Home » Warar »

Cilmi Baaris: Horumarka ganacsiga Soomaaliyeed ee Bariga Afrika

Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarka soomaaliyeed oo baaris kusamaysa inta badan horumarka ay soomaalida ka samayso dhinacyada wax barashada iyo ganacsiga, ayaa daraasad ku sameysay dhaq dhaqaaqa ganacsiga soomaalida ee ka jira wadanka Kenya iyo bariga afrika. Xarunta oo daraasaddan ka samysay wadamada Kenya, ayey noo suura gashay inaan helno warbixintan ka hadlaysa horumarka dhaqan dhaqaale ee soomalida ku ganacsata dalka kenya, gaar ahaan halka uu ganacsiga soomaalida xoogiisa kasoo burqado ee xaafadda loo yaqaano Eastliegh sidoo kalana loo yaqaano “Muqdisho yareey” ee kutaala magaalada Nairobi ee caasimadda u ah wadanka kenya. Hadaba aqris wanaagsan.

Halkan ka daawo sawirada

Eastleigh waxay ku dhacdaa duleedka magaalada Nairobi, ee wadanka Kenya. Waxay bariga ka xigtaa bartamaha ganacsiga magalada Nairobi.Eastligh oo dadka degen lagu qiyaasay 100,000 (boqol kun) oo qof Badankeeda waxaa dagan dad soomaali ah oo markoodi hore ka soo cararay dagaalada kajira wadanka soomaaliya,xaafaddan oo ay caan ku yihiin dadka soomaalida ah waxaa lagu naaneesaa “Little Mogadishu“, ama “Muqdisho yareey”  iyo sidoo kale “a country within a country with its own economy”  ama wadanka dhaqaalihiisa wata, ee ku dhax yaala wadan kale, marka loo eego xowliga, tirada iyo tayada dadka soomaaliyeed ee kunool kuna ganacsada Islii Nairobi.

Eastleigh waxay sameysantay 1921. markii gumeystihii ingiriiska uu u qeybiyey dadki degenaa magaaladaa Nairobi qowmiyado kala duwan, Eastleighna waxaa ladajiyey dadka ka soo jeeda qaaradda Asia iyo dad afrikaana oo ku shaqeysan jiray xamaali iyo dhismaha iyo kaba tolayaasha.Eastleigh waxay asalkeedi ahayd meel ay caan ku yihiin dadka asalkoodu yahay Aasiya illaa laga soo gaarayey xoriyaddii wadanka kenya 1963kii. Sanadahan dambe, waxay caan ku noqotay oo gebi ahaanba camiray dad soomaali ah oo badankoodu kasoo fogaaday rabshadaha ka jira Soomaaliya.

Maamul ahaan, Eastleigh waxay u qeybsantahay waqooyi iyo koonfur. Labaduba waxay hoos yimaadaan qeytba Pumwani ee Nairobi. Gudaha Eastleigh, waxay usii kala qeybsantaa sedex waaxood waxayna kala yihiin, qeybta koowaad oo ah Juja Road, Qeybta labaad oo ah meesha dhaq dhaqaaqa Islii uu ka kala socdo, iyo ugu dambeyntii qeybta sedexaad oo ku beegan, Jomo Kenyatta Airport (JKIA).

Marka laga reebo dad yar oo fara ku tiris ah Eastleigh waxaa dagan dad soomaali ah. Sidoo kale dhanka ganacsigana waxaa intiisa badan ama gebi ahaantiisba gacanta ku haya bulshada soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan. Ganacsiga ka jira Muqdiho yareey wuxuu kasoo bilowdaa min tukaamada yar yar illaa bakhaarada waa weyn, hoteelada  iyo shirkadaha ganacsi ee camiray xaafadda Islii.gabi ahaantoodna waxaa kaaga muuqanaya magacyo soomaaliyeed oo tira badan oo iska soo wada horjeeda,waxaana kugu soo dheceysa inaad magaalo soomaaliya kamid ah joogtid. Waxyaabaha lagu iibiyo badankooda waxaa laga keenaa muqdisho iyo Dubai, waxaana ugu badan oo lagu iibiyaa waa dharka, bagaashka, maacuunta, raashinka dahabka iwm.

Burburkii Muqdisho waxay sare u qaaday ganacsiga iyo dhaqaalaha magaalada Nairobi, Waxay ku bilaabantay markii qaxootigii daganaa hoteelka Gaarisa ee xaafadda Eastliegh, una dhow wadada Wood street iyo wada koowaad ee Islii, ay bilaabeen iney qolalkooda u isticmaalaan tukaamo ay maalintii ku ganacsadaan 1994kii.

Dhismihii labada biyaano ka koobnaa ayaa dhaqsaba isu badalay meel looga soo adeeg tago dhamaan gobolada Kenya. 1998kii waxaa ku soo kordhow ugu yaraan sideed dhismo oo loo badalay tukamo ganacsi; wixii ka dambeyeyna waxaa ku soo burqaday dhismayaal ganacsi oo tira badan. Maantana waa suuqa ugu weyn ee ku yaala Kenya oo dhan.

Ganacsigii wuxuu durbaba ku fiday wadamada magaalooyinka kale ee wadanka iyo wadamada dariska la ah. Garisa lodge ayaa ah halka uu ka faafay ganacsigaasi xoogga ku socda ee saameeyey wadamada bariga afrika. Kenya ayaa si weyn faa’iido ugu qabta hantida ay soomaalida galisey dalkeeda oo bishii ay balaayiin shilin ka soo xarooto ku ganacsata suuqa Islii ay galinayaan wadanka Kenya. Soomaalida ka imaaneysa wadanka soomaaliya iyo kuwo kasoo noqonaya wadamada yurub iyo ameerika ayaa si weyn u maal gashta kenya, ayagoo gata dhulalka iyo dhismayaasha ganacsi iyo kuwa deegaankaba, magaalada mombaasa ayaa hadda noqotay meesha labaad ee ay soomaalida aadka u maalgashtaan una dagaan, suuqa boondheeni ayaa hadda waxaa gabi ahaanba tukaamadi iyo baqaaradi waxaa la wareegay ganacsato soomaali oo aad u soo buux dhaafiyey, soomaalida ayaa bixinaya lacago ku qasbaya milkiilayaasha dhismayaasha iney deg deg ku aqbalan iney iska iibiyaan dhulka iyo dhismayaashooda.

Marka laga soo tago ganacsiga sida weyn murqaha ugu fidsaday suuqyada islii Nairobi, Bondheni iyo Marketi ee Mombasa,Soomaalida ayaa hadda guud ahaan si weyn oga dhax muuqda ganacsiyada kala duwan ee ka jira wadan ka kenya, sida warshadaha yar yar ee soo saara cabitaanada saafiga ah iyo kuwa miraha laga sameeyo, baabuurta xamuulka ah ee dakadda Mombasa ka daabula badeecada ee geeya wadamada bariga afrika qaasatan, Tanzania, Rwanda, congo, Sudan, Uganda dhowr maalmood oon booqday dekedda Mombasa oo runtii ah deked aad u weyn ayaan ku arkay in gawaarida waa weyn ee xamuulka qaada ay intooda badan leeyihiin ganacsato soomaali ah, oo aad mooddo sidii iney tahay deked soomaaliya ku taala. Waxaana la dhihi karaa waa qandaraas layaasha dahsoon ee u xilsaaran iney badeecada dakadda Mombaasa ka soo degta ay ka qeybiyaan bariga afrika.

Soomaalida ku howlan adeegaan ganacsi ayaa ah shirkado ay sameysteen shaqsiyaad isku tagay oo leh magac lagu yaqaan oo ay ku ganacsadaan. Shirkadahan waxay leeyihiin boqolaal baabuur ayadoo shirkadda ugu gaadiidka yar ay leedahay 50 baabuur. Sidoo kale waxaa jira shaqsiyaad heysta baabuur tiro yar, celcelis ahaana wuxuu midkiiba leeyahay 1-10 baabuur shaqsiyaad kaan oo aan tirokoob dhab ah laga hayn waxaa la qiyaasayaa iney isku darkooda ka baabuur badanyihiin shirkadaha waaweyn. Ayadoo tirada baabuurta ay leeyihiin shaqsiyaadka ay tiro dhaaf yihiin ayaa waxan isku dayay inaan helo tirada dhabta ah ee shirkadaha waa weyn walow ay igu adkaatay inaan helo dhamaan magacyada shirkadahan ay soomaalidu leeyihiin ee ka diiwaan gashan dekedda Mombaasa oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn wadanka kenya ayaa inta ay ii suura gashay inaan magacyadooda soo aruuriyo waxay noqdeen illaa todobo shirkadood oo isku darkoodu tirada baabuurta ay leeyihiin boqolaal baabuur ay kor u dhaafayaan waxaana kamid ah;

  1. Awale Transportation Company
  2. Tipa Transportation Company
  3. Tigad Transportation Company
  4. Hafsa Transportation Company
  5. Salina Transportation Company
  6. Fargeto Transportation Company
  7. Tss Transportation Company

Waxaad sidoo kale arki kartaa in basaska dadweynuhu raacaan ee isku xira gobolada dalka Kenya ay intooda badan leeyihiin ganacsato soomaali ah, shirkadaha sameeya adeegga basaska ayaa middiiba ugu yaraan waxay leedahay in kabadan 10 bas oo isu dhaafa gobolada iyo degmooyinka dalka, sida Mombasa, Garisa, Nairobi, Eldoret, Nakuru, mandheera, Wajeer iyo xarooyinka qaxootiga ooy soomaalida sida weyn ugu badan tahay iyo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka, sidoo kale qaar ka mid ah shirkadahan ayaa u kala goosha wadamada dariska la ah wadanka Kenya sida Tanzania, Uganda, Sudan iyo Kenya. Shirkadaha basaska ee ugu caansan ayaa waxaa laga xusi karaa;

  1. Crown bus services
  2. Ocean bus services
  3. Maslax bus services
  4. Tss bus services
  5. Gashan bus services
  6. Savarana bus services
  7. G-coach bus services
  8. E-coach bus services
  9. Garisa star bus services
  10. Waamo bus services
  11. Dayax bus services
  12. Tana river bus services
  13. Muhsin bus services
  14. Sagal bus services
  15. Gate way bus services
  16. City to city bus services
  17. Inter city bus services
  18. Bilal bus services
  19. Zafex bus services
  20. Grand bus services

21.  Fafa raha bus services

Ganacsiga soomaalida oo iminka si fiican ugu xidideystay wadanka Kenya, ayaa waxaa dhaqaalo xoogan uu kasoo galaa dowladda Kenya oo iyadu si weyn ola dhacsan hanitida ay soomaalidu gelinayaan wadanka Kenya, maadaama ay soomaalidu si hagar la’aan ah u dhisanayaan wadanka, taasoo aan looga baran hindida iyadana sida weyn oga ganacsata wadanka Kenya. Hindida laguma yaqaan iney dhismayaal caaan ah ka dhax samaystaan wadanka kenya oo ay wax boqol sano ku dhow ay ka ganacsanayeen, dhismayaasha horay u jiray ayey kireystaan waxayna kashaqaaleysiiyaan dad ay ka keeneen wadanka India dhaqaalaha ka soo galana waxay ku celiyaan wadankoodi ooy dhul iyo dhismaba kaga gataan dibna ugu maal gashadaan, halka soomaalida oo 20 sano ka yar ganacsigoodu uu xoog u bilowday ay iminka dhismayaasha iyo ganacsiga kala duwan ee wadanka kenya wax weyn ku soo kordhiyeen.

Soomaalida ku ganacsata wadanka kenya ayaa dhibaatooyin kala duwan ka soo wajaha dabino ay soo maleegaan ganacsatada hindida ah ee sida weyn usal dhigtay wadanka kenya, waxaa jirta in dhowr jeer ay wargeysyada telefishanada ay barnaamijyo ka diyaariyeen ganacsatada soomaalida ah oo ay ku tilmaameen qaarkood iney yihiin burcad badeed mar kalana ay yiraahdeen waxaa Islii laga fangareeyaa Al-shabaab. Ganacsatada soomaalida oo aan lahayn isku xir fiican sida kuwa hindida ayaa iyana dafiray eedeymahaas kuna eedeeyey iney barnaamijyadaas fangareeyeen maal qabeeno Hindi ah oo saameyn weyn kuleh dowladda iyo saxaafadda Kenya. Eedeymahaas ayaa sababay dhowr jeer oo hore baaritaano waa weyn oo xaafadda Islii ay ka sameeyeen ciidamada dowladda Kenya oo

Boqolaal qofood ka qab qabtay suuqa Islii. Inkastoo ay jiraan eedeymo iyo falal ka dhan ah ganacsatada soomaalida ayeysan haddana marna ka niyad jabin iney ganacsigooda sii xoogeeyaan, wargeyska east african standard ayaa dadka soomaalida ah ku tilmaamay iney yihiin dadka adduunka ugu adkeeysiga badan dhaliisha iyo eedeymaha oo aysan waxba ka dhibin, ayadoo tasina aysan jirin cid lawadaagta dunida oo dhan, wuxuuna ku tilmamay iney tahay sifo aad u fiican oo ay soomaalida la gooni yihiin, sidaas darteedna taasi ay keentay ineysan isku mashquulinin waxa qowmiyahada kale ay iyaga ka sheegayaan ama ay kula kacayan mararka qaar, wargeyska ayaa sifadaas u aaneeyey dhaqanka soomaalida oo intiisa badan kasoo jeeda baadiyaha halkaasoo ay soomaalida kaftanka, caayda iyo canaanta aad looga yaqaano. Kalimadaas oon siweyn isugu taxa lujiyey inaan ka xaqiijiyo odayaasha soomaaliyeed ayaa intii aan ka waraystay eey ii xaqiijiyeen inuu warkaasi runta u dhowyahay, nin kamid ahaa raggii aan arintaas kala sheekeystay ayaa ii sheegay iney jirto hal heys ay dhahaan markay xoolaha ceelasha ka waraabsanaayn oo ah “nin I caaya oo I canaantaan ceel lashubi jiray”.

Ganacsiga soomaalida kenya wuxuu raacay xididada dhiigga ee dhaqaalaha wadanka kenya, waxaadna arkeysaa in dhinac walba ay saameeyeen oo ay si weyn oga dhax muuqdaan ganacsiga wadanka kenya, marki hore waxay soomaalidu ku bilaabeen ganacsigooda tukaamo yar yar iyo dad iska warato ah maantana waxay ka dhax muuqdaan muraayadda dhaqalaha wadanka kenya, hindida ayaa heysan jirtay dhamaan ganacsiga muuqda ee wadanka kenya, ganacsatada soomaalida ah ayaa kala wareegtay dhamaan ganacsigii yar yaraa ee jumlada iyo tafaariiqdaba, inkastoo ay weli ganacsatada hindida ah ka dhaqaala badan yihiin kuwa soomaalida ah ayaa waxay iminka ku soo hareen warshadaha waa weyn iyo qandaraasyada dowladda ay bixiso iyo cisbitaalada caafimaadka, waana taas midda keeneysa iney wali ka dhaqaala badan yihiin soomaalida maadaama ay heystaaan warshadaha culus. Soomaalida uma aysan dhaafin oo uga aysan tanaasulin hindida iney heysato ganacsiga waa weyn ee waxay hadda si weyn ugu soo hoobanayaan iney maal gashtaan ganacsiga warshadaha wax soo saarka dalka kenya walow ay wali ku egyihiin warshadaha kuwooda fudud sida kuwa sifeeya biyaha, iyo kuwa sameeya cabitaanada qasan iwm hadana maanta biyaha sifeysan ee laga cabo kenya ayaa waxaa badankooda iska leh ganacsato soomaali ah, taasoo muujineysa iney warshadaha waa weyna mustaqbalka dhow aad looga dhax dareemi doono. Warshadahan yar yar ayey ii suuragashay inaan helo magacyada qaar ka mid ah sida:

  1. Victoria juice powder ltd
  2. Nahar mineral water
  3. Zein mineral water
  4. Pasific mineral water
  5. Rayaan mineral water
  6. Star pop mineral water
  7. Glashia mineral water
  8. Raani mineral water
  9. Haha mineral water
  10. Qahira mineral water
  11. Jazzmill mineral water
  12. Niagro mineral water
  13. Shifo mineral water
  14. Horizon mineral water
  15. Awash mineral water
  16. Royal mineral water

Mombasa

Mombasa waa xarunta iyo hoyga ee dekedda ugu weyn bariga afrika iyo Kenya ee loo yaqaan Kilindini Harbour. Kilindini waa erey sawaxili hore ah loolana jeedo “qota dheeri’. Sababta loogu bixiyeyna waxaa lagu sheegaa iney tahay kanaalkeeda oo dabiiciyan aad u qota dheer.

Mombasa sidoo kale waa xarunta dalxiis xeebeedka ee kenya. Jaziiradda Mombasa laf ahaanteeda keliya maahan meelaha aadka loo booqdo ee lacagta badani ka soo xarooto, inkastoo dadku ay booqdaan faras magaalihii hore ee loo yaqaan Fort jesus, ee waxaa waqooyiga magaalada ku yaala oo aad loo booqdaa xeebaha; Nyali, Kenyatta, Bamburi, iyo Shanzu. Dhanka koonfureedna waxaa iyana la booqdaa xeebaha Shelly, Tiwi, iyo Diani. Magaalada mombasa oo dadkeeda lagu qiyaasay illaa 800 kun oo qof waxaa u badan dadka muslimiinta ah ee loo yaqaano sawaaxiliga, kuwaasoo qarniyo ka hor soo gaaray magaalada ayagoo ganacsato ah kadibna noqday dad deegaan ah oo magaalada lagu yaqaano,dadkaan waxaa asalkooda la sheegaa iney ka soo jeedaan, wadamada carabta,Iran iyo soomaaliya kuwaasoo ahaa ganacsato iyo xirfadlayaal u yimid iney ka shaqeystaan xeebaha bariga afrika.

Xaafadda soomaalida ay ka dagantahay Mombasa waxa layiraahdaa Bondheeni, waxayna ku leeyihiin suuq iyo hoteelo iyo waliba masaajido ay ka socoto duruus badan. Suuqa oo loo yaqaano bondheeni Market oo runti ah suuq aad u balaaran waxaa dhamaantiisba ku ganacsada soomaalida oo aad u camiray adigoo laga yaabo inaa ku dhax aragto tukaamo dhif ah oo ay leeyihiin dad kiinyaati ah. Sidoo kale bodheeni waxaa ku yaala hoteelo fara badan oo ay ka mid yihiin: Ramadan, New people, iyo Malan Gababa, waxaa sidoo kale ku yaala xaafadda Boondheeni masjid aad u weyn oo ay soomaalida halkaasi ka dhistay oo la yiraahdo Al-nasri.

Soomaalida ku nool mombaasa waxay sidoo kale ganacsi xoog leh ku leeyihiin suuqa ugu weyn Mombasa ee layiraahdo Maarkiiti waxayna si xoog leh u heystaan qeybaha dharka iyo bagaashka. Soomaalida waxay isna ku ganacsadaan suuqa kale ee layiraahdo Mwembi Tayari small market waxayna ku heystaan ganacsiyo yar yar oo ay ka midyihiin kabaha iyo qalabka korontada. Ganacsigii ka bilowday sarta Garisa lodge ayaa marba meel kasoo galaya guud ahaanba wadanka Kenya iyo wadama dariska la ah intaba. Hantida soomaalida ee ku soo burqaneysa wadanka Kenya ayaa ah mid aan joogsi lahayn, soomaalida ayaa hadda magaalo xeebeedka Mombasa aad oga dhax muuqanaya tiro iyo tayo intana waxayna si xowli ah u gadanayaan dhulka iyo dhismayaasha magaalooyinka Mombasa iyo Nairobisa. Tusaale ahaan, sanadkan waxa uu wargeyka East African standard soo qoray qormo uu uga hadlayay ganacsiga soomaalida kenya ku nool wuxuuna tusaale u soo qaatay, dhul ku yaala magaalada mombasa gaar ahan Mwembe Kuku iyo Kilifi, dhulkaas oo uu cabirkiisa ku qiyaasay 2.5 hektar, laguna qiimeeyey ku dhowaad Ksh30 million ($400,000) intuusan kor u kicin qiimihiisa, ayaa waqtiga wargeyska faaladiisa soo baxaysay oo ahayd sanakaan May, 2010 lakala siistay Ksh215 million oo dollar ahan u dhiganta ($2.86 million).

Waxaa soo koobay iskuna soo duway: Gudoomiyaha Xarunta (CSORD) Xasan C/lle Xasan

Cilmi baaristan waxaa sameeyey: Xarunta Cilmi Baarista Iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee (CSORD)

مركز الدراسات والتطوير الصومالي

Center for Somali Research and Development (CSORD)

Email: csordoneway@hotmail.com

References

Field observation by the center  members

Direct interview with the Business people in Eastliegh and Mombasa markets

Literature review from the following links:

http://en.wikipedia.org/wiki/Eastleigh,_Nairobi

http://roundtable.kein.org/files/roundtable/Somali%20Refugees%20in%20Eastleigh.pdf

http://www.theeastafrican.co.ke/magazine/-/434746/457396/-/153e07h/-/index.html

http://www.theeastafrican.co.ke/news/-/2558/914994/-/pf6eemz/-/index.html

http://www.africareview.com/Special%20Reports/Somali%20commerce%20in%20Kenya/-/979182/1030468/-/xwew4w/-/index.html

http://www.africareview.com/AfricaAt50/Somalia%20city%20in%20Kenyan%20capital/-/1001198/992226/-/o11ujrz/-/index.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Cilmi Baaris: Horumarka ganacsiga Soomaaliyeed ee Bariga Afrika "

  1. omar shiine says:

    asc wa warbixin qurux badan wad na ku mahadsan tihiin SomaliTalk iyo
    CSORD hoosha wanaagsan e ad qabateeen.

  2. nuuryare says:

    a/c/m aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin bahda somalitalk sida aad usoo gudbineysiin aqbaaraha kusaabsan somaliya iyo caalmka intiisa kale anigu waxaan aqristaa somalitalk habeen iyo maalinba waana idinkaga mahad celinayaa somalidu waa dad marka loo eego aduunyada kale uga horeeya xaga ganacsiga meel walba oo eytagaana waxa ey kasmeeyaan ganacsi kaladuwan mar waxaa naga dhiman in tii aan dhisi leheen dad dulkood in aan dhisano keena in sha alaah waana gaari doonaa ilaahana waxaan karejeyneynaa qeer iyo dhulkeena oo nabadu ku soo noqoto

  3. yahya ali says:

    Asc all, wan ku farxa markan maqlo somali la,amanayo maxa yelay wax na,amano wan weynay, somalitalk wa mahad santihin, aniga shaqsiyan waxan aminsanahay iney somalida qaniyihin maxa yelay wadamada ay ku ganacsadan dadka leh wa fuqaro wadamada calamka somalida ku nool wa dad nolasha bahal dahab ah kaga jira wadamadas, somali aad ayey u qabsatay wadamada bariga iyo kofurta afrika si weyn aya loga yaqana ganacsigoda, ganacsatada somalida waxan kula talinaya iney hugan mideysan yeshan dhibkasto si loga hortago