Home » Faallo »

Qalinkii Cabdiboqor iyo Qormadiisii Malaysia (Qaybtii: 5aad)

“Nin Aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban. Aakhino nin aadoow maxaa lagu ogeysiiyey”

Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabad galyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaaha yeelo.

Qormadan tixanaha ah qeybteedan 5-aad waxaan uga hadleeynaa Jaamacad ka eryida ardeyda , tahriibinta, Dhacdadii ugu dambeysey ee Doontii tahriibka, xabsigii iyo qisooyinkii lagala kulmey. Fadlan wada aqri si aad uga bogato.

Ardey-Eryida (Student Dismissal) iyo Dhibaatada eey abuurtey

Waxaa wadankan Malaysia uu caan ku yahay wax la dhoho/yiraahdo: student dismissal ama ardey-eryid. Ardeygii waxbarashadiisa kasoo dhalaali waayaahi wadankan jaamacada ayey ka eryaan/buriyaan. Waloow shuruudaha ardeyga looga eryi karo Jaamacada eey jamaacadkastaahiba la gaar tahay, hadana weey ka wada siman yihiin eryida ardeyda inta badan, marka laga reebo kuwo dhif ah. Ardeyga marka jaamacada laga soo eryo, waxaa sidoo kale lasoo yareeyaa waqtigii visaha uu u heystey ama uga harsaneyd, waxaa sidoo kale warqadii jaamacada looga buriyey la dhigaa xafiiska qolada Immigration-ka, waxaa ardeygaa aad ugu adkaaneeysa in uu helo jaamacad kale si uu waxbarashadiisa usii wato,waxaa mararka qaarna dhacda in wadankaba laga saaro, weyna ku adkaaneeysaa in isagoo ardey ah isla passportigiina wata uu wadanka dib ugu soo laabto si uu wax uga barto, oo wuxuu ku qasbanaanayaa in uu passport kale soo qaato, sawir kaloo cusub soo saaro, wax uun soo farsameyo.

Waa masiibo inteeda la eg! Dhibaatadan waxeey sababtey waxyaalo farabadan oo aad u fool xun, oo eey ka mid yihiin in aad aragto ardey waalidkiis waxbarasho ugu soo maqan, oo waalidkiina uuba taagan yahay ardeygeeyga jaamacadii waxyar ayaa ugu dhiman ama wuu dhameeyeyba, isagoo waaalidka markaa ku xisaabtamaya sanadaha uu soo maqan yahay, ee uu jaamacada dhiganayey, taasoo uu ku dhameynkaro. Xaqiiqda meesha taalase nasiib darro weey ka duwan tahay gabi ahaanba, maxaa yeeley ardeygaa wuxuu iska joogaa meelaha, iska Baagamuudeeyaa/Kutaab-Maroodiyeeyaa. Qarashkii waalidka jaamacad ku dhigashada ugu soo direena  Maqaayado cubto wanaagsan ayuu iska dhigteyba, meeshooda ayuu ku dhuuqaa, Baabuur kireeysasho Soomaalida wadankan eey ku waalantahayna Bil-Bil ayuu usoo kireystaa. Qaarna nasiib darro weyba ka talaabeen intan oo “Beerta ayeeyba galeenb”.

Inta goori goortahay waloow waalidka in xaalada lagaarsiiyo eey ku haboontahay ileyn waalidkaa isagaa ku dhalay oo xal kuuma waayeene, khalad u fikirid iyo garasho la’aan ayaa waxeey keentey in ardeygiina waqtigiisii sii lumiyo, dhaqaalihi waalidka kusoo dhibtooteyda meel cidla ah kusii khasaariyo.Waxaa sidoo kale buuxa kuwo waxbarashaba aan u iman oo Leen iyo Buufis dibadeed u yimid iyo UN-ta oo dhowrkii sanaba hal iyo tiro aan wax la sheega laheyn oo waliba dumar iyo caruur u badan wax biririf ah u qabata u yimid. Nasiib darrase illaa maanta ayaa qoysas lagu soo marin habaabiyaa, UN-ta ayaa wax qaada, sidaas ayaana waqtigii oo dhan lagu wada baabi i’yey. Ummadan sidan u tirada badan ee dhaqaalahaana loo soo dirayo, rag Mukhallasiin ah ayaa fursad weyn u fahmey, kana shaqeeystey, nasiib darrase, iyagoo markii horeba nolosha ka dhacsanaa ayey Bohol/God weyn kusii wada gureen.

Tahriibka iyo Leeymanka Dibadeedka Wadankan Malaysia

Aduunkan waa lakala shaqeysanayaa. Wadankeena maadaama uu sixun u burbureyna ummada aad ayey uga niyad jabsantahay, mustaqbalka mugdiga ah ee aadka u madoow, ee wadankeena uu ku jiro iyo rajado in laga baxayo xaalkan murugada badan oo aan mar dhow muuqan, in arinta kasii darto maahane-Waloow naxariista Alle eeysan marnaba Muslimiinta ka quusan-Tani waxeey abuurtey in Ummada u nuglaato Dhiigeeda iyo Dheecaankeeda laga ganacsado waliba si kala boob ah.

Wadankan Malaysia Soomaalida waxeey isaga soo gashaa si bilaash ah/free ah, oo visaha waxaa loogu saaraa airport-ga (Visa on arrival). Hadii qofka uusan isaga baxar is galin, sida in  passport-giisa  fujis yahay ama Kaarka caafimaadka wax ka khaldanyihiin ama lacagta yaree fara kusii qabsiga ah uusan wadan iyo waxyaalahaa yaryaree qofka laga rabo. Hadii masiibo kale eeysan jirin soo galitaanka wadanka markaa ma dhib badnaanayo. Maadaama Soomaalida soo galitaanka uu sida ugu fudud yahay, dadkaa firxadka ah ayey nimanka dadka ka ganacsada ee aduunka u kala daabula waxeey  ka sameysteen ganacsi Xaaraan ah waqtigiisase hada sii xirmayo.

Haligista Maatada iyo Marrasta Ummada

Waxaan jira niman aan naxeeynin oo mukhalasiin ah oo dadka dhaha waxaa la idin geeynayaa Australia, lacag aad u farabadana ka hormarsada qofka. Bini’aadamka marka uu Buufis xoogani hayo kuma fikiro maskax saafi ah, si waalli ah ayaa lacag looga daldalaa, iyadoo dhooqada lasii galinayo, markastana wax uun loo sheegaa. Waxaa jira Dooman ummada lagu tarriibiyo oo Shal-iyo-Shul ah, qar iska tuurnimo ah, iyo qofka oo u bareera in nafsadiisa, maalkiisa marar badana tan qoyskiisaba uu hal mar halis wada galiyo. Tii ugu dambeysey waxey aheyd mid ummad aad u farabadan calaa qofna $2000/ laga qaatey, looguna sheekeeyey in Australia loo socdo laakiin marka hore Afriga loo noqonayo, oo jiiro Australia lagu soo galayo-bal sheekadaa arag!-Ummad hadii Jahli, faqri iyo dhibaato rajo beel ah isugu darsoonto ileyn waxkasta wey iska aqbaleysaa! Waxaas oo dhan waxaa isku dubaritey hal nin oo Soomaali ah iyo koox yaruu watey.Waxaa la sheegey markii lagu yiri “War sheekadan socon meeysee ummadan ha haligin”, in uu yiri “Kuwan iyaga ayaan meel ka joogi waayey, Doontaan ku kiisayaa, hadaan rabana waanba isaga hayaa!”. Waxaa ummadii laga qaatey lacag kor u dhaafeeysa $150,000+/(Boqol iyo Konton Kun oo Doollar iyo dheeraad). Waxaa dadka loogu sheekeeyey in lacagtii laga qaatey Doon lagu gadey, fursad qaali ahna eey u tahay. Waxaa iska buuxiyey Soomaali aan yareyn, waxeey isugu jiraan rag, dumar, iyo Marras aan yareyn oo ka kooban: Dad waa weyn oo aad u da’ ah rag iyo dumarna leh, caruur aad u yaryar. Waxaa sidoo kale dadka ku jira; wiilal iyo gandho da’yar yar. Soomaalida kuwoodii wax fahmayey ee su’aalaha ka keneyna waxaaba loogu sheekeeyey in xaalka eey dowladaha dariska ah ee wadada Australia loo marayo quseyso saraakiil ka mid ah howsha la socdaan oo wax loo laabey. Dadkii waxaa la isugu geeyey gobolka Penang la dhoho ee Jaziirada ah. Waxaa mudo lagu haayey dadkii halkaas, qaar kistii yareyd ee aay wateenba meesha ayeyba ku cuneen. Arinta waxeey fashilantey markii ninkii howsha watey uu sheeko is tusey taasoo dhaheysa bal in uu 7-qofood qolada Immigrationka passports-kooda u geeyo una sheego in dadkan qaxooti yihiin, wadankoodiina lagu celinayo. Ogoow hade! waa dad passports-kooda eey ka muuqato in mudo aad u dheer wadanka Sharci daro ku joogeen, qaar passport-kooda ayaaba dhacsan! Wixii ayaa lagu qabsadey Xabsina loo taxaabey, arintana mudo ayeyba suuqa ku jirtey “War laqabo xiiso maleh” Dad waaweyn oo akhyaar ah ayaa dacwad ka gudbiyey si eeysan u noqon wax eey Soomaali oo dhan raali kawada yihiin. Akhyaartaasi waxeey ka cabsanayeen in arinta Doontan Tahriibinta ahi eey Soomaali oo dhan dhib u keento, sida: in nalaga joojiyo gabi ahaanba Dal-ku-Galka (Visaha) airport-ga noolagu dhufto ama kaba siixune passport-ka diidaan sida wadamo farabadan oo inooga dhawaaba nagu sameeyeen, Arinta sidii fiilaba fiilo isugu sii dhiibeysey, ugu danbeyn weerar ayaa lagu qaadey meeshii dadkan lagu ururiyey. Intii marka weerarka dhacayo ka maqneyd maahane intii kale ayaa Xabsi loo wada taxaabey. Waxaa lagu xirey Xabsi aad u fog oo xuduuda ah.Wax ka xun ma jiro adigoo wadan burbursan kasoo jeeda,Safaarad wadanka aan ku laheyn, Xabsi Ajnabi gal. Mudo ayey xabsigaas ku jireen, UNHCR-ta oo inbadan oo ka mid ah eey uga qornaayeen qaab Qaxooti ahaan ah, ayaa hoowshooda gashey. Mushkilase waxeey ka dhacdey, dowlada waxaa dadkii ummadan haligayey u sheegeen in dadkan wadankooda lagu celinayo, UNHCR-na waxeey leedahay “Wadan dad lagu celiyo kuwan ma qabaane, xabsiyada halaga sii daayo, intii aan meel karoon uga heleynana wadanka dib haloogu siidaayo”, dowladase weey ka madax adeygtey. Xabsigana arintan weey kusii dheereeysey dadkii iska masaakiinta ahaa. Waxeey ku noolaayeena waa subaxdii oo min hal Buskud ah.iyo Gaaweeto yar oo Bariis cad oo qaleyl ah iyo biyo kulul oo Cusbo ka dhadhameyso oo qado iyo qashoba ah.Seexashaduna waa Shamiido iyo Feero dhigisteeda. Ilaaheey mahadiis, mudo dheer kabacdi wadanka gudihiisa ayaa dib loogu soo daayey.

Soomaalidii yaabkii eey Xabsiyada kusoo arkeen

Niman Horaado/Naaso leh!

Xikmadaha Soomaalida  leedahay mid ka mid ah ayaa dhaheysa “Hadiis aduunyo joogtid, Geel dhalaana waa arkeey!”.Waxaan la sheekeystey nin odey ah oo ka mid ahaa ragii la xirey ee xabsigaa mudada ku jirey. Wuxuu ila qeybsatey labo arin oo aad uga yaabisey intii uu xabsiga ku jirey. Wuxuu ii sheegey in xabsigaa meeshaa xuduuda ah ku yaalley eey ka buuxeen oo kaliya dad Ajaanib ah. Waxaa ugu badnaa dad kasoo jeeda wadankan la yiraahdo Miyimaar.Waxaa kaloo ku jirey, Indonesian, Thailand, Pakistan, Soomaali iyo Ajaanib kaloo aad u farabadneyd. Waxyaalihii ugu yaabka badnaa ee uu aadka ula fajacey waxaa ka mid ahaa, Niman Horaado/Naaso leh!. Odeygii oo hadlaya wuxuu yiri “Mid saaxiibkeey ah ayaa wuxuu igu yiri war sxbow waxaan arkey oon ku tusayaa niman naaso leh. Waxaan ku iri ayuu yiri “War naga tag wax naase leh waa dumare!!! Ma nin naaso leh ayaan waligeeyba arkey. Waa aduun iyo xaalkiisa iyagoo dudaya waatii uuba indhaha ii saarey!” Dabcan wax lala yaabo wey tahay qofkana hadii uu wadankeenii nimceysnaa toos uga yimaado, wadamada qaarna uusan soo marin, Anfariir iyo Amakaag ugu filan.

Imaam Masjib oo Buuryo/ Baajo-qab ah!

Qisadii waxaas oo dhan ka darneyd ayaa waxeey aheyn markii lasoo gaarsiiyey Odeygii iyo Soomaalidii meesha kula jirteyba in Imaamka dhan ee Salaada eey ku daba tukadaan kana soo jeedey wadanka Miyimaar uu Buuryo qab ama Baajo qab yahay! “Ma imaamkii salaada dhan ina tujinayey, ee aan ku daba tukaneyney ayaa xaalkaa ku sugan! wax dhici kara maaha” ayaan dhahay buu yiri. Waxaa isla dhex marey Muslimintii kale ee wadamada kale kasoo jeedey. Waxaa la yihi hala hubiyo, maadaama raga isku Musqulo/Suuliyaal yihiin, maadaama Musqulaha iska haafba ahaayeen ma adkeyn in arinta laga warkeeno. Hadiiba aan daba galney, ninkii waa sidii lagu sheegey oo Imaamku waa Buuryo qab! Odeygii oo aad u yaaban ayaa yiri “Ileyn Eeshiyada qaar Diinba ma taallo, oo waa wax gacan ku rimis ah waxa eey diin ahaan u heystaan!”. “Waxeey Dani inagu qasabtey in aan Salaadii ka furano, oo maalintii aan indhaheeyga ku arkey kabacdi aan Soomaalideenii intiiba tukaneysey aan Imam inoo gaar ah sameysanno, muslimiintii kalana inagu wada daba tukadaan”. Wallee horaa loo yiri “Nin Aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban. Aakhino nin aadoow maxaa lagu ogeysiiyey”.

Gabagabo/Gunaanad

Qisooyinkaas iyo kuwo la mid ah waaye waxa wadankan yaalla, Waxaa dadka qaaar loogu soo sheekeeyey in wadankan haduuba soo galo Australia iska dalaq tahay, sidaa ayaana lacag looga soo qaataa. Wadanka marka lasoo dhex istaajiyana wey ka dhaqaajiyaan. Qaar meeshan ayaaba looga dhigey Australia-daba. kuwo passport-yo wadamo kale leeyihiin oo Bug ah ayaa lacago looga daldashey oo nafsadoodana halis lagu galiyey. Dowlada Malaysia-yana maalinba maalinta kasii dambeeysa waxasta weey sii adkeeysey oo arimahan Bug ku bixida iyo Buufiskaba quseeya ah iyo Shuruucda ciqaabaadka qofkii waxaas lagu qabto la marsiinlahaa. Wadada ugu roon waa in qof kuu soo dacwoodo, si nabadgalyana aad wadankan uga baxdo, wadamo badan weey ka sahlantahay maadaama qofka wax u doodaya iyo kan loo doodayaba visa-ha Airport-ga loogu wada dhufanayo. Fariintu waa “Fadlan yaan lagu haligin”.

Mahadnaq

Waxaan si Kal iyo Laab ah ugu mahadnaqabaa Injineer Cali Maxamed Cismaan “Cali Nuur” UET-Peshawar, Pakistan. iyo Mr.Maxamed-Amiin Cabdi Cismaan (Amiin Yare) oo qeyb libaax ka qaata markasta qormooyinkeeyga.

Wabillaahi Towfiiq.

Qoraaladii hore ka akhri: http://somalitalk.com/tag/cabdiboqor/

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor

PhD-Candidate

MBA (Marketing)

BBA (Marketing and finance)

abdulkadirphd@hotmail.com

Kuala Lumpur-Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Qalinkii Cabdiboqor iyo Qormadiisii Malaysia (Qaybtii: 5aad) "

  1. anisa dahir says:

    asc walal aad ayad ugu mahadsantahay baraarujinta walaalahaada soomaliyed taa oo wax gal u ah qofta dooneysa iney aado maleysia walal hore alle ayaa waxa uu noo faray tacawanuu calal birri walaa tacaawanuu calal ithmi wanaaga iskugu kaalmeeya dambina ha isugu kaalmeenina ajir iyo xasanaad allaha kaa siiyo hammigaada allaha kuu fududeyo ducana waxa ugu wanagsan jannada allaha ku galiyo jecelkadana xuurul ceyn allaha kaaga dhigo asc

  2. Abdikamal says:

    Ustaad kheyr Allaha kaa siiyo warbixinta joogtadda ah ee aad bulshadda aad u gudbiso, runtii waa warbixin loo bahnaa, oo in badan ay isweydiiso. lana wey diiyo markasta inta ku nool dalkaan malaysia, runtii doorweyn ayaad ka qaadataya arinkaas. in badanna wey ka nasteen su’aalihii la xariiray Malaysia war iga soo sii.. si sahlan ayaan u oran karnaa somalitalk ka aqriso..

  3. ahmed deeq says:

    SCW/WB
    AAD IYO AAD BAAD U MAHADSAN TAHAY DR CABDI WANAAGA IYO FARIINTA AAD UMADDA UGA DIGAYSO WAX MAGARATADA DADKA MASAKINTA LUGOYNAYA AJAR IYO XASANAATNA ALLAHA KU SIIYOI INTA BADAN QORAALADADA MALAYSIA IYO FARIIMAHA AAD UMAADA U SOO GUDBINAYSO WAAN ARISTAA DADAALKAGA IYO NASTEEXDA IYONGARASHADA VALLE KUGUN MANAYSTAY ALLAHA KUU SAA’IDIYO HIMILADA AAD TIIGSANAYSANA ALLAHA KUU FUDUDEEYO,
    WABILAAHI TOWFIIQ