Home » Faallo »

Jawaab ku socota Wasiirka boostada iyo iibinta Domainka SO

Hadalka wasiirka meel buu iska qabsan la’ayahay….

Eng. Ismail D. Osman:

Annagoo tixraaceyno warbixin iyo wareysi uu bixiyay Wasiirka Warfafinta & Boostada oo ka hadlay arrimaha domainka qaranka ee dot.SO ayaa wasiirku si cad u dafiray isagoo sheegay inaan domainka la iibin isla markaana waxa uu sheegay in domainka lagu wareejiyay shirkad ajnabi ah.

Hadalka Wasiirka meel buu iska qabsan la’ayahay, lama wareejin, lamana iibin, iyo waxaan ku wareejinay shirkad ajnabi ah. Waxa kale uu Wasiirka sheegay in domain dot.SO lagu soo wareejiyay gacanta dowladda Somaliya.

Haddaba, waxaan jeclaan lahayn in wasiirka hadalkiisa uu dib ugu laabto una sheego ummadda Somaliyed “Domainkii annagaa hayna oo waakan; ama domainkii shirkabaan ka iibinay si aay suuqyada caalamka ugu iibiso”.

Waxa kala uu wasiirku iska fogeeyay inaanu isagu joogin meel lagu iibiyay ama lagu wareejiyay domainka. Haddaba waxaan haynaa in wasiirka isagoo markaa ah agaasimaha madaxtooyada uu hoggaaminayay wafdigii tagay dalka Belgium xafladdii aay dowladdu loogu ogolaaday in lagu wareejiyo domainka qaranka –

Riix Linkiga hoose

http://www.itu.int/osg/photos/detail.asp?y=2010&n=772


Bidix: Agaasimahii madaxtooyada  Cabdulkariim Jamac iyo waftigiisa iyo  Dr Hamadoun Toure oo ah xoghaynta ITU / Isha sawirka: ITU

Haddaba su’aasha meesha imanayso ayaa ah; Maxaa keenay agaasimaha madaxtooyada inuu isagu hoggaamiyo wafdi ka socda wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta oo uu weliba goobjoog ka ahaa wasiirkii hore ee Boostada Cabdirasaq Cusman Jurille

Riix Linkiga hoose

http://www.itu.int/osg/photos/detail.asp?y=2009&n=2643


Wasiirkii boostada iyo isgaarsiinta iyo Dr Hamadoun Toure xoghaynta guud ee ITU  / Isha: ITU

Waxaa marag madoonta ah in labada masuul ee wasiirkii hore iyo wasiirka cusub ee Boostada iyo isgaarsiinta aanay fahamsaneyn khibradna u laheyn faa’iidada uu leeyahay domainka dot.SO ummadda Somaliyed iyo weliba in domainku yahay hanti qaran oo anay labadooduba wareejin Karin, iibin Karin iyadoo aan ogolaasho laga helin golaha baarlamaanka.

Waxaa kale oo aan ilaa hadda caddeyn lacagaha malaayiinta dollar ah oo ay bixisay shirkadda ajnabiga ah ee lagu wareejiyay domainka qaranka. Ilaa hadda wax hadal ah kama hayno wasiirka cusub iyo kii hore intaba halka aay ka baxday lacagahaa tirade badan iyo meesha la geeyay.

Waxaan daba taaganahay musuq maasuqa meesha ka dhacay iyo in lagu takri falo hanti qaran oo suuqyada adduunka loo iibgeeyo si sharci darro ah oo ah boob iyo qiyaano qaran.

Mar uu waraysi bixiyay ninka madaxda ka ah shirkadda iibsatay domainka Mr. Hiro ayaa sheegay “In faa’iidada aay ka helaan domainka in yar oo ka mid ah aay ugu yaboohi doonaan Somalida dhibaateysan iyo carruurta” Taasi waa meel ka dhac iyo gef loo geystay dhammaan ummada Somaliyed in la yiraahda waxaan iibineynaa hantidiinii wixii faa’iid ahna in yar baan idinka siineynaa. Yaa kaa iibiyay hantida qaran oo aay ummadi leedahay? Halka ka eeg wareysigii Mr Hiro iyo aflagaadii uu ugeystay ummadda Somaliyed – http://www.prlog.org/11016118-key-systems-accepts-so-pre-applications.html

Haddaba Waxaa weydiinaya wasiirka boostada inuu ummadda Somaliyed uga jawaabo su’aalahan hoost ku qoran.

  1. Yaa amray ama idiin ogolaaday inaad hanta qaran ku wareejisan shirka shisheeye
  2. Xaggeed geyseen lacagihii aad is dhaafsateen shirkadda ajnabi iyo labadiina masuul?
  3. Maxuu arrintan ka og yahay Madaxweyne Sharif Sheek Axmed?
  4. Ma jiraan heshiisyo kale oo aad la gasheen shirkado ajnabi gaar ahaan GMO Registry iyo GMO Mobile?

Waxaan rajeynayaa inaad ka soo jawaabtaan su’aalah kor ku xusan. Waxaa kale oo aan rajeyneynaa in Baarlamanka Somaliya arrintan sida ugu dhaqsaha badan uga hadlo, lana horkeeno baarlamaanka iyo sharciga qof walbo oo aay ku cadaato iibinta hanti qaran, gaar ahaan cinwaanka internetka waddan ee dot.SO

Eng. Ismail D. Osman

Telecommunication consulting, expert

osmando@gmail.com

Qoraaladda dot. SO: https://somalitalk.com/tag/domain/

………………

Madaxa shirkadda reer Japan: Hiro Tsukahara oo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.” AKHRI…

Dr Abdulkareem Jama, Chief of Staff and Senior Adviser to the President, Somalia, his delegation, and Dr Hamadoun Touré, ITU Secretary-General

Source:  ITU

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Jawaab ku socota Wasiirka boostada iyo iibinta Domainka SO "

  1. ali says:

    Waxaan qabaa in aan laga hadlin wax ka baxsan mowduuca .
    Qofkaste haka hadlo wixii dan ugu jirto dadka iyo dalka
    Iska dhaafa taageerada ashkhaasta aan wax dan ah u ahayn dadka iyo dalka . War somaliyeey dantiina qarta .

  2. Nadiira says:

    Asalama Alleykum, marka hore waan salamayaa umada Soomaaliyeed oo dhan meel kasta oo aay joogaan si gaar ah waxaan u salaamayaa bahda Somalitalk. Is waaydiin ma xumee dadkaan hada commentska soo qoray ee eedaaynaya ninka qoray article ka , ma wax hagaaji baay is leeyihiin mise wax xumee?? Shaki kuma jiro in domian kii Soomaaliyeed la gatay cadaayn waxaa u ah ninka japanska ah oo isagu shirkada gadatay madaxda ka ah. Cadeeyn kale oo aay u baahan tahay ma leh. Mida kale wasiirka postada iyo is gaarsiintu isagaa ka masuul ah domianka SO. Sidaa darteed shacabka Soomaaliyeed xaq baay u leeyihiin in aay waaydiiyaan dadka madaxda sheeganaya oo magacooda ku adeeganaya meeshii hantidoodii ku danbaaysey. Hantida qaranka nin iskama iibsan karo no way. Gabagabadii domianka SO meel ha ku sheegeen dadka madaxda sheeganaya teeda kale Soomaali SO ma hoos imaan jirin dowlado shisheeye, hadana hoos imaan maayo Ilahay idin kiisna waa la soo celin. Waxba kama galin dadka soomaaliyeed hadaay jiraan dowlado african ah oo domian kooda dowlada kale hoos geeyey, at the end of the day we are somali. Gabagabadii Soomaaliya waligood cidna ma hoos tagin hadana hoos tagi maayso insha Allah. Wali dad baa nool damiir leh oo wadaninimo ku jirto.

  3. Faa,id says:

    Waa wax aad looga xumaado dadkii Magaca Qaran watey inay halkii Umadda ay ugu adeegi lahaayeen daadcadnimo una samatabixin lahaayeen ay noqdaan kuwo danahoodda fiirsaddda oo aan ka fakarin mustaqbalka Qaranka, hantidii guud ee Qarankana ay gacanta u galiyaan shirkaddo qalaad. Waxaana haboon kuwaan in sharciga la hor keeno oo lala xisaabtamo. Dowladda Magac u yaalka ahna waa in cadaadis lagu saaraa howlahaan daimomka Qaranka Soomaalyeed halka uu ku danbeeyo.Waxaa mahad gaar ah leh Aqoonyanadda sida fiican u daba galey SHacbiga Soomaaliyeed tusiyey dhagarta ay maleegayaan rag huwan Magaca Qaranka Soomaaliyeed iyo ka SHacbigaba. illaahayna ajar ha idinka siiyo waana loo aayi doonaa inta dadka wanaaga u horseedeysa iyo in SHacbigaan dhibka ka baxo, waxaana dareemayaa in wali ay nooshahay Soomaalinimadii ayna jiraan wali dad u taagan wadanimo iyo in Soomaalidu dad iyo dowlad wanaagsan noqoto. Taariikhdu waa Dahab sidoo kale Somalitalk.com waad ku mahadsan tihiin soo bandhigida waxyaabaha muhiimka ah oo Daaha gadaashiisa la isku dabamaiyo inaad soo bandhigtaan, sida heshiis ku sheegii badda oo lagu guuleystay aakhirkii kanba hadda oo ah SO.DOT Domainka Qaranka Soomaaliyeed.

  4. salaam aleikum all and somalitalk
    walaalayaal waan la socday maalmahan qoraalada ku saabsan domainka,SO waa muhiim in ummadi ilaashato hantida guud ee ka wada dhaxeysa waa sax lakin shuruud bay leedahay wana sidan aniga malahayga sheyga waa in la soo hubiyaa marka hore – yaa gatay , mala kireeyey , xageese ku danbeeyaa ! aniga waxyaabo badan waan arkay sida warshadii sonkorta uganda taal. warshadii sifaynta batrolka shariqa uae iyo nimankii lagu qabtay oo laga xanibay magacyadooda lakin aniga ahaan cadeyn kuma hayo sawiro flkaas ahna ma hayo inaan eedeeyo ma mudna anigoon cadeyn cad ku hayn lkn inaan meesha dad wejiga uga fiiqona maaha ilaa qofku noqdo eedeysane cad oo markhaati leh hadii magac la sheegayona waa in la sheegaa kuwa dhiiga si cad u daadinaya oo gudaha jooga walaalayaal ilaah hana xafido dadka iyo dalkaba aameen aameeen

  5. Mohamed Abdi says:

    Waxaan la yaabanahay Eng. Osman. Waxaan markii hore moodayay nin macluumaad badan haya oo waa tuu lahaa $10milyan baa lagu iibiyay. Saaxiibow waxaa fiicneyd inaad receipts-ka lacagta soo gelisid web-ka.
    Tan kale waxaa kaa khaldan oo aadan fahmeyn waxa la yirahdo outsourcing. Soomaaliya kaliya maaha dalalka domain-kooda shirkad shisheeye ay host-gareyso. Afrika oo dhan marka laga reebo dhowr waddan intooda kale Yurub iyo Mareykanka baa laga host-gareeyaa.
    Marka saaxiibow waxaad hortaagan tahay horumarka Soomaaliya iyo dadka tallaabada qaaday inaad xagxagato, cilmiga IT-na ka baar waxa la yiraahdo outsourcing.

  6. Magan says:

    Marka hore Aniga waxay ila tahay inaan la dag dagin oo wax walba laga fiirsado, waayo hadaadan wax cad oo cadaynaaya inuu wasiirku domainkii qaranka iibsaday ay gaf iyo meel ka dhac noqonayso oo aad u gaftay. Jawaabta aad meesha ku soo qortayna waxay ila tahay eedayn aan sal iyo raadba lahayn waxaana haboonaa maadaama aad tahay nin wax soo bartay inaad la soo shir tagto wax cadeynaaya inuu wasiirku hanti qaran iib saday ama xaday sidii loo soo cadeeyay kii safaaradda kenya iibsaday oo kale. Haddaba maadaama dawladi ay jirto udaa arimahaan dawladda.

  7. @Xassan Yare

    Bahda somalitalk aadbaan idiin salaamayaa marka hore.

    Marka labaad inankan labaxay xassan yare,xatooyo ama wax aan ilaa hadda cadayn loo hayn ayaad sheegaysaa in uu sameeyey wasiir cabdikariim ee kawaran kuwii ilaa heer madaxweyne kasoo noqday soomaaliya ee dhiigga shacabka soomaaliyeed sikasta ugu soo qubaystay, uguna soo dabaashay,ayaad kahadli lah’dahay,saa waa maanta oo aad aflagaadaynayso aqoonyahan noloshiisii raaxada lahayd uga yimi in uu wadankiisa wax uqabto.goormay soomaaliya heer nin la iska eedeeyey xil loo diido.ta kale,cabdikariim iyo asxaabta maanta hawsha inoo wadaa ma ogtahay in ay yihiin kuwii ilaa burburkii xilka inoo qabtay ugu wanaagsanaa.war aynu lashaqayno,dhanka xunna aynu iska dayno,hadaladan faroole ee aad soo dheeganaysaana iska daa,oo hala shir imaan maxaa xilka loogu dhiibay,wax ilaa hadda kamancinayaa anigu iima muuqdaan.ee aynu joojino dacaayadahan ay dugsanayaan nacabkeena,lana shaqayno dowladkasta oo wadanka timaadda,wixii khaldanna hala saxo,lkn maxaa xilka loogu dhiibay,hala shir imaan haddaad cidka hadalayso kuwa wadanka soo gubay ka ilaaliya,xilka. TAKALE:-dhiigga shacabka ee qubanayaba xil iska saartaane,horta maxaa loogu wareegaa waxaan macno lahayn,hala isku xishoodo oo runta hala abaaro.

    @ QORAHA MAQAALKAN ismaaciil D.cismaan….

    sxb adoo mahadsan,markaad wax soo qorayso eedaabta wax loo qoro baro,oo adigoo shakhsiga dhaliilaya,hadda aflagaadada ka ilaali, wuxuu yahayna kusheeg,hadduu prof.yahay,jaahil haku sheegin,hadduu wasiir yahayna wuxuu yahay ha kakala shaxaadin ee bil fadlan isku day in aad sheegto wuxuu dowladda ugu magacaaban yahay.xumaantan aad qalinkiina ubadinaysaana dee iska daaya.oo dhanka nabadda,dowladnimada,walaalnimada,isku soo dhawaanshaha ummadda,toosinta wada toosan ee madaxda hadday khaldamaan kubedela,lkn afxumo iyo wasiirka iibinta domainka waa wax laga wacan yahay,meel kadhacna ku ah,mas’uul qaran.

    cabdiraxmaan laaso
    laaso22@hotmail.com

  8. ahmed ceyrow says:

    Acwb dhamaan walaha boga interdka somalitalk wad mahdsantihiin sida aad umada somaliyeed hadba uga kicisaan hurdad markii lagu xad gudbo hantida qaranka dayacan.
    Arintaan wan udhag duulelay anigoo weydiyay rag badan oo shaqo kuyelan kara lakiin ila hada jawaab an fahmay kama hayo lakiin waxa cad inu jiro tuhun weyn oo laga qabo inu faraha ka baxay dominkii .so
    somaliya waxa kaharay waxeey ahay aalada iskuxirka o an lafahnsaneyn waxa ay tarayso. ahadan naha shacabka raga aqoonta leh ee so heli kara wararka macquulka ah dhamaan dalkenu anga ayuu nooga bahanyahya ilaalis. somali talk waxan ku dhiira galin lahaay ineey soo baaraan mesha ay ku danbeyso warshadii sonkorta mareerey uu iibsaday Cismaan cali caato waxeey ka shaqaysaa magalada kambaala ee dalka uganda. sida warbixinada lagu hayo hantideeni qaranku wexey naga sugaysaa baadi goob waad salamantihiin dhamaan is xilqaamayasha somaaliyeed.baribeey dawladu imaan ee dalka haloo naxo qor waxad ka gaarto oo qalinkada xaqiiq ku saleeeeeeee salam.

  9. ali mohamed says:

    scm walaalalyaal salaan ka di waxaan rabi lahaa inaan wax yar ka iraahdo
    jawaabta laga bixiyay hadalka wasiirka .
    marka hore waxaan aad uga xumahay in maanta dhibaatada na haysato ay ka midtahay inaan mar walbo aan wax walba ka eegno dhinaca xun.
    haddii somalida sida ay isugu raacdo dhinaca xun(negative) ay isugu raaci
    lahayd dhinaca fiican(posative) waxaa qabaa in mar hore wax noo hagagi la haayeen
    waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabaha laga bixinayo hadalka wasiirka
    inaysan ka maqnayn hadalkii madaxweynaha potlad ee ahaa shariif ayaa wasiir ka dhigtay eeanaga wasiir noo ma aha oo ay soomali badan ka soo horjeedsatay hadalkaas uu yiri nin masuul sheeganay ee walaalayaal aan dhabta ka hadalno

  10. cabdiqadir S says:

    Alcadaala,

    Saaxiib Eng Osman haduu is xilqaamay oo waqti galiyey in uu suaalo kakeeno hadalada wasiirka maa iyaga isu deysid. Ma wasiirkaad af hayeen utahay, Tan labaad waxaad tiri “adigoon la socon arintaan heerarka ey soo martay” Ma waxaad kawadaa arintan adiga alcadaala ahaan waad la socotay, Hadii ay jawaabtaadu tahay HAA, waxan kuleenahay bal nooga sheekee, adoo ka jawaabaya sababta baarlamaanka loola socodsiin waayey, sababta shirkadaha wadaniga ah loola socodsiin waayey, sababta qarsoodiga kadhigtay, CIYAALKA AGOONTA AH EE SOMALIYED GOORMA JABAAN QUUDIN DOONTAA. Ugu dambeeyn Saaxiib alcadaala adoo raali ah JURIILE IGU SALAAN.

  11. Al-cadaala says:

    Salaan qiimo badan dhamaan aqristayaal iyo maamulka boggan.

    Aniga waxaan la yaabanahay qoraalka Ismail D. Osman oo aad moodo inuuba dhageysanin hadalka wasiirka ee looga sheekeyay ama waa is yeelyeelaa oo wuxuu doonayaa inuu khaldo dadka tirada badan ee arimaha soomaaliya iska aqrista ama dhageysto laakiin eysan aad ugu dhuun daloolin oo uun kusoo baraarugo markeey arkaan maqaal wax laga naxo ka hadlaayo.

    Ismaaciil D. Cismaan waxaan ku dhihi lahaay ilaaheey ka baq oo shar hurada hasoo kicinin adigoo u maraayo dad aan lasocon arintaan heerarka ey soo martay. Waxaan sidaas kuu leeyahay waxaad ka hadleysid hadalka wasiirka umaba dhigneyn waana cadcadaayeen hadaladiisa ilamana ahan ineey ceeb tahay in shirkad lala kaashado habmaamuleed arin noocaan oo kale ah laakiin aan mas’uuliyadeeda la wareejin hadaad leedahay ma jiraana waa wax kugu kaligaa ah. Iskaashi la yeesho macnihiisa ma ahan wax kala gadasho mana dhihi kartid ama waa gadanay ha dhaho ama waa hausanaa ha dhaho maxaa yeelay ineey mas’uuliyadeeda haayaan wuuba cadeeyay e-mail,lada dowladuna .so ayeey isticmaalaan.

  12. Xassan Yare says:

    Anigu waxaan la yaabanahay sababta wasiir looga dhigay ayadoo inta aan la magacaabin ka hor hadalkiisa la hayay in uu ku eedeysanyahay xatooyo xoolo qaran.Taas waxaa kasii daran in uu dhoho waa been ee wax ma gadan ee waa wareejiyay. Waa wareejiyay buu haddana waxuu sii raaciyay waa naloo maamulaa.
    Xatooyo xoolo qaran ciqaabteedu waa daldalaad.
    Waa arrin meel u taala asaga iyo intii la wehelisaba.