Home » Faallo »

Ayeeyo 62-jir ah oo dowlada Malaysia Dil ku xukuntey Daroogo darteed!

Ayeeyo 62-jir ah oo u dhalatey wadanka Hindiya, kana soo jeeda Chennai ayaa Maxkamaha sare ee wadankan Malaysia waxeey ku xukuntey Dil!, taasoo lagu sababeeyey in eey wadatey Daroogo, kadib markii Qaadigii maxkamadu yiri “Isdifaaceedu ma aheyn mid xoog badan, waxaana ka buuxa arimo badan oo is khilaafsan”, wuxuuna u muuqdaa ayuu yiri qaadiga “Mid la sameeyey oo gacan ku rimis ah”.

————

Warbixin:

“Malaysia Dilbaa yaallee, Dadka aad soo direeysaan lasoo Dardaarma!”

Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, Akhristaha sharafta badanoow, waxaan maqli jirey gabay dhahaya “Nin Aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban, Aakhira nin aadoow maxaa lagu ogeeysiiyey”. Dhacdadan naxdinta iyo murugada badan ee  igu kaliftey in aan qormadan qalinka u qaato bal ila dhuux.

Ayeeyo 62-jir ah oo u dhalatey wadanka Hindiya, kana soo jeeda Chennai ayaa Maxkamaha sare ee wadankan Malaysia waxeey ku xukuntey Dil!, taasoo lagu sababeeyey in eey wadatey Daroogo, kadib markii Qaadigii maxkamadu yiri “Isdifaaceedu ma aheyn mid xoog badan, waxaana ka buuxa arimo badan oo is khilaafsan”, wuxuuna u muuqdaa ayuu yiri qaadiga “Mid la sameeyey oo gacan ku rimis ah”.

Fazila Bee Abdulkareem, waa hooyo dhashey sadex Owlaad ah, wax dareen gaar ahna ma eeysan muujinin, kadib markii Qaadiyada Noor Azian Shaari eey ku dhawaaqdey Xukunka Dilka ah, laakiin halmar ayey Oohin iyo Muraaradilaac la qaraxdey kadib markii Qareenkeeda K.A. Ramu uu u sharaxey xukunka Maxkamadu ku ridey.

Fazila waxeey ku labisneyd Funaanad Cad, Surwaal madoow, iyo Scarf, waxeey gacmaha saaratey wajiga aadna isaga Ooysey.

Maxkamadu waxeey ku xukuntey in eey waday daroogo miizaankeedu gaarayey 2,925g oo ah nuuca Ketamine-ka ah iyadoo kasoo dajisey garoonka caalamiga ah ee kuala Lumpur abaarihii 2.30PM taareekhduna ku beegneyd February13, 2009.

Fazila waxeey markii hore sheegtey in nin lagu magacaabo Mohamed Zafar uu yahay wiil ayeeyo eey u tahay, laakiin gadaal dambe eey ka sheegtey in uu yahay Agent-geeda shaqaaleeysiinayey.

Inta eeysan Go’aanka ku dhawaaqin Qaadiyada Noor Azian waxeey sheegtey in wax micna ah eeysan sameyneynin in eedeeysanuhu wadankan u imaatey in eey ka shaqeeysato, maxaa yeeley hadii waxa eey sheeganeeyso Fazila run ahaan lahaayeen, waxeey wadan laheyd macluumaad dheeri ah oo ku saabsan shaqaaleeyaheeda, waxeeyna sidoo kale wadan laheyd ogolaasho shaqo (Work permit), waxeey sidoo kale Qaadiyadu raacsiisey intaa, in Fazila wadankan kubasoo gashey qaab dalxiise ah (tourist visa)

Qaadiyadu waxeey tiri, sheegashada eey Fazila sheegatey in Islaankale oo Hindiyaan ah ka dalbatey in eey boorsada u qaado marka eey India kasoo duuleeysey, Malaysiyana uga daba imaaneeyso, ma aha mid la qaadankaro, guud ahaana  Daliilada eey isku difaaceeysey Fazila ma aha kuwa isku habeysan oo waa kuwa la sameeyey “fabricated”

Ayeeyo Fazila bee Abdulkadreem, intii aan Police-ka goobta ka kaxeeyn iyadoo silsilado gacmaha uga xiranyihiin, waxeey gacmaha kor u taagtey, iyadoo Ilaah baryeysa! Nasiibdarase waxa eey sugtaaba waa Dil!

Duruusta Muhiimka ah ee inoogu wada jirta Dhacdadan Xanuunka badan

Wadankan Malaysia qofkii mar lagu qabto Daroogu isaga ayaa leh, waana dil! Aniga malaheyn, waa la igu sirey, anigoo qofkale u naxariisanaya ayaan boorsada u qabtey ama usoo qaadey, waxaas oo dhan ma soconayaan, hadii qofku garanayo waxa uu wadankan kala kulmi karo, 1000-jeer ayuu fikirayaa inta uusan airport qof kale waxeeda isku taaban. Wadankan Malaysia waa Wadan Soomaalida visa la’aan soo gasho, xaqiiqdiina aad ugu soo qulqusho, ardeyba ha u badnaadeene, sidaa daraadeed halis xoogan in eey jirto ayaad dareemeeysaa oo arintan la xiriirta! Iyadoo Dil yaalo marba Daroogo qofkii lagu qabto, hadana kuwo Daroogada ka ganacsada kama niyad jabaan, maxaa yeeley Malaayiin ayey ka helayaan, dad eey dhakraana ma waayaan, oo hadii eey u gudubtana dhaqaale xaaraan ah ayey ka kasbadaan, hadii qofkaa la qaraxdana oo lagu qabtana, iyaga ma aha qofka la dilayo ee miskiin lasoo hogey. Sidaa daraadeed waxaan dareemayaa meeshan in eey halisi ku jirto, oo ardeyda ama guud ahaanba Soomaalida oo naxariis, wanaag iyo asxaan sameyn isagoo ka wada qof duq ah ama dhib sheeganaya uu is yiraahd bal boorsada u qabo ama u qaad, gaar ahaan marka qofkaasi Soomaaliyeed yahay Mar-dhoof aan ku baraarugsaneyn Halisyada yaalla Garoomada caalamka iyo waliba sharciga wadankan Malaysia ka yaalla qofkii lagu qabto Daroogo,  wuxuu raboba ha ahaadee.

Mudo aan sidaa usii fogeyn ayaa la isoo wacay, wiil Soomaaliyeed ayaa kaligiis socda, waa mar-dhoof, Diyaarada dhex deeda ayuu ku arkey Qamri lacabayo, waalid iyo walaal la socdo ma laha, Caqli, Diiin iyo Damiir celiya maleh, maadaama aad kaligaa tahay bal maanta baroobee ayuu is yiri, waa kaa ka dhargey Bakhtigii, Diyaaradii markii uu kasoo dagay, waakan dharkii oo dhan iska tuurey oo sidii Hooyadii ku dhashey iska dhigey, wuxuuna dhextaaganyahay Garoon Caalami ah, markaasuu bilaabey in uu marma meel ugu ordo garoonkii dhexdiisii,  Police-kii ayaa qabtey oo celcel is yiri, iyagiiba waakan Feer ku bilaabey, inta isugu tageen ayey Laftuu qaadaba jabiyeen, una geeyeen kuwa joogey Isbitaalka dhimirka kaasoo lagu hayo Dadka waalwaalan, ama si wax ka yihiin-waloow waxkasta ee uu watey eey u xafideen-hadana waxba ma eeysan u reeban, maadaama  bahashii oo uu iska badiyey jirkiisa eey ku jirto, shaqaalihii Isbitaalkii Dhimirka joogey hadana hala dagaalamo, iyagan si dhab ah ayuu u waalanyahay ee bal jilciya ha is dhahaano oo ha u miiriyaan!  Nasiib wanaag mudo kabacdi waan kasoo saarney, rafaad dheer kabacdi.

Waxaan xasuustaa  mudo aad u fog isagoo nin odey ahaa oo adeer ii ah Mudane: Cabdullaahi Cali Xoosh oo igu leh “Hadii Garoonka Islaan 100-ka dhaaftey xitaa kugu dhahdo Maandhoow Boorsadan ii qabo, iskadaa in aad u qaadee, xitaa ha u qaban”!, Ma maleyn kartid inta aan la kulmey aniga oo dhaweeynaya sxbo ama qaraabo, dad wadamo kala duwan udhashey oo dhahaya “Walaalayaaloow Miizaanka ayaa inaga buuxsamaye, idinkana waan idiin jeednaa oo miizaankiina wax ka yar ayaad wadataane, kistaan inoo qaada!!!”, Waa Halis inteeda la eg, qofkii waaya arag ah ama halistaa looga soo digey oo kaliya ayaase fahmi kara, iskana badbaadinkara.

Wali ma aanan maqal qof Soomaaliyeed oo Daroogo wadankan Malaysia lagula qabtey, sidaana Dil loogu xukumey! Allaah umada haka haayee, waase wax meesha ku jira in la is xasuusiyo, la iskagana digo halistan weyn, maxaa yeeley waa wax ciskasta ku dhici karta, gaar ahaan dadka naxariista iyo wanaaga badan oo qaab laxawsi ah badanaa siriqda qoorta loogu galiyo, hadii la dareemo in la marsiinkaro.

Gabagabo iyo Gunaanad

Waa muhiim in dadka Mas’uulka ah oo eey ugu horeeyaan waalidku eey ku baraarugsanaadaan halisaha jira iyo waxa dhici kara marka Wadankan Malaysia qofku soo aadayo ama loosoo dirayo, maxaa yeeley qofkaadi oo wadan shisheeye Waxbarasho, Caafimaad, Dalxiis, Booqasho iyo arimo kale oo wanaag iyo Dan ah aad ugu dirtey ama u aadey, waa naxdin iyo murugo inteeda la eh hadii laguu soo sheego in Daroogo lagu qabtey –oo isaga/iyada eeysan laheyn-Balse Dil sidaa loogu xukumey aan kalaabasho laheyn!

Wa billaahi Towfiiq

Xuquuqda Sawirada iyo tixraaca waxaa leh

http://www.bernama.com/ iyo new straits times

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Ayeeyo 62-jir ah oo dowlada Malaysia Dil ku xukuntey Daroogo darteed! "

  1. Jamaludin says:

    Walaalow boorsadaan ii qabo, 2008-dii ayaa anagoo safar u ah Malaysia, waxaan kula kulmay dad tahriib ah oo suuriya u socda kana yimid xamar, dhalinyaradaas waxaa boorsooyinkooda ka soo urayay qaad, iyaguna ma ogoyn goorta loogu soo riday, maxaa yeelay masuuliyiinta socdaalka ayaa boorsooyinkooda oo furan ka qaaday si amni ahaan loo fiiriyo in waxyaalo qarxaa ay ku jiraan, laakiin waxay hadyad qaad ah ugu rideen safiirka Soomaaliya ee Suuriya, si uu maalmo ugu madadaasho, waxaa ku jiray 6 qof oo soomaali ah ilaa 8 kiilo oo qaad ah, waxaana ka danbeeya imigration-ka carabka ugu arkarta badan ee aan laga helin nin aan tuute qabin, waxaa allah mahadiis ah, inaan ku niri ku daadiya airportiga Djabuuti, laakiin waxayba siiyeen kuwo shaqaalaha airportiga ah, waxaa ogaaday arintii Socdaalka xamar, markaas ayaa loo hanjabay dhalintii safarka ahayd, in lagu xirayo Dimishiq.
    marka walaal Cabdi Boqor, aad buu u mahadsan yahay, meeshaas iyo meelo badanba dil baa yaala, fadlan dadka socdaalka ahow la tashada Akhyaartaas .thanks

  2. ayanle says:

    marka hore waxan aad u salaamayaa bahda somalitalk oo mar walba soo qorta dhacdada joogtada ah secondly qoraaga sida wacan u qoray warbixintan aad ka u layaabkaleh oo markaad akhridid aad is odhanaysid malaha imisa jeeryaad adigu qof kuugu yidhi hoo ii qaba alaabtan oo aad hadal la’aan aad ugu qabatay run ahaantii qof waxan khibrad u leh iyo qofkalebah wax badan ayaa uu ka faaidayaa qoraalkan cajiib ka ah waana wax loo baahanyahay in la isaga digo mar labaad iyo marsadexaadba waxan leeyahay wallal macaan aaad ayaad u mahadasantahay waana aanu ka digtoonaanaynaa had iyo jeer!!!!!!!!!

  3. Ahmed says:

    Waad, mahadsantahay, laakiin waa ka naxay, laakiin lama yaabani sababtoo ah waa Sharrcigay qorteen, ayay meel marinayaa, Macnahaygu, malesia, Somali ma aha!

  4. Allah Yubaarik Fiika akhuuna abdiboqor Waa arin mudan in shacabka looga digo, maxaa yeelay soomaalida waa dad iska calool furan kaalmeyn badan laakiin aan macluumaad badan ka heysan is daba marinta ka jirta Garoomda aduunka iyo sida la isku hoos galiyo Daroogada…. gaar ahaan waxaan aad ula dhacay qeybta Daruusta laga faa’iidayo qormadaan…..

    Abdiboqor : Waxaan xasuustaa mudo aad u fog isagoo nin odey ahaa oo adeer ii ah Mudane: Cabdullaahi Cali Xoosh oo igu leh “Hadii Garoonka Islaan 100-ka dhaaftey xitaa kugu dhahdo Maandhoow Boorsadan ii qabo, iskadaa in aad u qaadee, xitaa ha u qaban”!, Ma maleyn kartid inta aan la kulmey aniga oo dhaweeynaya sxbo ama qaraabo, dad wadamo kala duwan udhashey oo dhahaya “Walaalayaaloow Miizaanka ayaa inaga buuxsamaye, idinkana waan idiin jeednaa oo miizaankiina wax ka yar ayaad wadataane, kistaan inoo qaada!!!”, Waa Halis inteeda la eg, qofkii waaya arag ah ama halistaa looga soo digey oo kaliya ayaase fahmi kara, iskana badbaadinkara.

  5. Khadar says:

    Walaal Waad Mahadsan tahay, waan fahmi karaa dareenka aad qabto adoo u daneynaya heer shaqsi ilaa iyo heer wadaninimo. Waxaanse kuu sheegi in arintan ay dhacday, weliba ay ku dhacday nin Xujay ah kana xajiyay Magaalada Muqdisho sidaana kurka looga jaray. Waxaa la waydiiystey in boorso uu qaado si samafal ah, wuunu qaaday, markii uu ka dagay garoonka yaa alaabtiisii boorso ka mid ah la yiri yaa leh boorsadan markaasuu yiri aniga, waxaa markiiba loola booday booliska, maraanmar ama interogation kadibna waxaa uu sheegtay in uu waxaas uuna waxba ka ogayn qofna usoo dhiibtay, waxaa la waydiiyay in uu isagu waday wuxuuna yiri haa. Waxaa loo sheegay natiijadii xukunkiisa oo ahayd dil, waana la dilay. Marka ninkaasu qadar rabiba ha u qornaatee wuxuu galay statistics dadkii daroogada sanadkaas lagu qabtay dal Sacuudiga, Waxaa qasaaray aakhiro iyo aduunba kii ama kuwii u dhiibtay, waxaa halkaa ku gablomay gacalkii iyo xigtadii ninkaa Xajka u ixraamtay. Gabdho Soomaaliyeed oo daroogo Jamaica loogu dhiibay oo xiran baan TV ka daawanayay. Kuwo waxaan garanayaa Talyaaniga ayagoo usocda qaad ay wateen dalka Masar lagu qabtay , 8 sano ku xidhnaa oo waa dhow lasoo daayay.
    Marka bulshada in arimahan ay ku baraarugaan waa arin loo baahan yahay, balse war isgaarsiinta Somaaliyeed waxay dhaafi ladahay, qaska iyo dhibka weyn ee Soomaali heysta, qaxa iyo qaxootinimada. Allaha u gargaaro umadeena dhibkana haka saaro, laakiin hadanay iyagu isxilqaamin lab iyo dhedigba meel kastooy joogaan Labo shariif iyo Zenawi, Museveni iyo baarlamaan calooshii u shaqaysta ah waxba yaanay ka sugin.