Home » Warar »

Prof Warfaa oo sheegay in uu yahay Musharax u Taagan Xilka Madaxtinimada ee Soomaaliya

Xaflad qado sharaf ah oo si weyn loo soo agaasimay ayaa manta waxa lagu qabtay Hoolka weyn ee Hotelka Hilton ee Magaalada Nairobi

Qado sharaftani oo uu u fidiyey qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka soomaaliye ee ku sugan magalada Nairobi Musharaf Prof Axmed Muumin  Warfaa ayaa waxa ay ahayd mid uu ku soo bandhigayey hadafkiisa ku wajahan in uu yahay musharaf u tagan xilka madaxweynenimada ee soomaaliya iyadoona ay ka soo qeybgaleen mudanayaal faro badan oo iyaga ka tirsan baarlamaanka DKM ee soomaaliya.

Ugu horeyntina waxa xaflada ka hadlay Prof Axmed Muumin Warfaa oo isaga ah musharaf u tagan xilka madaxtinimada ee dalka Soomaaliya isagoona ugu horeynti mudanayaasha amaan u soo jeediyey iyo aqbalidii ay ka aqbaleen casuumaada u fidiyey Prof Warfaa isagona tibaxay in umadda soomaaliyeed ay u bahan isbedel siyaasadeed isagona xusay in ay arintani ku kaliftay kadib markii  uu arkay marxalada ay xalada soomaaliya ku sugan tahay.

Sidoo kale waxaa nadasha shirka ka hadlay Xildhiban Maxamed Dhaqan oo isaga ka mid ah baarlamaanka soomaaliya waxana uu shegay in ka xildhibaan ahaan uu hiil iyo hooba la garabtagan yahay Prof Warfaa  oo ah nin muwadin ah islamarkasina ah nin aqoonyahan ah.

Waxaa isna halkasi ka hadlay Xildhiban Sheikh Adan Mader oo isna ka mid ah mudanayasha barlaamanka ee soomaaliya isagona halkasi ka soo jeediyey aayado diini ah iyo kuwo waano ahba isagona shegay in ay si weyn uga xun yihiin dadka qurbaha joga o iyaga xildhiban ka dhaleecaynaya warbahinta calamka tasi oo uu ku tilmaamay ayaan daro wuxuna xildhibanka shegay in xildhibaanada soomaaliya ay masuul ka yihiin jiritaanka iyo midnimada shacabka somaliyed

Ugu danbeyntii shirkani oo qaatay wakhtigii loogu talogalay islamarkasina ay ka hadleen xildhibano faro badan oo uu ka mid yahay Xasan Abshir iyo weliba Maxamed Qanyare Afrax iyo Cabdalle Boss  ayaa waxa gabogabadii ka hadashay Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalle oo iyadana ka mid ah baarlamaanka DKM ee soomaaliya iyadona halkasi aman uga soo jeedisay musharaxa  iyadona ku tilmaantay Geesi uuna mudan yahay amaan xildhiban Caasho oo iyada qudbad wax ku ool ah halkasi ka soo jeedisay ayaa waxa ay shegtay in musharaxa soo dhoweynayaan xildhibaanada soomaaliyeed.

Xuseen Cabdulaahi Xasan E-Mail Xuseen339@hotmail.com Nairobi Kenya.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Prof Warfaa oo sheegay in uu yahay Musharax u Taagan Xilka Madaxtinimada ee Soomaaliya "

  1. Nomadchild says:

    ALLOW KUWII MASLAXADOODA GARTAA NAGA DHIG
    Saxibayal Somaliya uma baahna Profesor,Dr,General,Qabqable,Sheikh
    waayo intaas oo magac ayaa nasoo martay ama joogta hadda markaa waxay soo kordhin waayeen hadda shaqsi masoo kordhin kara
    Cilladdu maahan Ashqaasta ee waa cillad Somali heesata dhamanteed
    Waxaana looga bixi karaa iyadoo Somali danteeda wada garata iyo waxa kamaqan
    iyadoo ilaah usoo noqota Qofkastaa qirtaa wixii Qalad ee uu galay
    Hadday tahay Miduu dalka kagalay ama dadka kagalayba
    Garataana macnaha Dowladnimo ama Qaranimo waayo Qabiil Qaran noqon waa Goboleesi iyo Lanland Qaran noqon waa Shabaab Qaran noqon wayday ama wadeeda mahayso
    Poofesor iyo Dr macno wayn kordhin mayso waxa Qaldan waa innaga

    Somalida maxaa udiiday inay waxa dhisan haba xumaadeen ay hagaajiso
    meesha ay markasto wax horleh ay dhisto?

  2. Prof Axmed Muumin Warfa

    Shaki kuma jira inu yahay nin aqonyahan ah oday soomaaliyeed ah kana dhoorsan taariikhdi 20 madoowga ah raganku aragnay ku yimaaday meqaad soo dishay iyo meqaad hesataa…
    Somalida waxan dhahayaa (tagtaa lama tuuro e tusaale ayaa laga rebtaa) waxan ula jedaa ino badiya dhanka wanaaga inaa waxku xulano ayaanan lagu xulan meeqa dishay ama waxey noqon (bahal ceyriin madaayo nina cadadii ma baajiyo) ka gudub wanaag ayaan wanaag iyo guul lagu garaa
    Prof warfa aniga iyo somalida aqligoda saliinka yahay wanu ku tagerenaa 100% waxaadna tahay iftiin nadif ah aanu sugeenay waxaanku leyahay Guuul guuuuul

  3. Warfaa waa nin aqoonyahan ah shaki kuma jiro laakiin maanta kuma haboona inuu la istaago nin aan aqoon laheen oo xamaali ah oo suulka wax
    ku saxiixa oo qabiil salka ku hay. maanta aqoon kama socoto xamar ee
    yaa ugu tun weyn bay joogtaa ilaa ay dhamaadan jiilkaan jaahilnimadda ay
    dilootey diin&qabiil&siyaasad la sidhaxgaliyey somali kuma dhismeyso

  4. waa masuul u khalma hogaanka dalka soomaaliya,waa ninka ummada kala habaawday isu keeni kara, waa aqoonyahan taariikh ku leh dalka & dadka waa nin yaqaan dalka uu maamuli doono & dadkiisa soomaaliyeed,waa ninay qiimeeyaan beesha caalamka,maxaa u diiday in ay soomaalida samaha jecel ay qiimeeyaan waa maya inta xil kaska ah ee nabad doonka ah waxa ay u taagan yahiin in ay doortaan pror.Warfaa

  5. mahad hersi says:

    macalin warfaa koley waxaan kula talin lahaa inuusan waxa maanta somaliya ka socda dhexgelin waayo nin iyo laba waxba kama qaban karaan somaliya manta xushmad iyo sharaf ayaa laguu hayaa lakiin
    koley waan ku dhibsan doonaa markaan aragno adoo madaxweyne ah
    iyo somaliya oo weli sii hoobaneysa,xildhibaanada kale ee xaflada joogeyna iyagu iyagu wey u sabcinayaan hadii aqoonyahan isa soo sharaxo sida pro warfaa oo kale hadii macalin dugsi isa soo sharaxana wey u sabxinayaan laakiin pro c/laahi maxamud warsame (cadde duqow) oo aan filaayo inuu xaflada goobjoog ka ahaa saxib aad ugu dhowna la ah pro warfaa makula taliyey inuu xiligaan adag isu taago maxadweynimo

  6. kucadye says:

    Waa nasiib daro inu Professor Warfa oo ku darsamay kooxdii Budhcadd Qaraneed. Waxan raja ka qabay markoo ka tanaazulay (resigned) xilkii La Taliyaha Sheikh Shariif.

    Waxan ka filaayey inu hormood u noqdo xall raadis ka banaan baxsan cisaabada looga taliyo Nairobi/Addis/DC.

    Kucadaye

  7. Yaabb says:

    Prof. Warfaa wax faahfaahin ah laga bixin maayo. Wuxuu ahaan Jiray, shaqaduu hayn Jiray (small biography) . Waxaa loo soo bandhigi sidii in qof walba oo akhrisan doona uu aqoon fiican u leeyahay qofka uu warfaa yahaya!

  8. Xog'ogaal says:

    Anigu nimanka baarlamaanka sheeganaya ayaan gaarsiinlaha dareenka
    dadku ka qabo xabaal wadareedka ay ku suganyihiin iyo shahaado la’aanta
    ay ku dhimanayaan .Waxaadna ogaataa in aanan xarakada al shabaab
    ahayn sidoo kale ma ahi nin doonaya duul mucayin ah in uu aflagaaddeeyo
    laakiin ceebaha shaqaalaha dalka in aan ka hadlo ayaan doonayey
    taasina waa taad ka digeysid in la soo qaado baan u malaynayaa .
    vvvvvvvvvvvvv ILAAH HA INA TOOSIYO vvvvvvvvvvv AAMMIIN vvvvvvvvvvvvvvvvvv

  9. Salim Nuur says:

    http://www.youtube.com/watch?v=tXBWwx-X21I
    Bal ninka madaxweynaha isku sharraxaya dhageesta qudbadihiisa ku duuban youtube…Waa run oo waa mutacallim beeraha, laakiin waxaa ka maqan hoggaamin siyaasadeed. Waxaan filayaa in uu iska cabirtay in uu dhaamo kuwa maantay horboodaya siyaasadda Soomaaliya.
    Ummadda Soomaaliyeed kalsoonideeda waxuu heli karaa markii uu soo bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed (Taasna wali lagama hayo).
    Xattaa illaa iyo hadda masoo hadalqaadin sidii uu u mideenlahaa Dowlad
    Goboleedyada sii kala fogaanaya siyaasad ahaan iyo sidii uu ku xallinlahaa
    Burcad-badeedka iyo kooxaha diinta isku haysta.
    Yuu Raisul-Wasaare ka dhigayaa? Ma lahayaa talo uu soo jeediyay 20kii
    sano oo dhibka lagu jiray?
    Haddii la waayo qof kale oo asaga dhaama, aan dooranno asaga, kolleyba
    waa dhaamaa Sheriifowyaasha iyo kuwa dabataagan.