Home » Warar »

Cabdi Qaasim Salaad Xasan “Baarlamaanka Go’aan kaliya lagama Rabo ee waxaa laga Rabaa in uu Maxkamad soo taago kuwii ka dambeeyey Heshiiskii Hore ee Badda iyo kuwa Hadda ku Howlan ”

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa isna ku biiriyey Codkiisa ololaha looga soo horjeedo in Baddda Soomaaliya la xadeeyo taasoo ay ku Howlan yihiin Xubno ka tirsan Dowladda Fedraalka islamarkaana ay soo Bilaaban tahay xiligii uu Raiisul Wasaaraha Dalka ka ahaa Cumar Cabdirashiid. Sii AKhri

Halkan hoose ka dhegeyso codkii Madawenihii hore ee soomaliya 

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/Cabdiqaasim.mp3]

SII AKHRI….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Cabdi Qaasim Salaad Xasan “Baarlamaanka Go’aan kaliya lagama Rabo ee waxaa laga Rabaa in uu Maxkamad soo taago kuwii ka dambeeyey Heshiiskii Hore ee Badda iyo kuwa Hadda ku Howlan ” "

  1. Assalama Alaikum dhammaan akhristayaasha iyo mamulka Somalitalk, Mudane Cabdiqasim Salaad in uu ka hadlo arrinta lagu boobayo badda Soomaliya aad by uu fiicantahay. Lakin waa mid aad iyo aad uu so dahdey oo waxaan rajeynayey in isaga iyo kuwa isku sheega (Dr. or Professor) oo haben iyo maalin ku mashquulsan wax ka sheegida siyaasadda Somaaliya in ay addunwaynaha iyo ummadda Sooomaliyeed meel kasta oo ay joogan in uu sheegan ayna ugu baaqan bannanbaxyo is daba jooga laga sameeyo gudaha iyo dibaddeba oo loogu digayo dowladaha hungurinaynaya badda Soomaliya in ay Soomaaliya baddeda cabiranthay aysana xornimadeeda qaadan 90s ay ahayd dowlad xor markii aysan xornima qaadan oo ay gumaysi ku jireen.

    Soomaliya baddeeda waxaa loo hungurinaynaya oo aan wa ognahay in dowladda iyo barlamanka soomaliya aysan ogeynba in ay badda soomaliya cabirantahay oo ama aan bad leenahay iyo qiimaha ay ku fadhido badda Soomaliya oo ah mid (unique) sida meesha ay biyaha qboy iyo kuwa kulu ay ku kulmaan ama meesha badda iyo Oshenka ay ku kulmaa (where the cold and hot waters meet or where the see and the ocean meet) addunka waa uun soomaliya.

    Markaan dib ugu soo laabto arrinta badda waa in ay shacabka , dowladda iyo barlamaanka ay go aan ku garaan in badda somaliya ay cabirantahay oo ay soo bandhigan (facts and documents) meel kasta kuu qoran ay uu sheegan oo kale haddii bad laga hadlayo in dhulna laga hadlo ileen Kenya dhul bay soomaliya ka haysataa oo uu isticmarkii uu siiyay.

    Ugu dambey, manta soomaliya ma aysa aha dowlad xor ah inta ay joogan Amison oo ay madaxdii iyo xafiisyadii dowladda ay fadhiyaan.

    Soomaliya waxay dhul iyo bad ka hadli kartaa makii ay aqooyahanadeedi dhankasta lahaa ay dalka dib ugu soo labtaan.

    Sida uu Cadi Qasim yiri waxaan ku dari lahaa qofkii badda soomaliya cabir iyo wixii la mida soo qaado in uu yahay (traitor) xukun dil ahna lagu qaado markii ay soomaliya gacanta cadowga Amison iyo Shabaab ka baxdo.

    Intaas iyo nabadgalyo! Allow Soomaaliya isu keen, xafid oo cadowga gudaha iyo dibadda ka qabo!

    do nin sidisa oo kale wax bartay aqoon diineedna lehwaa mid soo daahdey lakin

  2. YUSUF says:

    CABDI QASSIN WAX UU KAHADLEY WAA SAX
    WAXAASE IS WEEYDIINLEH CABDIQAASIN INTII UU SAN WADANKA HEERKAN GAADHIN MAXUU WAX OO GAQABAN WAAYEY XAMER NIN SIYAASI AYUU AHAA OO AH NADAXDA HAWIYE UGUSAREEYSA.SOMALI WAXEY DAGANEEYD XAMER ,WAXII HANTI AHAA WAXAA LAGAGA SODHAQAAQEY XAMER.HADII XAMER LADAJIYO SOMALI WEEY HAGAAGI LAHEEYD.

    HADANA HADII XAMER HAGAAGTO SOMALI WEY ISU IMAN EE HATAGO XAMER DAKANA WAX HAKAQABTO DIB UHESHIISIINA HA SMEEYO QOLA WALBA INTUU SIYAASIYIINTODA IYO ODAYAASHOODA LARAADIYO.

    SHABAABNA WASADEX QABIIL DOWLADANA FAN GAREEYSA

  3. maxamuud says:

    cabdiqaasim waa madaxweyne qaaliya ninkastaase siduu doono haufasirto waa nin rabitaan lahaa iyo han taas ayaa keentay in gaal oodhan ay farta kufiiqaan soomaaalina waa loo diray waxaan oran karaa rijaalu qowmi ayuu ahaa longlive cabdiqasim

  4. maxamuud says:

    coljoog cawaanka south sudan waa dad yaqaana dhibaatada waqti badana soo maray .hadda wax bay aamin sanyihiin ,waxaa ay aaminsanyihiina waa lama taabtaan qaranimo .soomalidu waxay aaminsan tahay tuuganimo daacad darro,xassad, in wax ladumiyo mooyee in wax ladhiso mayaqaanaan

  5. KIngfaysal says:

    Asc. Soomalidu ma tahay marka hore kuwa xisaabiya? ma yihiin kuwa xasuusta taariikhda? marka aan fahfaahiyo ujeedadeyda. walaalayaal hadii nin walba lala xisaabtami lahaa waxa hadda dhacaya ma dhaceen. maantay waxa ay mareysaa badda Soomaliya shalay waxa ay aheyd deeqahii ay soo dhibeen wadamada musliinka in guryo lagu iibsado barina waa in la iibsado dhulka Soomalida maxa yelay Soomaliya kama jiro isla xisaabtan. aniga waliba waxaan eeda sarayaa dadka bartay sharciga oo aan ka soo bixin masuliyadoodii.

  6. Waxaan la yaabanahay sida soomalida u bahdilan tahay South sudan ayaa calaamadaysaty waqooyiga kenya mapka cusub oo soo baxay waxaa welwel ka muujiyey kenya .innakana inteenii hore baan ka cararaynaa iyo badda ilaah nagu mannaystay .
    miyaan ka liidana cawanta qaawan ee south sudan..???

  7. Magan says:

    Runtii arintu waa sidda madaxweynihii Hore Cabdiqaasin Uu u sheegay markaa waxaa haboon in baarlamaanka waa inuu talaabo cad ka qaadaa kuwa inta dalka iyo dadka dambiga ka galay badeeniina muran ay san hore ugu jirin geliyay haddana wali ka sii hadlaaya waa in talaabo cad laga qaadaa Khiyaano qaran bay galeen. kuwa hadda leh waa inaan naqaanaa cabairka badeenana Waxaa wanaagsan in aanay iska indha tirin Sharciga no 37 ayaa wax walba ku cad yihiin hadaysan fah meynina waxaa haboo insay raadsadaan sharci yaqaano soomaliyeed ayaa jira oo arimahaas kala talinaaya .

  8. Assalaamu caleykum dhammaan akhristayaasha sharafta leh,madaxweynihii hore ee soomaaliya inuu kahadlo arrinta badda waa loo baahnaa maxaa yeeley asaga iyo ragga lamidka ah ee damiirka leh ayaa larabaa iney arrintaan u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen,shacabka soomaaliyeed inuu codkooda maqlana waa muhiim sababtoo ah waxey keeneysaa iney umadda soomaaliyeed meel uga soo wada jeedsato arrintaan,marka waxaan leeyahay siyaasiyiinta iyo waxgaradka damiirka leh codkooda hakubiiriyaan oo hagarab istaagaan ragga aykamidka yihiin admiral faarax qare,dublamaasi bashiir iyo waliba bahda SomaliTalk ee ku howlan sidii shirqoollada looga hortagi lahaa, ballanteennu waa inaan kahortagno shirqoolada cadowga iyo adeegayaashiisa ay nala damacsanyihiin,soomaaliyeeeeeey ogaada gacmo wadajirbey wax kugooyaan,wassalaamu caleykum waraxmatullaah.