Home » Qoraallada Halkudhegga "Nuur"
Markaan Shisheeyaha ii Garsoor idhi
Maskaxdaadu marka ay caadi wax u kala saari weydo, waxay culimada caafimaadku ku macneeyaan waxa ay ugu yeeraan “brain malfunction”oo ka yimaada xanuunno badan oo isugu taga maskaxda kana dhiga aalad aan sidii loogu talogalay u shaqeyn amaba isku daadata. Waxay yiraahdaan takhaatiirtu inta aaneyn heerkan soo gaarin waxay soo martaa heerar ay in yar in yar u soo lumiso awoodahii fekerka, xusuusta,...
SIDAN MA KU DAWEYNAA LABADABA
Qormadii: Nuur Cilmi Xalane
Email: warsan54@gmail.com
Nin-door taliyey laheyd – waa beyd aan ka soo qaatay maansada DABA HUWAN ee ka soo burqatay maskaxda dahabiga ah ee walaal Hadraawi oo runtii aan u aqaanno Aabaha erey-bixinta Af- Somaaliga. Suugaantiisa waxa kaaga dhadhama qaniimada iyo fac-weynida Af-keenna. Waxa uu adeegsadaa ereyo asali ah oo aan ku badneyn Af- Somaaliga jiilka maantu ay...
MADAXWEYNE, HORTA YAA QORSHEEYA SAFARRADAADA?!
Waxa qoray: Nuur Cilmi Xalane
Email: warsan54@gmail.com
Mudane,
Waxan maleynayaa in dadka iyo dalkuba yihiin muhimaddaada kowaad, ma qaranimadiisaa, ma nabadgelyadiisaa, ma dadkiisaa, ma xadadkiisaa, ma, ma —–.
Laba sano ka hor, markii xilka laguu dhaariyey, dad badan oo aan ka mid ahay, ayaa qabay inaad xalka bilow fiican u noqon doonto, hoggaamin fiicanna horseed ka noqon doonto.
Waxan...
Ilma qurba joog maxaa loogu gooni yeelay xilalka.
W/Qoray: Nuur Cilmi Xalane
Email: warsan54@gmail.com
Labadii xukuumadood ee ay soo kala dhiseen Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha hadda jooga Cabdiweli Gaas waxad mooddaa in lagu gooni yeelay qurbo joogta. Matalan xukuumadda Mudane Gaas, 99% waa qurba joog oo dhamaantood heysta dhalasho shisheeye.
Arrinkan oo aan laga been sheegin, cid kasta oo daraasad gaaban ka sameysaana...
ILEYN DUUL WADA SABOOLAAN AHEYN!!!!!
Haddii aad u fahmto inaan magaca qormadan ula jeedo in Somaaliyi aad idilkeed sabool tahay, may’e, waxa la yiri; halka laga hodmaa waa qalbiga, ee maaha waxa aad heysato oo xoolo ah. (It is the heart that makes a man rich. He is rich according to what he is, not according to what he has. Henry Ward Beecher). Mar haddaad la mid noqoto ka aan heysan wax uu bixiyo, waxad tahay sabool, astaahila in la...
Si aadan ugu Dhicin Dabinkii Majo-xaabiyey Farmaajo!
Nur Cilmi Xalane
Mudane Ra’iisal wasaare,
Marka hore Hambalyo, marka xiga, ku soo dhowow halkii loogu xiiray taliyahaagii. Waa waddo halaqu laasimo oo khatarteeda sida looga badbaado ay naadir tahay. Waa kuwa suntoodu ay degdeg wax disho, inta ay qabaanna tiro male, oo dhibanihii ugu dambeeyey adaaba goob joog ahaa.
Si aad uga badbaaddo in adna middida lagu saaro, waxad u baahantay inaad dib u daraaseyso...
AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda
Haa- Boqolkiiba in badan oo magacaa wadaagta ayaa runtii qeyb libaax ka qaata mushkiladdan degi weyday ee aan weheshanno. Marka hore aqoonyahan waa kuma?. Aqoonyahan waa qof wax bartay oo aqoon gaarana u yeeshay cilmi gaara oo waxtar u yeesha mujtamaca. Waxa uu noqon karaa takhtar, sharciyaqaan, dhaqaale-yahan, khabiir diimeed, siyaasadda iyo culuumta kale ee jirta nolosha aadanahana hore loogu...