Home » Warar »

Maxay tahay Sababta ka Dambeysa in Dalka Soomaaliya Gudihiisa Xiligaan Tacaddi loogu Geysto Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah

In dad Soomaali ah oo Diinta ka baxay ay Masaajid gudihii kula saxaroodaan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, waa arin cusub oo aanan horey u dhicin, hayeeshee marka laga hadlayo tacadiyada ka dhanka ah Diinta iyo ehelkeeda waxaa la dhihi karayaa, waa kuwa soo jireen ka ah dalka Soomaaliya.Haddaan kasoo qabano horraantii 1970, Madaxweynihii dalka ka talinayay ee Maxamad Siyaad Barre, ayaa waxa uu si cad ugu tuntay Aayaad ka mid ah Qur’aanka kariimka isagoona sheegay in ragga iyo dumarku wada siman yihiin

Waxaa xigay oo uu dharaar cad qudha ka jaray Toban Culumaudiin ah kadib markii ay xaqqa cadeeyeen, kana dhiidhiyeen tacaddiga diinta loo geystay
Sida la sheego ma jirin jawaab rasmi ah oo ay ummada Soomaaliyeed ka bixiyeen arintaasi, sidoo kale ma dhicin xasuuqa culimada kadib dad kale oo naftooda u huray gabood falka lagula kacay diinta iyo dhiiga Culimada.
Inkastoo Gaaladu aysan marnaba ka suuleyn la dagaalanka Diinta Islaamka ayaa burburkii kadib, waxaa dalka weeraro Diimeed kusoo qaaday dowlado ay kamid tahay tan Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo horaantii laba kun la weydiiyay sababta ay Soomaaliya ugu duulayaan, ayaa waxa uu sheegay inta uu Dugsi Qur’aan ka furan yahay Soomaaliya in aysan marnaba ka suuli doonin dagaalkooda.
Taas waxaa daliil cad u noqotay markii ciidamadiisii Muqdisho kusoo duulay 2006-dii ay Masaajidka Al-hidaaya gudaha u galeen, kadibna ku dileen Culimadii Tabliiqa oo uu kamid ahaa Allaah u naxariistee “Sheekh Siciid Yaxye”.
Sidoo kale markii ay baxeen Ciidamada Itoobiya, Masaajido badan oo Muqdisho ah ayaa waxaa loogu tagay Nuqulo ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo ay ku Saxaroodeen, waxaana kamid ah Masaajidka Sheekh Cabdi ee isgoyska Cali Kamiin.

Ciidamada Itoobiya waxaa xilligaasi xiriir fiican la lahaa Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, kadibna waxaa xiriirkii kala wareegay oo illaa iyo maanta xiriir fiican la leh dowladda Madaxweyne Shariif oo xitaa habeenkii xalay uga tacsiyeysay khasaarihii ku yimid ciidankooda lagu laayay gobolka Gedo.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in arintan ay timid markii dadka Soomaalidu ay ka dhiidhin waayeen dhacdooyinkii kuwan ka horeeyay oo ay ka mid tahay tallaabooyinkii ay hogaamiye kooxeedyada ku dhoofin jireen Culimada diinta islaamka si aysan u fidin Dacwada.

Sannadba midka ku xiga ayaa waxaad moodaa in ay Soomaaliya ku sii badanayaan tacadiyada ka dhanka ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.–
Baarlamaanka KMG ah ayaa doorashadii Madaxweyne Shariif kadib qabtay shir hal ku dhiggiisu ahaa: “Diinta Islaamka ma u codeynaa”?.

Inkastoo qaar kamid ah ay u codeeyeen, qaarna ay ka gaabsadeen ayaa Culimada Diinta Islaamku sheegeen in arintaasi ay tahay jees- jees iyo tacaddi weyn oo loo geystay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee Allaah waajibiyay ku dhaqankiisa isla markaana aan u baahneyn in loo codeeyo.

Tacaddiyo kale oo ay raadadkoodu muuqanayaan kana dhan ah Diinta Islaamka ayaa ka dhacay dalka, waxaana ka mid ah muuqaal ay Intarnetka ku baahiyeen ciidamada shisheeye oo laga daawaday, iyaga oo Kaniisad ka sameystay wasaaraddii Gaashaan-dhigga ee magaalada Muqdisho.Xarunta Madaxtooyada iyo Xalane waxaa ku xiran dad badan oo ay ku jiraan Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka, Intaana waxaa sii dheer dagaal joogto ah oo ay ciidamada dowladda KMG ah kula jiraan dadka sunnada ka muuqato.

Markii aad mareyso Ex-koontarool Afgooye waxaad la kulmeysaa rag iyo haween Gaadiidka baaraya, Bar tilmaameedkooda ugu horeeyana ma ahan raadinta hubka, ee waa haweenka Niqaabka iyo Xijaabada waaweyn sita iyo ragga ay sunadu ka muuqato. Sannadkan oo kaliya sida aan xogta ku uruurinay waxaa Niqaabka dartii loo dilay saddax gabdhood, halka kuwa kalana ay dhibaato ku muteysteen,Dalkeena ayaa u muuqda mid ay kusoo lixaadsanayaan dhaqanada qalafsan ee ay Gaaladu ku hayaan wadamada ay ku duuleen sida Af-gaanistaan, Ciraaq iyo Falastiin

Markaan u nimaadno kitaabka Qur’aanka kariimka ah, wuxuu Allaah inoogu tilmaamay hanuun iyo badbaadada dhabta ah, sidaa darted mar walba oo lagu tacadiyo Dunida Muslimka oo dhan wey isla damqataa. Sannadkii lasoo dhaafay waxaa dalka Mareykanka lagu gubay Kitaabka waxaana falkaas ka dambeeyey Baadari lagu magacaabo Tery Jonis oo u dhashay wadankaasi, waxaana xusid mudan in dowladda Mareykanka ay soo dhistay dowladda KMG ah, isla markaana Mushaarka siiso ciidamada Shisheeye ee ku sugan Caasimadda.

Yahuuda waa kuwa ugu cadaawadda badan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo ku dhaqankiisa, waxayna sannad walba ku bixiyaan Boqolkiiba in ka badan konton Miisaaniyaddooda. Shirkii Qaramada Midoobay ee sannadkii la soo dhaafay lagu qabtay Magaalada New York, waxaa ka dhacay muran ku aadan Gumaadka ay Yahuudu ku hayaan shacabka Muslimka ah ee reer Falastiin, Waxaa shirkaasi ka xanaaqay oo isaga baxay Mareykanka iyo Yahuuda.–
Balse arinta Caalamka oo dhan ka yaabisay ayaa waxa ay ahayd in Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ah Cabdi Gaas uu isna la carooday Mareykanka iyo Yahuuda.

Waxaa la rumeysan yahay in tacadiyada loo geysanayo Diinta iyo ehelkeeda ay soo dadajiyeen dhacdooyinka aynu soo marnay, haddana waxaa dowladda KMG ah loo sameeyay Dastuur cusub oo loogu magac daray Qabyo qoraal kaasoo si joogto ah looga xayeysiiyo Warbaahinta Gaalada siiba reer Galbeedka. Dastuurkan ayaa waxaa ku qoran qodobo badan oo tacaddi ku ah Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxana kamid ah Caqiidada Al- Walaa”-Wal baraa.
Wuxuu sheegayaa in dowladda ay ka qeyb gali karaan dad heysta diimo kala duwan Muslim iyo Gaal intaba, sidaa darted ayaa waxaa qodobkan loogu magac daray tixgalinta Diimaha sida uu sheegayo Cabdi raxmaan Jimcaale Cusmaan oo kamid ah Baarlamaanka KMG ah.

Arin aad u fool xumo badana ayaa tobanka bishan ka dhacday Masjidul Catiiq oo ku yaala degmada Wada jir ee magaalada Muqdisho, imaamka Masaajidka iyo dad kale ayaa waxa ay indhahooda ku arkeen kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo lagu Saxarooday, kadibna lagu guray saddax ka mid ah Musqulaha ku yaala Masjidka.

Dhacdooyin kuwan lamid ah ayaa dhawaan ka dhacay Masaajidka Faataxa-fashaq iyo Masjidu Raxma oo ku wada yaala isla degmada Wadajir, intaana waxaa sii dheer in dugsi ku yaala degmada Hodan todobaadkii la soo dhaafay lagu dhex saxarooday, laguna dhex jeex jeexay kitaabka Qur’aanka iyo maradii xijaabka u kala ahayd wiilasha iyo gabdhaha Dugsiga , isku soo wada duuboo dhacdooyinkaa Xanuunka badan ee loogu geyfey Kitaabka Qur’aanka ayaa shacabka soomaaliyeed looga fadhiyaa sidii ay uga dhiidhin lahaayeen.

W/D Cabdi Fitaax Maxamad Qaasim “Filibiin
Muqdisho Somalia

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maxay tahay Sababta ka Dambeysa in Dalka Soomaaliya Gudihiisa Xiligaan Tacaddi loogu Geysto Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah "

  1. caaliya says:

    ALLE WAXAN UGA BARYEYNAA HADUU MURTAD YAHAY QOFKAASI INUU FADEEXEEYO.AAKHIRO KA HOR.

  2. yuusuf xaaji says:

    kitaabka quraanka ah in lagu xadgudbo waxa keenay dayaca nahaysta iyo daciifnimada diintena e sidii daalibaan hadii aan ahaan lahayn nalaguma ciyaareen teeda kale dawlada kumeel gaarka ah ayaa aakhiro loosoo taagayaa dambigaas wayn iyo inta kudhaaratay kitaabka iyo inta raacsan ee taageersan