Haa- Boqolkiiba in badan oo magacaa wadaagta ayaa runtii qeyb libaax ka qaata mushkiladdan degi weyday ee aan weheshanno. Marka hore aqoonyahan waa kuma?. Aqoonyahan waa qof wax bartay oo aqoon gaarana u yeeshay cilmi gaara oo waxtar u yeesha mujtamaca. Waxa uu noqon karaa takhtar, sharciyaqaan, dhaqaale-yahan, khabiir diimeed, siyaasadda iyo culuumta kale ee jirta nolosha aadanahana hore loogu mariyo.
Aqoonyahanku waxa uu aqoontiisa ku gaaraa siyaabo kala duwan, midbaa canshuurta dowladda wax ku barta oo waxabarashadiisa dhameysta iyadoon wax hanti ah aayan qoyskiisa ama laftiisaba ka gelin. Mid kale, oo runtii mujtamaceenna nadir ku ah waa midka ay hey’ado gacan ka siiyaan ama qoykiisuba uu daboolo qaraamaha waxbarashadiisa.
Aqoonyahanka Somaaliyeed ee maanta jooga qiyaastii boqolkiiba 80-90% waxay wax ku barteen cashuur ay dowladahii beri-samaadku matalan ka qaadeen hooyada tamaandhada ama haruurka ku iibisa suuqa, taasoo micneyneysa in dalku maalgashaday qofkaas oo looga baahan yahay inuusan waxtar maahee, waxyeello dalka iyo dadka ula imaan. Dad badan ayaa qaba in aqoonyahanku yahay qof dhameystiran oo howl kasta ee soo wajahda u babac dhigi kara, laakin saas arrinku maahee, waxa muhiima in Alla aqoontaa kuu raaciyo mid maskaxeed ee kaabta aqoontan maaddiga ah ee qofku kasbaday, si qofkan ay ugu suurow inuu xallilo mushkilad sida ta Somaalida oo kale ah u murugsan.
Su’aasha qormadan aan ku bilaabay haddaan hore u galo, aqoonyahanka Somaaliyeed ee la rabay inuu ahaado bar-bilowga xallinta mushkiladdan na sal dhigatay ee nus qarniga sii dhaafeysa, mar haddaan ku tebeyno cilmi iyo caqli labadaba ayaan illaa hadda la imaan wadiiqo looga baxo jahwareerkan siyaasadeed ee na hareeyey, bal inuu xal keeno daayo, isagabaa qeyb ka ah bey dadka intooda badani qabaan.
Waxan anigu ka mid ahay kooxda qabta in daaqadda dhibtu ay naga soo gashayba tahay aqoonyahan caasiyey oo ka abaalgaday hooyadii laga qaaday shilinka uu wax ku bartay. In taasi jirtana waxa daliil kuu noqon kara matalan marka aad la kulanto ruux shisheye, badanaanba kuwa arrimaha Somaalida daneeya, oo aad isi salaantaan, su’aasha ugu horreysa ee uu ku weydiiyaa waxay tahay waayoo qoladaadu?, marka haddiiba aad mid xun noqoto oo aad qoladaada u sheegto, waxa uu ku leeyahay adigu laan-qaab ayaad tahay, wax awoodana halka aad degto kuma aad lihid, haddaad laan dheer noqotana, waa ka kuu kala qaada jifo jifo, kuguna eedeeya inaad leeyso kuwa laan qaabta ee hore uu ugu tilmaamay inayan wax ku ool aheyn.
Waxad is weydiisaa oo balaayadan yaa waxan oo war ah siiyey!!. Haddii Alle ku waafajiyo inaad weydiiso halka uu ka helay macluumaadkan, asoon kaba fekerin ayuu kuula soo boodaa oo miyaadan gareyn Profisoor hebel iyo Datoor hebel, aqoonyahannada Somaaliyeed ee naga saacida mashruuc hebel iyo hebel.
Aqoonyahankeennu waa kii hagayey dagaal-oogayaashii dhibta ay geeysteen la ogyahay, waa madaxda hey’adaha samofalka ah ee waxoogaaga loogu soo dhiibo shacabka la’anaya daaraha uga jeexday magalooyinka magaalooyinka Nyroobi, Daar’asalaam, Dubai iyo meelo kale ee badan. Waa kuwa gacanta ku siiya shisheeyaha in jeebka lagu shubta xoolaha lagu soo uruuriyo magaca ummaddan dhibka aan ka bixin. Waa kuwa magaca wasiirrada wata ee macdanta, kalluunka iyo shidaalka iibiya. Waa kuwa mar walba madaxda ugu sarreysa noqda, haddana buuxsiga jeebkooda uun u soo jeeda, halkii ay ka falkin lahaayeen mushkiladda iyo xal u helliddeeda. Waa kuwa aqbala shiraraka waqti lumiska ah ee aan loo sii sheegin ajandahooda, kana soo noqda natiijo la’aan. Waa kuwa aan su’aal ka keenin waxyeello loo maleego dadkooda , bal midida lagu qalo iyagu noqda.
Waa kuwa riyo ku noolka ah ee waqtiyadan dambe ku waashay madaxweynaan ka ahay meel heblaayo aanuuba tege Karin, kulana wareegaaleysta kuwa ku naaxay mushkiladdeenna ee shisheeyaha ah. Waa kuwa raalli ku noqda ihaanada iyo magac xumada qoorta loo suro habeen iyo maalin iyagoo sheegta inay yihiin madax dal. Waa kuwa loo yeeriyo sidii ay isku xukumi lahaayeen aqbalana biiri-qaatayaala aan marna digigixan .
Waa kuwa balaayiinta doolar ka dhex sameeya shacabkan liita ( isgaarsiinta/xawaaladaha) oo aan sandareetana ku soo celin. Bal u fiirso aqoonyahanka daawada/cunnada dhacay soo warida ee cudurka abuura. Bal eeg ka isagoo diin ugu soo gabanaya xoolaha kaga uruuriya ganacsi ayaan kuu gelinayaa, dhowr bilood kadibna la waayo meeluu jaan iyo cirib dhigay. Bal eeg ka sharciyaqaanka /qoraaga ah ee loo adeegsado inuu qoro wax liddi ku ah jiritaanka ummaddii uu canshuurteeda wax ku bartay.
Bal eeg kuwa u kala dhuunta xukuumadaha jaarka ah una gudbiya sirta dalka si wax looga dhigo-Kuwan waxa ka buuxa saraakiishii ciidamada ee dalka u dhaartay. Bal eeg kuwa yiraahda xubno baarlamaan ayaan nahay, laba go’aan oo is-burinayana soo kala saara barqadii iyo casarkii ee maxbuuska u ah koox diirata ah oo iska dhaxla xukunka sare ee dalka, daa’imna isku mashquulsan.
Maxey marna ugu soo dhici weyday aqoonyahan dhaqaalaha balaayiinta doolar gaareysa ka dhex sameeyey ummadda inuu dhaqaalahiisa inyar oo ka mida ku badbaadi yo ummaddiisa iyo qarankiisa, si looga baxo mucaawinada shisheeye ee qaranimadeenii lagu hantiyey. Bal eeg kuwa loo adeegsaday ihaaneynta iyo karaamo ka qaadidda mid muujiyey inaan xurowno ee cid u hiillisa waayey. Waa aqoonyahanka aan arkay ee wax la taaban karo ee ummadeed la yimid.
Caqliga fayow waxa aan hoos ugu degeyn haddii uu jiri lahaa aqoonyahan mushkilada xalkeeda isku mashquuliya inayan dhibtu intan nagu soo gaarteen, marka aqoonyahan ha garowsado inuu mushkiladda qeyb ka yahay. Waxa aadanaha caado u ah marka kastoo ay mixno heshoba, waa kii keena xalkii looga bixi lahaa, aqoonyahankuna waxa uu yahay sida aan kor ku xusay, mujtamaca qeebtiisa arrinka loo kaashado. Aqoonyahanow intaad isu tagto sidan si dhaanta keen. Waxan ku soo xirayaa qormadan xigmad laga hayo gabadh Somaaliyeed oo aheyd : ‘WAR REER RAG LE ROOB SAAN MA U GALAA’
Nuur Cilmi Xalane
Contact: Warsan54@gmail.com
ASC WARAB MARKA WAXAAN SALAMAYA MADAXDA ;SUXUFIYENTA;
INTA KA HOOLGASHA WEBKAN SOMALITALK IYO WALAALKEN NUR CILMI XALANE AJIR ALLAHA KA SIIYO SIDDA QIIMAHA BADAN UU NOGO
KALA DHIGDHIGAY AQOONYAHANKA IYO UGU ADEEGIDII UU UGU ADEGI LAHAA DALKA IYO DADKISSA CANSHURAHA LAGA QAADAY WAXKU BARTAY:
WAXAAN U ARKAA IN GUUD AHAAN CAALAMUL ISLAAMKA DHAN AY KA SAAQIDEEN HEERKA UU GAARSIYEY ILAAHAY IBNU ADAMKA MARKUU SHIRIYEY MALAA”IKTA U KU DHAHAY:=( INII JACILLUN KHALIFA FIL ARDHI)SDQL OO AY MALAA”IKTI KU DHAHDAY
MA WAXAAD KHALIF UGA DHIGI DAD KU DAADIN DOONNA DHIIN OO
ANAKUNA MARKASTA KUGU TASBIIXSANNA OO AY NOQOTAY IN EBE
UUGU TAWAABBO ( WACALLAMMA AADAMA ASMAAU KULAHAA)SDQ
TAAS AA SOO IFBAXDAY IN AY KA TAGEEN CILMIGII ILLAAH BARRAY
OO AY QAATEE SAADAASHII MALAA”IK NAGU TILMAAMTAY OO AD
ARAGTID IN AY MAANTA MEEL AY KA JIRTTO NABAD DHIIG DAATTA
MAAHEE CAALAMKA ISLAAMKA SIIBA SOMALIA.
waxaan u soo laban qofka := IN ILAAH U KALA QEYBIYEY ;= SADEX
a-JIRKA(BODY);b AQLIGA (CONSCIOUS) &NAFTA (SOUL) SADEXDAN
HADII AY WADA SHAQEYN KA DHEX DHICI WEYSSO WAXAY CAQIBADU NOQON HOOGAN;DAGALADAN ;RAXMAD DARIDAN OO AY
NOQOTO REER BA”OW YAAKULEH.
ILAAH MARKUU KA YAABAY IBNU AADAMKII WAXUU DHAHAY (AFALA YACQILUUN;AFALAA YATA THAKARUUN ;AFALA YASMACUN;
AFALA YATADABARUN AM CALA QULUUBIHIM AQFAALUHA)SDQL.OO
DHAMAAN TILMAMUHU KU SOCOTO CAQLIGGA;SAAS DARTED AYAA
CAQLIGII WAX KALA MIZAMI LAHA MEESHA KA BAXAY.
IGA RAALLI NOQDA MAANTA UUN BAAN FURTAY WEBKA SAA AN UGA DIB DHACAY .
WABILAHI TAWFIIQ
ASC Mahada RABBI ka dib in qof wax qabto uuna dalkiisa wax u qabto waxaa ka horeeya qofkaas xor ma u yahay oo naftiisa iyo dadkiisa,
marka uu xornimada helo waxaa xiga laba waxyaabood oo qofkaas laga rabo:
In qofka uu amiin ((DAACAD)) u yahay Diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa
tan xigata waxa uu umada u qabanaayo uu aqoon u leeyahay sida aminiga, waxbarashada, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada qaybaheeda.
Haddii aan intaas la helin ma tihid nin wixii loo egmay qaban kara, ee waa nin gumeysi iyo jahawareer dhex fadhiya ee yaanan been isu sheegin soomaaliyeey.
umadana waxay ka socon la’dahay sedex caado qaatayaal:
1- Culimo ama aqoon yahanka kale ee caada qaate
2- oday dhaqameed caado qaate
3- siyaasi aan cilmi iyo caqli toona haynin oo umada horboodaayo
arinkana wuxuu ku biyo shubanaa:
soomaaliyeey….toosoooo
toosoo …. ha isku tiirsaninaa
hadba kiina taag daran……tafta uga istaagaaaaa
haduu madaxa qaadana …..bud kaga garaacaa
qabiil qabiil isu laayaa…… ka dibna meles u kala ordaa
gobol gobol u kala go’ ….. ka dibna cadow isu noqdaa..
marka aad is dishaanaa….. eboowgiin meles u kala dhuuntaaaaaaa
guuull guul … sidaasaa fadneeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee
fadneee….. fadneee