Home » Faallo »

Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya | Abdullahi Spanish

Hordhac

Khayraadka dabiiciga ah (Natural Resources), waxay u taaganyihiin hantida dhabta ah ee ilaahay wadan kasta ama ummad kasta ku manaystay noloshooda iyo horumarkooduna si toos ah ugu xidhanyahay. Marka asalka loo eego khayraadka dabiiciga ahi waxay u kala baxaan laba qaybood. Qaybta hore waxa la isugu geeyaa khayraadka asalkooda ka soo jeedo wax nool, xayawaan iyo dhir. Qaybta labaadna waxay u taagan tahay khayraadka aan wax nool ka soo jeedin sida; dhulka, biyaha iyo macdanta.

Qoraalka oo sawirro wata halkan ka akhri (pdf)

Haddii khayradka dabiiciga ah laga eego xagga istarka ama cusboonaanta waxa loo qaybiyaa saddexda qaybood ee hoos ku xusan:

(a)    kuwo aan marna dhamaan marka loo eego aragtida iyo aqoonta beni-aadanka oo si kasta oo loo isticmaalo ama loogu takrifalo aan isdhimin. Waxaa ka mid ah, awoodaha kala duwan oo laga heli karo qorraxda, mawjadaha badda iyo dabaysha.

(b)    Kuwo istara ama cusboonaada oo iyagu haddii si fiican loo isticmaalo lana dhawro taran yeesha, laakiin haddii si xun loogu takrifalo ama lagu talax tago, dhaawac weyn oo aanay si fudud uga kicin la gaadhsiin karo ama la waayi karo. Waxaa ka mid ah qaybtaas, dhirta, biyaha iyo nafleyda kala duwan ee berriga ku nool ama dugjoog ha noqdeen ama duurjoog ha noqdeen iyo tan badda, webiyada iyo harooyinka ku nool.

(c)    Qaybta saddexaadna waxay u taagantahay kuwo jiritaankoodu kooban yahay aanna istarin oo haddii la isticmaalo aan dib u soo noolaan karin oo dhamaada. Kuwan u dambeeya waxa ka mid ah, macdanta iyo shidaalka (Dhuxul dhagax, Batrool iyo Gaas).

Marka aynu eegno wadamada aduunka, saddexdaa qaybood oo aan soo sheegay ilaahay uma simin. Midka ugu muuqaalka weyn (qorraxda) hadaynu tusaale u soo qaadanona, waxa inoo muuqanaysa in aan wadamada aduunku u sinayn helitaankeeda oo qaarna maalintii ay helikaraan 12 saacadood, qaarna ayan marka laysku celceliyo 6 saacadood gaadhin, isla markaana awoodda gaadha ay aad u yar tahay. Hadaba inkastoo ay tahay in khayraadkaas dhamaantood si habsmi ah, miisaaman oo aad looga baaraandegey looga faaiidaysto. Hadana, waxa in il gaara lagu eego u baahan oo xusbad la’aantu ay jiritaankooda khatar gelin kartaa labada dambe (kuwa tarma iyo kuwa aan tarmin). Isla markaa, qaybta aan iskabin sida macdanta, shidaalka iwm adeegsigoodu wuxu u baahanyahay aqoondheer, aragti fog iyo ilaalin in lagu saleeyo.

Murti soomaaliyeed baa leh: Abeesadu waxay cuntaa ciidda oo ku nooshahay, laakiin,  abeesadu caqli badnaan, taxader iyo dhaqaale intay ka qabto, si aanay uga dhamaan waw habeen seexataa oo habeenna waa qadaa, habeenna ciid bay ku cashaysaa. Waa qiyaasi karnaa ciiddu in aysan Af Abeeso ku dhamaan karin, abeesaduna ciidda cunin, laakiin murtidan soomaaliyeed waxay inoo tilmaamaysaa qof kasta ama ummad kasta baahi kasta ha qabeene in ay waajib ku tahay in ay hantidooda dhawraan ama tashiilaan si xilkasnimo ku jirtona uga faaiidaystaan sida ciidana haw badnaatee. Waxa kale oo iyana waajib ah, in aan xaqlaha soomaliyeed ogolaan in cid kale u cunto oo ku naaxdo isna dayac iyo dacdarro la duljoogo ama macaluul uga dul dhinto.

Qoraalkan oo digniin iyo wargelinba iga ah, una qaybsanaan doona saddex qaybood haddii eebbe raali ka noqdo, qaybta u horraysa waxan ku soo qaadanayaa khayradka badda, gaar ahaanna murjaanta oo ka mid ah khayraadka badda Soomaaliya oo saynu ognahay dhamaan hooshid iyo boob aan loo kala hadhin lagu hayo, laakiin isaga si gaara birtu u dul saaran tahay. Waxaynu ku xejin haddii alle idmo, macdanta oo noqon karta waax u dhiganta khayraadka badda iyo xoolaha. Isla markaana, aniga oo aan shisheeye iyo tuug midna farta meel ugu fiiqin aan jeclaystay in aad ogaataan in ay been tahay haddii la ina yiri: wadankiinu waa faqiir. Qaybta u dambaysana waxaynu ku arki insha allaahu odoros kooban oo ku saabsan shidaalka. Ujeedada ugu weyn oo aan ka leeyahay waxa weeye: (1) in aad dareentaan in aad tihiin cidda keliya oo xaq u leh in ay ku intifaacdo khayraadka ku jira dalkooda (2) in ilaalintoodu tahay waajib iyo xil dhamaanteen dhabarka inoo saaran oo aan qofna qof ku hallayn karin (3) in aad ogaataan in aynaan wadan shisheeyey waxba ka tuugayn haddii ilaaheen samaha ina waafajiyo oo aynu mar labaad noqono dad iyo dal jira.

QAYBTA 1AAD: KHAYRAADKA BADDA

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka aduunka ugu xeebta dheer, waxaan dhererka xeebta Soomaaliya lagu qiyaasayaa 3300 oo Km marka aan lagu darin jasiiradaha. Aduunkan maanta la joogana sida aad ka war qabtaan waxa gabaabsi noqday khayraadkii dabiiciga ahaa. Waqtigan casriga ahna, khayraadkii waxay la mid noqdeen hawada la neefsanayo. Sidaa darteed, dalalka aduunku waxay tartan ugu jiran sidii ay u heli lahaayeen khayraad ay ku noolaadaan kuna dhismaan oo hor u mar ku gaadhaan. Hadaba, waqti cabsi mustaqbalka laga qabo  iyo hunguri awgii dalalka aduunka qaarkood dayaxa in ay risiq u raadsadaan u qalab samaysanayaan ayaa nasiib darro dawladdii dhexe ee Soomaaliya xididada loo siibey. Waxa markaa muuqday dal Bad iyo Berri dihin oo aan cidi lahayn. Dadka khayraadka Soomaaliya boobkooda ku hawlan waxa qaarkood dhegohooda ka sanqadhayey baadhitaano la sameeyey todobaatanadii oo lagu qiyaasayey khayraadka badda ee Soomaaliya. Mid kuwaas ka mid ah oo ka hadlayey xeebta Soomaaliya ee gacanka cadmeed wuxuu ku qiyaasay kaluunka ku jira 100.000mt. Isla markaa wuxuu raaciyey in ay tahay Bad dihin oo haddii laga faaiidaysto noqon karta kaalinta kowaad ee dhaqaalaha dalka ee lacagta adag. Haddii la qiyaaso inta ay ka le’egtahay xeebta soomaaliyeed qaybta gacanka cadmeed oo aynu xusnay waxa hubaal in ay aad u yar tahay, sida darteedna kaluunka badda Soomaaliya waxa dhic karata in uu intaa 10 jeer ka badnaan karo. Markii dawladii dhexe meeshii ka baxday waxa si toos ah u bilowday boob iyo hooshid aan aduunku u kala hadhin oo lagu bilaabay khayraadkii badda ee Soomaaliya. Waxa taa raacday in la adeegsadey habab dabasho oo aduunka ka mamnuuc ah oo la ogaadey in ay cidhibtiraan khayraadka iyo in kaluumaysatadii danyarta ahyd ee dalka u dhalatay qalabkay ku jilaaban jireen oo noloshoodu ku xidhnayd maraakiibtii boobka u socotey cagta mariyeen.

Khayraadka ka sokow, wadamada horu maray waxa kale oo welwel weyn ku haya, wasakhda u huursan meeshii la geyn lahaa. Hadaba, xeebta Soomaaliya waxay noqotay meel baahidii khayraadka iyo wasakhda qubisteediiba xal hawl yar looga helay. Waxa labadaas arrimood aduunku ugu dhaqaaqay si aan dhuumasho lahayn maadaama asyan jirin cid kula xisaabtamaysa iyo cid dembi ku soo oogaysa hadday qawaaniinta aduunka u yaal oo dhan jebiyaan, halkaa waxa kaalin ku lahaa oo gabay (Garyaqaankii iyo Aqoonyahanka soomaaliyeed).

In xeebta Soomaaliya noqoto meesha wasakhda aduunka loo dhoofiyo waxa horseeday dad badan oo hurdeyna indhahooda ku soo jeediyey heshiiskii 1992 dhexmaray laba shirkadood oo midina ka soo jeedo wadanka “Switzerland”, tan kalena saldhigeedu yahay wadanka “Italy”oo dhinac ah iyo laba masuul oo Soomaaliyeed oo dhinac ah. Shirkadahas horseedka noqday iyo kuwii ka dambeeyey midkoodna ma tixgelin, heshiisyadii ay saxeexeen wadamada hore maray oo dhami oo lagu mamnuucaya geynta wasakhda ee caalamka sadeexaad iyo ka baayacmushtar keeda. Waxa kale oo heshiisyadaasi dhigayeen in aan la ogolayn heshiis dhex mara wadamada ama shirkad iyo wadan (sida Soomaaliya ka dhacday), kaas  oo loogu dhoofinayo wasakhda, aan ka ahayn marka wadankaasi leeyahay awood teknoolaji oo uu kaga takhaluso, sida kan u dhexeeya Faransiiska iyo Jarmalka oo kan dambe wasakhda loogu dhoofiyo.

Inkasta oo boobka dhulkeena lagu hayo ay ka xuntahay geerida silica leh oo loogu talo galay dadka soomaaliyeed oo ka imanayso qashinka magaalooyinka iyo kan (nuclear waste) loo yaqaan oo aan qaarkiis malaayiin sano ku tirtirmin.

Run ahaantii, boobka badda iyo qubista waxa xil weyn iska saaray mareeg ka mid ah mareegaha soomaalidu beryahan dambe wax isugu tebiso ee midba meel ka soo galo dooxada weyn ee loo yaqaan “internet”. Webkaas oo la yirahdo “Somalitalk.com” oo aan ilaahay uga baryayo in uu maamulkiisa ka abaal mariyo xaqa ay ku dagaalamayaan, aniguna aan mahad balaadhan hawda u marinayo ayaa labadaas arrimood iyo kuwa kaleba isu xilqaamay wixii war laga hayeyna soo ururiyey kuna daba jira.

Inkasta oo jawaabtoodu noqotay “qaniinyo, qaniinyaa kaa fujisa”, oo dhici dhac kaga jawaabeen, dhibkiina gaadhey qaar aan dembi gelin, waxa iyana hawl galay oo ugu harrayn boobka iyo qashinka ka diiray ragga wadaniyiinta dadkeena badankiisu u yaqaan, qaar kalena ku sheegaan ciidanka badda ee Soomaaliya, halka wadamada ina dhacayaa ku tilmaamaan budhcad-badeeda, caalamka qaarkiisna gaadhsiiyeen heer argagixiso.

Peter lehr oo ah ninkii qoray Violence at sea”: Piracy in the Age of Global Terrorism.  wuxuu xusay in budhcad badeedda Soomaaliyeed ay sanadkii madax furasho ku helaan qiyaastii 100 milyan dollar, laakiin badda Soomaaliya laga xado oo dawladaha yurub iyo Asiya ka xadaan xoolo  uu ku qiyaasay 300 oo milyan oo dollar.

Wadamadii hor u maray oo dhaca iyo hooshidda badaha Soomaaliyeed u soo qalab qaatay, markii raggaas aan kor ku xusay soo bexeen, isla markaana maraakiibtoodii wax dhacayseyna nabadgelyo ka dalbadeen dalwadohoodii, waxay u qaybsameen laba qaybood: (A) Qayb dastuurka u yaali u ogolaaday in markiibtooda xeebaha Soomaaliya ka kalluumaysta ay ku daraan cutubyo ka mid ah ciidamada qalabka sida si ay gar iyo gardarraba u difaacaan maraakiibntooda. Qoladaa hore waxay qaanuunkooda ka heleen (la jiifiyana banaan, la joojiyana banaan), isla markaa, ciidankaas khaaka ah waxa loo diyaariyey hub gaar ah oo duruufihii ay hore ula kulemeen iyo kuwa ay la kulmi karaan marka ay boobayaan xeebaha Soomaaliya ay mar walba ku gacan sareeyaan. (B) Qaybta aan dastuurkoodu ogolayn in ciidamadooda qalabka sidaa si dadban mooyee si toos ah u difaacaan markaakiib kalluun oo dad khaas ahi leeyihiin. Waxay markaa iyana banaysteen in ay furaan xeryo tababar oo fara badan, xeryahaas oo lagu tababarayo rag calooshooda u shaqaystayaal ah oo la saaro maraakiibta boobka ugu baxa xeebaha Soomaaaliya (arag sawirka). Sawirku waa meel ka mid ah wadanka Spain oo lagu tababarayo ciidan calooshooda u shaqaystayaal ah oo maraakiibta boobka xeebaha Soomaaliya u soocta loogu talo galay. Waxa mashruucu dhigayaa in markab kasta la saaro rag calooshooda u shaqaystayaal ah, isla markaana wata hub aad uga tiiro dheer kan lagu qiyaasayo in ay wataan nimanka soomaaliyeed oo dhaca diidani iyo kuwa laga yaabio in ay ku hoos dhuntaan oo maraakiib xamuul ah af duubaan.

Sidaan kor ku soo sheegay qoraalkan qaybtiisa hore waxaynu si kooban ugaga hadlaynaa murjanta badaha Soomaaliya oo khatar weyn ku sugn, isla markaa jiritaankiisa nafleyda badaha Soomaaliya 100% ku xidhantahay.

Murjaanta

Waxa makhluuqa nool ee muuqda loo qaybiyaa shan qaybood oo ay maqalkooda ugu sanqadh weyn yihiin dhirta iyo xayawaanku. Hadaba, Murjaanku inkasta uusan u ekayn xayawaanka, noloshiisana ay qayb libaax ka qaataan nafley yar yar oo sida dhirta u dhaqanta oo la yiraahdo “Protists”, hadana isagu wuxuu ku abtirsadaa qaybta xayawaanka. Qaamuuska af soomaliga markii aan ka raadiyey wuxuu ku macneeyey sidatan: dhagax-la-mood guduud iyo midabyo kaleba leh, oo bahallo yar yar oo badda ku jiraa sameeyaan. Wuxu kale oo sheegay in uu u dego beelo beelo, isla markaana leeyahay qaabab badan oo qaarkiis sida geedaha laamo u leeyihiin, qaarna buur dhagax ah u egyihiin, qaarna kalena jasiirado waaweyn noqdo.

Marka si guud loo eego, la iskuna dayo in xarriijin muuqata oo kala soocda la dhexdhigo dhirta iyo xayawaanka, waxay noqon kartaa midda tilmamaysa in dhirtuna cuntada samaysato, xayawankuna nafleyda kale cuno. Hadaba, iyada oo ay sabab u tahay “Protists” ama nafleydaa yar yar oo isaga gudihiisa ku nool, murjaanku sida xayawanakana nafleyda kale ayuu cunaa oo laamihiisa oo fidsan habeenkii ku qabsadaa “Plankton”, sida dhirtana wuxu ka faaiidaystaa qorraxda + CO2 + H2O, taas oo ay ka caawiyaan nafley hayb ahaan loo sii yaqaan “Zooxanthellae” oo gudihiisa ku nool. Murjaanka madaama uusan socon e sida dhirta meel fadhiyo, gacan siinta nafleydaasi waxay u ogolaataa in uu ku beermo kuna noolaan karo meelo cuntadu ku yar tahay, laakiin ifka qorraxda ka hela qayb wanaagsan. Ifka qorraxda ka sokow murjaanku wuxu u baahan yahay meel biyuhu saafi yihiin oo aan ciid jilicsani ku milmin, isla markaana aan biyuhu qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxa la isla qiray in uu sii fiican ugu tarmo biyaha kulaylkoodu u dhexeeyo 25-29C. Waxyaalaha murjaanka halis geliya waxa ka mid ah duufanada iyo kalluumaysiga aan waxba kala soocin oo shabaqa jiita.

Waxaynu intaa yar ku soo koobnay murjaanka haybtiisa, habnololeedkiisa iyo baahiyihiisa, laakiin waxa inoo dhiman inaga oo og in nefleyda badda Soomaaliya ku nooli aad u tiro badan tahay dhamaana halis ku wada jirto, waxa isaga ka dhigay foolaad la xuso ama laga digo in tayadiisu aad xumaato ama uuba tirmo.

Si aynu taa uga jawaabno aan u gudubno faaiidooyinka uu murjanku u leeyahay nafleyda badaha ku nool:

a)      Waxaynu soo xusnay in murjaanku sida dhirta u dhaqmo oo nafley yar yar oo isaga ku dhex nooli cuntada ka samayso ifka qorraxda, biyo iyo CO2 sida fal-galkan ku cad: CO2 + 2nH2O + photons à2(CH2O)2 + 2nO2 ama carbon dioxide + water + light energy → carbohydrate + oxygen, taa u dambaysaana tahay waxyaalaha noloshu ku xidhantahay Bad iyo Berri.

b)      Waxaynu iyana soo sheegnay in uu u boxo sida dhirta oo laamo aad u fara badan yeesho, marka ay beelo badani is ag degaana uusan ka dhicin kayn badda ku dhextaal. Run ahantii waxa culimadu ku sheegtaa in uu la mid yahay “Tropical Forests” muuqal iyo faaiidoba.

c)      Wuxu hoy iyo hantiba u yahay in ka badan 25% nafleyda badda.

d)     Waa kaynta kalluunku ku dhalo, isla markaana kallunka yar yari ku dhuunto inta uu korayo.

e)      Wuxu ka dhigan yahay mus caabiya ama jibaya karaarka mawjadaha si aanay xeebta xoog ugu soo gaadhin oo xeebaha ayuu dhibta iyo carra guurk ka ilaaliyaa.

f)       Wuxuu is hortaagaa mawjadaha marka baddu kacsantahay iyo xilliyada duufaanka, hadaanu jirina waxa dhibaatadu si hawl yar ugu gudbi lahayd magaalooyinka iyo meelaha kale ee degaanka ah oo xeebaha u dhow.

g)      Wuxuu ka qayb qaataa ama la odhan karaa kaynta murjaanta ayaa xuduud ah oo ay isku weydaartaan waxyaalaha manfaca leh oo berriga looga baahan yahay dhanka badana ka soo jeeda iyo ku badda looga baahan yahay oo berriga ka yimaada.

h)      Wuxuu leeyahay qurux loo daawasho tago oo wadamo badani “Tourism” bay kaga nool yihiin. Sidoo kale, waxa aad ugu raxaysta ama waqtiga u banaan u ugaadhsi taga dadka ku dadaala “Sports” ka badda oo dhaqaale iyo shaqo ayuu dhaliyaa.

i)        Waxa intaas oo dhan u dheer, wuxu ka mid yahay dhagxanta aad u qiimaha sareeya marka ilaah qurux geliyo. Wuxuuna ka mid yahay macdanta quraanka lagu xusay: tusaale, Suurat a raxmaan aayadda 22naad isaga iyo lu’lu’ (Pearl) ama aayadda 25naad ee isla suuradaas isaga iyo yaaquut (Ruby).

Xagga dhagxanta qiimaha badan marka laga eego, murjaanku wuxu ka mid yahay dhawrka walax oo qiimo ahaan la sinmi kara macdanta qaaliga ah, laakiin asal ahaan ka soo jeeda wax nool sida: “Amber, Pearl, Jet and Coral”. Si waxtarkiisa tooska ah qof waliba u dareemo, waxan qaybtan soo raaciyey shan sawir oo aan hubo in hadal la raaciyaa in ay dheerad ku tahay, lagana dheehan karo qiimhiisa hadday qurux tahay iyo hadday deegaan iyo quudinta nafleyda badda ku nool tahayba.

Waxa nasiibdarrooyinka aduunka maanta ka mid ah, dadka ku nool wadamda hor u maray beerkooda, kelyohooda, wadnahooda iwm waxa qalab dayactir iyo kayd u ah ku dhigooda ee wadamda soo koraya. Xubnahaas ama si sharci ah oo qaanuunka dalku ogol yahay ha looga iibsado sida “India” ama qalliin ha loo hoos geliyo oo qofka xubintiisa ha laga xado ama inta kas loo dilo ha la qashee, arrintaasi waa hab baayac-mushtar oo maanta aduunka ka socda.

Waxan uga socdaa sidaas dadka lacagta lihi xubinta ka xumaata jidhkooda ay uga bedelan karaan mid caafimaad qabta oo faqiir ku tal, ayaa murjaanka Soomaaliya wuxu kayd iyo kabis ugu noqday mid dhibi soo gaadhey ama dhintay oo dal lacag leh ku yaal.

Marka si guud loo eego, murjaanku waa nafley aad u adkaysan yar, waxaana ka mid ah waxyalaha dhibatoonka uusan ka soo kaban u geysta faraqa u dhexeeya kulaylka maalntii iyo kan habeenkii. Taas oo aad loogu yaqaan dhulka lama degaanka ah sida wadamada Khaliijka. Hadaba, murjaankii khaliijk markii dhibaato soo gaadhey, isla markana ay ogyihiin qiimaha uu murjaanku u leeyahay noloshooda, waxay bedelkii ka raadiyeen wadamda faqiirk ah. Nasiib darro waxa noqotay, wadankii xubnaha u kabi lahaa wuxu noqday Soomaaliya. Waxaynu arintu ku socotaa haddaan wax laga qaban, in kayntii murjaan ah oo ka dhimataba mid Soomaaliya laga keenay lagu bedelo, sida beerka iyo wadnaha tujaarta loogu bedelayay mid faqiir laga soo jaray.

Murjaanka Soomaaliya waxa dibkaa u labeeya, qaabka jilaabashada ee wadamada soo boob tegey oo iyagu adeegsada qalab aduunka ka mamnuuc ah oo waxa badda ku jira oo dhan cagta mariya, halka ay xeebohooda ku isticmalan mid kala doora oo aan wax walba qaadin dhulkana aan la jiidin. Habka caynkaas ah iyo dhoofintu waxay horseedeen in murjankii badaha Soomaaliya ka mid noqdo waxyaalaha jiritaankoodu khatarta ku jiro.

Gebagebo

Dhawr maalmood ka hor waxaynu wararka soomaalida ku aragnay war cinwaankiisu yahay: Markab Dubai dhuxul u sidey oo ku gubtey dekadda muqdisho. Run ahantii DFKM waa dekadda keliya oo ay Soomaaliya ka xukunto, hadana maraakiibta sida dhuxusha oo ay soo rartaan dadka dhulka Soomaaliya dhirta ka xaalufinayaa iyada ayay saadka ay ku jid marayaan ka sii qaataan. Taasi waxay ku tusaysaa in xaalka Soomaaliya yahay “reer ba’ow yaa ku leh”. Laakiin waxa xaalufinta ka xanuun badan waxa loo xaalufinayo oo ah à Dubai dhuxul wax lagagama karsadee, waxay dhirteenu u dhimatay in guryohooda uunsi udgoon loogu shido.

Waxaynu iyana kor ku soo aragnay calooshooda u shaqaystayaal si gaar ah loo tababarayo, isla markaana loo barayo in ay dad soomaaliyeed oo dhulkoodii jooga ku toogtaan. Sawirka hoose waa xeebaha Soomaaliya, kalluunku waa “Tuna”, ninka hubaysanina waa calooshiisa u shaqayste.  Laakiin waxa dhaca iyo dhimashada ka xanuun badan à dulmanihii baa dembiile ah oo dhiigiisu xalaal noqday.

Sidoo kale, murjankii xeebaha Soomaaliya wuxu nafta u waayey in la cidhibtirona halis ugu yahay wuxu kayd iyo kabis u noqday kan ka xumaada wadamo shisheeye. Waxaase xunuun leh à Weli cid ka xun ama ka hadalhaysa ma arag.

Sida muuqata soomaaliyi waxay ku ballantay: mid quwaax hela, mid qadhoon hela,mid iskaba qada, arlo waa quude ha la qarafsado.

Qoraalka oo sawirro wata halkan ka akhri (pdf)

!!!Daawasho Wanaagsan!!!

Dr. Abdullahi Hassan (Abdullahi Spanish)

Email: indhagube@yahoo.es

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya | Abdullahi Spanish "

  1. Mh Mohammed says:

    ASC,, walaahi markaan qoraalkaagaan akhriyey calooshaa i wareegtay wax aan ka qaban karnana iima muuqato waxaa igu soo dhacday hadal muhiim ahaa oo nin abwaab carabeed ah hore u yiri oo ahaa ** Guri 99 qof dhisayaan oo 1 qof duminayo ma dhismo karo maxaase moodaa guri 1 dhisayo oo 99 duminayaan** Ilaah ayaa noo maqan ee asagaa sarreeye ah aan u tawbad keeno si aan dhibkaan iyo imtixaankaan uga baxno.