Home » Warar »

Shirkad Itoobiyaan ah oo iibsatey Dhammaan Saamiyadii Batrool Baarista Dhulka Soomaali Galbeed

Shirkadda PETRONAS ee laga leeyahay Malaysiya oo dhammaan saamiyadeedii Bartool iyo gaas baarista ee Dhulka Soomaali galbeed ku wareejisey SouthWest Energy ….

  • Addis Ababa waxaa lagaga dhawaaqay in shirkadda SouthWest Energy (oo ay leeyihiin Ethiopian) iyo PETRONAS (Malaysian) uu heshiis dhexmaray ku saabsan in shirkadda Itoobiyaanka lagu wareejiyey saamiyadii shidaal sahaminta ee shirkadda PETRONAS Carigali, arrintaas oo Jabhada Soomaaliyeed ee Wadaniga Xoranta ee JWXO ay ku tilmaantay raad gadasho “kaddib markii xukuumadda Itoobiya ay xal u weydey” aaggaas ayey isku qarinayaan shirkad ay leeyihiin Tigray TPLF. Waxaana ONLF arrintaas ka soo saartay hanjabaad.

Shirkadda PETRONAS Carigali ee laga leeyhaay dalka Malaysiya oo sahaminta Gaaska iyo Batroolka ka wadey dhulka Soomaaliyeed (ee weli ku jira gacanta gumeysiga Itoobiya) ayaa dhammaan saamiyadeedii shidaal baarista ee aaggaas waxay ka iibisay shirkad laga leeyahay dalka Itoobiya oo lagu magacaabo SouthWest Energy. Waxaana la qorshaynayaa in dhammaan saamiyadaas lagu wareejiyo shirkadda Itoobiyaanka ah saddexda bilood ee u horaysa sannadka 2011, sida ay shirkaddaas shaaca ka qaaday October 6, 2010, heshiiskaas waxa uu labadaas shirkadood dhex maray 24 September 2010.

Shirkadda PETRONAS Carigali waa farac ka mid ah shirkadda sahaminta, baarista iyo qodista shidaalka ee PETRONAS ee ay leedahay dawladda Malaysiya, taas oo  qayb ka ahayd mashruuca Wax Soo-saar Wadaagga Batroolka (WSWB) ee gaaska iyo batroolka looga baarayey “Ethiopia”. Shirkadda SouthWest Energy ayaa aqbashay in ay iibsato 100% saamiyada PETRONAS Carigali ee dhammaan mashruucyada WSWB.

Heshiiskan iyo qandaraaskan la kala iibsadey waxa uu ku saabsan yahay mashaariicda (WSWS) lagu sahaminayo aagagga Blocks 3&4, 11&15, 12&16, 17&20 iyo Calub (Jeexdin) & Hilala oo dhammaantood ah dhulka Soomaalida. Waxaa warbixinta shirkadda Itoobiyaanku sheegtay in dhammaan aagaggaasi ay Koonfur ka xigaan magaalada Addis Ababa, ayagoo ku yaal dhulka loo yaqaan dooxada Ogaden Basin, waana aag baaxaddiisa sahamineed ay tahay 350,000 sq km, oo ah dhul lagu xaqiijiyey calaamadaha lagu garto shidaalka, waxaana aaggaas lagu xaqiijiyey in uu ku jiro gaaska dabiiciga ah oo baaxaddiisu dhantahay 2 ilaa 4 TCF (Trillion Cubic Feet).

Tewodros Ashenafi, oo ah madaxa shirkadda Itoobiyaanka waxa uu yiri “Arrintan ku saabsan heshiiska kala iibsiga waxay fursad weyn u tahay SouthWest Energy in ay ballaariso hawlaheeda sahaminta iyo soo saaridda shidaalka,” waa sida ay ka soo xigatey jariidadda Business Wire ee Hindiya. Waxana uu intaas raaciyey “kala iibsigani waxa uu shirkadda SouthWest Energy ka dhigaysaa mid u xuub siibata in ay ku biirto shirkadaha sarsare ee hoggaaminaya shidaalka Itoobiya. Arrintani dhagax dhig uma aha oo keliya shirkadda SouthWest Energy, balse waxa kale oo ay dhagax dhig u tahay  gaaska iyo batroolka Itoobiya,” ayuu yiri.

Guji sawirka korkiisa si aad u weynaysid ama u yaraysid…

Shirkadda SouthWest Energy waa mid fac-yar oo la asaasay 2005, waxaana leh Itoobiya. Waxayna sheegtay in ay hadda ka hawl gasho aagagga Blocks 9, 9A iyo 13 ee dhulka loo yaqaan Ogaden Basin, ayadoo la adeegsanayo mashruuca WSWB.

Dhanka kale, 7 October 2010 Warsaxaafadeed ay soo saartay Jabhadda Soomaaliyeed ee ONLF ayaa sheegay: in shirkadda SouthWest Energy ay leedahay xukuumadda Tigreega (TPLF), waxaana joogitaankeeda Ogaden loo tixgelinayaa is-ballaarinta xukunkaas oo lagu fidinayo Ogaden, arrintaasi waa mid aan loo dul qaadan doonin. Xukuumadaasi (TPLF) waxay hore dhulkaas ugu xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, si loogu gogol-dhigo in shirkadda SouthWest Energy ay u gurato khayraadka shidaalka ee ku jira Ogaden, sidaas daraadeed shacabka dhulkaas deggan waxay sidaas si lamid ah shirkaddaas u haystaan in ay masuul ka tahay fal-dembiyeedka laga galay.

Warsaxaafadeedka ONLF intaas raaciyey: in xukuumadda Ethiopia ay dhulkaas Soomaaliyeed ay u kala jarjartay 21 qaybood, islamarkaasna xaraashtay ayadoo aan wax tixgelin ah siin rabtaanka iyo hannaan nololeedka dadka deggan dhulka Ogaden ama qaab dhismeedka dhulka aadka u qiimaha badan. Ma jirto meel kamid ah qaybaha kale ee waxa loogu yeero Ethiopia oo loola dhaqmay qaabkaas foosha xun ama lagu sameeyey habkaas bini’aadaminada ka baxsan.

Guji sawirka korkiisa si aad u weynaysid ama u yaraysid…

Waxaana warsaxafaadeedku intaas ku daray in shirkadaha shisheeye shidaal baaristu ay iskaga huleeleen dhulka Soomaaliyeed ee Ogaden kaddib markii ay u caddaatay beenta ay Itoobiya ku sheeganayso in ay ayadu xakunto dhulkaas. Sidaas daraadeedna Itoobiya khasab ku noqotay in ay isku qariso shirkad ayadu ay leedahay si ay u sheegato wax aysan lahayn ama aysan xakumin.

April 24, 2007 ayey ahayd markii JWXO ay weerar ku qaadayxarun ay shidaal ka baaraysey shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana ku dhintay 65 Itoobiyaan ah iyo 9 u dhashay dalka Shiinaha oo shaqaale ahaa.  Weerarku waxa uu ka dhacay tuulada Cobole oo 30km dhinaca Waqooyi-Galbeed ka xigtaa Magaalada Dhagaxbuur, isla markaasna 120 km (75 miles) Koonfur kaga aadan tahay magaalada Jigjiga oo ah dhulka ay Itoobiya gumeysiga kaga haysato Soomaalida, halkaas oo shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau(ZPEB) ay shidaal ka baareysey.

Warsaxaafadeedkii ONLF ee 7 Oct 2010 (English)

Sawirka: xuquuqda: http://upload.wikimedia.org/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Shirkad Itoobiyaan ah oo iibsatey Dhammaan Saamiyadii Batrool Baarista Dhulka Soomaali Galbeed "

  1. DIINI says:

    A S C salan kadib waxaan salamahaya mamulka iyodhamaan shaqaalaha webka soomali talk waxana ooga mahad celin yahaa sida wanagsan ey oga warbixiyeen fashilka ey ethiopia kufashilan tahey in sida ay damacsan tahey kayeesho gobolka ogadenia laakiin soomalidu utaqano dhulka ethiopia ey somalidu dagto mana garan hayo waxa ku kalifey iney dhahaan sidaas walalayal markan runta isu sheegno gobolkas dhibato badan ayaa kajirta waxana kuhaya ciidamada tigreega iyo dada ey sameyten oo dubka somali ka ah laakiin xaga ficilka kasii xun cidamada tigrega dhibka meshaas kajirana wuxu udhaxeeyaa gumeyste iyo lagumeyste itobiyana wey ogtahey inta cwxo ay diyarka uyihiin iney difacan ciida ogadenia ineysan shidaal soo saareynin ama malaysia ha uyeedhato ama china ha uyeedhato ama haku warejiso shirkad itobiyan ah waxba umaqabaneyso inta dhulkas tigregu jogo xabadu wey socon shidalna lamaso sarahayo wadna mahadsan tihin walalayal dadalkana sidas uwada somali talk saxafada somalidu wey naga sexatey mana garanhayo dhibatada an ugeysaney intey taageri lahayen qaarbaba loo sameyey dacayadda iyo wax kashegida O N L F lakin idinku kuma jirtane halkina kasii wada waadna mahad san tihin mar labad iyo mar sadexadba wabillahi towfiiq

  2. adeer ninkaas waxaad ku qabsato ma laha waxba ma uusan sheegin qabiilna kama uusan hadal ee mowduuca fahan kolay soomali ayaad tahay oo waxba laguma fahansiin karee dhulkaas aduunka waxaa looga yaqaana OGADEN ma aha qabiil ee waa dhulka bal in buugaagta baarto soo hel wax la dhaho soomali galbeed adeer gobolka waa gobol soomaliyeed aniga sida aan qabo laakin dadka dagan waxay ku baadi goobayaan magaca loo yaqaano mida kale eed leedahay sh.ibraahim miyuusan ahayn ninka aad ka hadlayso ninkii dhihi jiray ONLF waa gaalo maantana asga zenawi hoos fadhiya sxb ha noo keenin sheekada itaxaadka itaxaad waa shaydaan meel uu joogaba mida kale nin tiisa daryeela ayaa tu kale ku dara bal idinka dowlad dhista inta aad umada afka ku taagaysaan wabilaahi towfiiq

  3. abdilaahi says:

    marka hore waxaan salamaya dhaman umada somliyeed ee dhibaataysan waxaan leeyahay ilaahow naga saar dhib taan ilahow na badbaadi marka xiga bahda somalitalk aad iyo aad ayad u mahadsan tihiin walalayaal waan og nahay waxaa ina ku dhacaya dhul maqan hadana waxaa la raaba in tii hartay in lagu darsado marka ama onlf ama ogaden ama somali galbed we are one pple somalia somali baa leh joojiya waxad ka hadleysan iyo qabiil ka pls wa bilahi towfiiq

  4. Mowliid says:

    mowduuca waxaa u arkaa in ay itoobiya ku guul daraystay in ay gobolkaas soomaliya laga haysto shidaal ka soo saarto waxaa mahad iska leh Allah (swt),waxaa asna mahad iska leh jabhadaas soomaliyeed ee la,aanteed ay itoobiya maamulan lahayd dhulkaas, ONLF,oo aan dhahi karo waa jabhada ka badbaaday dhamaan shirqooladii lala damacsanaa waxaana aaminsanahay haday sii wadaan samir in ILAAHAY guulayn doono wabilaahi towfiiq.

  5. DABIN DIID says:

    kU NASIR IYO MAAMULKA SOMALITALK

    ARINTAAN WAA WAX LAGA XUMAADO DHULKAAGA IN LAGUGU MAAMULO AMA ADIGOO DHEX JOOGA MASHRUUCYO LAGUGU DUL SAMAYSTO LAAKIIN SU’AASHA TAAL WAXA WEEYE SIDEE KU DHACDAY UMAAD INTAAS DHUL BAAXADIISA LA EG IN LAGU BEECTAMO,SUAALAHAAS OO DHAN JAWAAB WAA LOO HAYAA LAAKIN DADKA INTOODA BADAN WAY ISKA UNDHA SAABAYAA
    NAASIR WALAAL DHILKA SOMALIDA ITHOPA SOMALI OO DHAN BAA DEGA OGAADAYNA QABIILADA DEGAN BUU KA MID YAHAY MIDA KALIYA AAN DHIHI KARO AMA MARQAATI KA AHAY DHULKAAS WAXA GACANTA ITHOPIA GALIYAYA WAA QABIILKAAS YAR SOMALIDA ITHOPIA LA DEGA OO (ONLF) XATAA DHEXDOODA MUQAALFO ISKU DAN AHAYN MARKA NAASIR WAA ADI FIKIRKAAGA ONLF BAA ITHOPIA KA HORJOOGTA INAY MAAMULAAN DHULKA SOMALIDA TASI WAA RIWAAYADIHII QARNIGII HORE EE FADLAN LA SOCO WAXAAD SOO QORAYSO.
    SOMALITALK// MAMULKA SOMALITALK AAD BAA UGU MAHADSAN TIHIIN SIDA GAARKA AAD ISUGU MASHQUULISAYN HANTI DHOWRKA GIID EE UMADDA SOMALIYEED MEEL WALBA OO LAGU DHIBAATEEYO LAAKIIN MID BAA IDINKA HOOS BAXAYSA MARKII AAD QORAAL SOO SAMAYSAAN ARINTA SOMALI GALBEED OGAADAYNA WAA KALIGIIS JABHADAYNAYA AANAN DANTA GUUD KA FAKARAYN TAN GAAR AHAANAYD WATA MARKA HADII AAD SII BUUN BUUNISAAN OO TIRAAHDAA AAGA OGAADAYNYA OO SAY RABAYN U SAMAYSAAN MARKAY YIRAAHDAAN DOOXADA OGADAYN BENSIIN MA WAX BAAD HAGAAJINAYSAA MISE WAX BAAD KALA FIRDHISAYAN MARKII OGAADAYN OO SOMALI GALBEED KA DEGAN DHAGAXBUUR AAD WADANKKII OO DHAN KU MAGACOWADAAN
    SOO NOQON MAYSO QASKA NOO WADA ILLAA QIYAAMUHU DHACAAN.
    OGAADAYNA WAXAAN ORAN LAHAA TALADA SHEIKH IBRAAHIM SOO RAACA DAN IDINKUMA JIDHO DUURKA GAALADA IN LOO JAAJUUSO UMADANA MUJAAHID LA ISAGA DHIGU TAAS ADINKA UUN BAY ADUUN IYO AAKHIRO SEEG IDIIN TAHAY
    WALAAHU ACLAM

  6. naasir says:

    Asw dhamaan waxaan salaamaya shaqaalaha SOMALITALKoo aan dhahi karo waa webka somalida hormuudka uga ah danaha umada soomaiyeed.Hadaan u soo noqdo mowduuca waxaa u arkaa in ay itoobiya ku guul daraystay in ay gobolkaas soomaliya laga haysto shidaal ka soo saarto waxaa mahad iska leh Allah (swt),waxaa asna mahad iska leh jabhadaas soomaliyeed ee la,aanteed ay itoobiya maamulan lahayd dhulkaas, ONLF,oo aan dhahi karo waa jabhada ka badbaaday dhamaan shirqooladii lala damacsanaa waxaana aaminsanahay haday sii wadaan samir in ILAAHAY guulayn doono wabilaahi towfiiq.