Home » Warar »

Duqeymihii dadka iyo hantida suuqa bakaaraha oo ay dafireen cidamada Midowga Africa ee AMISOM, hadaba yaa duqeeya…

Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo shalay (Talaado) xasuuq ba’an ka geystay gudaha suuqa bakaaraha ayaga oo madaafiic ku garaacay xilli suuqa laga kala adeeganayey, ayna dad badani ku dhinteen ayaa afhayeen u hadlay ciidamada Midowga Africa ee AMISOM waxa uu soo saaray dafiraad uu kaga jawaabayo hadalkaasi.

Taliyaha ciidamada milatariga ugandha ee ka howlgala gudaha Muqdisho ayaa yiri: “xoogaga AMISOM waxaa weerar xoogleh ku soo qaday ciidamad aalshabaab oo ku sugnaa dagmooyinka boondheere iyo siigaale ,xeerarkeena dagaalku waxaa ay inoo ogolaanayaan in aan isticmaalno xoog ku haboon oo ay ku jirto xabadeyn dadban anaga oo difaaceyna ciidamadeena iyo dadka rayidka ah”

“Suuqa bakaaraha waxaa uu noogu qoran yahay in uu yahay meel aan la xabadeyn taliyane ma amri karo xabadayn aan toos aheyn in deegaankaas lagu sameeyo “

“maalintii 30kii November ciidamada Midowga Africa ee AMISOM waxay hoobiyeyaal ku rideen bartilmaameed milatari oo cayiman oo ku yaal dagmada boondheere halkaa oo ay ku sugnaayeen cidamada mucaradka naga soo hojeedo “waxayna isku urursanayeen siciidmada AMISOM ay weerar ugu soo qaadaan “

Afhayeenka ayaa intaa ku daray hadalkiisa meelahaas latilmamay oo hada furin dagaal ah dadka shacabka ah goor sii horeysay ayuu ka qaxay tan iyo markii mucaaradku soo cusbooneysiiyeen weerarada ka dhanka ah ciidmada Midowga Africa ee AMISOM .

Sidaa waxaa ku hadlay afhayeenka ciidamada midowga Africa ee AMISOM isaga oo diiday in cidamadoodu duqeeyaan suuqa bakaaraha iyo goobo ay dad rayid ah dagan yihiin .

Cidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa inta badan dagaaladooda u adeegsada duqeymo goobo dad rayid ah ay dagan yihiin hadana ku darsaday in ay dafiraan.

“Dadka reer Muqdisho waa la socdaan cida duqeyneysa iyo xasuuqa waxaashnimada ah ee ay geysanayaa ciidamada ugandha iyo brundhi waana laga bixi doonaa goor ay ahaataba” ayuu yiri goobjooge ku sugan gudaha suuqa bakaaraha goobtaasna joogey xiligii ay ciidamada midowga Africa ee AMISOM duqeymaha dadka ku leynayeen .

Waxaan dhihi karnaa hadii ay dafirfeen duqeymaha ay u geysanayaa suuqa bakaraha iyo dadka ku sugan, xaggee ka soo dhacaan madaafiicda dadka ku laysa suuqa bakaaraha.

Nov 23, 2010 ayey ahayd markii Ciidamada AMISOM oo warsaxaafadeed ka soo saaray dad shacab ah oo ay ku laayeen Muqdisho ayagoo arrintaas cudur daar ka bixiyey. December 1, 2010 waxay soo saareen warsaxaafadeedka hoose oo ay ku sheegayaan in aysan geysay duqayntii Nov 30, 2010.

Waxaa xusid mudan in Warbixintii Lifeline Africa ay soo saareen Nov 23, 2010 oo sheegtay in  4,260 qof ay lagu diley Muqdisho, waxaana dhaawacmay 12,567 qof, intii u dhaxaysan 2009-2010, taas oo warbixintu sheegtay Boqolkiiba 80% Dadka lagu dilay Muqdisho oo lagu eedeeyey AMISOM iyo DFKMG

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

………….

AMISOM REJECTS BAKARA MARKET CASUALTY ALLEGATIONS.

Mogadishu, 01 December 2010

Following allegations of causing civilian casualties , as reported in the media, AMISOM commanders confirm that no indirect fire was targeted at Bakara Market on 30 November 2010.

Colonel Michael Ondoga, Uganda contingent commander, said:

“AMISOM forces have been under extreme attack by extremists in the areas of Boondhere and Sigale.

“Our rules of engagement permit appropriate use of force, including indirect fire, in the protection of our won forces or civilians.

“Bakara Market is a Force registered ‘No Fire Zone’ and no commander can authorise any indirect fire into this area.

“During the day on 30th November, AMISOM forces did fire mortars at identified military targets in the area of Boondhere, where extremist forces were massing for an attack.

“These specific areas on the current front-line have been deserted by civilians since the extremists renewed attacks against AMISOM forces.

END


Barigye Ba-Hoku
Major
AMISOM Force Spokesman
Tel: Somalia (+252) 699 758567
Tel: Somalia (+252) 165 800500
Tel: East Africa (+256) 773 285177 or (+256) 752 692070
Email: amisomforcehq@gmail.com

Ciidamada AMISOM oo warsaxaafadeed ka soo saaray dad shacab ah oo ay ku laayeen Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Duqeymihii dadka iyo hantida suuqa bakaaraha oo ay dafireen cidamada Midowga Africa ee AMISOM, hadaba yaa duqeeya… "

  1. guled says:

    waxan leyahay somalida hal arin [ it s time for u start thinking lil bit more deeper

  2. Yahya Ali says:

    Asc, duqeyn ayad ka hadleysan sababta lo sodiray amisom wa in ay dadka xasuqdo aysan kalarebin, rayid, suuq, carur hawen wayel duqowshin, wana lawada ogyahay iney amisom duqeyso suqa bakaraha iyo magalada muqdish, qofkastaana og xita saqiirka xalay dhashay aya taas og, sadar muqda su,aal kadhan, amisom hadey ku fagartay somalida waxi loshego iney qadanayan hadaba sidan manihin. amisomey dalkan intey gori gori tahay isaka baxa ama waxa ka bixi doontin idango kabaha ka cararaya wllh insha,allah,
    Waxa kaloo layabanahay dadka isku shegaya iney wadanka madax ka yihin sida labada sharif oo hadan lasafan cadowka dadka iyo diinta, dalk, xita oran wayay magalada madaficda xogan ha u adegsanina, somalida waxan ushegaya iney meshan dowlad wax ladhoha ineysan jirin, cadowkana qofkasta wuxu heli karo inu isaka dhiciyo, besha calamka iyo ururka midowka afrika wa dadka xasuqan amraya 20kii sano eynu sodhafnay ila iyo hada dalkana wuxu ka dagi la,yahay sida labada sharif oo daba dhilif ah iyo dawladaha dariska nala ah, dagerada dadka ku habon weynu naqana eynu garab istagno, wilasha safka hore ku jira eynu uduceynu plz ayaka wax garad u eg diin iyo dalba difacaya wllh, alaha guleyo, amiin

  3. cadoowgaan edebta daran ee dadkeenii laaynaya horta raggii keenay kuwii ugu waaweynaa maanta waxba kama aha dowladda waxayna is casileen cadowgeey keeneen oo dalkii ku jiro kuwa hadda dowladda sheeganayana waa ka raalli yihiin joogitaan ciidankaan cadowga ah waa in la iska qabto