Home » Warar »

Ciidamada AMISOM oo warsaxaafadeed ka soo saaray dad shacab ah oo ay ku laayeen Muqdisho

Ciidamada AMISOM ayaa warsaxafaadeed ka soo saaray dad shacab ah oo ciidamadaasi ay ku dileen Muqdisho, waxaana warsaxafadeedka AMISOM u qornaa sidan:

War saxafadeed November 23 2010

Arrin aad u foolxun oo wax laga xumaado ah ayaa maanta oo Talaado ah ka dhacay Magalada Muqdisho oo ay ku dinteen laba qof oo rayid ah.

Baaritaan ayaa socda balse waraarka nasoo gaaray ayaa tilmaamaya in kolonyo gaadiid ah oo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay saarnaayeen ay  xabado ku fuureen shacab jiidka marayay.

Falkaas foosha xun waxaa nasiib xumo ku dhintay laba qof oo rayid ah todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen. Mid ka mid rayidka dhaawacmay ayaa isbiitalka Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM la geeyay Lixda kalena waxaa loo qaaday isbitaalka Madiina. Waxaan diyaar u nahay in aannu daawayno lixda kale haddii loo baahdo.

“Illaa iminka nooma cadaanin sababta rasmiga ah ee ay ciidamadeena xabadda u fureen lamana hubo in ay naftooda uga baqeen. Dhamaan Ciidamada falkaas gaystay gacanta ayaa lagu dhigay isla markaasinna xabsi ayaa la geeyay. Baaritan ayaana socda si ay loo ogaado falka sida uu u dhacay,” Saas waxaa yiri Taliyaha Ciidamada Nabad ilaanta ee AMISOM, Jeneraal Nathan Mugisha.

“Nolosha iyo amniga shacabka Soomaaliyeed waa arrin aad ula weyn ciidamada AMISOM falkaan dimashada iyo daawaca gaystay waa mid  aan aad uga xunnahay. Waxaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa qoysaska laga geeriyooday iyo kuwa dhaawaca soo gaaray,”

“Waxaan mahad ballaaran u soo jeedinaynaa saraakiisha caafimaadka AMISOM iyo kuwa rayidka ah oo isla markiiba soo gaaray goobta uu falku ka dhacay. Waxaan iyana mudan in aannu u mahad celino shacabka gacan ka gaystay arrintaas,”

“Anigoo ah Taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM waaxan arrintani u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Mudanne Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo. Waxaan labadaa masuul u sheegay in ay AMISOM baaritaan wadda oo welibana talaaba cusul marsiin doonto ciidamada AMISOM ee falkaasi gaystay wixii ku soo caddaada.

“Dadweynaha Soomaliyeed waxaan u sheegaynaa haddii aannu nahay AMISOM waxaan Soomaaliya u joogna in aannu shacabka caawino oo an ilaalino. Ciidamo tira badan oo Habeen iyo maalin shaqeeya oo loogu talagalay in ay Muqdisho xoreeyaan ayaa inoo jooga,”

“Falkanni waa mid laga xumaado.  Dadwaynahu xaq ayay u leeyihiin in ay naga caroodan. Waxaan u cadaynaynaa shacabka Soomaaliyeed in ay ogaadaan in aannu shaqadeena wadi doono waxaanna ka codsanaynaa shacabka in faalkani fosha xun  uusan na kala fogaynin,”

Barigye Ba-Hoku
Major
AMISOM Force Spokesman
Tel: Somalia (+252) 699 758567
Tel: Somalia (+252) 165 800500
Tel: East Africa (+256) 773 285177 or (+256) 752 692070
Email: amisomforcehq@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ciidamada AMISOM oo warsaxaafadeed ka soo saaray dad shacab ah oo ay ku laayeen Muqdisho "

  1. SADE says:

    WAAN KAXUMAHAY DHIMASHADA
    LAAKIIN??
    somali inta ay AMISOM,EITHOPIA kudigrinaayaan Dadku sidaan ayey udhiman horayna way udhimanayeen muddo 20 sano ahayd
    waxaas ha,isku dalinina ee waxa runta ah wax kaqora ama kasheega
    AMISOM inay wax disho ayey mushaar kuqaadataa
    Dagal inuu dhamaado marabto
    DADKKINAAN wax Qoro Dowlad waad diideen Nabadda kama shaqeesaan
    Haddaan Dowlad lahelin AMISOM sidaasey ullayn iyo kadaran
    SOMALIDA DAN UGUMA JIRTO KOXAHAAN DADKA LAAYA
    AMISOM
    SHABAB
    AHLUSUNNAH
    XISBUL ISLAM
    KUWAN BARLAMANKA ISBARADA UTAAL
    LAND LAND YADA ayaga xataa QOLO waxay leeyihiin ATOM ayaan ladagalameenaa
    KUWA KALENA Dhulbalaarsi iyo xududihii Gumeysiga sameeyay ayey raadinayaan
    YAA uroon?
    DOWLAD daacad ah