Home » Faallo »

Ogeysiis:Soomaalida Minnesota – Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Caddaalad darrada Lagu Hayo Maxmed Cali Samatar

Ogeysiis waxaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee dagaangobolka Minnesota iyo dhamaaan gobolada Mareykankaba waxaa la ogeysiinaya in March 25, 2011 la qaban doono banaanbax balaadhan oo ay qabanayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee jecel caddaalada iyo sinnaanta oo ay kaga soo horjeedaan cadaalad dariida iyo dulmiga sida gooni faquuq ah loogu heysto madaxweyne ku xigeenki hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Samatar.

Bannaan baxa ka dhici doona Minnesota State Capitol waa bannanbax lagu diidan yahey dacwadda ku salaysan takoorka iyo heyb-sooca oo lagu haysto muwaadinka Soomaaliyeed ee hadda deggan Maraykanka, arrintaas oo shacabka soomaaliyeed  u arkaan caddaalad darro ku salaysan faquuq gaar ah ayey bannaanbax nabad ah ku muujin doonaan dareenkooda.

Haddaba Fadlan, nagala soo qeyb gal Bannaanbax ay shacabka soomaaliyeed, si isku duubnaan ah uga soo horjeedaan shaqsi takoorka lagu hayo muwaadinka Somaaliyeed, Maxamad Cali Samantar.

Bannaanbaxa nabadda ah waxa uu si gaar ah ugu saabsan yahay takoorka sida khaaska ah loola beegsaday Maxamed Cali Samatar.

Goobta bannaanbaxa iyo waqtiga uu dhici doono hoos ka eeg:

• Maalinta: Jimcaha
• Taariikhdu tahay: March 25
• Waqtiga: 2:30pm
• Minnesota State Capitol
75 Rev. Dr. Martin Luther King Jr.
St. Paul, MN 55155

Faahfaahin dheeraad ah waxaa lagala xiriiri karaa:

Cismaan Daahir , Minneapolis
Email: Tayasir7198@yahoo.com
Tel:  612-227-8830

https://somalitalk.com/tag/cali-samatar/

Sidoo kale Akhri:

2004: Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Maxamed Cali Samatar.. http://www.somalitalk.com/samatar/samatar3.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

20 Jawaabood " Ogeysiis:Soomaalida Minnesota – Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Caddaalad darrada Lagu Hayo Maxmed Cali Samatar "

  1. Dan ka hadal says:

    Ilaah ayaa mahad leh . Soomaalida iyo qabiilada la hayb sooco cidina u gar qaadi mayso soomaalina gar uma ogola cali samatara hadii laga af batay laga qabiil batay laga lacag batay dee ilaah buu leeyahay waana nin weyn maata waxii uu dhiqi lahaa ama dhali lahaa soo dhaaf.
    Markaa anigu waxaan odhan lahaa cali samatar yaan lagu mashquulin 100 sano oo xaqdaro ah hadii lagu xukumo waxba lama yeeline soomaali oo dhan baa wax la yeelay hadii wax lagu waayana ninka denbiga ku soo oogay waxba gaadhi maayaan saa awalba dulmi ayuu ku socdeye.
    anigu waxaan odhan lahaa soomaaliyeey mudaharaadkaa ha laga qayb qaato waxaa laga yaabaa in ilaah inoogu naxariisto ileyn dulmi ayaan diidaynaaye ilaahna ma jecla dulmiga.wblaahi twfq.

  2. warquute says:

    Ismaaciil Cali Abukar
    Axmed Xasan Muuse
    Farax Waceys Duule
    Dhamaan waxey joogaan Hargeysa waa raggii wax ka saxiixey in aan
    loo turin oo ladilaa cida isku day’daa iney afganbi,go’itaan,iskahorimaad
    marka maaxa Maxamed Cali Samater loo keeney maxkamad? kuwa kalana
    hoosta loogu heystaa waa cadaalad daro vivvo somaliya hargeysa waa magaalo ka tirsan somaliya waligaaba ku marqaan inad go’dey muqayiinyahey huushta ah kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. yab says:

    Arrinta Ali Samatar waa arrin dhib yar. Waa la dacweeyey, oo laba qofood ayaa dacwad ku soo oogay. Maxkamad ayaa dhagaysanaysa dacwadiisa, haddii lagu helena sharcigaa qaban haddii lagu waayana waa la sii dayn. Marka kuwa taageersan, waxaa la gudboon inay marqaati u noqdaan, oo ay sheegaan inuusan wax danbi ahi gelin. Kuwa dacweeyeyna waxaa looga fadhiyaa inay keeskooda cadeeyaan. Ogaada wadankaan in qof kasta uu yahay innocent until proven guilty. Aniga fikirkaygu waa qofkaan rabin in lagu qabsadoow wadamadaan sharcigu ka jiro ha imaan. Su’aasha kale ee aan rabo inaan idin weydiiyo waa; Ali haddii uusan danbiile ahayn maxuu ka qabanayaa America? Haddii Ali Somali rabto oo aad sidaas u jeceshihiin maa wadankiina ku haysataan oo aad dib u ceshataan?

  4. Somalilander says:

    Anigu oo ah muwadiin somalilander waxaan maanta ku farax in lakeeno makaxda Highest Court ee Amerikaa Samatar oo ah former defence minster, vice presdident ee dowladee siyad Barre. Samatar wuxuu dhileey ummad badan oo haq-daro uu ku dheleey . Waxaan u mahad celyee iyo ferfercoo seenaya rageee kaskaan belaawee . You can hide but you can not from Justice. Well done to the man who had the courage and will to start this case. If mr. Samtar is innocent he has nothing to be fear. However if he as I strongly believe is mass murder and killer of civilians in Hargeisa 1988 (Now rep Somalland ) then his place is in american jail. I will also remind everybody that case is going to set a landmark for all former criminals network of Siyad Barre and they should be really concerned because the net is closing in.
    Once again well done to the men who brought this case and you have my full support agianst this facist warcriminal.

  5. asc, salaan ka dib, waxaan qaba in maxamed cali samater lagu eedayo
    dhacdooyinkii siyaasadeed ee ka dhacay soomaaliya xiligii 21kii sano ee
    dawladii milatariga, sida aad la socotaan waxaa ka dhacay soomaaliya intii
    dawladii milatarigu ka talinaayay soomaaliya, shaki kuma jiro arrintaas, waxayn ku dhacday khaladaad ka dhashay sidii loo maamulay maamulkii
    dawladii milatariga, annigu ma qabo in maxamed cali samater in uu galay
    dambi u gaar ah xagna maa ahan in si gaar ah lagu faqooqo iyadoo masuuliin badan ay jiraan oo ka soo qayb galay dawladii milatariga, waxaa
    kale oo soomaaliya ka dhacay dhibaatooyin ka daran tii dawladii milatariga
    kuwaas oo ka dhacay dagaaladii sokeeye iyo 20 sano.
    waxaan uran lahaa in aan cadaalada laga tagin had iyo jeer.
    wa bilaahi tawfiiq

  6. Ijaba says:

    Asc,marka hore Soomaliyeey labatan sano kabacdi hadad meeshini taagan tihiin waa nasiib darro ku habsatay waddankeeni iyo dadkeenuba,horta Gen Samantar waa loo bannan bixii oo inta soomali wiil ka nool yahay nadiif ah qurun iyo qabiil ka guuxeyn, Soomaliyay is xanso oo dib isugu noqda.Ali samantar derejo aduun tan ugu sareysa ayuu ka gaaray walina wuu wata ee wax xasharaad yar yar iyo qolo ula jeedo iyo kajeedo midna lahayn waxba kama qaadi karaan Rabigoodna ka cabsanayn .wbt

  7. ASC all hadl kooban ayaan soo jeedin lahaa kasoo ah mid horey loo yiri waana sida tan JID IYO JARDIIN WAA DHISEEN JARIINKEYSE NAGA JAREEN marka hadaba yaa is cafiya malaha tii horoba soommaali tan maanta ay ku jirto ayaa udhaanta hadii aniga aragtiyda laqadanayo wxaan dhihi lahaa BE NEXT PRESDENT mr m..a..samatar koz waa nin xog badan haya inkastoo maanta dad aan khibrad ulaheyn siyaasad hor jooga yaal noo ah taaso ah mid laga damqado eniwy alahayoow sidii roon!!!!!!!!!!!

  8. asc. bowdada markaan ka jabay iyo boqonka taagiisa, bah cilaamo dhamaan markay igu dul boyaysay, bah sadhaysana inay baga i tiri beerka ka ogsooni. marka ali samatar waa tii oo kele. soomaaliyeey ama dul miga joojiya ama wada. aanu ku jirno dambiga waligeene.

  9. Togane says:

    Hadda ka hor Cabdi Qaybdiid ayaa sidaan oo kale wadanka Sweden dacwad loogu qabsaday. Anagoo ka dheregsan gabood faladii dagaalkii sokeeye ee uu qeybta weyn ka qaatay, waxaa si indho la’aan ah ugu gurmaday intii ku heybta ahayd iyadoo markaas loo arkayey qolada dacweynaysaa in ay yihiin qoladii dagaalka sokeeya uu ka dhaxeeyay.

    Dacwadii sidii la rabay umeysan dhicin. Dadkii u doodayey Cabdi-Qaybdiid waxaa ka mid ahaa saraakiisha ciidanka booliska soomaaliyeed oo uu markaas madax u ahaa, isla saraakiishaas maanta waxay horgale ka yihiin ciidanka dhisan.

    BIshii lasoo dhaafay Maxamed Dheere ayaa loo qabtay fal aad u fooluxmaa oo ilo xog-ogaal xaqiijinayaan in uu isaga soo dalbaday ciidanka shacabka banaanbaxayey laayey. Maxamed Dheere sidii Cabdi-Qeybdiid loo difaacay oo kale ayaa oday iyo waayeelka laga wada qeyb qaatay, dadka codka dheer ugu hiiliyey waxaa ka mid ah Imaama Beelaha HIraab. Warar isa soo taraya waxay cadeynayaan hadeer in u ku xeran yahay guri ku ah dhow Villa Soomaaliya dhawaana xergaha laga furi doono.

    Waxaa kaloo jiro nin Jeneraal ah oo madax ka ahaa ciidamada Nebadsugida waagii Siyaad bare oo madaxweynaha isku tol yihiin in tololkii USC mid ka mid ah dacwad ugu soo ogtay wadanka mareykanka iyagoo ku eedeynaya in uu gabood fal u geystay nin ayaga ka mid ah. Arrintaas inkastoon hubaal ahaan haynin laakiin waxaan maqlayey in maxkamadii lagu dhameeyay si tolnimo ah.

    Haddaba iyadoo raadadkaas muuqdaan oo Soomaalida Cadaaladeeda sidaas tahay, oo qof walboo xumaan geystay reer tolkiis ka hor istaagaan in xumaantuu geystay lagu qaado. Yaa Ina Cali Samayar u Muslim ah?!

  10. Aniga waxaan qabaa Dacwada Cali Samatar waa fadeexad iyo ceeb Somali oo dhan iyo inaan weligeen iskala habsooci jirney,isbahdili jirney,away ninkii yiri ciidankii qaranka Somaliyed hubkooda ha ku wareejiyaan jamahadaha kaas soow kama danbeyn dilkii kufsigii barakacii 20 ka sano,Somali ninkaas maxay maxakamad usoo taagi waayen,away ragii sunta ku aasay badaha iyo dhulka Somaliyeed,Cali Samatar ma Somali baa dacwo uhaysata mise reerka Somaliland dega,dee markaas hala iswada dacweeyo Siilaanyo hala dacweeyo kalshaale iyo Laascano xasuuq buu ka geystay markii horena dadka isagaa barakiciyey dhibka geliyey,jamhada abuuray ilaa maantana waxey ay guul gareen majirto waase mandiqad yar oo hoostimaada Ethiopia haddii ONLF iyo Ethiopia 100% heshiiyaan waxey hoos imaan doonaan Kililka 5aad iyaga ,Puntland iyo gobolada kale maalinwalba loo ololeeyo ragii waxaas horseeday Maxkamad hala keeno ninkaas Qaran sharaf iyo karamo aduunka ka lahaa buu madax ka ahaa iyo hogaan ku dayo mudan,Somali waxaan kula talin lahaa maantana ninkaas baa ina mideyn kara,banaan baxayaasha waxaan ka codsan iney ubedelaan Be next president Mr Ali Samatar.
    Mahadsanidin

  11. Ahmed says:

    Asc.
    Dacweyntii Cali Samatar waxaan qabaa in labo meel laga eego mid waa tan ah maxaa kaligii looga xushay dowladii hore taa waxaan qabaa in aysn noqon shiliney xagee kuu nugul tan ah dacwadda hadda ku socoto ninka Odayga ah waxaan qabaa in loo daayo cadaaladda Mareynkanka waayo qof walba waxuu galabsaday waa inuu dhadhanshaa marka waa in loo mudaaradaado in qof walba oo dambi ka galay umadda Soomaaliyey sidii loo maxkamadeyn lahaay ee ma ahan in laga hor imaado haddii kale waligeen dhib kama baxeyno shakhsiyan waan soo dhaweyn in la maxkamadeeyo Cali iyo dhamaan qof walba oo la tuhmayo inuu tacadi geystay.
    Garyaqaan Soomaaliyeed

  12. maxamuud says:

    cali samatar wax denbi ah oo galay majiraan kuwa dacweynaya waa kuwa habeen iyo maalin xasuuqa kuhaya shacabka ssc degan markaa ma beenta ay yiraahdaan wax baa lana yeelay baad dheg u dhigaysaan kulli beelaha isaaq waa wada denbiilayaal ee maxkamad halasoo taago

  13. Al Cadaala says:

    Janaraal Cal Samater hadii aan lagu haysan Haab Sooc, Maxaa kuwii isaga
    lamidka ahaa loo dacweeyn waayay.

    Golehii Sare ee kacaanka

    1= ismaaciil Cali Abokor: Wuxuu Joogaa Hargeeysa
    2= Ahmed Saleebaan Cabdala: Wuxuu joogaa Yurub
    Maxaa Dowladii Somali oo dhami ka koobnayd ee kow iyo Labaatanka sano jirtay looga daba socdaa CALI SAMATER. macnuhu sow maaha
    CALI SAMATER malaha QAABIIL difaaca.

  14. seeyruuq says:

    Maxamed Cali Samater waxaa uu ahaa shaqsi muwaadan somaliyeed, oo gacan weyn ka geeystay difaaca sharafta iyo qaranimada somalida, ha noqoto Dawlada Ethiopia amaba kooxihii mucaaradka ee SNM ka mid ahyd oo iyada yoolkeedu ahaa in ay kala goyso wadanka somalida, iyadoo aad ogtihiin in wadan kastaaba xaq u leeyahay in uu difaaco sharaftiisa iyo qaranimadiisa–Waajibaad kaasi ayuu ka duulayey isaga iyo kumaankun somaluyeed oo isaga lamid ahayd oo marna aan ogolaan in wadanka la kala gooyo Iminkana aan weli raali ka ahayn.

    waxaan odhan lahaa hadii somaliya oo dhan cidii xukumi jirtay maxkamad la saarayo—wadanka oo dhan maxkamad halooga yeedho

  15. feeyte says:

    Dhibta somaloida yaa keenay–ma shaqsi—Ogoow dhamaanba xubnihii kale ee qaranka xukumayey ayaa megengalyo u jooga aduunka oo dhan –maxaa bartilmaameed ka dhigay maxamed Cali Samatar

  16. amiira says:

    asc waxaan idin leeyahay kuwa ku qaadaya danbiga ali samatar maxaa danbi loogu qaadi waayay kuwa labaatankii sano dhibka ku hayay wadanka ithopia keeney ugandha iyo burungina keenay aidis iyo cuduro iyo dil badan soo jiiday, war soomaaliyeey baroorta orgiga ka wayn naga daaya dhib aad nagu hayseen weligeen. markii uu cali samatar iyo madaxdii hore waa la deganaa dhibaatana maan qabin tuugsadayaasha hada wadanka qabsaday. oo aduunka boorsooyin u toshay waa laan dheere ali samatarna waa laangaab. oo ah muwaadin la hubo. itaqulaahi dadka danbiga ku oogaya ali samatar, kuli hala keeno ma diidani laakiin naga daaya been beenta.

  17. culusow says:

    dacwada cali samatar waxaan u arkaa mid u caadada aheyd dadka la yiraahdo soomali la yaabna ma ahan in lacunsuradeeyo cali samatar waayo haduu tolwene fiican ka dhasho lama dhibeen ee waxaalaoranlahaa halyey, sida siilanto, tuur iyo kuwa jooga koonfutra soomaaliya kuwaasoo dhamaan aha dhiigyacabo.
    waxaan leeyahay Cali samatar waa nin meelweyn kaga yaala taariiqda aduunka ee waxba xagxagashadiinu kama tareyso Gool Calisamatar, siyaadbare, sayid mahamed cabdulexassan iyo halyeeyadii kale ee dalkooda iyo diintooda daacada ua haa. Guleesta.

  18. warfa says:

    Waa wax lala yaabo in ay Somalida had iyo jeer tagyeeraan qof dembile ah.Sida Gen.Ali Samantar kaaso ahaa Madaxweyne kuxigeen iyo Raisal wasaare ahaana taliyihi Ciidamadda Xogga Dalka Somaliyeed. Waa ninkii fulinjirey in ay Ciidamadda si xaq daro ah u rugseen jire una xirijirey ma istahailo in banaanbax Somaliyeed lo dhigo waayo waa dembiile waxu ka mid yahy kuwa baabi iyey Xogga Dalka Soomaaliyeed.

  19. abokar ahmed says:

    asc waxaan idiin leeyahay qof dawladii hore la shaqeeyaya oo shacbiga dhibka maanta joogaan u keenay in, la difaaco waxan u arkaa qalad marka adikaneh bal fikiro oo fiiriya qof kiiska keenay muxuu doonayaa ama danbiga laga galayisla markii in aad ka hortimaadaan ma fiicno wa bilaahi towfiiq