Home » Warar »

Itoobiya oo Sheegtay in ay Qabsatay magaalada Bedelweyne

Afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Bereket Simon, ayaa sheegay in ciidankoodu qabsadeen magaalada Soomaaliyeed ee Bedelweyne.

Bereket Simon said: “Enemy troops were routed during the operation and have retreated. We only had minimal losses,” Reuters.

Waa markii labaad oo Itoobiya qiratay in ay xoog ku gashay Soomaaliya, bishii Dec 28, 2006 ayey ahayd Maalintii Ciidamada Itoobiya galeen Muqdisho, halkaasna xilligaas laga saaray maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo uu madaxdooda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed. Waxayna Soomaaliya ciidankaasi xoog looga saaray (Jan 15, 2009) waa kaddib (749) maalmood oo uu socdey dagaal. Sida ay dhowaan faafisay Center for American Progress waxaa xilligaas Militariga Ethiopia gudaha Soomaaliya ka dhiman jirey 100 askari toddobaadkiiba – waxaana warkaas laga soo xigtey khabiir ka warhaya AMISOM. Taas oo tirada askartii Itoobiya kaga dhimatay labadii sano ee ay ku jireen Soomaaliya ka dhigeysa 9800 askari. Waxayna xasuuq u geysteen kumaan shacab Soomaaliyeed.

Ciidamadda Itoobiya oo Wata Dabaabaad Fara badan oo maanta la Wareegey Magaaladda Baled weyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi saaka (Dec 31, 2011) Waaberigii hore dagaalo ay ka qarxaan isla markaana Muddo Saacado ah uu socdey Dagaalkaas.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo Ciidamo taabacsan Maamulka la magac baxay Dooxada Shabeelle oo ay garab siinayaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo Maamulka Xarakada Shabaab.

Lixdii iyo barkii subaxnimo ee saaka ayaa mar qura dadka Reer Beled weeyne waxay ku tooseen Daryanka Madaafiicda labada dhinac ay is weydaarsanayaan taasoo si weyn looga dareemayo gudaha Magaalada Beled Weeyne.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay sida ay wararku nagu soo gaarayaan Degaanka Ceel Gaal oo illaa Siddeed Kiilo Mitir dhinaca bari kaga aadan Magaalada Beled weeyne isagoona ku soo fiday dhinaca Buurta Janta Kun Dishe oo qiyaastii Magaalada u jirta illaa shan kiilo Mitir.

In kastoo dagaalku uu yahay mid iminka soconaya ayaa haddana waxaan la qiyaasi karin dhab ahaan khasaaraha uu gaystay walow Axmed Inji oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Dooxada Shabeelle oo goor sii horeysey ee saaka war baahinta hadal kooban siiyay uu sheegay in saacadaha soo socda ay qorsheynayaan in ay gudaha u galaan Magaalada Beled Weeyne oo ah magaala madaxda Gobolka Hiiraan.

Warku wuxuu intaa ku daray in Madaafiicda ay soo tuurayaan dhinaca Duulaanka ku soo ah magaalada Beled weeyne qaarkood in ay ku soo dhacayaan gudaha magaalada walow aan la sheegin wax khasaare ah oo Madaafiicdaasi ka dhashay.
Dadka magaalada ayaa bilaabay in ay isaga baxaan magaalada una cararaan dhinaca Buuraha si ay uga nabad galaan Hubka Mootarka loo yaqaano oo magaalada soo gaaraya.

Ciidamada Xarakada Shabaab oo iyagu gacanta ku hayay magaalada Beled weeyne ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay magaalada ku difaacdaan iyagoona dadka ugu yeeray in ay u soo baxaan difaaca Magaalada isla markaana la arkayo Gaadiidka Tiknikada loo yaqaano oo magaalada dhex xawaareeynaya.

Dagaalkan maanta ka bilowdey Magaalada Beled weeyne Duleedkeeda ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyay maamulka Dooxada Shabeelle ay sheegayeen in ay u diyaar garoobeen dagaal kama dambays ah oo ay kula wareegayaan Magaalada Beled weeyne iyo guud ahaan Gobolka.
Saraakiisha maamulka dooxada Shabeelle ayaa iska fogeeyay in dagaalkaas ay

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaaladda Beled weyne ee Gobolka Hiiraan waxay sheegayaan ay la wareegeen Magaaladas Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay la socdaan Ciidamo soomaali ah oo ka tirsan Dooxada Shabeele waxaana Magaaladda Beled weyne lagu arkayey Dabaabaadka Itoobiya iyo Tekniko fara badan oo dhex Wareegaya magaalada waxay Ciidamada Itoobiya degeen Xarunta Gobolka , Labada Buundo ee laga galo magaaladda iyo Xerooyinka Ciidamada

Ciidamada Itoobiya ayaa u muuqanaya kuwa soo guurey oo doonaya in ay isku fidiyaan Deegaanadda Gobolka Hiiraan iyadoo Ciidamadda ay shabaab ay u baxeen Deleedka Beri ee Magaaladda waxayna doonayaa in weerar rogaal Celin ah ku soo qaadaan Magaaladda Beled weyn oo waayadaan dambe marti u noqotey in ay soo galaan magaaladda Beled weyn ciidamo Itoobiyaan ah hadaba la arki doonee halka ay ku dambeeyso Magaaladda Beled weyne

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Ethiopia troops enter Somalia, control border town

NAIROBI, Kenya (AP) — Hundreds of Ethiopian troops poured into a western Somalia border town on Saturday, opening a new front against the militant group al-Shabab, which now faces hostile militaries on three sides.

Resident Mohammed Abdi said hundreds of residents fled Beledweyne on Saturday after hundreds of Ethiopian and Somali troops moved in. Capt. Hashi Nor of the Somali military confirmed that Somali and Ethiopian troops had moved in.

“I saw Ethiopian troops standing at the doors of neighboring homes. Somali soldiers are also searching the homes,” Abdi said. “Al-Shabab retreated back to Bulo Burte and also many of the residents fled, and those who remained are in their homes.” MORE….


Kenya oo sheegtay in askari kale kaga dhintay Soomaaliya

The Kenya Defense Forces has so far lost six soldiers in direct combat, in the Al-Shabaab war it is waging inside Somalia. 21 soldiers have also been injured since Operation Linda Nchi begun on 15th October this year.


Warsaxaafadeed (Ref: XRW/OM/PR 00120/12/11) ka soo baxay DFKMG oo loogu magac daray “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” (Operation to Restore Peace and Stability in Somalia) hoos ka akhri:

War-Saxaafadeed
Dowladda Soomaaliya oo bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya”

(Muqdisho, 31 December 2011) Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” iyadoo lala kaashanayo saacidaada beesha caalamka iyo waddamada deriska ah.

“Maanta, shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxey u istaageen la dagaalanka kooxaha sheydaamiinta ee Al-Qaeda iyo Al-Shabaab oo in muddo ah ku hayey argagaxisnimo iyo dil ay u geysteen Soomaali fara badan. Shacabkayagu in muddo ah bey kala kulmayeen silc iyo dhibaato kaga imaneysey kooxaha Al-Shabaab. Maanta waxaan bilownay howlgalladii shacabka Soomaaliyeed looga xorreynayey gumeysiga kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab.” Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.

Shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin fara badan baa ka soo gaaray ku hoos noolaashada kooxaha xag-jirka ah oo in muddo ah si waxushnimo ah ula dhaqmayey shacabka. Al-Shabaab waxey ka mid yihiin golaha argagaxisada caalamiga ah ee uu hoggaamiyo kooxda Al-Qaeda.

“Howlgalkan soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya waxuu u socdaa si wanaagsan oo qorsheysan. Saakay, Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxey goobo muhiim ah ka qabsadeen kooxihii Al-Shabaab ka dib dagaal ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Waxaan si rasmi ah u codsaneynaa kaalmada iyo is-garab istaaga beesha caalamka guud ahaan iyo dowladaha deriska ah sida Ethiopia si loo saacido shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed laguna saacido howlgalkan taariikhiga ah. “ Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.

Ujeedada howlgalkan ayaa ah in laga xorreeyo shacabka Soomaaliyeed kooxahan arxan laawayaasha ah ee xagjirka ah. Howlgalkan waxuu sii kordhinayaa goobaha nabadda ee Soomaalida si ay u helaan kaalmada ama gurmadka caalamiga ah oo ay si aad ah ugu baahanyihiin.

Dowladda Federalka Soomaaliya waxey si deg deg ah uga dalbaneysaa beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bani’aadanimo inay gar-gaar bani’aadanimo la soo gaaraan goobaha laga xorreeyo kooxaha Al-Shabaab.

– DHAMAAD –
Isha: Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG


Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan (Dec 31, 2011)

“Ciidamda Dowlada oo Gacanta ku dhigay B/weyne iyo goobo istiraatiji ah” (Muqdisho 31-December-2011 ) Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya waxaa uu shaaca ka qaaday in Ciidamada dowalada iyagoo taageero ka helayo Shacabka hiiraan ay gacanta ku dhigeen Magaaladda B/weyne iyo Degaano ku teedsan oo istiraatiiji ah.
Wasiirka Gashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa yiri “Ciidamadeenu waxay gareen guul weyn waxay ka saareen Magaalada B/weyne dhamaan Maleeshiyaadkii argagixisada ahaa ee Alshabab, Xiriirkana la lahaa Ururka Alqaacida”

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa intaa ku daray “Janta Kundisho, Garoonka Diyaaradaha ee B/weyne iyo Magaalada B/weyne qudheedu waxay ku soo laabteen gacanta Ciidamada Dowladda, waxa qura ee haray waa hubinta in aysan canaasir ka tirsan argagixisada aysan ku dhex dhuuman shacabka Magaaladda”

Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirka Gaashaandhigu waxaa uu yiri “Guushaan waxay qeyb ka tahay ololle ballaaran oo xureyn ah oo ay wadaan “Ciidamada Qalabka Sida” guud ahaan dalka gaar ahaana b/weyne, kaasoo looga gol leeyahay in shacabka looga dul qaado cadaadiskii waqtiga dheeraa ee argagixisada oo sababay dhibaato aan hore loo arag”

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabku iney xasiloonida dhowraan kalana shaqeeyaan ciidamada Soomaaliyeed, sidii loo soo celin lahaa Amaanka iyo kala danbeynta, isagoo sidoo kalana ugu baaqay dhalinyarada weli ay ku adeeganayaan Alshabab iney hubka dhigaan iskuna soo dhiibaan Ciidamda Qalabka Sida, iyagoo ka faaideysanaya cafiska Dowladda. Wasiirka ayaa gabagabadii ugu baaqay dhamaan Hay’adaha Samafalka inay la soo gaaraan gargaar degdeg ah shacabka B/weyne iyo guud ahaan shacabka gobolka Hiiraan oo muddo dheer laga hor istaagnaa gargaarka. Dhamaad

Isha: MIPT Media

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Itoobiya oo Sheegtay in ay Qabsatay magaalada Bedelweyne "

  1. Omar says:

    Dawladda kumeelgaarka ah waxay tiri ciidanka dawladda ayaa qabsaday beledeyne, Ahlusunna waa sheegatey.
    Dawladda itoobiya waxay tiri waxaan gacansiinayaa ciidamada dawladda Somalia.
    Nin u hadlay urur la baxay dooxada Shabeelle oo la yiraa cagajoof waxa uu yiri waa been waxa ay ku andacoonayaan dawladda iyo ahlusunna ee meesha waxaa qabsaday dooxada Shabeelle iyo itoobiya.
    Ciidamada dawladda ayaan caawinaynaa ma maleeshiyo gaar ah in la dhisto oo xaduudaha lasoo geliyo oo loo gafo dawladnimada Somalia ayaa ah caawinta ciidanka dawladda.
    Waa suaale yaa run sheegaya yaa been sheegaya?
    Yaa ah ciidnka dawladda ma cid kasta oo aan ka ahayn shabaab xataa haddii aanay ciidan qoran oo dawladda ahayn?
    Yaa dawladda caawinaya dawladaha arrimaha Somalia faraha kula jira yaase ayagu danahooda gaarka ah meesha u jooga oo aan dalka Somaliyeed dan u hayn?
    Haddii maalinna qabqable iyo s…s…s… lala wada baxay oo la isku laayay la isku qaxiyey laguna kala tegey, maalinnaa al… al… al… iyo diin la isku galay, maalinna land land land iyo maamul goboleedyo loo kala jabay oo la isku hardiyey, Goorma ayaan dawladnimo dhab ah oo qayrkeed wax la qaybsata haybad iyo sharafna ku dhex leh caalamka aan u bixi doonnaa yaase u maqan hirgelinta arrintaa.

  2. Osman says:

    Anigu waxan isweydiinayaa maxaa Kulmiyey Muranki aarlamaanka oo guddomiyihi baarlamaanka oo ah ninka ugu dhaw itoobiya ee dawladda Somalia jagadiisi baarlamaanku ku dhawaaqay inuu ka tuurey iyo gurmadka degdegga ah ee itoobiya.
    Sidoo kale maxaa kulmiyey ku dhawaaqiddii baarlamaanka Somalia inuu laalay wax alla iyo wixi heshiis badeed ahaa ee ka dambeeyey 1991 kii oo aanan la geli karin heshisis kale oo badda ku saabsan iyo weerarki Kenya ee Somaliya ay kusoo gashay. miyaanay muuqanayn hawlgal ujeeddo badan ah meeshaas. Maxaase la gudboon dadki dalkaan lahaa iyo baarlamaankooda.

  3. maalinkale oo madow in markale ethiopia soo laabato oo ay qabsato dhulka somalia oo ay ku haminaysay in badan .in saxaafada somaliduna ay u ololaynayso in wadankooda ay cadow qabsato taarikhda abid madhicin in saxafi uu saa uladhaqmo wadankiisa waxaad moodaan in ethiopia ay wanaag ugu timi laakin waa xaqiiqo ah in ay burbur , barakac iyo xasuuq ay uyimaadeen .waxaa iswaydiin mudan saan nabad iyo horumar maku gaaraynaa in ay ethiopia dhulkeena qabsato?

  4. hassan says:

    wadankayga nasiib daro ayaa haysata dadkaygana caqliyari baahaysa waxa kala garan la nahay cadowgeena soo jireenka ahaa oo burburisay dowladeenii iyo kana qaybqaatay burburkeenii iyo halageeni labaatankii sano udanbaysan una foolxumayd xasuuqii muqdisho oo kumanan somali ah lagu xasuuqay.waligeena ma aqbali doono dabadhilif iyo cadowgeenii dilay awoowayaasheen. waxan kaxignaa dhimasho iyo in aan kahoosmarno dhulka in ethiopia ku hoosnoolaano.

  5. Muse says:

    Asc. Dhamaan umada soomaaliyed meelwalba joogtaan.
    Lagasoo bilaabo sanadkii 2006 ilaa iyo maanta waxaa dhulka soomaliyeed si isdabajoog ah usoo galayay quwada shisheeye iyaga oo garabsanaya niman soomaliyed amaba aan iraahdo somali isku sheegayaal siyasiyiin sheegta, kuwaas oo dawlada Itoobiya qandaraas ku siiya in waynaha soomaliyed la xasuuqo iyaguna ay kursi helaan.
    Sida ku CAD maqaalkan kore iyo Dhamaan idaacadaha warka faafiya xitaa kan gumaysatada Abasiiniya waxaa lagu cadeeyay in ciidan Itoobiyaan ah ay qabsaden magaalada somaliyed e layiraahdo Balad-wayn, kuna xasuuqeen shacab soomaaliyed.
    Nin isagu isku magacaabay W gaashandhiga e Somalia ayaa isna baahiyay in ciidankiisu qabsaden Bwayne taa. Hadaba waxa iswaydin mudan maxa ku kalifay in maamul ku sheega wakiilka u ah e Itobiya e Muqdisho jooga inay iyagu difaacaan cadawga kaliya e somali leedahay mase namatali karaan? Ayaamo ka hor ayaay ahayd makan kaqaylinaynay gumaagka ay Kenya u gaysanayso shacabka koonfurta somaliya maxaa is badalay Ma Labadan cadaw ee umada ku soo duulaybaa kala fiican mise soomaalinimadii waan ka tanaasulnay oo Waxan noqonay Xabashi? Allahu manajanaa.
    Jawabtu waa maya ee waxan nahay soomali ay horboodayaan caadoqaateyaal sharaftoodii iyo umadaba ku doorsaday inay maalin qadeeyeen. Soomaliya somali baaleh.

  6. Ethiopia iyo kenya dhulkii ay Soomaalida ka haysteyn ayaa ku yaraaday dhul balaarsi ayay u socdaan. sidan ayaa loo kala qeybinayaa dalkii la oran jiray Soomaaliya gobalada waqooyi aka somaliland iyo puntland ilaa beledwayne waxaa loo bixinayaa kilinka 6aad waxaa iska leh ethiopia.
    Kismaayo ilaa jowhar waxaa qaadanaysa kenya kuukuuyo dabadhilifyada wadanka hogaaminaysana xaafadaha ayay u maamulayaan gumaysiga cusub.

  7. WABI-KALAGOYS says:

    somaliyeey itoopiya aanu iska dhicino shabaab ayagaa nooga darane dhulkeena rabaan madoonayaan inay dhulkeena nabad kadhalato waa kuwiii xasuuqay awoowsheen aabayaasheen ma noqon karaan sxb aan aamino marnaba itoopiya iyo kenya kabaxa somalia

  8. Keynaan says:

    walee waa masiibo umada soomaliyeed u soo hoyatay hadaanba cadawgeenii aan maciin bidno oo ay nabada iyo xasiloonida soo celin doonaan bal somaliyeey halkee u socotaan mase idiinla tahay in ethpia iyo Kenya in ay soomaliya xasilooda u soo celin doonaan

  9. Samo Doon says:

    Walaalhi waa cajiib kan lagu sheegayo inuu yahay wasiir gaashaan dhig ee leh ciidamada xoogga dalka ayaa qabsaday Balad Weyne. Taasi waxay marqaati ma doonto u tahay inay caamiliintu u arkaan Soomaaliya qeyb ka mida Itoobiya. Walee Soomaalaay haddeudaan arkin tal la idinla maagan yahay ee idinku soo wada socoto wax badan ayaad qoomamo ooyi doontaan. Ma arxan iyo wanaagbaad ka sugtaan kuwa sidan yeelay:

    Itoobiya: http://www.youtube.com/watch?v=PygoVgdBMZI&feature=player_embedded#!
    Kiinya: http://vimeo.com/32871671

    Doqoneey dabkaa ba’