iyo Guddoomiyihii baarlamaanka SHariif Xasan oo taageeray mawqifka uu dastuurka ka istaagay Ra’isul Wasaaraha DFKMG….
Waxaa maalmahan warbaahinta gudaha iyo dibadda si aad ah u hadal hayeen khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cumar C/Rashiid, waxa uuna khilaafkaasi keenay in qaybo ka mid ah warbaahinta ay isku dhaafsadaan hadalo sii kicinaya khilaafkooda waxaa khilaafkaasi markiiba la sheegay in uu soo kala dhex galay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Agostino Mahiga iyadoo maalintii shalay ahayd uu si qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweyne Shariif la soo gaarsiiyey qoraal uu ka waday Qaramada Midoobey.
Qoraalka la soo gaarsiiyey Madaxweynaha DFKMG Shariif ayaa isugu jira labo qaybood, mid ayaa la doonayaa in lagu xaliyo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha FKMG, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Shariif uu maalmaha soo socda uu u ambabaxo Magaalada Nairobi si halkaasi uu kullan dib u heshiisiin ah kula yeesho Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid.
Waxaana kullankaan lagu wado in uu ka dhaco Nairobi garwadeen ka ah Qaramada Midoobey oo dooneysa in ay soo afjarto khilaafka labada mas’uul, qoraalka kale ayaa waxa uu ku saabsan caasuumaad uga timid Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ku aadan in dabayaaqda bishan uu Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka qaybgalo kullanka Madaxweynayaasha Adduunka ee ka dhici doona Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.
Markii uu soo gaaray ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mar Mahinga kadib uuna kullan la qaatay Sheekh Shariif ayaa waxaa markiiba kullan la isugu yeeray Xildhibaanada iyo Wasiirada Beelaha Hawiye oo looga wada hadlay waxyaabo fara badan oo ay ugu horeyso Dastuurka soo kala dhex galay Madaxweyne iyo Ra’isul Sharmaake, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo warbaahinta ka hadlay ay sheegeen in kullankaasi looga hadlay arrimaha dastuurka oo keliya balse waxa ay dafireen in looga hadlay khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka.
Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG waxa uu ku soo beegmay xili Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay ku soo siqayaan xarunta Madaxtoonyada iyagoo manta la wareegay qaybo ka tirsan Degamada C/casiis kadib markii halkaasi uu dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM iyo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda FKMG iyadoo shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ay haatan qaati ka taagan yihiin dagaalada aan dhamaadka laheyn ee weli ka sii socda Magaalada Muqdisho kaas oo mar walba waxyeelada ugu badan ka soo gaarto dadka rayidka ah.
Sidoo kale khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha KMG Shariif iyo Ra’isul Wasaara KMG Sharmaake waxa uu ku soo beegmay xili ciidamada Dowladda KMG ay gadood ka sameeyeen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyagoo ka cabnayey mushaar xumo, iyagoo waliba sheegay in la daryeeli waayey dhaawacyada ka soo gaaray dagaalada,.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo dhex dhexaad ka ah arrimaha jira ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Dowladda KMG haatan jirta uu la mid ah khilaafka horey u dhex maray Ra’isul Wasaare Geedi iyo C/llaahi Yuusuf waxayna aakhirkii keentay in xilka laga qaado Ra’isul Wasaare Geedi loona dhiibo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), balse waxaa bilo kadib is maandhaafay C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde waxayna taasi keentay in uu isaga tago Madaxweynihii hore ee C/llaahi Yuusuf, haddaba isweydiinta mudan waxay tahay haatan ma Madaxweyne Shariif ayaa daaqadda ka bixin doona mise Ra’isul Wasaare Sharmaake, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in Guddoomiyihii baarlamaanka uu taageeray mawqifka uu dastuurka ka istaagay Ra’isul Wasaaraha DFKMG Sharmaake.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.