Home » Faallo »

Dastuurka Cusub ee Soomaaliya iyo Doorka Shacabka | Qore: Farah Aw-Osman

Dastuurka la leeyahay waxaa loo dhisay Soomaaliya kaas oo hadal hayntiisu ku dhex badatay, golayaasha internetka, fadhi ku dirirka, maamul goboleedyada iyo Baarlamaanka TFG-gaba , iyaagoo ka doodaya  mowqifkooda ku aadan Axdigaan isaga ah, ayaan oran karnaa waa lagama maarmaan in doodaan lagu saleeyo, xeer, lagu saleeyo caqli, lagu saleeyo xaqiiqada, iyadoo la eegayo duruuraha, taariikhda iyo waaqaca Soomaaliya soo martay ama maantaba ku dhex jirto.

Hadaba inta aynaan doodaan u gelin waxaa mudan in muwaadin kasta oo Soomaliyeed isweydiiyo su’aalahan:

  • Xagee lagu sameeyay Dastuurkaan, yaa dhisay, yaase maalgeliyayna?
  • Muxuu ahaa doorka Maamul Goboleedyadda Soomaliyeed iyo Gobolada dalka intiisa kaleba?
  • Maxaa degdega keenay oo loo sugu la’yahay inta la helayo degenaansho nabadeed, kalsooni shacab, dowlad leh tayo, tacliin iyo tabar ay ku dhisi karto Axdi Qarameed, afti ku qaadi karto, kuna fulin karto Dastuur isaga ah?

Waxaa  intaasba ka sii daran dowladda maanta ku andacoonaysa inay samaysay Dastuur ama doonaysanay inay bedesho Axdi Qarameedkii hore ee dalka, inay tahay dowlad magac u yaal ah oo ku kooban 2km oo keliya, ma laha awood ciidan, dhaqaale iyo mid xirfadeedba oo ay arintaas ku samayn karto , kuna socodsiin karto, iskaba daa afti ay dad ka qaadee, maxaa yeelay deegaamo ay ka taliso ama kalsooni ay ka haysato shacabka Soomaaliyeed oo ay afti kaga qaadi kartaa ma jiro.

Dal markuu iska bedelayo Dastuur waa in dalkaasi leeyahay dad khubaro ah oo arintaasi ku xeel dheer, waa inuu leeyahay dhaqaale uu ku fulin karo arintaasi, waa inuu rabitaan iyo kalsoonida shacabka haystaa.  Sidaa awgeed, waxaa nasiib daro ah in Dastuurka maanta la sheegayo uu yahay mid lagu soo sameeyay dalka dibadiisa, ay maalgeliyeen dowlado iyo ururo shisheeye, sidaa awgeed maaha dastuur (for the people, by the people) dadku ay leeyihiin, iyagu samaysteena.

Waxaa la yiri mayd keebaa ugu danbeeyay, markaasaa la yidhi kan la sii sido.  Dastuur la bedelo waxaa tusaalihiis iyo darsinba noogu filan midka Kenya.  Kaas oo ay ku baxday malaayiin lacag ah, ay sameeyeen khubaro leh aqoon lagu dejin karo Axdi Qarameed, faragelin shisheeye ka madax banaanaa, afti laga qaadan shacabka reer Kenya kaas oo ay 70% u codeeyeen “YES” oo ay ogolaadeen in uu noqdo Axdi Qarameed ka cusub ee Kenya.  Siyaasiyiinta reer Kenya waxay dhismaha Dastuurkaan cusub ku tilmaamay “Re-Birth” dib u dhalashadii Kenya, taas oo ay ula jeedaan in Axdigii guumaystuhu wax ka dhisay ee 60 lagu bedelay mid ay Khubaro reer Kenya sameeyeen , lagu saleeyay ama ka turjumaya rabitaanka iyo dareenka reer Kenya, codka kalsoonida shacabkana lagu hirgeliyay.

Hadaba waxaa nasiib daro ah in Shariif Xariif uu maanta Xafladaas Kenya ka qaybgalay wax darsin ahna uu san ka soo dhaxlin, balse wixii loo soo xarxariiqay oo lagu dul akhriyay uu doonayo inuu yiraahdo waa dastuur dal.  Waxaa taas ka sii daran in Maamul Goboleedadii la is lahaa khaladka aya saxi karaan sida Puntland, inay ka soo yeeryo kalimado aan laaqi ahay shacabka Soomaliyeed iyo kuwa reer Puntland-ba, taas oo meel ka dhac ku ah doorka iyo rabitaanka shacabka  “Maamulka Puntland wuxuu soo dhaweynayaa Dastuurka Cusub ee loo sameeyay dalka Soomaaliya oo gudiga Madaxa Banaan ee dastuurka Soomaaliya u soo gudbiyeen Masuuliyiinta Puntland kaasi oo aan u gudbin doono Barlamanka Puntland si ay uga doodaan islamarkaana ay u ansixiyaan.”

Hadaba maanaa waalan mise cadan baa laga heesayaa!  Hadii Somaliland aysan diyaar u ahayn Soomaalinimo iyo Dastuur, Koonfur Al-Shabaab ka taliso, TFG ay dufays kaga jirto Villa Somalia, Puntlandna jawaabteedii sidaan noqotay, tolow Soomaali yaa u maqan , yaana ka difaacaya hadimadaha iyo dabinka lala rabo.  Dastuurkaan la sheegayose xagee laga fulin doonaa, shacabka lagu dhaqi doonaa hadiiba doorka shacabka iyo aragtidooda la caburinayo.

Maamulka Puntland miyuusan fahamsanayn in awooda ugu saraysa dalka ay yihiin shacabka, kalsoonidooda iyo in afti loo qaado Dastuurkaana ay lama huraan tahay, Dastuurna uusan dastuur noqonayn hadii aan Afti shacab oo weliba aqlabiyad ah la helin.  Miyaysan dareen sanayn in 66 mudane oo qol lagu soo xiray inaysan ku hadlin codka jamaahiirta reer Puntland awoodna u lahayn ansaxin Axdi Qarameed.

Madoobe Nunow oo ah Wasiirka Dastuurka ee TFG oo la weydiiyay sida ay aftida shacabka ku qaadi doonaan ayaa sheegay in shacabku codkooda ku dhiban doonaa Internet-ka.  Runtii waa wax lagu qoslo in dalka aduunka ugu liita iyo dowlada ugu taagta darani ay ku andacoodaan arinkaasi, taasi miyaysan muujinayn inuusan haysan shacab uu cod ka qaado iyo deegaan uu ka taliyo midna, sidaa awgeed haduusan shacaba gacan ku hayn kuu ku xusumi doonaa Dastuur ku sheega?

Maxaa Xal ah:

Dhibaatada maanta taala Soomaliya iyo kacdoonadii ay sameeyeen Jabhadihii hubaysnaa ee  SSDF, SNM iyo USC intuba waxay ka cabaneey maamulkii kaligiis taliska ahaa kaas oo ay u arkayeen inuu tacadiyo ku sameeyay dadkooda, horumar ka hortaagnaa, caburin, xabsi iyo dilba ku hayay hogaamiyayaashii goboladaas.

Waana dareenkaas baan oran karnaa aragtiyada bud-dhiga u ahayd unkistii Somaliland, Puntland, iyo other la-la lands ka ku soo badanaya Soomaaliya kuwaas oo maanta gaaray reerkii tuulo ama degmo degenba inay ku dhawaaqaan inay yihiin maamul Goboleed ka madax banaan dowlada dhexe.

Maadaama dadka Soomaaliyeed ay hiyiin dad “Homogeneous” ah, isu asal, isir, diin , deegaan iyo afba ah, way fiicnaan lahayd inay Soomaliya dowlad dhexe oo xoog leh, taas oo ku salaysan cadaadal, sinaan iyo rabitaanka shacabka.  Hase ahaatee inagoo eegayna xaalada murugada iyo naxdinta leh ee ay Soomaali maanta ku sugan tahay taasi suurto gal maaha ama waxaan oran karnaa weli looba bisla, sidaa awgeed, waa lagama maarmaan baan oran kartaa dhisme dowlad Soomaaliyeed oo ku salaysan nidaamka Federaaliga ah.

Dhisme Maamul-Goboleedyo:

Maadaama dowladda Soomaaliyeed ee mustaqbalku noqon doonto mid Federaali ah waxaa lama huraan noqon doonta in la sameeyo , afti shacabna loo qaado Axdigaasi.  Waa in axdigaasi ay ku qeexan tahay doorka maamul Goboleedyada, awood qaybsiga, iyo sida lagu wajahayo duruuraha iyo caqabadaha Soomaliya maanta horyaala.

Sidaa awgeed, in lawada tuuro ma qabo Dastuurka maanta la soo dhoodhoobay, balse wuxuu noqon karaa mid lagu dul dhiso Axdi Qarameedka Mustaqbalka, wixii ka khaldan la saxo, wixii aan danaha iyo duruufaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka turjumayna laga saaro.

Hadaba si loogaaro dareenka ah in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan rabitaanka shacabka iyo nidaamka Federaaliga ah waa lama huraan in la qaato qaacidada dhisme ee “buttom-up approach” oo ah in hoosta wax laga unko si kor markaasi loo gaadho.

Waxaa isweyndiin mudan muuqaalka maamul Goboleedyadaas iyaga ah yeelan karaan, sheekadu ma tusbax furtay bay noqon mise waalama huraan in la xakameeyo oo xeer hoosaad loo sameeyo si markaasi loo sugo tayada iyo cadadka maamul Goboleedyada jira iyo kuwa dhismi karaba.

Xeerkaasi  waxaa bud-dhig looga dhigayo khibraddaha laga dhaxlay dhismihii maamulka Somaliland iyo Puntland oo aan oran karno waxay ahayd labo tajribo oo Soomali samaysatay , maalgashatay, iskuna tashatay taas oo aan maanta arki karno xasiloonida iyo maamul laga dhaxlay.

Sidaa darteen, shuruudaha lagu xidhayo maamul Goboleedyada mustaqbalku inay ahaadaan sidaan:

  • Ugu yaraan sadex gobol (oo ka mid ah kuwii hore u jiray) inay ku bahoobi karaan Maamul Goboleed
  • In shirweyne ay ka soo qaybgalaan dhamaan qabiilada degen deegaamadiisi lagu sameeyo lana helo kalsoonidooda iyo xubinimadda dhamaan dadka deegaanka
  • Dhismahaasi inuu yahay mid ay abaabuleen, maalgeliyeena dadka ay arintaani khusayso, sidaa awgeed waa inuu maalgelin iyo faragelin shisheeye ka madax banaan yahay

Sadexdaas shuruudood oo ahaa kuwii saamaxay dhismaha Somaliland iyo Puntland hadii lagu dabasho dalka intiisa kale waxaan hubaal ah in tusbaxa furmay ee maamul goboleedyada loogu yeero la xakamayn karo.

Hadii shuruudahaas kor ku xusan bud-dhig ay noqdaan waxaa la saadaalin karaa in Soomaaliya yeelan karto ilaa 5 maamul goboleed oo kala ah:

  • Puntland (Sool, Sanaag, Bari, Nugaal iyo Mudug)
  • Somaliland (Awdal, Waqooyi-Galbeed iyo Togdheer)
  • Banaadirland (Galgaduud, Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir)
  • Baayland (Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose)
  • Jubbaland (Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo)

Fiiro Gaar ah: (Gobolo la isla dego oo kala qaybsami doona ayaa jira, sida Sanaag, togdheer, Mudug iwm..)

Shuruudaani waxay saamixi kartaa in 5 Maamul Goboleed oo awood qaybsi loo sameeyo Soomaaliya, in miiska wada hadalka iyo dhismaha dowlada Federaalka Soomaliya ay soo fariistaa wakiilada shantaas Walaayadood, Dowlad Goboleed, ama Province.  Waxaa fududaan karta ansaxinta Axdi Qarameeda, koo koobmi kara xubnaha Baarlamaanka Federaalka, laheli karaana deegaama ay dowladda Federaalku ku sii shaqayso inta dhibaatada Muqdisho iyo nawaaxigeeda xal loo helayo.

Gabagabo:

Si loo helo Xeer Qarameed ay ku qeexan tahay awooda iyo masuuliyadaha Dowlada Federaalka, awooda iyo masuuliyadaha Maamul-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladaas Fedraalka ah,  iyo Xuquuqda iyo Masuuliyada saaran Muwaadiniinta, waxaa lagama maarmaan ah in la helo Maamul Goboleedyadii ku bahoobi lahaa xubnahana ka noqon lahaa Dowladaas Federaalka ah. Sidoo kale, si Muwaadiniinta looga qaado afti waxaa lagama maarmaan ah in la helo Dowlad  Federaal ah oo haysata kalsoonida, Muwaadiniinta iyo Maamul-Goboleedyadaba.

Hadba maadaama aan dhamaan arimahaas aasaasiga ah aan lahayn waxaan laga fursanayn in Dastuurkaan isaga ah dib loo dhigo lana sugo wakhtigiisa, iyadoo la sii isticmaalayo midka ku meelgaarka ah oo isaga laftiguusu doodiisa iyo dulduleeladiisa wato.

Puntland oo ah Maamul Goboleedka keliya oo aaminsan helista Dowlad Federaal ah, kaas oo ka taliya sadex 1\3 Soomaliya, ayaa ah awooda keliya oo joojin karta Dastuurkaan aan oofin, loona soo marin wadiiqooyinkii iyo shuruudihii lagu dhisi jiray ama lagu ansaxin jiray Xeer Qarameed.  Sidaa awgeed waalama huraan in maamulkaasi uusan uma Soomaaliyeed ku xalaalay una horseedin wax aan u cuntamin.

Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Dastuurka Cusub ee Soomaaliya iyo Doorka Shacabka | Qore: Farah Aw-Osman "

  1. marka hore waad salaamantihiin dhammaan soomalida kunool dalka iyo dibaddiisaba .
    aniga waxaan dhihi lahaa dastuurku hala taageero ee aanan fududaanine aan
    ogaano qaabka dastuurka uu uqoranyahay markaan ogaaano hadduu qaldanyahay waa inaan saxnaa , islamrkaana lagu bees gareeyo diinteena islaamka. midda kale dastuur dhib makeeno ee wax ay umadi kuheshiido.
    tan kale dastuurku waa waxa aan kula dabbeyn lahayn . N.B: mar kale waxaan kacodsanayaa dhamaan mas’uuliyiinta dastuurka in lagu soo bandhigo dhamaan qodobada dastuurka ku qoran si waxa laga badalaayo aan usheegno.

  2. Baliil says:

    Waxaad ka dareemi kartaa qoraalkan iyo jawaabahan in ay jirto baahi loo qabo is fahan ,micniheedu yahay in marka ruux soomaaliyeed dareemo khiyaamada iyo dabinka lala damacsanyahay ummadda soomaaliyeed iyo dalkeeda. Waa in aan odhan karno war qofkaan wuxuu dareemay ama wakhtigiisa ku qarash gareeyey waa wax aan wada dareensanahay ama aan ka hadalno ama caloosha aan ka ooynee. Ma aha in aan. Qofkaa u eegno qof ka soo jeeda beel,qasab ma aha in aan aw osman ku raacno fikradiisa laakiin isagu wuxuu ka hadlay dhibaato jirta markaa waa in aan karno maxaa xal ah adigu sidaas ayaad u aragtaa aniguna sidan bay ila tahay ee ma isku darsanaa xal. Waa hadii aad dareemi karto dhibaatada weyn ee ku soo foodleh soomaaliya. Aw osman thank you for taking the time to write this article.

  3. Mahad says:

    Aniga oo tixraacaya hadalkaygii hore ee ahaa in wadanka laga dhigo labo gobol oo federaal ah waqooyi iyo koonkur waxaan aamisanahay inay soo dhaweynayso sadexda gobol ee maqan oo midi xortahay , hadii lagu qorana shanta gobol ee Soomaliya mid kamida dastuurka uma arko qalad oo waa dhul Soomaliyeed,waxaa kaloo ila haboon in lagu daro Dastuurka in uu qofka Soomaaliga ah uu dagi karo Waqooyi ama Konfur meesha uu doono xukuna uu ka qaban karo haddi uu karti iyo caadilnimo uu isku darsado taasoo meesha ka saari doonta cudurka xun ee aan Isaamnida shaqada kulahayn ee Qabyaalada ah ,Dhinaca kale yaa Soomaali ah :Waxaan Soomaali u aqaan qofka Hooyadii iyo Aabihii uu Soomaali yahay, Qofkii uu Abihiis yahay Soomaali meel walba oo aduunka kamida haku dhashee, yaa xukunka wadanka qaban kara . Waxaan oranlaha waa inuu Muslim yahay , Soomaali yahay , qorikaraa kuna hadli karaa Afka Soomaliga karti iyo caadilmimo leeyahay iyo wixii kale oo laysku afgarto oo aqoonsiisa ku saabsan sida ugu yaraan waa inuu haystaa shahaado BA. waa inuu soo qabtay jago ah duqa maagaalada ama xisbi uu hogaaminaayay,

  4. Mahad says:

    Waxaad moodaa nika soo qoray faalada kor ku qoran nin aqrinaya dastuurka maamul gaboleedka Puntland , saaxiib kama aadan hadlin dastuur Soomaaliyeed ee waxaad ka hadashay mid Qabiil ee iskuul bilow ayaan kula talinlahaa,aniga waxaa ila hoboon in laga dhigo labo gobol waqooyi iyo konfur sida uu ku qoran calanka astaanta noo ah.

  5. Maxuma fikraddan uu soo jeediyey,laakiin sida uu hawsha uqaybiyey ama maamul goboleedyada uu isu raaciyey gobolo aan isba ogolayn ayaad moodaa mid uu ugu xaglinayo qaybo kamida maamul goboleedkaas.inta uu yidhi pl waa in ay kakoobnaataa waa mid aan munasib ahayn,waayo maanta pl-tii hore maahan ee mid lagu kala yaacay oo gobolkasta oo kamid ahaa markii hore uu doonayo in uu kafara xasho,haddii lays raaciyo oo ay dowladdu goyso sidan ,mushkiladda ayuunbay sii kordhinaysaa ee waa in la eegaa xaaladaha taagan iyo rabitaanka shacabka deegaanadaa degan. maamulku ha noqdo hadduu federaal yahay intii is ogolba in lays raacsiiyo,oo haddii afka laysu geliyo dadkalaba didsan waa un mushkiladda oo lasii kordhinayo.xukuumaddan yaanay kudegdegin samayntiisa,laakiin saaxiibkay waxaad moodaa in uu maamulka pl uu si weyn ugu baaqayo in ay is hortaagto,deetaana suuragal maahan.cidda diidaysa ama ogolaanaysa waa shacabka,ogowna dastuurka deegaanadaa aad aadka uxustay looma samaynayo ee shacabka soomaaliyeed ayaa loo samaynayaa.

  6. Bismillahi.
    een walaal waxan dhihilahaa waxas weyka liitaan habar riyootay, dastuurna dhisidiisu ma sahlana.
    butland waxan dhihilaha aiyana walalayaal hadii hilib somalinimo idinu yaal, ama dhiig muslim idinku jiro waxas ka fogaada oo ha’u aqoonsanina waxjiro inuu yahay.
    Thank you.