Home » Warar »

Harddanka Siyaasadeed ee u Dhaxeeyey laba Shariif oo gaarey Meeshii ugu Sareysey ka dib Markii…

Isbaheysi Dhexmarey Shariif Xasan iyo Cali Maxamed Geedi —

Iyadoo fooda nagu soo heyso Doorashadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo mida Gudoomiyasha Baarlamaanka iyo ku xigeenadisa  ayaa waxaa durba bilowdey ololihii Doorashadaas gaar ahaan midda Madaxweynaha waxaana socda kulumo lala yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Beesha caalamka.

Shiikh Shariif oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ayaa wareegto uu soo saarey wuxuu ku sheegey in uu taageersan yahay muddo kordhintii ay sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana lagu waramey in arrintaan  ka soo yeertey Shiikh Shariif ay tahay mid uu doonayo in uu taageero ugu raadiyo ololihiisa Doorashada Madaxweyninimada waxaana arrinkaan si weyn u soo dhaweeyey Xildhibaanada Baarlamaanka oo iyagu ka soo horjeestey in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka horyimaado Go’aan uu gaarey Golaha Baarlamaanka (ee ay xilka isu kordhiyeen)..

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu kulumo la yeesho Xildhibaanada Baarlamaanka si uu ugu dhaadhiciyo in mar kale loo doorto Xilka Madaxweyninimada muddada Sadexda Sanno ee soo socota sidoo kale Shiikh Shariif ayaa la filayaa in booqasho ku tago Wadamada Deriska la ah Soomaaliya gaar ahaan wadamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh  Shariif ayaa la sheegey in uu ka baaqdey safar uu ku tagi lahaa qaar ka mid ah Wadamada Carabta si uu taageero Dhaqaale ugu helo Wadamadaas oo ku aadan in mar kale loo doorto Xilka Madaxweyninimo,  waxayna Baaqashadaas ku timid markii qaar ka mid ah Wadamada Carabta ay ka bilowdeen Kacdoono looga soo horjeeda Madaxda ka arrimisa Wadamadaas iyo kuwo ay dagaalo ka socdaan waxayna Madaxdii Wadamada Carabta ay noqdeen kuwo Wadnaha farta ku haya islamarkaana ku Mashquulsan arrimaha Gudaha Wadamadooda waxaana meesha ka baxay kulamadii Wadamada Carabta isku arki jireen, kulamadaas oo ah fursad ay ka faaiideystaan Madaxda Wadamadoodu ay si aad ah u liidato Dhaqaalahooda  iyadoo markii ay bilowdeen Kacdoonadii Wadamada Tuuniisiya iyo Masar oo laga joogo muddo laba bilood ayaa waxaan qabsaamin shirarakii ay isugu imaan jireen Wadamada Carabta.

Shariif Xasan oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa isna halkaa ka bilaabey ololihiisa ku aadan in loo daarto Xilka Madaxweyninimada, wuxuu Magaalada Nairobi kula kulmey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka  oo uu kala Hadley Damaciisa ku wajahan in Xilka Madaxweyninimo loo doorto,  sidoo kale waxaa la filayaa in uu booqosho ku gaaro wadamada deriska la ah Soomaaliya gaar ahaa wadanka Itoobiya si uu taageero ugu raadiyo in loo doorto xilka Madaxweyninimada iyadoo Itoobiya haatan noqotey meel ay ku tartamaan Siyaasiyiinta Somaaliyeed oo qaarkood aaminsan in Itoobiya aan looga maarmin arrrimha Siyaasada Soomaaliya,  waxaana warar aan helney ay sheegayaan in Magaalada Nairobi uu soo gaarey Gen Gabre si uu ula socdo xaalka Doorashada Madaxweynaha  Soomaaliya islamarkaana uu ugu ogaado cidda loo waddo Xilka Madaxweyninimada.

Shariif Xasan ayaa wuxuu isbaheysi la galey Raiisul Wasaarihii Hore ee DKMG Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo isna u taagan Xilka Madaxweyninimada  waxaana warar aan ka helney xubno ku dhow dhow Shariif Xasan iyo  Cali Maxamed Geedi ay noo sheegeen in labada nin ay ku heshiiyeen in labadooda Ninkii Madaxweyne ka noqda Soomaaliya uu kan kale u Magacaabo Raiisul Wasaare  hase yeeshee waxaa labadooda hortaagan qaabka qaybsiga 4.5 waayo labadooda hadii ay kala qaataan labadaas Jago wey adkaan doontaa in beelaha kale ay ku qancaan Gudoomiyaha Baarlamaanka, hadaba la arkii doonee halka uu ku dambeeyo Isbaheysigaas.

Dadka u kuur gala siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay sheegeyaan in haddii Doorashadu ka dhacdo Gudaha dalka ay dhici karo in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ku soo baxo xilka Madaxweyninimada, waxaana haatan bilowdey guux hoose oo ah in Madaxweyne Shiikh Shariif uu dadaal ugu jiro in Doorashadu ay ka dhacdo Gudaha gaar ahaan Magaalada Muqdisho gaar haan Xeradii Hore Xalane oo ay Degan yihiin Ciidamada Amisom hase yeeshee haddii Doorashadu ay ka dhacdo meel ka baxsan Soomaaliya ay imaan karto in Madaxweynaha KMG Shiikh Shariif looga adkaado Tartanka Doorashada.

Waxaa Muuqata in Raiisul Wasaare Maxamed Candulaahi Farmaajo uu isna ka mid noqdey Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweyninimo iyadoo dhawaan uu sheegey in xiligaan loo baahan yahay in la qabto Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya waxaana arrinkaan si weyn uga caroodey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo isagu doonayey in Farmaajo uu taageero u raadiyo  Damaciisa ah in mar kale muddo kordhin loogu darro.

Ilaa iyo Hadda waxaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweyninimada xubno ay ka mid yihiin Shiikh Shariif , Shariif Xasan , Cali Maxamed Geedi, Maxamed Qanyare Afrax , Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , Prof Axmed Muumin Warfaa, Mowliid Macaani  iyo Xubno kale.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Xaflad Minneapolis loogu qabtay Musharaxa Abduqadir Xaashi Ali (Fish)

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday badhtamaha magalaada Minneapolis, Minnesota caawa. Ujeedada xafladan ayaa ahayd casho taageero ah oo loo sameeyey Musharax Abduqadir Xaashi Ali Fish. Musharaxa ayaa waxa uu ka yimid gobolka Ohio, una yimid Minnesota taageero.

Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda Minnesota iyo Soomaalida degan gobolka oo ay isugu jireen: hooyooyin, abwaano, macalimiin, arday, siyaasiyiin, culumo iyo fanaaniinta Minnesota. Xafladan ayaa waxa ka hadlay siyaasiyiin iyo isimo, si qoto dheerna uga sheekeeyey marxalidihii ay soo martay Soomaaliya iyo marxalada ay ku jirto. Intii ay socotay qudbada ayaa waxa lagu soo bandhigay in aya muhiim atahay xiligan in ay xukunka qabtaan dad leh maskax furan, aqoon dheer iyo waayo aragnimo sal kku leh siyaasad ku dhisan daacadnimo, degenaan, dulqaad, mabda diinleh, iyo firfircooni dheeraad ah.

Ugu danbeyntii ayaa waxa haklkaas ka hadlay Musharaxa, oo soo bandhigay barnaamij cajiib ah oo ku saabsan marka uu xilka qabto waxa uu samaeyndoono. Musharaxa ayaa waxa uu ka hadlay in uu diyaar u yahay in uu Soomaaliya soo celiyo midnamadii, wadashaqayntii, iyo nabadgalayadii. Musharaxa oo ku dheeraaday hadalka ayaa mar uu ka hadlay qibrada uu leeyahay ku tilmaamay in lagu yaqaano fikire ama hindnise, taasoo uu ku qaatay dhowr abaalmarino jaamacadaha gobolka Ohio ku yaala. Musharaxa ayaa sodaalkiis augu horeeya ku tegi doona Kenya ugana gudbidoona Puntlan, ka diban kaga qayb gelidoona doorashada Mugadhisho.

Fadlan halkan ka daawo Sawiradii: RIIX HALKAN
Fadlan halkan ka daawo Video: RIIX HALKAN

Abdimalik Askar
Som media

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Harddanka Siyaasadeed ee u Dhaxeeyey laba Shariif oo gaarey Meeshii ugu Sareysey ka dib Markii… "

  1. yab says:

    Waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo qoraalkaan uu ninkaan Qasaaro qoray iyo sida uu u qoran yahay, waa haddii ay SomaliTalk qorto commentigaygaan. Bal ninkaas intaa wax qora eega sida uu wax u qoray. Qoraalka dhan waa wada comma oo malaha punctuation marks kii kale. Sentence structure waa kuwa aad u dhaadheer oo aan joogis xataa lahayn. Waxaad arkaysaa hal sentence oo paragraph dhan ah. War bal ninyahow intaas ayaad wax qoraysayee sax qoraaladaada, si ay aqriskooda u sahlanaadaan.

  2. ABUKAR says:

    Soomaail alley leeyihiin, haddii xukunkooda dibadda laga hago oo ay Ethiopiana hagto dibad kala roone, Qoom ba’aayo sidaan ayuu u yaal.

  3. cali says:

    subxaana allah …. bal waa yaabe yaawaaye dalka iyo dadka ay matalaan ama rabaan in ay madax ka noqdaan ? shacabkii madfac dhac iyo isbaaro ayaa naftii looga qaaday magaaladii caasimada somalia iyo dadkii ku noolaa waxaa laayay ama barakiciyay amisom …. waxaa hubaal ah ninka raba in uu madaxweyne kanoqdo somalia si uu usii dhibaateeyo in allah meelxun geeynayao

  4. runsheeg says:

    To Togane bro madaxweyne baad ku sheegtey shariif yuu madaxweyne u yahay oo uu xukumaa??

  5. Togane says:

    Madaxweyne Sheekh Shariif goormee uu baran doonaa siyaasada Soomaaliya. waa markii afaraad ee is-xigta marna ogolaanayo marna diidayo asigoo waliba qoraalo kasoo saarayo arinta ku saabsan kororsiga baarlamaanka.

    Doodiisa u danbeysay waatuu ku lahaa golaha barlamaanka ayaan ka sugayaa jawaab, waxaana ku taaganahay dastuurka.
    Aaway dastuurkii uu sheegayay? mise arrintiisu waa tii hore ee uu Cabdullaahi Yuusuf kaga soo jorjeeday? Waxuu u muuqdaa nin aan wali fahmin, laba sano kadib, qaabka siyaasada Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay!