo ah la soo ururiyo oo la yiraahdo ummaddii Soomaaliyeed oo malaayiinta ahayd ayey ka tarjumayaan, kaddibna la yiraahdo farta taaga waan ansixinay, maxay tahay sirta ku jirta, sirta ku jirtaa waxaa weeye wax aadan diyaarsan, talona aadan kulahayn, ee laguu soo diyaariyey ayaa la doonayaa in lagu laqsiiyo oo aad qaadato ama jeclaw ama nebcaw. Kaddibna maro been been ah loo huwiyo.” (Halkan ka dhegeyso)

Liiska Magacyada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan 135 Xubnood ee “Odoyaasha Dhaqanka” ee Xulaya 825 Ergo ee Ansaxinta Dastuurka Jajuubka ah ka akhri linkiga hoose:

Liiska Magacyada 135 Odayaasha Dhaqanka RIIX HALKAN….

Shirkani intii uusab bilaaban ayaa qoraal hanjabaad waxaa faafiyey xafiiska Nairobi ee Qarammada Midoobey ee qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, taas oo ay ku saxiixan yihiin: Kipruto Arap Kirwa, oo ah fududeeyaha IGAD ee nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya (oo xilkaas ay Kenya u magacawday 21 December 2008 shirkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa), Augustine Mahiga, wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, iyo Boubacar Gaoussou Diarra, oo AU u qaabilsan Soomaaliya – AMISOM. Akhri Halkan

Madaxweynaha DFKMG ayaa bishii September 2010 isagoo ka hadlayey qaabka loo wejihi karo samaynta dastuur cusub iyo ansixintiisaba waxa uu yiri, “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda laga doonayo xukuumadda in ay waqtigeeda isugu geyso sidii lagu gaari lahaa, furuhuna waa in amniga la sugo.”

“Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey — uu yahay Dastuurkii 1960-kii, Haddaba, iyada oo baarlamaanka hadda jira ay adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii 60-kii ku dari karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo habka maamulka Federaalka ah – go’aankase waa mid baarlamaanka u yaal.” Ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Shariif.

Dabcan xaaladdii uu ka hadlayey Sheikh shariif ayaa taagan ayadoo aan xukuumadiisu tegi karin gobolada dalka oo dhan, ayna dalka gobollo kamid ah haystaan ciidamada gumeysiga kenya iyo Itoobiya. Sidaasdaraadeed maxaa diidaya in hadalka hore ee Sheikh Shariif la qaato oo la sii haysto dastuurkii 1960 ilaa dalku goboladiisa oo dhan la xasilinayo.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.