Home » Maqaallo »

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 17aad

Suurada 57aad Al-Xadiid:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Al-Xadiid (Birta) Maadama Magaca Birta lagu Sheegay, iyo in Birtu tahay Awooda Insaanku Nabad iyo Colba uusan uga Maarmin inuu u Kaashado Horumarkiisa.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 29 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suuralad Zalzala ka dib, Juz ahaana waxey Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xadiid:

Suuradan Maadaama ay Madaniyah tahay waxa ay Xooga saartaa Aimaha Sharciyada, Tarbiyada iyo Baraarujinta Bulshada Muslimka ah, ayadoo Aasaasna uga Dhigeysa Caqiidada Saxiiaxa ah ee Saafiga ah iyo Akhlaaqda Wanaagsan.

Suuradana waxa ay Muslmiinta ugu yeertaa in ay Allaah Weyneeyaan Xumaan oo Dhana Ka Nazahaan sidoo kalana Kalimadiisa oo ah Quraanka in ay Weyneeyaan oo Quluubtoda u Khushuucdo si aysan ula mid Noqon kuwii Ahlu Kitaabka ahaa ee Markii ay Mudo Diinkii ku Toosnaayeen ka dib Qalbiyada ka Madoobaaday Faasiqoobayna, ayadoo Suuradan Dadka Muslmiinta Siineysa Tusaale Muujinaya qadar ahaan Aduunyada Qiimaheeda si ayasan ugu Kadsoomin.

Suurada 58aad Al-Mujaadilah:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mujaadilah si loo Muujiyo Xasuusta Qisadii Saxaabiyadii (Khowlah Binti Thaclabah) usoo Dacwootay Nabiga aydoo dacweyneysa Ninkeeda (Aws Binu Saamit) oo yiri: (waxaad iga tahay Hooyadey oo kale).

Suuradan waa Madaniyah, Ayadaheduna waa 2 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Munaafiqiin ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Muiujaadilah:

Suuradan Al-Mujaadilah waxay xambaarsan tahay Sharciyo fara badan sida kuwa Dihaarka iyo Kafaarada ku Waajibeysa Midka Xaaskiisa Dihaara (yiraadha waxaad iga tahay Hooyadey oo kale), sidoo kalana Suurada waxay Dadka Bartaa Aadaabta iyo Sharciyada looga Baahan yahay Muslmiinta in ay ilaaliyaan Marka Doonayaan inay la Hadlaan Rasuulka Suuban (Scw) sidoo kalana Suuradan waxay Muujineysaa Xaq Dhowra Shareecada Islaamka ay ku leeyihiin Dumarka.

Sababta ay usoo dagatay Suulada Al Mujaadilah:

Hadii aan soo Koobo Sababta ay Suuradan u soo Dagatay waa in Saaxabiyada la yiraahdo Khowlah ay timid Gurigii Nabiga ayadoo Dacwo ka ah Ninkeeda aydoo leh, Ninkeyga waxaa u Dhameeyay Dhalinyaranimadeydii, Caloosheydii Caruur intuu ku jirtay waan u Dhalay, waanan Duqoobay, markaas ayuu i leeyahay waxaad iga tahay Hooyadey oo kale, markaasey Weliba tiri: Allow Adigaan kuu Dacwoonayaa, sidaas ayaana Alle (Cw) Raxmadiisa Darteed uu u soo dajiyay Suuradan Dhan oo ka Bilaabata (Alle waxuu Maqlay Haweeneydii hadalkeeda Nabiga kula Doodeysay Xaalkii Ninkeeda).

Suurada 59aad Al-Xashri:

Suuradan waxaa lagu Magacaabaa Al-Xashri, waxa ayna Xasuusin u tahay Abaabul ay isku Aruursadeen Yuhuuda magaalada Madiinah Banaankeeda ayagoo Dagaal Abaabulaya Magaalada madiiinaha sidii loo Weerari lahaa.

Suuradan waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 24 Aayadood, waxa ayna Soo dagtay Suurada Al-Bayinah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilooga Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xashri:

Suuradan waxey Xooga Saartaa Dhanka Sharciga sida lagu yaqaan Suuradaha Madaniga ah oo dhanba, waxa ayna Suuradan ka Sheekeysaa Duulaankii lala galay Yuhuudii Reer Banuu Nadiir, markii Jabiyeen Balantii ayNabiga (Scw) kula jireen, waxaana arintaas ka dhashay in Magaaladii Madiinah laga raro Yuhuudii banuu Nadiir, sidoo kalana waxey Suuradan wax ka Sheegtaa Munaafiqiintii Balanta kula Jiray Yuhuuda eek u Dhiiri Galiyay in ay balanta jabiyaan.

Suurada 60aad Al-Mumtaxinah:

Suuradan waxaa loogu Magac darat Mumtaxinah, maadaama magacaas uu ku soo Arooray ayadoo la leeyahay Imtixaana Gabdhaha ka yimaada Dhanka Gaalada (Makah) ee Madiinah u soo Hijroodo, hana u celinina Gaaladii ay kasoo Tageen hadiiba la Ogaado in ay Mumiin yihiin.

Suuradan waa madaniyah, Aayadaheeduna waa 13 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Axzaab ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaga Qeybta hore ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mumtaxinah:

Suuradan waxaa ay Xooga Saartaa Dhanka Sharciga, si gaar ahna Arimaha ku Saabsan Jaceylka iyo Naceybka Diinta ku Dhisan, kaasoo ah kan ugu Sareeya ee Qeybaha Iiamaanka, Qeybta hore ee Suuradan waxay Canaan usoo Jeedineysay saxaabi la Yiraahdo Xaadhib Ibni Abii Baltacah kaasoo Risaalo u Diray Reer Makah Aasgoo uga warbixiyay Muslmiinta in ay Diyaar Garow ugu Jiraan inay Magaalada Makah kusoo Duulaan.

Suuradan waxa ayna Jaceylka iyo Naceybka Muslmiinta looga Baahan yahay Tusaale ay ku daydaan uga Dhigtay Nabi Ibraahiim, waxa ayna Suuradan kala saartaa kuwa ay tahay in lala Coleytamo iyo kuwa ay banaan tahay Ixsaan in lagula Dhaqmo Marka Gaalada laga hadlayo, waayo waxaa Gaalada ka mid ah kuwa Muslmiinta Dagaal ku haya iyo kuwa aan wax Colaad a aysan kala Dhaxeyn, sidaa Darteed waa inuu kala Duwaanaadaa Dhaqanka Labadaas Koox lagula Dhaqmayo maadaama ay kala Duwan yihiin Dhaqan ahaan.

Suurada 61aad As-Saff:

Suuradan waxaa loogu Magac daray si ay Muslmiinta u Xasuusiso Safka loo Baahan yahay in Galaan Marka Cadaw ay la Dagaalamayaan, taasoo Macnaheedu yahay in ay Midnimo la yimaadaan, waxaa kaloo Sauurada lagu Magcaabaa Al-Xawaariyiin ama Ciisaa.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 14 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada At-Taghaabun ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta hore ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada As-Saff:

Suuran waxay ka Hadashaa Saharciyada maadaama ay ay Madaniyah tahay, waxa ayna si gaar ah wax uga sheegtaa Meelaha Dagaalka iyo Jihaadka lala Galo Cadwga Alle (Cw) iyo Naf hurnimada Muslmiinta looga Baahan yahay si ay Diinkooda u Cizeeyaan Kalimada Allena u koryeelaan.

Akhri Qaybaha kale: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad

asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 17aad "

  1. SIXID AAYADDAHA SUURADDA AL-MUJAADALAH:aayaddaheedu waa 22, waxaana meesha kuqoran 2aayadood,markaa waxaan ufilayaa in ay xagga computerka tahay oo uu walaalkeen ismoodsiiyey in uu laba jeer kuceliyey.
    alle haka abaal mariyo walaalkeen casharadan aadka muhiimka ah. annaga hanaga yeelo kuwo kuwaana qaata.