Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta qaaliga ah ee islaamka (ACWW).
Kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ee sanadii 1991dii waxaa dhammaan dhulka Soomaaliyeed saameeyay dagaaladii sokeeye kuwaaso ay Soomaali ku weysay hanti iyo noolba wixii ay laheyd, iyadoo uu dalkii ku dhacay bur bur aad u weyn, lana bililiqeystay wixii hanti maguurto aheyd ee la lahaa. Waxey awoodii dalka gacanta u gashay waxmagarato iyo niman warlords ah oo aan cidina u aabo yeeleyn. Taasi waxey keentay in waxgaradkii aqoonyahandii, culimadii iyo qof kastoo damiir leh ay qaarba meel u cararaan, kuwo qaxooti noqda oo dhul shisheeya nolol ka raadsada, qaar kalen ay miciin bidaan in ay u qaxaan dhulkii ay awoowayaashood ama aabayashood ay kasoo jeedeen sida deegaanada hadda loo yaqaan Puntland.
Taariikh ahaan Puntland deegaanada leysku yiraahdo waa dhul fac weyn oo taariikh iska leh, laakiin nasiib daro cid wax u qabatay ma jirin dowlad hore iyo mid danbeba, oo aanan ka aheyn wadadii ay dowladii kacaanka geysay sanadihii ugu danbeeyay ee uu talyaaniga dhisay iyo dekadda. Waxaa kaloo jirtay in dadkeedii ay kasoo wada guureen oo ay badankoodi soo degeen magaalooyinkii koonfurta gaar ahaan Muqudisho. Waxaa xusid mudan in bulshadi halkaas usoo haajirtay ay badankoodi ku lahaayeen magaalooyinkii koonfurta sida Muqudisho hanti aad u baddan oo qaarkood laguba tirin jiray in ay yihiin kuwa ugu dhaqaalaha baddan Soomaaliya.
Haddaba kadib markii uu qarxay dagaaladii sokeeye oo la waayey cid cid fakisa ama leysu laayey qabiil qabiil ayaa dani waxay baday in dhulalkii laga soo qaxay qarniyo hore in miciin la bado, oo dib loogu noqdo. Waxaa dhacday in noloshii lagasoo bilaabo Zero ama eber oo waxaa loo yimid dhul aan dhisnayn, horumar iska daa warkeeda, aanan laheyn iskuulo, isbitaalo, waddooyin iyo waliba inti ugu muhiimsaney adeegayddii bulshada. Wey jireen bulsho aad u yar oo goboladaa ku noolaa oo dhaqaale ku heystay halkaas, laakiin tirada dadka ku qaxay iyo dadka meeshaa loogu tagay isma la ekeyn. Dadaal baddan kadib iyo dadkii oo Allaah taladii saartay noloshii dadka tartiib tartiib ayeey u soo kacday. Waxaa dib u dhis ballaaran ka biloowday magaalooyinkii waayo hore laga kala guuray .
Magaalooyinkii la oran jiray lagaari waa iyo Ari boowe bari laga reysay, waxa dhacday in ay noqdaan magaalooyin aad iyo aad u dhisma oo waliba dhinacyo baddan horumar ka sameeya, gaar ahaan magaalad Boosaaso oo runti weynaatay in ka baddan 85%. Magalada Boosaaso maanta waxaa ku nool in ka baddan hal milyan oo qof, waxa ay leedahay waxbarasho illaa iyo heer jaamacadeed, machdadyo sare, iskuulo tiradea ka baddan. Boosaaso waxa ku yaala dakedda ugu mashquulka baddan Soomaaliya, oo waxaa Boosaaso ka socda ganacsi aad iyo aad uballaaran oo garsiisan illaa iyo Ogaadeenia ama dhulka ay Itoobiya Gumeysato. Boosaaso waxaa ku nool bulsho kala duwan oo ka kala yimid dhammaan Soomaaliyo. Runtii xaaladda maanta ay ku sugan tahay Boosaaso iyo halkii ay joogtay 15 sano ka hor waa kaaf iyo kala dheeri, waa wax aan marna leys bar bar dhigi Karin. Runtii waxaan oran karaa waa arin qof kastoo caqli u saaxiib ah uu dareemiyo in ay tahay wax Allaah loogu mahad celiyo.
Haddaba waxaa isweydiin leh ummadda dadaalkaas dheer soo galay oo Allaah uu dhulkoodii u nimceeyay, oo maanta ay magaalada Boosaaso tahay amaba la oran karo waa magaalada ugu weyn xagga ganacsiga Soomaaliya oo idil, oo sameysaay horumar dhinac walba ma caqli galbaa in ay raali ka noqdaan in ay soo dhaweeyaan ama ay gabaad u noqdaan dad ka kala daadinaya nimcooyinkaas uu Allaah ugu maneystay. Runtii haddii Aadan ku shukriyin nimcooyinka uu Allaah ku siiyay oo ah amniga iyo horumarka ay magaalloyinkaaga sameeyeen oo aadan xafidan waxaa dhaceysa in ay si sahlaan kuu dhaafeyso nimcooyinkaas. Ogow mar walbaa waxa wanaagsan in aad taariikhda dib u eegtid oo aad fiirisid halkii aad kasoo bilowday nolosha iyo halkaa aad joogtid maanta. Waxaa kaloo haboon in aad mar walba ku baraarugtid dhibaatooyinka ay leedahay amni xumida.
Waxaan ku talin lahaa aniga in ay haboon tahay in magaalada si wadajir ah loo wada ilaaliyo amnigeeda iyo nabadeeda oo dadka walaalaheena ah ee martida inoo ah ee kasoo qaxay dagaalada sokeeye ee kasocda koonfurta in kuwa nabad doonka ah ee kula ilaalinaya magaalada lasoo dhaweeyo oo hiil iyo hooba loo fidiyo loona ogolaado in ay dadkooda ka mid noqdaan lana difaacdo cirdaygooda iyo sharaftooda haddii lagu xadgudbo. Laakiin kuwa la wareegaya qoriga qiiqa iska leh ee doonaya in halkan u soo raraan dhibaatooyinka ka jira magaalooyinka kale waxaan filayaa in xaq tahay in leyska qabto oo aan marnaba fursad la siin. Waxaan kaloo ku talin lahaa in lala shaqeeyo Ciidamada sugaya amniga iyo dowladaba oo lagala shaqeeyo sugida amniga si yoolkii la lahaa loo gaaro. Ogow mar walboo la sugo amniga adna waxaad ku noolaaneysa nolol wanaagsan oo shaqadaada iyo ganacsigaagaba wey kuu kala soconayaan. Marna raali haka noqon oo gabaad ha siin nin ama qof qalqal galinaya amniga iyo nabadgelyada magaaladaada.
Dowladda Puntalnd waxaan kula talin lahaa in ay dadka u sameyso wacyi galin ballaaran oo ay dhalinyarada howl galiso oo u abaabusho waxbarasho, isboorti iyo shaqaba. Waxaan maamulka kula talinayaa in ay soo dhaweyso cid alla ciddii ka shaqeynaya howlaha dhalinyarada iyo wacyigalinta dadka. Waxaa haboon in dhalinyarada loo dhiso goobo ay isugu yimaadaan oo ay kaga tashadaan aayahood, waxaahaboon in dhlinyarada loo sameeyo golayaal ay ku sheekeystaan oo aaraadood kusoo gudbiyaan si looga mashquuliyoi wax walboo xun in ay u qumaan.
Haddaba waxaan qoraalkeyga kusoo gabagabeynayaa in amniga iyo nabadgelyada Puntland ay dan ugu jirto dhammaan ummadda reer Puntland gar ahaan waxgaradka, aqoonyahanda, culimada, caam ahaan dadweynah iyo inta leh damiirka islaamnimo. Waxaa haboon in si wadajir ah loo wada difaacdo magaalooyinka Puntland oo aynu ka xarownaa sheekooyinka raqiiska ah ee ku dhisan qabyaaladda iyo wax aan horey inoo wadeyn. Sidoo kale waxaan maamulka kula talinayaa in ayan xadgudbin oo ay taxadar ka sameeyaan dadka kasoo qaxay koonfur ee aan wax danbi ah gelin in aan lagu deg degin oo aan lagu xadgudbin, laakiin kuwa fidnoolayaasha ah ee ka shaqeynayaa duminta Puntland waa wajib in gacan bir ah leysaga qabtaa. Sidoo kale kan kula dhashay ee isagana wada ama ka shaqeynaya duminta Puntland waa in leyska qabtaa ee aan loo arag qabiil iyo waa ina adeerkey.
Allaah waxaan ka baryeeynaa in uu towfiiqda ina waafajiyo oo Soomaali guud ahaan quluubtood burcad isku mariyo oo dhibka ka qaado. Aaamiiiin.
Qalinkii: – Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser- Leicester UK.
saicentadv@yahoo.com
marka hore sln marka xiga waxaan rabaa in aan halkan aan ka iraahdo halmado ku aadan aniga iyo wixii ila qaba fakirkooda anigu waxaan leeyahey amniga puntland waxaa uu waajib muqadas ah ku yahey dhamaan inta ku nool ama ha ku dhasho ama soomaliya iska daaye wadamada jaarka ah hakayimaado waxaana kula talinaya shacabka horda in ay muqdisho ku tusalo qaataan muqdisho waxaa laga jarayaa danbi ay gashey wayna wanaagsananaysaa marka uu ilahey u idmo hawaarto puntland
asc.ninkan sheekadan soo qoray dad gaar baad u dan le thy e alla ka baq.maxad uga hadli weyday faroole qeyraadki wadanka ku jiray u maalin walba u guraayo tigree uu dadka rer konfurna timaha ka xiirayo una tarxiilayo iyago jooga wadankoodi hooyo,sheeq atamna allaha xifdiyo wuxu doonaya inu wadanka ku dhaqo shareecada islamka fad ama ha fadin waala idin fadsiina insha allah.
Bismillah.
Assalamu calaykum. qoraaga aad ayuu u mahadsan yahay maqaalka uu qorey waana sida uu u asiibey inuu runta u sheego .
amaanka degaanada puntland wuxuu maslaxad ugu jiraa dhamaan ummada ku nool hadey noqoto inta soo qaxdey iyo inta degaan ahaanba ka soo jeeda goboladaas. laakiin dad yar oo maangaab iska ah ama dano kale wata ayaa u arka in qabiil gaar ah ay nabadgelyada iyo amaanka deegaankaas dani ugu jirto waana fikrad qaldan sidaan qabo .
Allah weyn ha kaa abaalmariyo runta aad sheegtey….. Waxaan jeclaan lahaa inaan emailkaaga helo si aan xugta dhabta ah iyo dadka ehelka u ah Puntland nabadeeda aan kuugu xiro si afkaartaada ugu gudbisid.