Home » Maqaallo »

Ma oran karnaa Ra’iisul wasaaraha cusub Professor Cabdiwali M Cali Gaas, waxaa la magacaabay Xilligii ugu haboonaa

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeena ayeey korkiisa ahaatay, kadib dhammaan akhyaarta sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka ah (ACWW).

Sida aynu ka warqabno Soomaaliya waxaa ka jiray waayahan danbe siyaasad khalafsan oo runtii mar marka qaar aad is oranaysao amaba ay dadka qaar aaminsan yihiin in soomaalida la maaweelinayo uun aysan farahooda waxba ku jirin. Runtii arintaas waxaa ka marqaati kacaya qaabka ay u socoto siyaasadda ay ku dhaqmayaan raga maanta horboodaya siyaasadda Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan labada Shariif.

Professor Cabdiwali waa nin aqoontiisu ay aad u sareyso, waayo arag ah, kartina u leh hogaaminta wanaagsan, sharaf iyo sumcadna ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Waa nin haddii fursad loo siiyo in uu u madaxbganaanaado arimaha Soomaaliya isbadal weyn keeni kara.

Waa shaqsi aan aaminsanahay in uu soo celin karo midnimadii iyo isku xirnaantii Soomaalida ee la waayey waayahan. Laakiin waxaa isweydiin leh illaa iyo intee in la’eg ayuu Cabdiwali ka madaxbanaanan karaa isqabqabsiga golaha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Sidoo kale Prof. Cabdiwali intee in la’eg ayuu ka badbaadayaa siyaasadda fooshaxun ay ciyaarayaan Igad iyo waddamada geeska Afrika. Prof. Cabdiwali ma ka badbaadi karaa qaabkii dabinka loogu riday ama loo casilay saaxiibkiis Mudane Farmaajo.

Sida aynu la socono Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ahaa shaqsi ay ka go’nayd in uu dalkiisa wax u qabto, muddadii yareyd uu joogayna wax dhaqaajiyey laakiin waxaa la yiri arintani maaha shaqadii lagu diray, oo waxaa kaloo lagu yiri waad dheeraynaysaa. Xaqiiqdii marka aynu fiirino waaqica aynu ku jirno maanta oo ah in nalaga taageero dhinac walba haddii ay noqoto xag dhaqaale, ciidan iyo farsamo kaleba oo runtii Soomaalidu ayan iyagu dhexdooda is ogoleyn, oo midba midka kale uu u arko cadow iyo shisheeye oo ayna jirin meel inoo fiyow. Waxaad maqlaysaa golaha Baarlamaanka oo u cabanaya beesha caalamka oo oranaya dhowrkan bilood mushaar nalama siin. Waxaad maqlaysaa labo Shariif ayaa iskhilaafay oo waddan fulaan ayaa lagu soo heshiisiinyaa.

Haddaba ummadda uu wadcigoodu halkaas marayo, oo aan jirin haba yaraatee wax innaga laynaga qiyaar galinaya oo wax walboo danaheena ah aynaan u madaxbannaaneyn, ayaan doonayaa akhristayaasha sharafta leh in aan u soo bandhigo su’aashan ah { ma oran karnaa Prof. Cabdiwali oo ah aqoonyahan sare oo runtii uu portfolio ahaan aad u sareeya ahna shaqsi isku darsaday karti iyo waayoaraganimo kaleba waa xilligiisa}.

Run ahaantii markaan dhinaca kale eego lagama quusto naxariista Allaah oo Cabdiwali wax baddan ayuu ka qaban karaa waddankan haddii uu Allaah la garab galo oo uu isgana la yimaado daacadnimo, dulqaad, Alle ka cabsi iyo karti. Runtii Cabdiwali waxaan oran lahaa jilaafada iyo waddooyinka qodxaha leh way fara baddan yihiin ee waxaad uga gudbi kartaa deganaan, dulqaad, Allaah ka cabsi iyo la tashiyo baddan oo aad la yeelato inta ay dhab ka tahay waddaniyada ee doonaya in ay Soomaali cagta saarto dhabihii horumarka.

Waxaan hadalkeyga ku soo gabgabeynayaa Soomaaliyeey aynu la shaqeyno maamulkan cusub ee uu soo dhisayo professorku oo aynu u duceyno in uu Allaah la garab galo waxqabadkooda. Wax walboo wanaag ah oo ay la yimaadaan ku taageera, wixii xumaan ahna uga nasteexeeya oo ha ku taageerina.

Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser – Leicester UK

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ma oran karnaa Ra’iisul wasaaraha cusub Professor Cabdiwali M Cali Gaas, waxaa la magacaabay Xilligii ugu haboonaa "

  1. omar ali says:

    Somali xaaladeeda waxaa lagu badali karaa oo qura in ay shacabka
    Kacdoon xoogleh sameeyaan sidii kii kadhacay Masar iyo Iran ninkay
    Rabaan ay madax ka dhigtaan garabna istaagaan difaacaan.
    Ilma aha in Gaas kuwii hore wax kaduwanyahay sababtoo ah
    shaqsiqa ma aha ee waa xaalada lagu jiro.
    Waxaa layaab leh madax kusheegta somalida ka dhamaan la Addis maxaa
    udiiday Muqdisho waa aduunya layaab leh

  2. hassaan says:

    maxay tahay wakhti loo baahnaa nin hada masuul ah oo haboon ma jiro waxba ha isku daalinin waxaan waa la wataa meel ay ku dhamaaneyso ma jirto ILLAAHA baraya in uu naga kor qaado waxaan dulayaasha ah lawada wato

  3. somali says:

    kii la keensadaba hala amaano oo hala taageero maalin aan maanta ahayn ayay somalika shalayn doontaa ragan midba mar lakeensanayo markii lagu shaqaystana la eryayo