Home » Qoraallada Halkudhegga "Quraan"

Maxay tahay Sababta ka Dambeysa in Dalka Soomaaliya Gudihiisa Xiligaan Tacaddi loogu Geysto Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah

Mar 17, 2012
In dad Soomaali ah oo Diinta ka baxay ay Masaajid gudihii kula saxaroodaan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, waa arin cusub oo aanan horey u dhicin, hayeeshee marka laga hadlayo tacadiyada ka dhanka ah Diinta iyo ehelkeeda waxaa la dhihi karayaa, waa kuwa soo jireen ka ah dalka Soomaaliya.Haddaan kasoo qabano horraantii 1970, Madaxweynihii dalka ka talinayay ee Maxamad Siyaad Barre, ayaa waxa uu si... 
Halkudheg:

Sideen u fahamnaa Quraanka? Q: 29aad

Aug 30, 2011
Suurada 113aad Al-Falaq: Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fiil ka dib Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad. Macnaha Guud ee Suurada Al-Falaq: Suuradan Dadka bartaa in ay Allaah (Cw) kaliya Magan galaan marka ay Dhibaato Naftooda uga baqaan amaba ay Dhibaato sida Sixirka, Isha iyo wax la mid ah ku Dhacdo naftooda, maxaa... 
Halkudheg:

Sideen u fahamnaa Quraanka? Q: 28aad

Aug 27, 2011
Bayaan ku Socda kuwa aan Muslimka aheyn Suurada 112aad Al-Ikhlaas: Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Naas ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad. Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Tilmaamaha Dhabta ee Rabi lagu yaqaano. Waxeyna Suuradan Tilmaantay Allaah (Cw) inuu kali yahay oo uusan laheyn Mid Shabaha, Mid la mid... 
Halkudheg:

Sideen u fahamnaa Quraanka? Q:27aad

Aug 20, 2011
Suurada 106aad Qureysh: Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad. Macnaha Guud ee Suurada Qureysh: Suuradan waxey si gaar... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:26aad

Aug 20, 2011
Suurada 100 aad Al-Caadiyaat: Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Casri kadin, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.   Macnaha Guud ee Suurada Al-Caadiyaat: Suurada waxey si Guud u tilmaantaa Arimaha soo socda:1- Jihaadka in looga Baahan yahay Qalab iyo Hub in loo diyaarsado inta aan la Galin, Farduhuna waxey ka Mid yihiin... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 25aad

Aug 20, 2011
Suurada 93aad Ad-Duxaa: Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fajri ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad. Macnaha Guud ee Suurada Ad-Duxaa: Suuradan waxey Guud ahaan ka hadashaa Nabi Muxamad (Scw) Nicmooyinka la siiyay Aduunka iyo Aakhirabadaba, si uu Allaah ugu Shukriyo Nicmooyinkaas, waxaana Nicmooyinkaan Nabiga... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:24aad

Aug 20, 2011
Suurada 86aad Adh-dhaariq: Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 17 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Balad, Muxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Qeybata |Labaad ee Juzka 30aad. Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhaariq: Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuraha Caqiidada Quseeya, gaar ahaan waxey Xujooyin Cad cad ka Tilmaantaa Awooda uu Allaah (Cw) uu u leeyahay Soo Bixinta Maalinta Qiyaamaha,... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamna Quraanka? Q: 23aad

Aug 20, 2011
Suurada 78aad An-Naba’: Suuradan waxa loogu Magac daray An-Naba’ si ay Dadka u Xasuusiso weynida Akhabaarta Qur’aanka Xambaarsan yahay, waxaa kaloo yaqaan Camma oo ah kalimada ay ku Bilaabato. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Macaarij ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 30aad. Macnaha Guud ee Suurada An-Naba’: Suuradan... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:22aad

Aug 20, 2011
Suurada 73aad Al-Muzammil: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Muzammil, maadama ay ku Bilaabatay Naadin ku Socota Nabiga asagoo Go’ ku Duubduubnaa mar uu ka naxay biloowgii waxyiga, ayaa Allaah ugu yeeray oo ugu Naabiyayay  Al-Muzamil. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 20 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Qalam ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:21-aad

Aug 20, 2011
Suurada 72aad Al-Jinni: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jinni Maadaama si aad ah ay uga Sheekeyso Jinniga Makhluuqa la yiraahdo, Jinniga waa Qeyb ka mid ah Uunka Caqliga lagu Beeray waxaa uuna Mukulaf u yahay Sida Insaanka oo kale waana Xaqiiq jiritaankiisa. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Acraaf ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 20aad

Aug 19, 2011
Suurada 70aad Al-Micraaj: Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Micraaj oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Sa’ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 19aad

Aug 19, 2011
Suurada 67aad Al-Mulki: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mulki maadaama ay ka Hadasho Mulkiga Alle (Cw) inuu Koobay wax kasta sida Koonka Insaanka iyo waxa walba uu Koonka ku Dhex jira. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 30 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Adh-Dhuur ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 28aad. Macnaha Guud ee Suurada Al-Mulki: Suuradaan... 
Halkudheg:

Sideen U Fahamnaa Quaaranka? Q: 18aad

Aug 18, 2011
Suurada 62aad Al-Jumcah: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jumcaha maadama ay ka Hadasho Axkaam ku Saabsan Salaada Jumcaha, waxa ayna Muminiinta uga yeertaa in ay u Dagdagaan Gudashada salaada Jimcaha. Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada As-Saff ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeyta Labaad ee Juzka 27aad. Macnaha Guud... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:17aad

Aug 18, 2011
Suurada 57aad Al-Xadiid: Suuradan waxaa loogu Magac Daray Al-Xadiid (Birta) Maadama Magaca Birta lagu Sheegay, iyo in Birtu tahay Awooda Insaanku Nabad iyo Colba uusan uga Maarmin iyo inuu u Kaashado Horumarkiisa. Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 29 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suuralad Zalzala ka dib, Juz ahaana waxey Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad. Macnaha... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quaraanka? Q:15aad

Aug 18, 2011
Suurada 49aad Al-Xujuraat: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Xujuraat, Madaama uu Allaah (Cw) kusoo Hadal Qaaday Guryihii Nabiga Suubanaa (Scw) Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 18 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mujaadalah ka dib. Juz ahaana Musxafka wxa ay kaga Beegan tahay Bartaamaha Juzka 26aad. Suuradan waxaa Xasuusin Mudan Magaca Muminiinta Naado ku socota ayaa Hal... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 16aad

Aug 17, 2011
Suurada 50aad Qaaf: Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayada 38aad, Aayadaheeduna waa 45 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mursalaat ka Dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad.   Macnaha Guud ee Suurada Qaaf: Suuradan Qaaf waxa ay ka Hadashaa Asalada Caqiidada sida Rumeynta Toowxiidka, Rumeynta Risaalada Nabi Muxamad, iyo Rumeynta isi soo Bixinta Maalinta... 
Halkudheg:

Sideen U Fahamnaa Quraanka? Q: 14aad

Aug 16, 2011
Suurada 43aad Az-Zukhruf: Suuradaan waxaa Loogu Magac daray Az-Zukhruf oo Macnaheedu yahay (Dhaldhalaal) maadama ay Suurada Aduunyada iyo Raaxada Dhax taala ku Shabahday Dhaldhalaal Been ah oo lagu Dagmo. Suurada Makiyah marka laga Reebo Aayada 54aad, Ayadaheeduna waa 88 Ayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Fussilat ka Dib, Juz ahaana waxa ay ku Beegan tahay Bartamaha Juzka 25aad. Macnaha Guud... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q13aad

Aug 14, 2011
Suurada 37aad As-Saaffaat: Suuradan waxaa loogu Magac daray As-Saaffaat, si Dadka loo xasuusiyo Adoomada Alle Abuurtay ee loo yaqaan Malaa’igta iyo Shaqooyinka wanaagsan ee loo Xilsaaray, Malaaigtu waa Adomo Nuur laga Abuuray u Tasbiixsada Rabigood Habeen iyo Maalin kamana daalaan. Suurada As-Saaffaat waa makiyah, Aayadaheeduna waa 182 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Ancaam ka dib, Musxafka... 
Halkudheg:

sideen u fahamnaa Quraanka? Q: 12aad

Aug 13, 2011
Suurada 30aad Al-Ruum: Suurada Al-Ruum si ay Xasuus ugu Noqoto Mucjazadii Qur’aanka uu Alle (Cw) ku sheegay oo aheyd Guul Mustaqbalka Dhaw ay gaari Room xili Markaas waqti ka hor lagu jabiyay Dagaal ay la Galeen Boqortooyadii Faaris (Beershiya). Labadan Qolo ee Ruum iyo Faaris waxa ay ahaayeen laba Boqortooyo oo Aduunka Xiligaas ugu Awooda Roonaa isla markaana waxaa ka Dhaxeeyay Hardan Xaga Awooda... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 11aad

Aug 12, 2011
Suurada 27aad Al-Namal: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Namal, si ay u Waarto Xusuustii Mucjizooyinkii la siiyay Nabi Suleymaan taasoo ay ka mid aheyd inuu afgaran jiray wax kasta oo uu Alle Koonka ku Abuuray sida Shimbiraha, Quraanyada oo ah Magaca Suurada Xambaarsan tahay. Sheekada Quraanshada waxey Suuradaan ka Sheegtaa mar uu Nabi Suleymaan Safar ahaa oo ay la Socdeen Ciidamo fara Badan oo... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:10aad

Aug 11, 2011
Suurada 23aad Al-Mu’minuun: Suuradaan waxaa loogu Magac daray Muminuun si Muslimiinta loo Xasuusiyo Darajooyinka wanaagsan ay ku leeyihiin Janda Fidowsa Dhexdeeda. Suurada waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 118, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Anbiyaa ka dib, waxeyna ku bilaabataa Aayado Xambaarsan Kalimaad Muujinaya liibaanta Mumniinta Maalinta Qiyaame gaarayaan, Juz ahaana waxey kaga Beegan... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 9aad

Aug 10, 2011
Suurada 18aad Al-Kahf: Suuradaan waxaa lagu Magacaabaa Al-Kahaf, oo Macnaheedy Yahay Godkii, maadama ay ka Sheekeyso Qisadii Mucjizada laheyd ee Dhalinyaradii Godka Galay ayagoo Baxsad la ah Diinkooda ee Hurdada Dheer Allaah uu galiyay ilaa ay kasoo Naxaan Mar Dambe oo Boqortooyadii Gaalada aheyd ee Diinka Towxiidka la Dagaashaneed Allaah uu ku Badalay Mid Towxiidka Aaminsan. Suuradaan waa Suurad Soo... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 8aad

Aug 9, 2011
Suurada 14aad Ibraahiim: Suuradaan waxaa loogu Magac daray Aabihii Nabiyada Ibraahiim, si ay u waarto Xusuustii Taariikhdii Nabi Ibraahiim markii uu Asagoo Dhalin yaro ah u Istaagay Qoomkiisa oo Gaalo Mushrikiin ah ahaa inuu ugu yeero Toowxiidka, markii ay ku madax adkaadeena Gacanta u Qaaday Sanamyadoodii, markii ay Su’aaleena ku yiri Bal kan ugu weyn Su’aala haduu idiin sheegi karo, Markii... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 6aad

Aug 7, 2011
Suurada 9aad Al-Towbah: Suuradan Al-Atowbah waa Suurada 9aad ee Musxafka Qur’aanka loo eego, waxaana Magacaas loogu Magacaabay in Koox Muslimiinta ka mid ah ay ka hareen Duulaankii Tabuuk ayadoo aysan jirin sabab Sharci ah oo ay uga maqnaadaan Duulaanka, Markii Nabiga ka soo laabtay Tabuuk ayaa qaar kuwii haray ka mid ah u Cudur daarteen oo Been Sheegeen, hase yeeshee Sadax Saxaabi oo kala ah:Kacab... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 5aad

Aug 6, 2011
Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, islamarkaana Umada ku horimari karto…. Suurada 7aad Al-Acraaf: Suuradan waxaa loo yaqaan Al-Acraaf maadaama Magaca Acraaf uu ku Xusan yahay Suurada Dhexdeeda, Acraafkuna waa Derbi ku yaala Janada... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...