Home » Warar »

Sheikh Shariif: Dastuurku waa in uu helo Afti Dadweyne, haddii taas la waayo waa in la qaato Dastuurkii 1960-kii

Ansixinta Dastuurka Qabyada & Dhammaadka Muddada Kala Guurka ah Waxaa Go’aan ka Gaari kara Hey’adaha KMG ah oo Wada Jira …

  • “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey — uu yahay Dastuurkii 1960-kii…” sidaas waxaa yiri Sheikh Shariif oo soojeediyaya in la sameeyo Guddi Qaran Oo Talo Bixin

Warbixin ka soo baxday Madaxtooyada DFKMG

(Muqdisho, Soomaaliya  September 4, 2010):  Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee  uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.

Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbaahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa kale oo uu tilmaamay “Si loo helo dastuur dhab ahaan ay Soomaali leedahay, waa in qoraalka qabyada ah uu noqdo mid ay ka dhex muuqato yididiilada iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, taasina waxaa lagu gaari karaa ka qeyb-gal dadweyne oo aad u ballaaran.”

Madaxweynuhu isagoo aqoonsan dadaalka iyo howsha culus ee uu Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxbannaan qabtay, wuxuu yiri “ annagoo og in dastuurkan qabyada ah uu yahay mid sii wanaajinaya Axdigii KMG ahaa, haddana wuxuu u baahan yahay hufid iyo wax ku darid ka yimaada muwaadiniinta Soomaaliyeed, khubarada sharciga, culumada diinta iyo xubnaha baarlamaanka si loo xaqiijiyo inuu ka tujumayo danta iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed”.

Isagoo arrintan ka hadlaya, Madaxweynuhu wuxuu soojeediyaya in la sameeyo Guddi Qaran Oo Talo Bixin oo ka kooban Xubnaha Baarlamaanka, khubaro sharci, khubarada dhaqan iyo shacab weynaha.

“Naf-huriddii iyo dhiiggii wasiirrada, xubnihii Baarlamaanka iyo dhiigga hadda daadanaya ee shacabkeenna iyo askarteenna ayaa nagu khasbaya in aan dalbanno Dastuur dhammeystiran oo aan ceeb lahayn oo ah mid Soomaalida ka yimid oo danahooda ku qotoma.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale, Madaxweynuhu isaga oo ishaaraya qaabka loo wejihi karo samaynta dastuur cusub iyo ansixintiisaba waxa uu yiri, “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda laga doonayo xukuumadda in ay waqtigeeda isugu geyso sidii lagu gaari lahaa, furuhuna waa in amniga la sugo.”

“Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey — uu yahay Dastuurkii 1960-kii, Haddaba, iyada oo baarlamaanka hadda jira ay adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii 60-kii ku dari karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo habka maamulka Federaalka ah – go’aankase waa mid baarlamaanka u yaal.” Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Sheekh Shariif.

Ugu danbayntii, Madaxweynuhu, isaga oo ka hadlaya, habka ansixinta dastuurka cusub iyo sidii horey loogu sii socon lahaa marka uu dhamaado waqtiga DFKM ah — oo ku eg bisha Ogosto 2011 — waxa uu hoosta ka xarriiqay,  “Dowladda Fadaraalka Ku-meel gaarka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada — in aanay weli si rasmi go’aan uga gaarin habka iyo qaabka dastuurka cusub loo ansixin doono – taas oo markii la dhameeyo qoraal Madaxweynaha lagu shaacin doono.”

Sida ku cad Dastuurkii 60-kii iyo Axdiga KMG ah, hay’adaha dastuuriga ah, gaar ahaan xukuumadda ayaa laga rabaa in ay soo bandhigaan qorshe hawleed, baarlamaanka ayaana sharciyad u haysta in ay sharci ka soo saaraan qaabka dastuurka loo ansixinayo iyo dhammaadka xilliga kala guurka, shuruucdaas oo dhaqan galaya markii uu Madaxweynuhu saxiixo.”

La xiriir: media@sompresidency.org
Waa qormo ka soo baxday madaxtooyada

English Version: ka akhri halkan

###

Warbixintan madaxweynaha DFKMG uu kaga hadlay Dastuurka qabyada ah ayaa soo baxday maalin kaddib markii ra’iisul wasaaraha DFKMG uu ka hadlay kala fikir duwanaanshaha u dhexeeya isaga iyo Sheikh Shariif kuna saabsan Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya loogu soo sameeyey Jabuuti.

Cumar C/rashiid waxa uu yiri” Waa in annaga aan keeno fal aan dastuurka ku ansixin karno ku-meel gaar ahaan, baarlamaanka hadda joogana uu noqdo baarlamaanka ansixiya, waagii dambe oo ay samaxdo in afti la qaadona shuruucdeedii in la sii sameeyo, tii soohdimaha, tii tira koobka, inta dadka codayn kara, markaas afti loo istaago oo wadankana nabad yahay”, sidaas waxa uu yiri Jimacadii (Sept 3, 2010) u waramayey Idaacadda Codka Maraykanka (ka dhegeyso VOA).

Waxaa cad in Shiekh Shariif uu si qayaxan uga soo horjeedo in dastuurkaas ay ansixiyaan baarlamaanka hadda jira, waxana uu arrintaas ka yiri: “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey — uu yahay Dastuurkii 1960-kii.”

Dhanka kale,  100 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG ayaa si toos ah uga hor yimadeen dastuurka ayagoo hay’adda UNDP ku eedeeyey in ay faraha kula jirto dastuur u qorista Soomaaliya ayagoo ugu baaqay in ay faaraha kala baxdo arrintaas. (dhegeyso…. (mp3)).

Muxuu Salka ku hayaaKhilaaf Mar kale soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Cumar C/Rashiid

Dastuurka cusub oo Khilaaf ka dhex dhaliyey Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

Dastuurka Muranka Dhaliyey ka Akhri Halkan Af-Soomaali ama English

###

Yaa u ololaynaya Dastuurka cusub, yaase kasoo horjeeda.. Akhri warbixinada hoose:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan’ oo guddoomaya Nuqul Dastuurka Cusub. Warbixinta hoos ka akhri..
###

  • Warbixino iyo Qoraallo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DFKMG kuna saabsan Dasruurka qabyada ah hoos ka akhri.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka ka guddoomay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee Dalka

Muqdisho: Sept 4, 2010: Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka guddoomay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee dalka Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka loo sameynayo dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka dalka marwo Sahro Cumar Maalin oo ay wehliyeen Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka dalka ayaa Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku guddoonsiisay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee dalka Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General. Cismaan Cumar Wehliye (Gasgas).

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka oo ugu horeyn Munaasabadii guddoonsiinta Qabya Qoraaleedka hadal ka jeedisay ayaa faahfaahin ka bixisay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub, waxayna sheegtay in Qabya Qoraaleedka Dastuurka loo baahan yahay in waxna lagu daro waxna laga badalo, islamarkaana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay fikirkooda ka soo dhiibtaan maadaama ay yihiin Qeybta ugu muhiimsan ee waqti kasta la falgasha Bulshada.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka dalka marwo Sahro Cumar Maalin ayaa sidoo kale ka codsatay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in uu u gudbiyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Askartiisa intaba si ay fikirkooda uga dhiibtaaan, islamarkaana ay soo gudbiyaan wixii ay u arkaan in wax laga badalo ama lagu darayo ee ka dhiman si Dastuurku u noqdo mid ay wax ku leeyihiin.

dastuurTaliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General. Cismaan Cumar Wehliye (Gasgas) oo Munaasabada ka hadlay ayaa ugu horeyn ka guddoomay Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee dastuurka marwo Sahro Cumar Maalin Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub, wuxuuna sheegay in arrintani tahay mid loo baahan yahay islamarkaana ay dhinacooda ka soo dhiiban doonaan fikirkooda, gaar ahaan Qeybta Dastuurka ka quseysa Ciidamada Qalabka sida, maadaama loo baahan yahay in Dastuurka laga saxo dhan Diimeed, Dhan dhaqan, dhan Ciidan iyo Bulsho intaba.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhaliilay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee Dalka.

Muqdisho (Sept 3, 2010): Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho si kulul u weeraray qabya qoraaleedka dastuurka cusub ee la soo bandhigay.

Xildhibaan C/qaadir Sh. Ismaaciil oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga dastuurka iyo arrimaha Federaalka oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dastuurka la marin habaabiyay, islamarkaana ay dowladdu ansixisay in la qaato shareecadda islaamka, taa bedelkeedana ay sheegtay in la diyaarinayo dastuur ku salaysan shareecada islaamka, kaasoo wada tashi lagala sameyn doono bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dastuurkaasi aan lagu soo diyaarin Karin maalmo, bilo iyo sanad wadcigan lagu jiro awgeed.

Halkan ka dhegeyso qaar kamid ah xildhibaanada…. (mp3)

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka ayaa dhaliilay soo dadajinta dastuurka, iyadoo aysan ka warhayn Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ay muujinayso in ay tahay in arrin looga talaabsanayo dhamaan Guddiyada sharciga ah sida kan Baarlamaanka.

Xildhibaan Cumar Isloow oo ka mid ahaa Xildhibaanadii shirkaasi jaraa’id qabtay ayaa isna sheegey in dadka lagu marin habaabinayo la tashiga dadweynaha, islamarkaana loo baahnaa in xukuumadu aragto ka hor inta aan dadweynaha loo gudbin, isagoo sheegay inay jirto Wasaarad gaar ah oo arrimahaas qaabilsan iyo Guddiyo lana rabay in marka hore ay soo arkaan, ayna muujinayso in lagala ordaayo cid gaar ah.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale dhaliilay Qodob ka mid ah Qodobada qabya qoraaleedka dastuurka cusub oo qeexaya in la dhiso labo Gole Golaha Baarlamaanka dowladda KMG ah iyo mid uu yeelanayo Gobolkasta, kuwaasoo aan kala sareyn markay wax isku qabtaan wada hadal ku dhamaysanaya, wuxuuna sheegay in ay wax laga naxo tahay in xiligan Qof qaxooti ah la yiraahdo dastuur ayaa laguu sameynayaa ee u soo diyaar garow in aad cod ka dhiibato, taa bedelkeedana ay dadku u baahan yihiin in wax loo qabto si ay dhibaatada uga baxaan, islamarkaana ay uga fikiraan aayaahooda.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka Dalka oo guddoonsiiyay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Culumaa’udiinka Ahlu Suna ee Muqdisho iyo Xildhibaanada deegaanka Gobolka Banaadir.

Muqdisho (Sept 3, 2010): Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka Dalka ayaa Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya guddoonsiiyay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Xildhibaanada Golaha deegaanka Gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiin Ahlu Suna Waljamaaca ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka Dalka marwo Sahro Cumar Maalin oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Guddiga Dastuur oo uu ka mid ahaa La Taliyaha Dhinaca Sharciga ee Guddigaas Abuukaako C/risaaq Cali Dhoore ayaa Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ku guddoonsiiyay Xarumahooda Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xildhibaanada Golaha deegaanka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Culumaa’udiin Ahlu Suna Waljamaaca ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Madax bannaan ee Dastuurka marwo Sahro Cumar Maalin ayaa u faahfaahisay dhamaan Xubnihii ay guddoonsiisay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee dalka, waxayna ka codsatay in ay u gudbiyaan Qeybaha ay masuulka ka yihiin si ay Cod uga soo dhiibtaan, islamarkaana ay wixii wax ka badalis u baahan u soo gudbiyaan si wax looga badalo si Dastuurku u noqdo mid ay wax ku leeyihiin.

La Taliyaha dhinaca sharciga ee Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka Abuukaato C/risaaq Cali Dhoore oo kula hadlay xarumahooda dhamaan Xubnihii la guddoonsiiyay Qabya Qoraaleedka Dastuurka ayaa sheegay in Dastuurka si weyn looga taxadaray diyaarintiisa, islamarkaana la waafajiyay shareecadda Islaamka iyadoo aan lagu xadgudbayn Xeerarka Caalamiga ah ee Bini-aadainamada ee uu Caalamku isku raacsan yahay, wuxuuna sheegay in gaar ahaan loo baahan yahay in Qabyaha la guddoonsiiyay ay u gudniyaan Dad weynaha ay matalaan ama ay masuulka ka yihiin si ay fikirkooda uga soo dhiibtaan.

Dhamaan qeybihii la guddoonsiiyay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ayaa soo dhaweeyay Qabya Qoraaleedka Dastuurka, waxayna balanqaadeen in ay u gudbin doonaan Qeybaha ay masuulka ka yihiin, islamarkaana ay ka soo dhiiban doonaan fikirkooda, wixii wax ka badalid u baahana ay soo gudbin doonaan si wax looga badallo.

Guddiga Qaranka ee Madaxa Banaan ee Dastuur u sameynta Dalka oo u qeybiyay qeybaha kala duwan ee Saxaafadda Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee Dalka.

Muqdisho (Sept 1, 2010): Guddiga Qaranka ee madaxa banana ee dastuur u sameynta dalka ayaa qeybaha kala duwan ee saxaafadda dalka u qeybiyay qabyo qoraaleedka dastuurka cusub ee Soomaaliya loo sameynayo si saxaafaddu bulshada ugu baahiso.

Marwo Sahro Cumar Maalin oo ah Guddoomiyaha Guddiga madaxa banana ee qorista qabya qoraaleedka dastuurka cusub ee dalka iyo kala tala bixinta afkaarta ay dadweynuhu ka qabaan qorista qabya qoraaleedka uu Guddigan soo diyaariyay ayaa maanta ku soo bandhigtay qabya qoraalkan bahda warbaahinta ka howlgasha guud ahaan Soomaaliya, waxaaana halkaasi warbaahinta loogu qeybiyay qoraalkii qabyada ahaa ee dastuurka dalka si ay uga tala bixiyaan islamarkaana ugu gudbiyaan bulshada qeybaheeda kala duwan maadaama warbaahintu tahay tan kaliya ee kaalinta ka gaysan karta in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay helaan macluumaadka ku saabsan qabya qoraaleedkan ay Guddigu soo bandhigaan.

Sahro Cumar Maalin oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa waxay faahfaahin ka bixisay qabya qoraalkan ay soo bandhigeen Guddiga iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in dastuurkani uu yahay mid waafaqsan shareecada islaamka, waxayna meesha ka saartay warar sheegaya in ay soo dhoodhoobeen ama ay soo qoreen gaalo ama dad aan muslim ahayn, waxayna sheegtay in aanu dastuurka qodobadiisa ka mid ahayn wax aanay diinta islaamku qabin, islamarkaana loona baahan yahay in warbaahinta ka howlgasha Soomaaliya looga baahan yahay ina y gacan ka gaystaan fidinta dastuurkan iyo u macnaynta bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyha Gobolka Banaadir oo ka guddoomay Guddiga Dastuur u sameynta dalka Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya.

Muqdisho (Aug 31, 2010): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa Xarunta Gobolka uga guddoomay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee dalka Guddiga Dastuur u sameynta dalka oo ay wehliyaan Xubno ka socday Ururada Bulshada rayidka ah.

Munaasabadii uu Guddoomiyuhu uga guddoomayay Guddiga Dastuur u sameynta dalka Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee dalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa La Taliyaha dhinaca sharciga ee Guddigaas Abuukaate C/risaaq Dhoore, Guddoomiyaha dalada Ururada Bulshada Rayid ee Gobolka Banaadir Muxudiin Xasan Afrax iyo Xubno kale oo lagu soo casuumay Munaasabadaas.

Sahro Cumar Maalin oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuur u sameynta dalka oo Munaasabadaas ugu horeyn hadal ka jeedisay ayaa faahfaahin ka bixisay faa’iidada uu Dastuurkan u leeyahay dadka iyo dalkaba, waxayna sheegtay in ay gaarsiinayaan dhamaan Qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Bulshada Soomaaliyeed, iydoo sheegtay in ay siinayaan Ciidamada Qeybahooda kala duwan, islamarkaana ay Dadweynaha ka rajeynayaan in ay ku qanci doonaan markii ay arkaan Qabya Qoraaleedka Dastuurkan Cusub.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan’ oo gabagabadii Munaasabadaas hadal ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay Guddiga Dastuur u sameynt dalka sida wanaagsan ee ay u soo gaarsiiyeen Qabya Qoraaleedka Dastuurka si loogu gudbiyo Bulshada ku dhaqan Gobolka, wuxuuna sheegay in umadda Soomaaliyeed ay u baahan tahay wax kala haga islamarkaana uu rajeynayo in uu noqdo Dastuur la Jaanqaadi casriga, islamarkaana waafaqsan Diinta Islaamka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed ka rajeynayo in ay si fiican u fahmi doonaan ayna isku ixtiraami doonaan, islamarkaana uu rajeynayo in uu noqdo mid loo wada siman yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kooda ugu sareeya iyo kan ugu hooseeya intaba, wuxuuna sheegay in Dastuurada Caalamku ay yihiin sida Dastuurkan oo kale, islamarkaanna ay Bulshadau ku kala danbeyso wax ay Heshiiska ku tahay isagoo sheegay in aysan Bulshadu qaadan Karin wax Qof jeebkiisa kala soo baxay, wuxuuna sheegay in uu Umada ka rajeynayo in ay ku Heshiin doonto wixii ay isku raacday.

Wasaarada dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya oo Mudanayaasha Baarlamaanka u qeybisay Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee dalka.

Muqdisho (Aug 25, 2010): Wasaarada dastuurka iyo arrimaha federaalka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa u qeybisay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Nuqulka Qabya Qoraaleedka Dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya mudane Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa intaa kadib khudbad uu ka jeediyay Madasha kulanka, wuxuu ugu horeyn raaligelin ka bixiyay Warka sheegaya in Qaar ka mid ah Qabya Qoraaleedkan uu u gudbiyay Golaha Wasiirada iyo Xubno kale, wuxuuna sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee loo soo gudbiyay Qabyo Qoraaleedkan, islamarkaana ay Go’aanka ugu danbeeya ka gaari karaan iyaga, maadaama uu Qabya Qoraaleedkan yahay mid lagala  tashanayo Xubnaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda KMGah, Baarlamaankuna uu yahay Hay’adda u qaabilsan dowladda dhanka Sharci dejinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Qabya Qoraaleedka Dastuurka Cusub ee dalka Soomaaliya la soo gabagabeyn doono Bisha December ee sanadkan, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in marka ay Mudanayaashu soo aqristaan, ay ka doodaan wixii wax ka badalis u baahana wax ka badalaan, si loogu gudbo in loo codeeyo si uu u dhaqangalo.

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya mudane Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa dhanka kale Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in aysan qaadan Wararka sida qaldan loo turjumayo ee aan xaqiiqda ku saleysnayn ee ay baahinayaan Warbaahinta, islamarkaana loo baahan yahay in Mudanayaashu ogaadaan in ay yihiin kuwa kaliya ee xaqa u leh Ansixintiisa, isagoo sheegay in aan loo baahnayn sabab loogu gudbiyo cid kale.

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Sheikh Shariif: Dastuurku waa in uu helo Afti Dadweyne, haddii taas la waayo waa in la qaato Dastuurkii 1960-kii "

  1. RAMADAAN KAARIIIIM

    DAWLADDA TFG DU WAY KU KHALDAN TAHAY IN AY FARAHA LA GAASHO DAASTUURDIYAARIN….HORTA AMNIGNA HA SUGTO

  2. nuur says:

    ASc dhamaantiin , Erayga dasduur ayeyna idinkaga dhagin, ma akhriseen , ma dhuuxdeen , mu , idin soo gaaray. ha noqonina seefle bood. dasduur waxaa noo ku filan quraaan iyo sunada Nabiga sallalhu calyhi wasalam. dasduurkii 1960 kufribaa ka buuxay , kan ma aqaan waxaa ku qoran, ama aragteen, abuubakar markii loo doortay khaliifada, asagoo daduur sameeyey, cumar, cuthmaan , Allahaa dhamaantood raali ha , ka noqdee. wax kastana quraanka ayaa cadeeyay, dawladihii islaamka way soo jireen shreecana isku soo xukumijreen , ma la iloobay miyaa. Ilaahay wuxuu yiri xukun oo dhan ba Ilaahay ayey usugnaaday. Maanta dadkeeni waxaa leenaya nin gaal oo gajoonaya, oo habeen iyo malinba in garaacaya, away damiirkii markaad isku haysataan Dastuurkii 1960 iyo ka hadan jooga. Ilaahayow cisadii noo soo celi.

  3. fiiq says:

    dustuur waa lenahay waxaa la qoray 1960 marka kaa waa in la raaco melkasta ayuu taabanayaa hada wax waqti ayaa laguluminin dadkii baa dhimanayo dadka waa in marka hore la badbaadiya dad yar baa dan kalah dastuurkan cusub marka waa in la diido.

  4. abdirisaaq says:

    asc somalitalk hadaan wax meel ka dhac soo qoray raali ayaan ka bixiyay

  5. abdirisaaq says:

    war heedhe 1960 kii lama joogo, dadkuna kuwii 1960 kii maaha ee wiilashiina sheekh shariif iyo ina cabdirashiid cagta dulka dhiga, dastuurkaana waa in muwaadin walba oo soomaaiyeed meel walba uu joogo afti looga qaadaa ee ha isku dayina inaad qol mugdi aad wax ku saxiixdaan. ilaahay shabaab gacanta ha idiin geliyo inta aad wax qiyaamaysaan.

  6. muhammad says:

    Asc wadanka hadda kama jiro Gole shacab oo shaqadooda si toos ah u gudan karo Dastuur wadan marka La sameynayana wax yar maha
    Waxaana sii dheer iyadoo arinka eey sii walaaqayaan Qoloyinka lagu sheego Bulshada Caalamka oo dastuurka sidey doonayaan Uraba.
    marka waxaan Dhihi lahaa Hadalka M/shariif hala qaato oo Halagu dhaqmo Dastuurkii Somaliyeed ee 1960kii Kaas ayaana lagu kalsoonaan karaa inta la helayo Somali is aaminta iyo Gole tastuur dajin oo ka madax banaan UNDP iyo bulsho Caalamba Wabilahi Towfiiq

  7. wanaag says:

    walaalayaal waa salaaman tahiin salaan kadib hadii aan raiygaya ka dhiibto arinka dastuurka waa wax loo baahanayahay dastuur laakiin hadii uu san jirin amaan yaa loo samaynaa dastuur oo shacabkiiba waa dhibaatayasan yihiin maxay afti iyo dastuur ku fekeraan baahiyaaba laynayso iyo xabd aanan loo aabayeeline waxaan lyyahay aniga dawlada waa inay sugataa amaanka hadii aynaan karina ha ka tagao meesha yeenaan laynine dadweyaha dasttu meeshaan ma yaalo mana la samaynkaro xamar oo aanan nabaad noqon. mana la ansixikaro dastuur ku sheegaan ee waan diidnay waan diidnay waan diidnay hadii aan ku hadlo magaca reer banaadir waxaan cod dheeer ku leenahay waan diidnay dastuurka

  8. caaqil says:

    asc ramdan kariim ,Dastuur waloo baahanyahay waana lama huraan hadalka cumar na waa sax ,mideeda kale baarlamankan jaahilka ah waxba faaqidaad kuma samayn karo dastuurka cusub waayo barlamanka jaahiliin ba ubadan kolkaa aqoonyahano in loo gudbiya wacan farahana looga qaado gudiga madaxa banan iyo wasiirka dastuur ,