Home » Warar »

Madaxda DFKMG oo si kulul loogu canaantay Kulankii ay QM ugu qabatay Nairobi

Waa in (Madaxda DFKMG) ay degdeg ula shaqeeyaan ergeyga Qarammada Midoobay, waana  in ay joojiyaan khilaafka u dhexeeya —

Kulankii ay Qarammada Midoobey ay 25 may 2011 Kenya ugu qabatay DFKMG iyo maamulada kale ayaa waxaa si weyn loogu canaantay madaxda DFKMG oo dhexdooda is khilaafsan. Waxaana shirkaas DFKMG uga qayb galay madaxweynaha DFKMG iyo Ra’iisul wasaaraha oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xildhibaano wata oo dhinaca kale ah.

Waxaana markii kulankaasi dhammaaday ay ergedii QM saxaafadda u sheegeen qodobo ka soo baxay kulankaas oo ay ka mid ahaayeen:

1. Ugu horayn waa in (DFKMG) ay joojiyaan khilaafka u dhexeeya, islamarkaasna waa in ay joojiyaan muddo kororsiga uu dhinac kasta iskiis u kororsaday xilka.

2. Waa in ay xoogga saaraan arrinta ku saabsan waqtiga kala guurka ee ay (DFKMG) hore u ballan qaadeen, isla markaasna dib u heshiisiin sameeyeen, Dastuurka qabyada ahna dhamaystiraan, sameeyaana isla xisaabtan xagga dhaqaalaha ah

3. Waa in ay si degdeg ah ula shaqeeyaan ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya (Mahiga)

4. Waxaa shir dib u heshiisiin ah lagu qabaanayaa Soomaaliya inta u dhexeysa 12 – 16 June 2011.

Safiirka QM u fadhida Maraykanka ayaa si kulul u canaanatay madaxda Soomaalida oo dhexdooda is khilaafsan, waxayna qoraal ay 25 May 2011 waxay bogga Twitter-ka ayadoo toos ugula hadlaysa Madaxweynaha DFKMG iyo Afhayeenka Baarlamaanka ku tiri “Xalliya khilaafka dhexdiina, haddii kale waxaad luminaysaan taageerada beesha Caalamka.” Susan Rice waxay hadalkaas qortay ayadoo ku sugnayd Nairobi.


Qaramada Midoobey oo Nairobi shir ugu qabatay Soomaalida

Labada Shariif oo Afar jeer  isku mari waayeen Muqdisho ayaa  la doonayaa in lagu heshiisiiyo Nairobi si ay in Min Hal Sanno u sii wada Shaqeeyaan…

Waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ka furmey Kulan loogu magacdarey kulanka la tashiga Xaalada Soomaaliya gaar ahaan waqtiga kala guurka ee Dowladda Federaalka KMG  waxaa kulankaan ka qaybgalaya Saddexda Ma’uul e ugu sareeya Dowladda Federaalka sida Shiikh Shariif Shiikh Axmed , Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana kulankaan soo qaban qaabiyey Qaramada Midoobey oo iyadu dooneysa in kulankaan lagu dhameeyo Khilaafka ka dhex jira Dowlalada Federaalka KMG.

Kulankaan ayaa Masuulinta DFKMG Lagu Cadaadin doonaa in ay si wadajir ah uga gudbaan Khilaafka Hareeyey Dowladda Federaalka KMG si loogu gudbo Marxalada kale ee ah in soomaaliya ay ka dhacdo Doorashada Madaxweyninimada , iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu doonayo in la qabto Doorashadii Madaxweyninimada Soomaaliya , Halka Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Shiikh Shariif uu doonayo in Xiligaan Soomaliya aysan ka dhici Karin wax doorasho, waxaana Shiikh Shariif uu doonayaa in doorashada ay dhacdo Sannadka Soo socda gaar ahan Bisha Ogoosta 2011.

Qaramada midoobey ayaa iyadu dooneysa in meel dhex la isugu yimaado , waxayna wararka ka imaanaya Magaalaa Nairobi ay sheegayaa in labada dhinac lagu Cadaadin doono in min hal sanno loogu darro , iyadoo Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ay doonayana in Waqtigaas la wada qaato , waxaana la filayaa in Shariif Xasan uu ogolaado halka sanno.

Sababaha ay waqtigaan u ogolaadeen ka qayb galka kulanka Nairobi Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Raiisul Wasaare Farmaajo maadaama kulankaan kii ka horeeyey ay qaadaceen ayaa wararka qaar sheegayaan in labada Masuul loo sheegey in muddo hal sanno ah loogu dari doono waxaana lagu wadaa in kulanka dhamaadkiisa oo ku beegan Berri ay si wada jir ah u kulmi doonaan Shiikh Shariif , Shariif Xasan iyo Farmaajo ka dibna ay soo saari dooonaan War Murtiyeed  ku aadan in ay heshiiyeen ayna sii wada shaqeeyaan, in kasto dadka u kuurgala Siyaasad Soomaaliya ay sheegayaan in laga yaabo in kulanka Fashil ku dhamaado iyagoo sabab uga dhigey in ay weli jirto kala jiidashada Masuuliyiinta Dowlada FKMG ee Wadamada Shisheeye.

Hadaba waxaa la kala ogaan doonaa waxa uu ku dhamaado kulankaas maadaama labada Shariif afar jeer oo ay Muqdisho ku kulmeen ay ku heshiin waayeen ka dib markii mid weliba uu ku adkeystey Mowqifkiisa ku aadan sida loo wajahayo waqtiga kala guurka sidaa darteed waxaa laga yaabaa in ay labada Masuul ay u hogaansamaan qodobada loo soo jeediyo maadaama waxa ay ku taagan yihiin Beesha Caalamka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro1@hotmail.com

———

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Madaxda DFKMG oo si kulul loogu canaantay Kulankii ay QM ugu qabatay Nairobi "

  1. Abu Maxamuud says:

    Ac.Soomaali hadey tashan weyday waa loo talin. Tani waxey muujineysaa in qilaafyada jira ay weli salka ku hayaan Qabiil. Maantana waxaa is haya dad ay QM keentay waa labada Shariif, Marka Csaaq khaladkii ay QM gashay ayaa soo baxay oo wax magarato hunguri weyn meesha keenaya ee walaal dowlad gobaleedyadu waa badan yihiinee Faroole kaliya ha fiirin haddi aad daacad ka tahay xalka Soomaalinimada.

  2. Abdirisaq says:

    Qaramada midoobay ayada oo ciidan iyo cudud waxay lahayd wadata ayay Somalia ka isaga dhaqaaqday oo wax ka qaban weydey.
    Intaas oo sano oo aan kacaa kufeyney cid talo fiican noola timid maanan arag.
    Maanta oo rajadi ugu horreeysey nasoo gashay ayaa toos naloogu awood sheegtey oo amar nala dul dhigay.
    Ok waxan u sheegayaa Shariif shekh Axmed iyo dhaalinyarada debedda ka timid u bannaya Mahiiga iyo Shariif xasan iyo Faroole bal geesaha waxa laga hayo soo Somalia ma aha.
    ha qaadeen hadda wixi ka dambeeya wixi naga halaaba ayagu inay masuul ka yihiin. Maxkamad in berrito loo soo taagayana ha ogaadeen.