Home » Warar »

Madaxweyne Musavini oo sheegey in Ciidamada Uganda iyo Burundi ee ku sugan Soomaaliya ay ka Adkaadeen Ciidanka ugu Xooga Badan ee Qaarada Afrika

Ciidamada Amisom oo ah Ciidamo ka socda wadamada Uganda iyo Burundi kuwaas oo Soomaaliya u jooga in ay gacan siiyaan Dowladda Federaalka ayaa Madaxweynaha wadanka Uganda Yueri Musavini mar uu ka hadlayey Sannad Guurada 49 aad ee ka soo wareegtey markii wadankaas uu Xoriyada uu qaatey ayaa waxaa uu sheegey in Ciidamada Wadamada Uganda iyo Burundi ay ka adkaadeen Ciidamadii ugu Xooga Badanaa ee Qaarada Afrika kaa soo ula jeedey Xarakadda Ashabaab.

Madaxweynaha wuxuu sheegey in Ciidmada Uganda iyo Burundi oo ka socda Midowga Afrika ay Muddo Sannooyinka ay la Dagaalameen Ciidamo aad u xooga oo Taageero ka helayey Ururka Alqaacida waayo Uurka Alqaacida waxaa ka adkaan waayey Mareykanka iyo Xulafadiidsa oo Muddo Toban sanno ay dagaalo ku jireen gaar ahaan Afgaanistaan iyo Ciraaq taasoo aan wax natiijjo ah laga gaarin hase yeeshee Ciidamada Bururndi iyo Uganda waxay ka adkaadeen Xarakadda Alshabaab oo ah urur aad u Xoogan.

Madaxweynha Uganda wuxuu eedeeyn dusha ugu tuurey Qaramada Midoobey oo uu sheegey in ay ku fiirsatey Dagaalka ay ka wadaan Dalka Soomaaliya oo ay kula jiraan Xarakada Alshabaab ka dib markii ay soo gaarsiin waayeen Agabkii ay u baahnaayeen ee,wuxuu u Mahadceliyey Ururka Midowga Afrika oo uu sheegey in soo gaarsiiyeen Taageeradii ay u baahnaayeen

“Dagaalka aan ka wadno Soomaaliya waa mid aan ku dooneyno in Soomaaliya aan ku soo dabaalno Nabad buuxda islamarkaana Soomaaliya mar kale Cagaheeda isku taagi lahayd , waxaana dooneynaa in aan Xarakadda Al-shabaab aan ka saarno Guud ahaan dalka Soomaaliya”ayuu yiri Musavini oo sheegey in soomaaliya ka soo bxi doonin ilaa aan ku soo celino kala dambeyntii

Nuur kaahiye Faarax oo ka mid Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegey in warka ka soo yeerey Musavini uu yahay mid Ceeb ku ah dalalka Uganda iyo Bururndi waayo idiinkoo sheeganaya Dowlado islamarkaana haysta Hub Casri in aad tiraahdo waxaan ka adkaaney Ciidanka ugu xooga badan Qaarada Afrika waxaa uu sheegey in adduunka uu ogsoon yihiin in aad Dagaal kula jirteen Muddo Sannado ah urur yar oo aan heleynin Taageerada aad hesheen maxaa moodeysaa haddii ay kula dagaalami lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed dharaar Cad ayaa ka carari laheydeen Soomaaliya marka hadalkaada waxaa uu u eg yahay mid aad Niyada ugu dhiseysid Ciidamada Bururndi iyo Uganda oo jab weyn uu ka soo gaarey soomaaliya sidoo kale hadalkaada wuxuu guul u yahay Shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sii raaciyey:

“ inkastoo hadalkiisa uu u muuqdey mid ka Jan ah Waa wax jira Musaviniyow in Soomaaliya ay lahayd Ciidanka ugu Xooga badan ee Qaaradda Afrika Ciidankaasna waxay u burbureen Faregelin Shisheeye balse mar ay ahaataba Musafiniyow Ciidankaas waa uu soo noqon doonaa iyaga ayaana dalka kaa saari doona welibana waxaadna dib u raacin Taariikhda Soomnaaliya oo lagu yaqaan Gumeysi la dirir waxayna Shacabka qaarkii ay qabaan in Ciidamada Uganda iyo Burundi ay u joogaan Danaha Mareykanka iyaga ayaa dalkaan idiin keeney ee awood aad ku timaadaan ma lahayn Xasuuqa aad u geysteen Shacabka Soomaaliyeed ma Mooga “

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Madaxweyne Musavini oo sheegey in Ciidamada Uganda iyo Burundi ee ku sugan Soomaaliya ay ka Adkaadeen Ciidanka ugu Xooga Badan ee Qaarada Afrika "

  1. Keydshe says:

    a.c marka hore waa mahadsan yihiin bahda somalitalk iyo nuur kaahiye, tan kale musaveni wuxu qirtay cadaawadii uu u qabay somalia waayo waxay somalia sxbo ahaayeen ninkii uu xilka ka tuuray marka cadaawadaas ayuu u qabay waxaadna moodaa inuu hada ka miirsaday dhiigii soomaaliyeed sidii zenawiba horay uga dhargay, tankale ciidamadan qaran ee dadka dhaca booba kufsada mobileda dhacaya kuwaas kuwa qaran noqon kara maahan iyaga iyo horjoogayaashooda dhulkii dadkii iyo badiiba gatay. waxaan kaloon leeyahay yaa shacabka laaya yaa shacabka qixiya yaa magaaladii burburiyay oo madaafiicda goobta, BMka taangiyada ku garaaca oon GUMADSOM ahayn, maxayse shacabka uga qaxaan xaafadaheey qabsadaan, aqyaarta la dhacsan GUMADSOM waxan dhihi lahaa ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysa waqtigii dhamaayo way dhaqaaqi doonan ee yaa hadhow idin badbaadin doona.

  2. mubarig says:

    maanta in u ku faano, waa u gaadhay waayo musaveni wuu cadaystay waxaa uu doonyo wuuna garaanaya waxa uu u socda ama hacadeeyo ama ha u qarsanatee.. aniga shaqsiyaan waaxaan qaaba in ay shabab yihiin somali oo idiil oo fikiir iyo mabda ay wataan ku soocda.( lakiin nimanka sheegta dowlada maxaay ku socdaan. maxaay ku heshiiyeen? waa maxaay damacooda? ) waa laga doodi kara shabab maanta ma inoo danba. lakiin ma aha in qalaldadooka ay gaalan ay turjumayso wanaagoda ama waxaay damacsanyihiin. waxaa wax laga xumada ah in ay somalidu maanta qaarna ka naxaan dilkooda qaarna ku fuurxaan. waxaa jira dad ku farxaaya markay maqlaan waaxa la duuqeeyay kismaayo,ceel buur, iwm. kaba sii daraan waxaay odhaanayan alxamdulilaah,, bal is waydiiya maxay ku kala duuwanyihiin labada ariin???

  3. Nuur says:

    waxa na haya jahli iyo daacadnimo darro iyo cudurro kadhashay labadaas oo umaddeenna badankeed u diidan inay xaqiiqda fahmaan, Nuur Kaahiye wuxuu ka hadlay ayadoo aan la iska indha tireyn dhibaatada soomali dhaxdeeda taalla, haddana inaan ogaanno cudurkeennu meesha uu ka yimid cidda keentay iyo maxaa u daawa ah in umaddu garato, waa in aanan ku sifoobin maahmaahdii soomaaliyeed (doqoni qufacday meel laga gaareyna ma garaneyso) haddii ay musiibo cusub timaado waa in aysan na illowsiinnin wixii ka horeeyey ee ay musiibadan cusubi ka dhalatay, waa inaan ogaannaa dhibka na haya daraf iyo dacal, kadibna xal u wada raadinnaa annagoo iswadanna.

  4. Adan Xade says:

    KU> Calasoow, waxaa tiri { dhiigyacab wixii Soomaali aafeeyay oo ciqaab xun la marsiin doono}!!! waxaay ila tahay adiga ayaa ugu horeeynaya haddii aay sidaa dhacdo. haddiise aad Soomaali ka naxeeyso, ka qabo kuwa dadka maatida ah ee soo bara kacay kufsiga iyo gaajada isugu daray deeqdii Adduunkuna bililiqeystay!!!!!!!

  5. Barqo says:

    Nuur kaahiye faarax. Waad mahadsantahey waana kugu raac sanahey fikirkaaga…. Waarun muvani warka uu ku hadlay waa hadal asagana ceebku ah shacabka somaliyeedna guul u ah .waayo waxaa layiri fartaa xumi filiq filiq kaagama harto .alshabaab waa niman somali ah haday shacabkoda u daran yihiin iyo haday u roon yihiinba urur ahaan bey udirirayaan … Waxaan rajaynayaa wiilasha alshabaab u diriraya oo intey magaca badashan ku biira ciidanka xooga dalka .ay helaana taageero xoog badan soo noqon mayaan siday bari ahaan jirtey ciidanka africa ugu xooga baddan ..anigu mataageer sani alshabaab hadana caawa waanku farxey hadalka yuberi musavani

  6. Maahan muzaveni inuu inkiro ciidan xooga qaranka soomaaliyeed oo ka dhinac dagalaamayey.dagaalkii xoogiisana ay CQS ay galeen.
    Tan kale waxaan mahad balaaran u soo jeedinaya somalitalk kaalintii lama ilaawanka ahayd ee ka qaateen arintii badda.ilaahay ajar iyo xasaanad ha idinka ka siiyo bayaanintii aad si faaffahsan ugu bayaaniseen arimihii quseeyay badda soomaaliya.waxaana is taahishaan bilad geesinimo idin la idin ku doonsiiyo.waana heleysaan marey noqotaba,waxaana ku qoran tihiin xasuusta soomaaliya.
    Wcs

  7. Calasow says:

    Nuur Kaahiye Faarax waxaan ku oran lahaa jabka Al Shabaab waa guusha Soomaaliyeed. Ciidamada aad sheegeyso oo Ugandha iyo Burundi inta jabiyaan dalka ka saari doona, Waa Qolama??? Lolz…
    Somaliya ciidan baa u sameysan oo asxaabtooda Ugandha iyo burundi garab istaagan yihiin. Ciidanka Somaliya waa kuwa Khawaarijta dhiiga islaanka xalaaleysatey afka ciida u darey… Ilaahay idinkiisna iyagaa quwada geeska afrika noqon doona. Waxaa soo ifaya waa guul dhameystiran iyo dhiig yacab wixii soomaali aafeeyay oo ciqaab xun la marsiin doono, Insha’alaah