Home » Warar »

Xukuumadii Cumar Cabdirashiid oo lakala direy iyo Afhayeenkii Barlamaanka oo xilkiisii iska casilay

Afhayeenkii Golaha Barlamanka Dowlada fedaraalka KMG somaliyeed oo sheegay in u xilkiisii iska casilay iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo aqbalaad ka dib xukumadii Raisalwasare shar’maarke kala direy .

Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ku dhawaaqay in uu soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub oo ay yeelato xukuumadda Federaalka kumeelgaarka.

Dhanka kale Sheikh Aadan madoobe ayaa sheegay in uu iskiis isaga casilay xilkii guddoomiyha baarlamaanka, sheegayna in uu iskiis isu casilay.

Warbixin dheeraad ah:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay shirka Jaraa’id ayaa goobta kaga dhwaaqay inuu xilkiisa iska casilay, kaddib markii uu khilaafka xildhibaanada golaha baarlamaanka, wuxuuna sheegay in danta guud uu ka hormariyey dantiisa islamarkaana uu yahay xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka.

Halkan ka dhegeyso Shirka Jaraa’id

“Markii uu batay muranka Baarlamaanka ayaan go’aan ku gaaray inaan xilka iska casilo” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo isaguna goobta ka hadlay, wuxuuna intaas ku daray inuu ku talogalay inay tani xal u noqoto khilaafka Baarlamaanka.

Arintaa ayaa ka danbeysay shirar dhowr saacadood socday albaabaduna u labnaayeen oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somalia,warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynuhu uu cadaadis ku saray Sheekh Aadan Madoobe inuu iscasilaadiisa ku dhawaaqo

Xaalka ayaa u eg mid qaboojinayo is qabqabsiga u dhaxeyo xildhibaanada golaha baarlamaanka oo noqday mid ka sii darayo maalinba maalinta ka danbeysa, madaxweynaha ayaa sheegay in uu dib u soo magacaabayo raiisal wasaare cusub xildhibaanada ka dalbaday in ay soo doortaan afhayeenkii lagu bedelai lahaa Sheekh Adan Madoobe wuxuuna meesha ka saray in uu aqoonsado Afhayeenkii ay shalay magacaabeen xildhibanadii buuqa badani ku hareeyey gudaha guriga ummadda.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah oo shirka jaraa’id

Dhanka kale waxaa goobta ka maqnaa oo aan joogin Raiisal wasaare Cumar cabdirashiid oo warar hoose ay shegayaan in u ku gacan sayrey in xukuumadiisa afka cida loo galiyo oo ay dhacdo ama lakala diro iyo in lagu sameeyo xilka xayuubinta Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid iyadoo lama ogo arintaa in ay daawo u noqoneyso khilaafka hareeyey dowlada uu hogamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

 Hoos ka akhri wararkii shalay.

Axadii ayey ahayd markii Sheikh Aadan madoobe ku dhawaaqay in xukuumaddii dhacday, isla markiina uu warkaas beeniyey Cumar C/rashiid, ayadoo xildhibaano baarlamaanka ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Aadan Madoobe. Saakay ayaa Sheikh Shariif shaaca ka qaaday in Cumar C/rashiid bedelkiisa uu soo magacaabi doono.

“Xukuumadii DFKMG Waa Dhacday”.. “Guddoomiyihii Baarlamaanka Waa Dhacay”

Sheikh Aaden Madoobe iyo Cumar Cabdirashiid ayaa qabtay labo shir jaraa’id, sheegayna in ay dhaceen xukuumadda  iyo guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG ….

  • Ra’iisal Wasaaraha oo sheegay inuu dhacay guddoonka Baarlamaanka
  • Sheikh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay in xukuumadii ay dhacday

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar  Cabdirashiid Cali Sharmarke ayuu kaga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka isagoo sheegay in hadalka Aadan madoobe uu yahay nin daad qaaday xumbo cuskay isla markaana uu wixii maanta ka dambeeya aanu aheyn guddoomiye Baarlaamanka, isagoo taageeray go’aankii xubnaha golaha Baarlamaanka ay ku rideen Aadan madoobe kuna doorteen Guddoon cusub oo si kumeel gaara u shir guddoomiya.

“Guddoomiyihii hore ee Baaralaamka waa nasiib darro inuu sidaasi u dhaqmo, bahda saxaafaduna indhihiina ayaad ku aragteen in Golaha Baarlaamanku ay ku shireen Xarunta Golaha Baaralamaanka 318 xubnood isla markaana cod caqlabiyad leh ay ku diideen guddoonka Baarlamaanka” ayuu yiri Cumar C/rashiid Sharmarke.

Dhanka kale Shir jaraa’id oo uu qabtay Sheikh Aaden Madoobe ayaa ka dheegay “Gacantaagii 280 xidhibaan ayaa xukuumada kalsoonidii kala noqday, 30 xildhibaan xukuumad ayey codkooda siiyeen,  halka 8 xildhibaan ayaa ka aamuseen, sidaa daraadeed xukuumadii waa dhacday, sidaa daraadeed madaxweynaha waxaan ka rajeyneynaa in uu soo magacaabo raiisal wasaare xilkas ah, oo waajibkiisa gudan karo, dalka badbaadin kara, si loo helo dawlad waxtar leh, sidaa waxaa ka danbeeyey sawaxan iyo sacab….”

Dhegeyso Hadalkii Sheikh Aaden Madoobe

Jaah wareerka FKMG: Aadan madoobe oo ku dhawaaqay in xukuumaddii Cumar C/rashiid dhacday, xildhibaano kale oo sheegay in ay xilkii ka qaadeen Aaden Madoobe, si kumeel gaar ah xilkii guddoomiyaha loogu dhiibay (Xaaji Shukri Sheikh Axmed oo dhashay 1925-kii ugun ada’weyn xildhibaanada joogey kulanka, sawirkiisa hoos ka eeg, isagoo sheegay in yahay guddoomiye ilaa guddoomiye cusub la soo dooranayo) iyo Cumar C/rashiid oo sheegay in guddoomiyuhu dhacay oo uu galay dembi “Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka wuxuu galay dembi Qaran, waana lala xisaabtami doonaa”, waxana uu ku tilmaamay go’aanka “guddoomiyaha” in uu yahay been abuur.

Waakan Cumar C/rashiid oo Waraysi siiyey idaacadda British Broadcasting Corporation

Sidoo kale waakan Cumar C/rashiid oo waraysi kale siiyey idaacadda Codka Maraykanka

Hoos ka akhri labo warbixin ee labada shir jaraa’id

Sheikh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay in xukuumadii ay dhacday

“318 xildhibaan ayaa kulanka soo xadirtay ka dib kulan ay isugu yimaadeen goalaha Baarlamaanka”

Kulanka xildhibaanada dowlada Fadaralka KMG Somaliya ayna ka soo qeybgaleen xubnaha labada gole ayaa ku dhamaaday guuldaro iyo faro isku fiiq fiiq inkasta oo aysan dhicin wax gacan ka hadal ah waxaana gabagabadii shirka dhacday in lagu kala dareeray iyada oo aan la is macasalaameyn waxayna u kala safnaayeen xubnaha barlamanka kuwa diidan gudoonka iyo kuwo difacayay .

Gudoomiyaha Barlamanka sheikh Adan maxamed Nuur, Sh adan madoobe, oo shir jaraid gurigiisa ku qabtay isaga oo careysan ayaa ku dhawaaqay in xukuumadii ay dhacday.

“Gudoomiyaha” ayaa sheegay in kooramka maanta ay soo xaadireen 318 xildhibaan isaga oo sheegay arinta maanta xukuumadu kalsoonida ku weysay in ay tahay iyada oo xukuumadu waqtigeeduku ekaa bishii February waxaana waqtigaa laga rabey in ay barlamanka kalsooni soo weydiisato wuxuuna xukuumada iyo wasiirada ku eedeeyey in ay iyagu ka danbeeyaan fowdada haatan ka socoto gudaha xildhibanada barlamanka wuxuuna intaa ku daray in raiisalwasaruhuna waxba ka qaban waayey .

“Sheekh Adan madoobe ayaa saxaafada u sheegay in 14 marso waxaa dhacay xukuumadu shir ay u fadhiisatay oo u shir gudoominayey raiisal wasaaraha hada dhacay Cumar Cabdirashiid Cali Sharkaarke wuxuuna go.aansaday in golaha barlmanaka dhamaan lakala diro wuxuuna ku yiri xildhibaankasta iyo wasiir kasta qabiilkisa ha u tago horeyna sharash ugu gey si aan barlaamnku mar danbe u shaqeynin “

“waxyaabaahaas goalaha barlamanka ayaa aad u dhibsaday aniguna markii aan imid waxyaabahaas ayaan ku amshquulay sidii loo xalain lahaa “

sheikh adan madoobe ayaa sheegay khilaafka barlamanka markii uu batay in dowlada Djabiuti ay wafdi u soo direen si loo xaliyo arintaa,  Markaa ayaa waxaa la sameeyey barnaajim ah gudoonkii barlamanku waa dhacay waxaasi dastuur maha xeer hoosaadman maaha wuxuuna ku macneeyey in ay yihiin wax lala yaabo

Iyada oo xoogaga dowlada ku kacsan ay u jiraan qasriga madaxtoyada in ka yar hal KM ayaa hadana wuxuu sheegay in xubnaha dowlada ay yihiin kuwo aan rabin in lala xisaabtamo umaddi somaliyeed oo baaba.san qaarkoodna ay geedaha hoostooda gaajo la jiifaan waxaa la waayey in xukuumadii horey u socoto dowladnimadii la dhiso shacabkii la badbaadiyo horumar iyo nabad lagu shaqeeyo ayaa la waayey

Mar uu ka hadlay xaga barlamanka ayuu sheegay in gudaha xidhibaanada barlamanka colaad la dhexdhigay

Waxaan ku qasbanaaday sahrciga iyo rabitaanka barlamanka Ka dib codsi ay ii soo jeediyeen xildhibaana waxaana timid goobta aftida lagu qaadayey 318 xildhibaan, qodobka 18 farqadiisa 8 aad 9aad 10aad axdigu wuxuu qorayaa in xukuumadii kalsooni soo weydisdan weydo dastuuriyan iyada ayaab iska dhacday xukuumadaani

Gacantaagii 280 xidhibaan ayaa xukuumada kalsoonidii kala noqday, 30 xildhibaan xukuumad ayey codkooda siiyeen,  halka 8 xildhibaan ayaa ka aamuseen, sidaa daraadeed xukuumadii waa dhacday, sidaa daraadeed madaxweynaha waxaan ka rajeyneynaa in uu soo magacaabo raiisal wasaare xilkas ah, oo waajibkiisa gudan karo, dalka badbaadin kara, si loo helo dawlad waxtar leh, ayuu yiri Dhegeyso Hadalkii Sheikh Aaden Madoobe

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Ra’iisal Wasaaraha oo sheegay inuu dhacay guddoonka Baarlamaanka

“Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka wuxuu galay dembi Qaran, waana lala xisaabtami doonaa”
 

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar  Cabdirashiid Cali Sharmarke ayuu kaga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka isagoo sheegay in hadalka Aadan madoobe uu yahay nin daad qaaday xumbo cuskay isla markaana uu wixii maanta ka dambeeya aanu aheyn guddoomiye Baarlaamanka, isagoo taageeray go’aankii xubnaha golaha Baarlamaanka ay ku rideen Aadan madoobe kuna doorteen Guddoon cusub oo si kumeel gaara u shir guddoomiya.

Hadal Kooban oo Cumar C/rashiid Dhegeyso
 
Ra’iisal Wasaaraha ayaa shirkiisan ku sheegay in waxa dhacay maanta uu kaga cudur daaranayo ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ayna tahay wax lala yaabo, maadaama Aadan Maxamed Nuur oo inta gurigiisa shir jaraa’id ku qabtay ugu sheegay saxaafada in ay dhacday Xukuumadii dalka ka jirtay taasoo ah dembi Qaran iyo wax aan sharciga waafaqsaneyn.
 “Waxa dhacay maanta waa wax aan muddo ka digeynay oo aniga iyo Madaxweynahaba aan isaga fakir aheyn in la qaboojiyo xiisada loona hogaansamo sharciga, balse waxa uu Guddoomiyihii hore ee Baaralamaanka sameeyey dembi Qaran, maadaama uu xukuumad sharci ah isku dayay inuu afkiisa ku burburiyo waana lala xisaabtami doonaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaasi sii raaciyay.

“Guddoomiyihii hore ee Baaralaamka waa nasiib darro inuu sidaasi u dhaqmo, bahda saxaafaduna indhihiina ayaad ku aragteen in Golaha Baarlaamanku ay ku shireen Xarunta Golaha Baaralamaanka 318 xubnood isla markaana cod caqlabiyad leh ay ku diideen guddoonka Baarlamaanka” ayuu yiri Mr. Sharmarke oo wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada AMISOM ay u galbiyaan Madaxtooyada Aadan Madoobe maadaama sharciyan uu dhacay wixii ka dambeeyey codeyntii Baaralamanka.
 
Ra’iisal Wasaaraha ayaa soo dhoweeyey doorashada guddoonka cusub wuxuuna xusay inuu la shaqeynayo inta looga gudbayo guddoon sharci ah oo bedela Aadan Madoobe.

Ugu dambeyntiina beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay is dejiyaan kalsoonidoodana ay adkeeyaan lagana gudbayo marxaladan kala guurka ah ee dalku ku jiro.


Sawirka sare: Kusimaha guddoomiyaha Baarlamaanka Xaaji Shukri

Dhinaca kale, guddoomiye kuxigeenkii labaad ee Golaha Baarlaamaanka Cismaan Cilmi Boqore oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku tilmaamay go’aanka Aadan Madoobe mid aan sharciga waafaqsaneyn isla markaana kalitalisnimo ah isagoo xusay in sharciyan uu dhacay uuna yahay maanta wixii ka dambeeya xubin ka tirsan Baaralamaanka.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com

……

Maraakiibta Ilaalada ee Jooga Xeebaha Soomaaliya Shaqo Kuma leh Ilaalinta Kalluumaysiga Sharci darrada loogu guranayo badda Soomaaliya…

Maraakiibta ka kalluumaysata badda Soomaaliya isagoo ka hadlayey Mr. Hudson Hoggaamiyaha Ciidmada Yurub ee ku sugan Badda Soomaaliya waxa uu yiri “Arrinta ku saabsan laysanka bixinta badda ma aha mid i khusaysa (it’s not my businness), maraakiibtayaduna ma aha kuwo difaacaya kalluumaysiga oo hubinaya dukumiintiga Maraakiibta (kalluumaysanaysa), waxaan DFKMG ku heshiinay in akhbaarta ku saabsan maraakiibta kalluumaysa aan u gudbino Brusilles kaddibna DFKMG si loogu wargeliyo, laakiin anagu eegeyno maraakiibtaas waxa saaran mana hubinayno dukumiintigooda iyo inta kalluun u saaran maraakiibta. Tan kale meesha waxaa ka jira burcad badeed badan taas oo sababtay in aysan jirin maraakiib badan oo ka kalluumaysa burcad badeeda awgeed.”  Akhri..

………..

Soomaaliya: Madaxa Guddiga Baarlamaanka oo ugu baaqay inay si degdeg ah isu casilaan Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.