Home » Warar »

Wasiirka Warfaafinta DFKMG oo si kulul u beeniyey in la iibsaday Furihii Internet-ka ee Qaranka Soomaaliyeed

Shirkad reer Japan ah ayaa noo maamusha Domain-ka Soomaaliya .SO

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Dowladda Federaalka C/kariin Xasan Jaamac ayaa mar uu ka ambabaxayey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho uuna ku sii jeeday dalka Mareykana isagoo ka qaybgalaya shir ku saabsan isgaarisinta ayaa si kulul u beeniyey in la iibsaday Furihii Internet-ka Qaranka Soomaaliyeed ee Domain .SO, isagoo ku tilmaamay wararkaasi kuwo sal iyo raad toona laheyn.

“Maalmahan ayaa Saxaafadda qaar waxay nagu eedeeyeen in aan xadnay oo aan iibsanay furihii Internetka Soomaaliya, haddba eedeyntaasi waa mid aan suuragal naga aheyn maxaa yeelay waxaan u taaganahay in aan badbaadino hantida ma guurtada ah ee qaranka Soomaaliyeed ee ma dooneyno in aan wax dhacno” ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyey “Qaramada Midoobey dal walba waxay siisay Fure u gaar ah tusaale Kenya waa .KE, Australia waa .AU, Ingiriiska waa .UK sidaas oo kale Soomaaliya waa .SO”.

Wasiirka oo iska fogeeyey dhamaan eedeymihii ku aadanaa in furaha Internetka Soomaaliya ay dowladdu iibsatay hase yeeshee waxa uu qiray in Shirkad Jabaan ah loo xilsaaray sameynta Furha soomaaliya .SO isla markaana waxa uu sheegay in loo tababari doono shaqaale Soomaaliyeed oo sameynta kadib shaqadaasi la wareega.

“Xukuumaddu hore ayaa heshiis waxay la gashay shirkad weyn oo Japanes ah oo noo maamusha hawshaas”, shirkaddaas oo ah GMO, ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee DFKMG. Waxaa arrintaas sidoo kale ka hadlay Agaasimaha Boostada iyo Isgaarsiinta Ing Maxamed Axmed Aaden oo sheegay in 4 shirkadood la soo xiriireen oo ay ugu wanaagsanaatey shirkadda reer Japan, waxana uu intaas raaciyey in ITU ay DFKMG ugu deeqday 100,000 doolar.

Halkan ka dhegeyso (MP3)
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/soooo2010.mp3]

Saxaafadda Soomaaliya ayaa inteeda badan waxay faafisay in Dowladda Federaalka ay iibsatay furiha Intetnet-ka Soomaaliya, haatan oo waqti badan ka soo wareegtay eedeymahaasi oo Dowladda looga fadhiyey in ay kal hore ka hadasho ayaa hadda Wasiirkaan cusub waxa beeniyey dhamaan eedeymahaasi lamana garanayo sababaha xiligaan ku soo beegay in Dowlada Federaalka ay beeniso arrintaasi.

Waxaa Arrintaas sidoo kale aad looga hadal hayey dalka Australia oo warbaahintoodu ay sidoo kale xuseen wararka Domianka .SO. gaar ahaan joornaalka Syney Morning Herald cadadkiisii Dec 3, 2010 oo soo xiganayey Mohamed Aden Ibrahim (IBBI) oo ah reer Melbourne, isagoo sheegay in uu DFKMG kala taliyo xagga isgaarsiinta.

Dowladda federaalka KMG waxay horey ugu fashilantay kadib markii ay shaki gelisay jiritaankii xadka badda Soomaaliya kadib markii la magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna durbaddiiba heshiis lagu tilmaamay is afgarad ay Dowladda Sheekh Shariif la gashay Dowladda Kenya, waxaana si aad ah uga dhiidhiyey arrintaasi shacabka Soomaaliyeed ee  ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro

Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

###

Qoraaladda dot. SO: https://somalitalk.com/tag/domain/

Jawaab ku socota Wasiirka boostada iyo iibinta Domainka SO: Hadalka wasiirka meel buu iska qabsan la’ayahay….

Eng. Ismail D. Osman: Annagoo tixraaceyno warbixin iyo wareysi uu bixiyay Wasiirka Warfafinta & Boostada oo ka hadlay arrimaha domainka qaranka ee dot.SO ayaa wasiirku si cad u dafiray isagoo sheegay inaan domainka la iibin isla markaana waxa uu sheegay in domainka lagu wareejiyay shirkad ajnabi ah. SII AKHRI….

…………

Madaxa shirkadda reer Japan: Hiro Tsukahara oo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.” AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Wasiirka Warfaafinta DFKMG oo si kulul u beeniyey in la iibsaday Furihii Internet-ka ee Qaranka Soomaaliyeed "

  1. cabdiqadir S says:

    Maxaa diiday in qaNdaraaska loosoobandhigo shirkado wadani ah? Waxaa jira su’aalo badan oo aan wali laga jawaabin. Wasiirka warfaafinta mala socdaa furaha khadka telefoonka in shaqsiyaad ku adeegtaan. Somalitalk.com, Hanti Dhowrayaasha kale ee is xilqaamay in ay ka hortagaan boobka wasiirku ma uga mahad celiyey.

    Hantida wadanka go’aankeeda waxaa leh barlamaanka hadii sharciga aan la iska indho tirin. Bixinta DOT-SO iyo hantida kale ee qaranka in qarsoodi lagu bixiyo waa fadeexad. CIDII KU XADGUDUBTA SOMALITALK IYO KUWALAMIDA WAA IN AY SOMALI LASOCODSIIYAN IYAGOON WAX CUDURDAAR AH AAN KA BIXIN, WAA WAAJIB QARAN; IS XILQAANKOODANA WAA WAJI WAAYADAN NAGU CUSUB WAANA UGU MAHAD CELINEYNAA.

  2. Arbe says:

    Marka hore waxaan aad ooga mahad celinayaa madaxda warfaafinta Qaranka ee ka jawaabtay arinta iibsashada domainka .SO. Haddii aan fikirkayga ka dhiibto arinta iibinta domainka waxaan qabaa inaan la iibin karin domainka ah heer wadan ee ka kooban labada xaraf sida .SO , .UK , US, SA iwm sababtoo ah cid kale oo aan wadankaas ahayn ma qaadan karto, waxaase dhici kara in masuuliyada dinwaangelinta la siiyo ama laga gato shirikad waana taan aan filaayo in ay arintan tahay. Haddii aad rabto in aad dinwaan galiso magac wata .SO sida magac.so waxaa dinwaan galinaya shirikada haysata awooda in ay iibiso ama dinwaan galiso waxayna sii siin kartaa shirikad kale oo u iibisa tusaale shirikadan hoose ayaa iibinaysa .SO waxayna ka haysataa ogolaansho shirikada la siiyey awooda in ay iibiso .SO —> http://www.101domain.com/so.htm
    ccTLD Domains sorted by Country

    Waxaan aad ooga mahad celinayaa Maamulka Somalitalk.com oo runtii muujiyey xilkasnimo dheeri ah. waxaan leeyahay halkaas ka wad ama ka sii wada hawshan wanaagsan ee ummadda u qabataan.

    Arbe
    Toronto, Canada