Home » Faallo »

UWSLF “Dillaal waxaad cunaysaan intaan Dunida Joogaa” | Qore: Yaasiin Garaad

Run baa Fiican, Beenbaa Rafacan, Raran Cadaab baa leh.

Gabyaa Soomaaliyeed oo aanan aqoon magiciisa iyo inuu noolyahay midna ayaa Gabaygiisa waxaa kamid ahaa qaybtan!

“Midka yiri Midnimadaan kadudin kalina waan muuqan ee yiri wadkaygay matalin magaca Somali, Mengistana walaal baan kadhigan magan galyaan raadsan, Macaan iyo inuu khayr kahelin maalin lagu waaro, sedex magac Alloo xaajadaa layma marinsiiyo. Maslaxi iyo awood bay ummadi meel kuhanataaye, kala maarmi maayaan dadkay dani midaysaaye, midka yiri waxaan kala mar marin magaca Soomaali ee Qabiila uu meel lagalay sharafta moodaaya, haddana inuu maslaxa raadisyahay uunka maqashiiyey, ha meer meero waligii intuu mawdku dilayaaye, Madaxnimo inuu saa kuhelin muruq kutaag layna, sedex magac Alloo xaajadaa layma marinsiiyo.”

Noloshu xaraaraa, Ayaamuhu Xasarad badanaa, Taariiqduna xanuun badanaa

Akhristaha sharafta lahoow marka hore waxaan kuu caddaynayaa inaanan anigu katirsanayn UWSLF iyo Xisbi kale oo Soomaaliya kajira midna laakiin aan ahay qof dhalashadiisu Soomaali tahay Diintiisuna Islaam tahay. Waxaan kaloo kuu caddeynayaa  inaan ahay qof ay dhibayso dhibka Dadkeena iyo Dalkeena kudhacaya iyo sida maalinba waji cusub loogu bur burinayo.

Soomaalidii Hore Aqoonyahanka uma aqoon qofka wata warqad layiraahdo “Shahaado” oo laga soo qaato Jaamacad ama goob waxbarasho. Laakiin Soomaalidii hore waxey aqoon yahan utaqaaney Qofka wixii tegey wax kayaaqan, waxa joogana wax ka oran kara, waxa soo socdana saadaal iyo aragti ka bixiya(Indheer garad). Maqaalkaan waxaa igu dhaliyey inaan qoro markaan arkay Ururkii Magacyada badan soo maray taariiqda laakiin xiligan wata magaca UWSLF (United Western Somali Liberation Front) heshiiska ay lagaleen Dawlada Ethiopia iyo dhiiranaanta ama geesinimada ay kusheegteen inay Guul lataaban karo gaareen.

Waxaa kale oo igu riixay inaan qoro Oraah uu Abwaan Soomaaliyeed bixiyey oo dhahaysa

Wixii Qoran baa Quruuma Haree muxuu Hadal Qayma leeyaha”

Marka lagayaabee inuu maqaalkanu anfaco qolyo iga dambeeya hadaan dhinto.

Waxay ii ahayd maalin yaab badan maalintaan dhagaystay Guddoomiyaha Ururkan (Sh. Ibraahim Dheere) oo aan aniga shaqsi ahaan saaxiib ahayn oo saxaafadda ka sheegaya inuu lakulmay Melez Zenawe asagoo aad ugu faraxsan lakulankiisa sheegeyna inay Itoobiyada cusub ka duwantahay itoobiyadii hore ee layaqaaney.

Dabcan Maah Maahaha iyo guud ahaan suugaantu waxyi maaha oo lama socon karaan xilli kasta ama casri kasta, laakiin waxay katur jumaan xilliga ay baxeen iyo meesha ay ku baxeen iyo duruufta kalliftey in qofku curiyo. Tusaale ahaan Qofkii yiri “Meel IL laga la’yahay hadaad tagtid IL baa layska tiraa ama Waxaan Ku cuninba waa la cunaa” Waxaa lagayaabaa inuu qofkaasu ahaa Qof Soomaali ah oo noolaa Qarni hore, Adduunkana kayaqaaney Soomaaliya oo kaliya meeshuu tagana wuxuu ugu tagi jiray Dad Soomaaliya oo aan asaga waxba uga duwaneyn hadey noqoto dhaqan, Af, Diin, cunto lacuno. Markaa qofkaasu layaab malahan in Oraahdaan dhaho, laakiin haddii maantey qof intuu safro oo tago meel aan Illaahay laga rumeysnayn uu dhaho hadaad meel IL laga la’yahay tagtid IL baa layska tiraa taasu waa doqonimo iyo suugaanta oo lamoodo inay Casri kasta lasocoto.

Waxaan arrintan uga jeedaa Waxaa jira Oraah Soomaalidu ka dhigto kaftan iyo wax layska dhaho laakiin anigu aan iraahdo qofkii oraahdaas yiri waxaa ku dhacay wixii ka keeney inuu dhaho. Oraahdaasi waa mida dhahaysa “Duul Culumo Waashey baan nahay” Waxaa laga yaabaa inuu qofkii oraahdaan yiri ku dhex wareerey dadkii uu islahaa Diinta ayey kaa badiyaan xilligiisii. Runtii aniga iyo qofkan isku dhib baa nahaystaan isleeyahay waayo maanta oo aan qorayo maqaalkan waa maalin Ramadaan ah waana Soomanahay, wax igu kalifaya inaan been sheego ama aan ku been abuurto UWSLF iyo Sh. Ibraahim dheerena  ima haystaan.

Waxaan anigu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha “UWSLF” (Ibraahim Dheere) oo dad aad utiro badan wacdinaya oo leh Dawladii Maxamed Siyaad Bare Gaalo ayey ahayd oo Diinta islaamka bannaankey kajoogtey sababtoo ah waxey Dalka ku xukumi jirtey Qaanuun aan Diinta Islaamka ahayn, Qoritaankii Afka Soomaaligana waxey ka ahayd Diin ladirir iyo inay dadka luuqada Carabiga kafogeyso. Maalintaas dadka Sh. Ibraahim Dheere dhageysanayey aad ayay u xamaasadays naayeen dhagahana loogu raaricinayey suurta galna maahayn in Sh. Ibraahim lagu Afceliyo ama lagula dooddo dadka hortooda. Waxaan u qoray waraaq ay ku qorneyd su’aal ahayd Sh. Ibraahimaw wax kalaba yeelkood laakiin Qoritaankii Afka Soomaaligu wuxuu ahaa Guul ama wanaag weyn oo ay Dawladdii qabatey ee see ku leedahay Diin la dirir ayuu ahaa mase ogtahay dhibka laga maray qoritaankii Afka Soomaaliga. Su’aashaas waa la reebay oo laguma soo darin su’aalihii Sh. Ibraahim laweydiiyey Muxaadarada kadib.

Tusaale kale wuxuu ahaa maalin ayaa aniga iyo Sh. Ibrahim Dheere oo shir  Soomaaliyeed fadhina ayaa Shirkii waxaa kahadley Nin Soomaaliya oo u hadlayey Jamhada ONLF oo aan ilaa maanta xasuusto magiiciisii inkastoo ay maalintaas iigu horaysay asaga iyo magaciisa isla maalintiina ay iigu dambaysay. Markuu ninkii hadalkii dhameeyey ayaa dad aan anigu kamid ahay ninkii Usacabiney. Waxaa markaa kadib ii yimid Sh. Ibrahim oo aad uga xumaadey inaan ONFL u sacabiyey asagoo leh ONFL waa Cilmaaniyad/Cilmaaniyiin. Waxaan ku iri Sh. Ibrahimoow haddii Bisado iyo Eeyo igu dhahaan itoobiya ayaan necebnahay waan soo dhaweyn lahaa iska dhaaf ONFL oo ah dad Soomaaliyeede.

Maalintii aan dhageystay Sh. Ibraahim oo leh waxaan kamid nahay Shacabka Itoobiya qaanuunka Itoobiya ayaana ku raadsaneynaa xuquuqdeena ayaan waxaan isweydiiyey toloow maxaa ku qoran Qaanuunka Itoobiya. Waxaan ogahay waxa Qaanuunka Itoobiya ku qoran waxaa kamida inuu Amxaarigu yahay luuqada runtaa ee ay ku hawl-galayso Dawladda Dhexe Itoobiya (Amharic shall be the working language of the Federal Government). Hadaba hadduu Sh. Ibraahim Dheere ogolaadey inuu qaanuunka Itoobiya noqdo qaanuunkiisa Amxaariguna noqdo luuqadiisa runtaa muxuu u cayn  jiray Dawladdii Soomaaliya iyo Qoritaankii Afka Soomaaliga. Ma Meleze Zenawi baa Maxamed Siyaad Bare ka Islaansan. Yaan qalad la ii fahmin anigu madifaacayo Dawladdii Maxamed Siyaad Bare, Sh. Ibraahimna kama xigo Dawladdaas laakiin waxaan ulajeedaa inaan idin tusiyo meeshuu Sh. Ibraahim Joogi jiray iyo meeshuu maanta joogo. Maalintaas ayaan waxaan soo xasuustey tusaalayaasha aan soo sheegey iyo Saaxiibkay Sh. Ibrahimkii aan dhageysan jiray.

Soomaalidu waxey ku ducaystaan “Illaahoow maya iyo Haa meel hanooga wada yeersiin”.

Sayid Maxamed C/lle Xassan oo layaabanaa sidii Soomaalidii xiligiisii noolaa u jeclaayeen Gumaystihii reer Yurub amarkiisana u qaadan jireen ayna u nebcaayeen Daraawiish iyo Halgamaashii xorriyad doonka ahaa dalka iyo Diintana Difaacayey ayaa wuxuu tiriyey Gabay ay mirihiisa kamid ahaayeeyn.

  • Waatuu Dareersadey Fircoon Diricyadiiniye,
  • Waatuu diyaar ugu aqriyey Diinta Gaaladaye
  • Dabci beena weeyaan waxaad nagu dayeysaane
  • Waa waxaad dariiqii sharciga uga dilaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina (CSW) waad daba marteyseene
  • Nin Dir diran Iblayskii dafaa daw karaadiseene
  • Dalacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene
  • Dubaaqiina(Damiirkina) waxaa saa ugalay daara buuxsadaye
  • Dug(Dugsi)  kama heshaan Franji aad daawa dhigataane
  • Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu ($) idiin qubahayaad dib u go’aysaane
  • Marka hore Dabkuu idinka dhigin dumar sidiisiiye
  • Markaa xigana dabaaqa dawuu idiin dareersiine
  • Markaa xigaa Dalkuu idin ku oran duunya dhaafsadaye
  • Markaa xiga dushuu idiin kararin sidii Dameeraayee

Illaahay ha u naxariisto Maxamed C/lle Xassan. Waxaan ognahay inuusan Diiyaarado Raacin Adduunka dacalladiisa kala duwana safar kuma marin, gumaystihii reer Yurubna wuxuu ka arkay intii Soomaaliya timid kaliya. Hadana hadaad fiirisid sadarada/meerisyada u dambeeya gabayga waxaad fahmi kartaa sida maanta loogu dhaqmo wuxuu sheegey Hal Qarni ka hor. Waxaan maanta ognahay waxa ugu horeeraya lasuubiyo markii wadan laqabsado waa

Disarming, Humiliation, Military base

Oo ah in marka hore hub kadhigis lagu sameeyo dadka laqabsadey, marka xigana qaar si fool xun loo laayo qaarna laxir xiro (oo lagu sameeyo bah-dil) si inta kale ugu quus qaataan, Dumarkana la kufsado. Kaddibna inta ladhex dego layiraahdo Military base -yadeenu waxey jirayaan intaan anagu doono. Intaasba waxaa marag iyo marqaati u ah wixii Maamulkii Maraykanka ee G. W. Bush wadanka Ciraaq kasuubiyeen markii ay qabsadeen.

Soomaalidii hore waxey ku maah maahi jirtay:

“Arrad waa dan, Uskakse waa doqonimo iyo Duli nimo”

In maro aad xirato weydaa waa dan iyo duruuf laakiin inaad dhaqan weydo marada aad haysato oo ay kaa wasaqoowdo waa doqonimo.

Waxaan leenahay UWSLF in laydin ka ad-kaado ama aad is dhiibtaan dan baa keeni karta, laakiin inaad ku faantaan is-dhiibitaankiina oo aad hadana Diinta qiil uga raadisaan is-dhiibitaankiina oo dhahdaan Nabi Muxamed baa Xudeybiya galey waa dullinimo iyo doqonimo, taasina waxay tusaysaa inaydaan fahmin farqiga u dhexeeya waxa Nabi Muxamed katanaasuley iyo waxa idinku aad katanaasusheen. Waayo ugu horayn Nabi Muxamed wuxuu katanaasuley waxay ahayd Cibaado ee maahayn dhul Dad Muslima leeyihiin. Sababtoo ah  Nabi Muxamed inuu Xaramka(Maka)  galo ayaa loo diidey laakiin lama oran Madiina soo wareeji, cibaadaduna meeshii ay kugu qabato iyo sidey kuu qabato ayaa loo gutaa. 2. Heshiiska uu Nabi Muxamed galey waxaa kamid ahaa in qofkii Soo gaalooba ama Islaamka kasoo laabta aan loo celin doonin Nebi Muxamed. Dabcan taasu waa sax waayo Nabi Muxamed qof gaaloobay oo diintiisa badalay uma baahneyn waayo asaguba wuu dili lahaa qofka ridooba. Waxaa kale oo kamid ahaa heshiiska In Magaca Nebi Muxame (SCW) la masaxay oo layiri magacaaga qor Rasuul kuuma aqoonsanine. Qodobkan waa midka uu Sh. Ibraahim dheere aadka iyo aadka ugu cel celiyey markuu saxaafada ku soo bandhigayey in waxa uu sameeyey Diinta ku banaantahay. Waxaa layaab leh horta magaca Nebi Muxamed oo la tir tiro maxay u dhimi kartaa Sharaft iyo Karaamada Nebi Muxamed. Muxuuse Magaca masaxidiisu kabadalikartaa qofka

Tusaale ahaan hadii qof Gaal ah uu Muxamed labaxo maxuu Magaca Muxamed u tarayaa. Laakiin hadduu qof Gaala oo magaciisa layiraahdo David ama Miechele soo Islaamo oo uu magaciisa haysto mawaxaa ladhahayaa qofkaasu Muslim maaha. Su’aashu waa maya waayo qofka Muslimnimadiisa iyo magiiciisu iskuma xirna.

3. Waxaa kale oo heshiiskii Nebigu galay kamid ahaa in Qofkii soo Islaama loo soo celiyo Gaalada. Qodobkan waa qodobkii Uu Sheikh Shariif daliilsanayey markuu ka fakanayey Ururkii Dib u Xoraynta ama looyaqaan Asmara oo uu Jabuuti aadey. Jawaabta qodobkani wax adag aniga ilama aha waayo ugu horayn Qof Mustaqbalka soo islaami doona waxay ahayd arin aan dhicitaankeeda cidna ogayn Allaah mooyee, waayo waxa Mustaqbalka dhacaya iyo in qof soo Islaami doona Illaah un baa ogaa. Mida kale dhibkanu wuxuu ahaa mid kudhacayey dad Mucayin ahaa shaqsiyaad qaasa laakiin muu ahayn wax ummadda oo dhan iyo caamka ku dhacaya. Marka hadii in 4.4 Million oo Soomali ah iyo dhulkoodii inta Itoobiya looga tanaasulo Daliilku noqdo Nebi Muxamed baa lagula heshiiyey qofkii soo Muslima noo soo celi ayana waa Baab iyo Faham cusub.

Toloow ma nacaybka Al-Shabab ayaa UWSL iyo Sh. Ibrahim waxaan ku xambaaray?

Xilligii ay Maxaakimta Islamku qabsadeen Koofurta Soomaaliya  ayaa dhowr jeer waxaa warbaahinta kasoo muuqdey Sh. Ibrahim dheere oo Tuutaha Ciidamada ku labisan khud-badahiisana aad ugu cadaynaya inaysan Itoobiya Dawlad iyo Dan Soomaaliyeed waligeed raali ka noqonayn loona baahanyahay in lays kaceliyo Itoobiya. Wuxuu kaloo Oran jiray waxaa jira Buuro Kuyaala Ethiopia oo hadii aan fariisano ama goyno aan waligeen Askari Itoobiyaana usoo gudbi Karin Dhulkeena. Waxaan umalaynayaa wuxuu ulajeedeey Buuraha layiraahdo Kaaraa Mardha.

Dagaal kii iyo nacaybkii Itoobiya isma badalin Soomaalina waa teedii su’aashu marka waxay tahay maxaa isbedelay? Sida lawada ogyahay Maxaakimtii waa Bur Bureen waxaana hadda Soomaaliya ku xoogaystay qolyaha labaxay “Al-Shabaab”. In kastoo anigu aana aqoon ulahayn Al-Shabaab iyo waxay yihiin marka laga reebo waxyaabaha aan warbaahinta kamaqlo hadana waxaan waayey sabab kale oo UWSLF ku riixdey inay ku tilaabsadaan arintan oo aan ka’ahayn Qoladan aan magacooda soo sheegay.

Waayo Sh. Ibrahim ayaa waraysi uu hada kahor saxaafadda siiyey ku yiri “itoobiya 8 jeer oo hore ayaan kulanay waana kala dareernay najiido la’aan laakiin maanta waxay ogalaadeen wax aysan waligeed Itoobiya hore u ogalaan”. Sida hadalkan ka muuqata Itoobiya ayaa wax diidanayd ee UWSLF waxba madiidanayn. Su’aashu waxay tahay maxaa Maanta Itoobiya ogoleysiiyey inay UWSLF waxay hore udiidanayd u ogolaato. Jawaabtu waa iska cadahay waayo waxay is-hayaan Itoobiya Al-Shabaab marka waa inay UWSLF utanaasushaa si ay Al-Shabaab ugu gacan banaanaato.

Wadaadka layiraahdo Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa waqti aan umaleynayo inay ahayd 1996 bilowgiisii wuxuu muxaadaro ka jeedinayey Masaajid Nairobi xaafada Islii ku yiiley. Muxaadarada Cinwaankeedu wuxuu ahaa “Walaaltinimada Islaamka” Sheikha ayaa wuxuu tusaale u soo qaatey sheeko Soomaali, wuxuuna yiri Sheydaan ayaa 3 Dameer soo rartay. Mid wuxuu kusoo raray Xan, midna xaasidnimo, midna Xaabo kadibna suuqa ayuu keeney si uu u iibiyo. Wuxuu yiri Xantii Dumar ayaa ka iibsadey, Xaasidnimadiina Wadaado, laakiin wuxuu yiri maxasuusto xaabadii ciduu ka iibiyey.

Haddii maanta UWSLF Itoobiya ugu gashey nacaybka Al-Shabaab waxaa runa in xaasidnimadii wadaad iibsadey waayo UWSLF waxaa hogaamiya wadaado.

Shaki iigama jiro in Melez Zanawi uu UWSLF ula heshiiyey inuu dagaalka uu Soomaaliya kawado u gacma banaanaado. Haduu Soomaaliya kasoo taqalusuna uu UWSLF qaarna layndoono qaarna xir xiri doono. Arintan Daliilkeeda meel fog lagama raadinayo tusaalena waxaa u ah Jamhadii ugu horaysay ee Itoobiya Heshiis, Hub, iyo Tababar lagarab istaagtay waxay ahayd Jamhadii SSDF ugu dambayntiina ayadaa kala cayrisay hogaamiyihii Jamhada C/llaahi Yusuf na 6 sano oo Xariga ayey galisay ilaa laga oran jiray jeelka ayaa dhinac ku qalalay. Waa ninkii ay Soomali ugu jeclaan jireen kuna Bur Buriyeen Soomaali. Maalintii dambana dibay ula heshiiyeen si ay Xamar ugu bur buriyaan markay taas ku fushadeena hadana Itoobiya waxay kamid ahayd qolyihii ugu horeeyey maalin cad cayriyey kuna kalifay inuu Qaxooti ku noqdo Yemen.

Daliilka 2 aad waa Cumar Xaaji Masale oo mar ahaan jiray Wasiirkii Gaashaan dhiga Soomaaliya waa tuu Melez Zanawi 1996 kula soo heshiiyey inuu Tir Tiro nimankii Al-Itaxaad la’oran jiray oo Markaas ku xoog badnaa Gobalka Gedo. Hal sano kama soo wareegin markuu Cumar Xaaji Masale Soomaaliya Itoobiya darteed uga cararay Saxaafadana kacaayayey Itoobiya asagoo leh waa cadaw dalkayagii qabsadey. Itoobiyana lahayd Cadawgeena 1 aad waa Cumar Xaaji Masale. Waxaan xasuustaa maalintuu Taangiga Itoobiya Gedo kuyimid waraysi uu Idaacada BBC da siiyey wixii Afkiisa kayeerayey oo ahaa Itoobiya Amaan iyo Maalintuu caynayey wixii Afkiisa kayeerayey. Qofkii labadaas maal mood isku dhagaystay wuu yaabi lahaa.

“Durba Umuli waxay iloowdaa Dihashadeedii(Xanuunkii foosha)!

Marka waxaan leenahay UWSLF Dillaal waxaad cunaysaan inta Shabaab Dunida joogaa. Jumladaan waxaa yiri Sayid Maxamed C/lle Xassan markii uu magaalada Iimay tagey asagoo u jawaabayey kuwo ku farxay jabkii Daraawiishta iyo Ina C/lle Xassan. Laakiin waxay ahayd  Dillaal waxaad cunaysaan intaan Dunida Joogaa” waxaana gabaygiisii kamid ahaa:

“Xargaheer udaadsane misana ciidda lagu duugey oo dooraweynoow kufrigu dul uga saysaamay markaan Dunida dhaafaa walee lagu dabaayaa”

Indha la’aanta UWSLF EE TAARIIKHIDA ITOOBIYA

Dadka ku taqaqusa maadada cilmi nafsiga (Psychology) waxay ku maah maahaan “Ignorant is part of the Mental Health Disorder” oo loola jeedo jahligu waa qayb kamida cudurada maskaxda ku dhaca.

Haddii maanta Qabriga laga soo toosin lahaa Axmed Ibnu Ibrahim (Axmed Guray), Sayid Maxamed Xassan,  Maxamed Cabdulle Xalane, Maqtal Daahir iyo Geesiyaal kale oo farabadan ku waas oo naftooda u huray inay Soomaali Galbeed maalin maalmaha kamida Calanka Soomaaliya kataagaan Ciidanka Soomaaliyana ku gaardiyo (qaarkood waaba sameeyeene) oo loo sheego in Soomaali Galbeed Itoobiya loo xalaaleeyey cida u xalaaleeysayna ay tahay wadaad aqrinaya Aayado Quraan ah iyo Xadiith toloow maxay oran lahaayeen.

Waxaa layiri Islaan Soomaaliyeed ayaa Ari ka lumay markaas bay waxay ku Ducaysatey “Illaahoow xero Wadaad ha iga galin” markaas baa laweydiiy sababta ay wadaadka uga cararayso markaas bay tiri “Qiil uu ku banaysto iyo Midi uu ku qasho midna ma waayi doono”

Maanta waxaan marqaati kanahay wadaad inta Dad iyo Dhul 200 oo sano kabada loo halgamayey anta bixiya ku doodaya Diintay ku banaantahay inaan bixiyo

Gabyaa Soomaaliyeed oo taariiqyahanadu dhahaan waxaa la oran jiray Muxumad qaarna dhahaan Raage Ugaas buu ahaa ayaa markuu Duqoobay tiriyey gabaygan

  • “Ushaan dhaabin mooyee Hubkii mayska wada dhiibay
  • Dhabo reero qaadeen miyaa laygu wada dhaafay
  • Ragaan dhaley Raguu dhaley miyaa dharabo(Cunto) ii diiday
  • Kuwii aniga ii dhaxay miyaa dhimashaday doonin
  • Dhuuniga I siiyaayey miyaan sidii dhalaan ooyey”

Maanta kuwii naladhashay miyaa dhimashadeen doonin. Gablan tala aduuneey maxay Galab heerjoogtey maxaase galaya Taariikhda.

Qadiyada Soomaali Galbeed Wadadii Eberka ku Dhamaatay.

Gabyaa Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jiray Cali Jaamac ayaa Dawladdii Kacaanku xirtay waxaana lagu xiray Xabsi la oranjiray Laanta Buuro oo magaalada Afgooye agteeda kuyaalay waxaana lagu eedeeyey inuu Itoobiya jaajuus u ahaa xiligaasna waxaa socday dagaalkii 1977 bilawday. Cali Jeelkii ayuu ku dhex rafaaday kadibna Gabay uu ku habaaray laanta Buuro ayuu tiriyey waxaana kamid ahaa

Balaaya Laanta Buuroow ku degtey Boosna kaa dhigatey Bilo markaan ku moogaado sideebay rag u bi’isay oo geed kuleel Boohin uga keentay”…

Cali jeelkii wuu ka baxay jaajuusna muu ahayn ee waxaa layari qolo xumaynaysay ayaa ku dacweeyey ugu dambayntiina waxaa dilay Itoobiya iy Jamhadihii ay soo hubayn jirtay. Habaarkiina Laanta Buuro wuu lahelay oo maanta laanta Buuro waxay noqotay meel balaayo degtay cidna laguma xiro.

Haatan qadiyada Soomaali Galbeedey xanuun iyo Uurku taalo aan dhammaan badnidaa maxaa dartaa Geesiyo hooyo korisay ciida u galay, imisaase Soomaali kugu riyootay inay Maalin Maalmaha kamida gacanta kugu soo celiyaan. Mawuxuuse masiirkaagii noqday in maanta Daliil Quraan la doonayo in lagugu qaato.

Waxaan kuleeyahay sidaad u indha xuntahay uma Alle li’id Geesiyaalkii kugu riyoon jirayna wali Aduunka kama dhamaan intay Nololi jirtana rajo madhamaato.

Taariikh laguma hayo Ummad inta gumaysi gacanti gashey oo halgantay oo Dabar go’day laakiin waa lahayaa Ummad inta Gumaysi gacanti gashey kadibna isdhiibtay Dabar go’ ka dhaxashey. Tusaale waxaa ahaa Native Indian American iyo Black American. Native Indian American waxay ahaayeen Dadkii America caddaanku ugu yimaadeen kadibna inta  xasuuqeen qabsadeen ugu dambayntiina isdhiibay. Black Americana waxay ahaayeen Dadkii Addoonsiga looga keenay Africa. Black Americankii isma wada dhiibin ee halgan bay galeen. Natiijadii labadan qolo waxay kala noqotay in Black American yihiin Dad America ku leh Miisaan siyaasadeed, mid dhaqaale, halka Indian American noqdeen kuwo dariiqyada ku hoyda oo Daroogo baa bi’say. Soomaali Galbeed lafteedu waa tusaale marka lafiiriyo waqtiga ay gacanta Gumaysiga ku jiraan iyo sida ay wali uyihiin Dad Soomaalinimadoodii iyo Diintoodii u badbaadiyeen. Laakiin Heshiiskanu wuxuu horseedi karaa Dabar go’ aan laga kaban hadaan hadda inta goori goor tahay laga hortagin

Ugu dambayntii Akhristoow markaan leeyahay wadaado ulama jeedo inaan aflagaadeeyo Culimada Soomaaliyeed. Culimadu ixtiraam ayaan uhayaa laakiin waxaan ula jeedaa kuwa Bixinta Soomaali Galbeed Qiilka u raadshey.

Gaba gabadii heshiiska UWSLF lagashey Ethiopia dhibka uu keeni doono umalayn mayo inuu qofna hadal uu jeediyey uu kusoo koobi kara ama Qalin ku dhamayn karo laakiin aniga Faraskaygii halkaan buu fariistay.

Yasin Cabdi Jaamac (Yaasiin Garaad)
gara0022@gmail.com

LINK: https://somalitalk.com/tag/uwslf/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

23 Jawaabood " UWSLF “Dillaal waxaad cunaysaan intaan Dunida Joogaa” | Qore: Yaasiin Garaad "

  1. Ahmed-mpls says:

    Yaasin (Cali), horta waan ku salaamay Cali. Salaan kadib. Qoraalkaaga wax badan baa ka ah run, laakinse arinta ku saabsan hisheeska soo lama dhihikaro Diinta islaamka wuu waa faqsanyahay. Waxaan arkey wadaado uu ku jiro sheikh Umal, sheikh C/raxmaan Cuman iyo kuwa kale oo qoraal ay soo saareen ku sheegey heshiishkaan inuu waa faqsanyahay Diinta Islaamka. Arintaas ma xaad ka leedahay Yaasiinow?

  2. cali says:

    angiu horta qoraaga wax qoray waxbyaabo badan baan ka saluugsanahay ,,waxoo yiri alshabaab waxba kama garanayo oo cilmi uma lihi nimankaas hadana wuxuu leeyahay UWSLF waxay heshiiska u gashay alshabaab daradeed !!!! hadaa kuu sheegay waxay isku haysteen iyo xiriirkooda !!!! mar hadaad tidhi waxba kama garanayo alshabab ,,,anigu meeshan waxan ka fahmay inay iska tahay caadifaad keybourdka lagaga san qadhinayo ,,,,aan u kaadino wixii dhaca ,,,,allana waxan uga baryaynaa walaheena somali galbeed guul iyo xoriyad

  3. muse says:

    walaalka qoray wuxu hadalkiisu kusoo gaba gabeeyay inay uwslf heshiiska ugashay xaasidnimo ay uqabto Alshabaab,. halkaana waxaa ka muuqata inaad dhinac ujanjeerto caadifadna kaatahay,.
    marka waxaad ubaahantahay tariikh dheeri ah gobolkaas kusaabsan,. Xageesa jirtay 20 kii sanay dagaalka kujireen mise hadaad hurdo kasoo kacday.

  4. Maxamed says:

    Sh. Ibrahim Dheere qiil ma looga dhigi karaa waa lugu khasbay heshiiskan isdhiibida ah…jawaabta waa MAYA…haduu ku daalay halgankii iyo mabd’ii uu u tagnaa waxaa fiicnaan lahayd inuu iskaga baxo halganka ileen waa bini aadan…Laakiin inuu ummad dhan masiirkeeda qaado oo uu isdhiibo is dhiibidii ugu darneyd uu hadana idaacadaha ka sheego inuu ku faraxsanyahay inay yihiin shacab eithiopia ah taasi waa khalad weyn oo laga galay ummada soomaaliyeed…taasna wuxuu ku darsaday inuu yiraahdo dulinimadan uu saxiixay diintaa ogol…

    jabka maaha in lagaa adkaado shalay, maanta iyo barito…jabka waa marka aad mabda’aagii ka tanaasushid…

  5. isha says:

    asc.

    Salaanta islamka ka dib Waxay mahadi usugnaahay Allah SC kaliya waxase maanta xurmad iga mudan qoraaga qoraalkan, waxa laga yaabi laha hadan qoraalkan bilo kahor aqrinlahaa inaan sida ninkan isku sheegaya Wadaad yare aan u hadli lahaa maxaa yeelay waxan si toos ah u taageersanaa amaba uga mid ahaa nimanka iyaga ah ee maqaalku sida tooska ah u quseeyo.
    waxayaabaha uu walaalkay wadad yare ka dhawajiyayna waxay ka mid ahaayeen qaabkii naloo hawlgalin jiray sida inaan qofwalba Caamo ku sheegno oo fikirkale aaminsan, inaan lacag agoon uruurino agoontaas oo aanan aniga iyo kuwa kale ii ila hawlgala aanan waligeen arag laakiin aan ilaa maanta oo aan xaroonay walow aniga iyo ragkaleba aan tageeradi la noqonay la uruurinayo,iyo ta ugu muhiimsan oo ah inaan mustamaca soomaaliyeed ka dhaadhicino nimanka la yiraahdo ONLF inay yihiin niman qabiil ah oo islaanimada ka fog.
    gabagabadii hadalkan malagii galay waxan odhan lahaa Wadad yare iyo kuwa kale ee hawshii gumaysi u adeega ahayd sii wada inagu ma nihin ilaahayna wuu inga nahyiyay inaan diinta islaamka ka been sheegno inagoo dano inaga inoo qaas ah ku fushanayna, dadka ashahadanayan aan ku sheegno ahsahaado la diri Ilaahay waa kiin dambi dhaafa ee aan dambigaan umada ka ganay aan ka towbadkeeno kana shaqayno sidaan umadan muslimiinta ah ugu gargaari lahayn waana waajib ina wada saaran Ilaahayoow inaga iyo walaalahaba dambi dhaaf baan kuu waydiiyay.

  6. wadaad yare says:

    Jabhaddu iyadaa dagaalka ku jirtey iyadaana hadda u aragtey ineysan wax dan ugu jirin. Waa ra,yi lagu kala duwanaan karo qiimeynta waxa dani ku jirto iyo waxaan dani ku jirin. Ninka u arka in dagaalku xal yahey isagoon cidna caayin waxaa laga rabaa inuu dagaalka isagu wado maadaama jabhaddu daashey kaalinta isaga iyo intii kalee ku fikrad ah ha buuxiyeen. Laakiin inta London iyo meelo qabow la iska fariisto oo kombuyuutar la fariisto dow maahan in dad soo murxey oo daba yaaqo ah oo dani heshiiska ku qasabtey in la canaanto.
    Nin carab ah oo cadawgiisi u xir xiran ayaa la canaantey markaasuu yiri:
    Laa taluumaanii kafallowma maa biyaa!
    War eeda iga daaya tan i heysataa eed iigu filane!

    Hargeysey ku nabad geli waayeen,Boosaasaan lagu amaan heleyn. Kuwii af duubtey oo diinta sheegtey baa yiri murtadiin iyo onlf baan Kismaayo ka ceyriney!

    Markaasuu ninka maqaalka qorey iskaga diganayaa rag toodu heysato oo garab la,aani baqtiga cunitaankiisa ku jarribtey!

    Waddaniyaddu meel ay ka ambo qaado ayey u baahantahey ee kooxdaas yar oo wadaadadaa ayuu qoraagu doonayey culeyska Hargeysa,Muqdisho,Bosaso iyo Kismayo qaadi waayeen iney kaligood qaadaan?
    Wadaniyad cadaalad iyo daacadnimo iyo run ku dhisan baa loo baahanyahey ee mid malo awaal ah oo ninkii dulmanaa lasii dulminayo hore u mar laguma gaarayo.

  7. muawaadin says:

    salaan qaalia kadib walaal aad yaad umahadsan tahay waxaan kudhi lahaa halkaas kaga siiwad maqaal kawanaagsan ee aad qor tay mahad sanid yaasiin walaal kiis inaad fikir kaaga wanaagsan soo ban dhig to sa ay dad ku uga faa iidays taan waa mid lagu farxo

  8. wadaad yare says:

    Maqaalka waan aqriyey, aragtida aqristayaashana waan aqriyey. Qoraaga maqaalka waxaa ka muuqata caadifad wadaninimo aad oo burqaneysa iyo aftahanimo dheeri ah,laakiin waxaan qabaa in xog badani ku seegantahey sida wax yihiin. Laga yaabee in da,duna qeyb ka tahey mushkilada.

    Sidaas buu maalin hebla yiri, ee muxuu sidaan hadda u leeyahey? Maahan arrin qof cilmi iyo aqoon u saaxiib ah ku haboon inuu ku doodo. Duruufaha is badalkooda waxey keenayaan axkaamta is badalkeeda. Wax static ah oo hal meel iska taagnaanaya jamaadaatka aan naftu ku jirin ayaa ka jira,iyagana cawaamil naftooda ka baxsan ayaa wax ka badasha sida dabeysha,biyaha iyo gacan kale oo noole oo Aadane ama noole kale!

    Qur,aanka oo kalaamkii Allaa ayaad arkeysaa marna isagoo ahlul kitaabka si dabacsan oo soo dhaweyn leh ula hadlaya, mar kalena isagoo si daran u weeraraya! Likulli maqaamin maqaal!

    Haddaba xamaasada maran oon macnaha laheyn intaan u kaadino oon kasoo dhaadhacno dabaqyada foolka maroodi ka sameysan, ma qiimeynaa waaqica dhabtaa ee dalka iyo degaanka ka jira aan ka hadleyno?

    Qoraaga maqaalka kama muuqato wax dhaafsiisan aftahanimo oo aragti siyaasadeed oo bisil ah inuu hayo.

    Haddey intaan soo daayaan somalitalk ayaan ishaari doonaa sababta aan hadalkaas kulul ugu iri qoraaga. Haddii kalena waxaan ogaanayaa in meesha propagando hal dhinac u socota lagu hayo,markaasna juhdigeyga waan dhaqaaleysanayaa.

  9. muwaadin says:

    asc salaan qaaliya kadib dhamaan asxaab ta waan salaamihayaa,salaan gud kadib waxaan sigaar ah usalaami hayaa walaal kay ga qaali ga ah ee aa nan amaan tiisa halkan kusoo kobi karin qore yaasiin,ee maqaal kan qoray waxaan mar ka hore kulee yahay mabruuk alfa alafa mabruuk,maqaalka aad qor tay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay in wax yaabaha waaqici ga ah la qoro,waa mid aad muhiim u ah si dad ku ay u ogaa daan wax yaabaha kajira hada caalam ka gaar ahaan meesha uu quseeyo maqaal ku ee ah in nin man kaasi ay sheshiis galeen sida ay shee ganb hayaa, nin wax garan haya ee akhris ta maqaalkana waxaan aaminsa nahay inuu ogaan waxa ay xaqii qadu tahay waa hadii uunan is in dha ti ray nin, walaal waa sidaad u sheeg tay waa is ka cad yahay war ku waa nad ku mahad san tahay dadaal ka dheer ee ku bixi say maqaal ka, waxaa nan kaa jarayn hay naa inaad kuwaas iyo kowo lamid ah sii wado, kana caji sin mar na,walaal waxaan hadal kayga kusoo koobayaa aad baad mar labaad umahad san tahay,

  10. Geelbeele says:

    Yaasiin waa aad ku jmahadsantahay sida qiimaha badan ee aad uqaadaa dhigtey maqaalkaaga

    waxaan se sugeyney in ururkii aad katirsaneyd ee USD uu wax kaqoro oo teamkii somalinima lagu ogaa aad wada jir usooqortaan.
    anigu waa aan ogaa inteena qurbaha joogta in ay USD ay noqdeen horyaalka somalida
    Abdullahi Yusuf meel ayaad saarteen
    Shiikh Shariifna sidoo kale
    Hadana waxaan moodaa Shiikh Ibrahim Dhere
    wada hawsha inta laga helayo cid lataageero oo soomali ah
    guuleysta

  11. muhaajir says:

    Yaasiin wuxuu ka mid yahay dadka ay Soomaalinimadu aad ugu wayntahay waxaanna u aqaana si shakhsi ah anigoon u ammanay qaraabo ama qabiil toona maadaama aynan naga dhexayn taasi balse wax ka wayn naga dhexeeyaa ee ah Soomaalinimada. Waxaan rejaynayaa inay dhalinyarada Soomaalidu ku daysan doonaan kuwooda waddaniyaddu ku wayntahay haddana ku daray dadaal ah inay horumariyaan aqoontooda si ay u anfacaan dadkooda iyo dalkooda. Waxbarta oo wax aqrista si aad u garan kartaan waxyaabaha caalamka ka socda iyo hababka maantay laysku khiyaamaynayo ee dadkeena lagu kala iibsado.
    Ilaahay nabad hanooga dhigo dalkeena cadawga gudaha iyo kan dibadabana hanaga qabto.

  12. Abdalla says:

    Yaasiin aad buu umahadsan yahay sida uu taagtiisa ucadeeyay mawqifka ay qaateen UWSLF waxa uuna dul dhigay daliillo cad cad,laakiin qoraalkiisa waxaan kareebi lahaa inta dayrada ee dadka Soomaali Galbeed uu udayriyay in isdhiibka nimankani uu saamayn.Waayo nimankani laga 15 kii sano ee ugu dambaysay way walhanayeen,marnabana hawadoodu meel bay la aadaysay,waxaana anigu shakhsiyay qabaa isdhiibkoodu in uuna ahayn hadda ee uu ahaa 1999 kii.
    Dadka Soomaali Galbeed (Ogaadeenya) waxa ay leeyihiin awood ciidan oo uhalgamaysa,cid wiswis hayana waa hore ayay warkooda meel iska dhigeen,marka kolka mid wadaad sheeganay6a oo meel wax ka jiraan aan garanaynin dhinac ha u duuf-laalo umaddu waa mid cadawgooduna waa mid hogaankooduna waa Jabhadda ONLF.

    wabillaahi tawfiiq

  13. Qadar says:

    Yaasiin Garaad, waxaad tahay nin dhalanyaro ah oo aad ooga horeeya da’ada aad ku jiro,ciqliga, maskaxda iyo cilmiba illahayna ha ku saa’ido, dhallinyarada soomaaliyeed ee maanta joogta aad ayey u yar tahay inta garanaysa waxa ay yahay wadaniyadu.waxaan ku leeyahay ha ka daalin waligii wadaniyada iyo soomaalinimada.
    waxaan jeclaan inaan wax yar u sheego Abdirizaq, waxaa wanaagsan haddii aad aragto qof wax wanaagsan sameeynayaa inaad ku gubaabiso wanaaga uu sameeynayo, laakiinkiin waxaad u egtahay kuwa jaahilihiinta ah ee qabiilku dilooday,soomaalinimadoodii iyo dalkood iyo diintoodiiba u hibeeya Malaza Sanaawi,kuna raaligalinayaa dhiiga walaalkood. ma illowday Tigrey dhibaatada u soo marey,ma illowday inay ahaayeen ku loo qaaday “WE ARE THE WORLD 1984”,maantana waa kan ku taliya, insha allah inta qalbiga wanaagsan ee soomaaliyeed iyo ummadda reer ogaadeeniya way gaaridoonan maalin uun waxa ay u dagaalamayaan “OGAADEENIYA WAY XOROOBI”

  14. rabaax says:

    asc dhamaan walaalaha salaan kadib waxaan leeyahay walaalkay yaasiin aad ayuu u mahadsanyahay waana wiil da yar oo taariikhda aad ula socda waxaadna ku garankartaa siduu wax uqoray siduu taariikhda u soo uruuriyay waxaa kaloo u dheer sida cadaalada ah ee xaqiiqda u cadeeyay waana mid looga baahanyahay umada soomaliyeed waxaan leeyahay ale haa guuleeyo ruux walba oo xaqiiqda sheega oo u horgalyahay walaal yaasiin

  15. KhayreOne says:

    I would like to thank the writer; this is one best article I ever read regarding Ethiopia’s deep hatred toward the Somali people. I like the fact the writer cited his references to support his writing and acknowledged them superbly.

    Ethiopia will never be a friend and those of us who believe the otherwise are misguided and ignorant as UWSLF leaders and their members.

  16. muraad says:

    Asalamu alikum
    Marka hore waxaan u mahadcelinayaa qoraaga maqaalkan soo qoray oo aan leeyahay Alalah haku barakeeyo dintana hakugu sugo..aamiin

    waxaa meesha ka cad in ay culimadeenu aysan lahayn aragti dher oo kusaabsan siyaasada sharciga ah iyo meesha uu caalamku kusocdo..haday taas lahaan lahaayeen waxaa shaki la’aan ah inaysan sidaan oo kale aysan wax usoo saareen..

    Sidoo kale waxaa cad inaan taariikhda waxna laga darsaasayn kaliya aan siirada akhrrino RAXIIQA laqbayno lakiin wax macno iyo duruus ahna aan umada uga soo saarin..waayo taariikhda Muslimiinta waxaan oo kale iyo wax kadaran waa ay soo mareen sidaana loogu kala baxay marka hadii aan atariikhda naqaano kana faa’iidaysanay sidaan oo kale wax uma dhigneen.

    Sidoo kale waxa naga buuxa TACASUB qabiil iyo mid XARAKOBA oo waxaan iskala waynahay inaan xaqa raacno walow uu Allaah xaqa ku cadeeyo gacanta dhalinyaro aan cilmi badna lahayn!!!

    Aniga waxa ay ila tahay maqaalka waxa uu xambaarsanyaahy taariikh yar oo kooban oo qofkii wax fahmaya uu wax kufahmayo laakiin waxa shardi ah inuusan maqaalka ku akhrin IL XAASIDNIMO oo ay ka buuxdo qabiil iyo tacasub xarakanimo.

    Waxaan Allaah ka baryaynaa inuu nagu sugo xaqa diintana nafanasiiyo tacasubkana naga fogeyo amiin aamiin

  17. xoreeye says:

    asc meesha aad yaasiin qooraansatay waa mid ka daahan kuwo badan oo isku tilmaama hogaamiyaal laakiin ogow waa sidaas aad sheegtay oo ragbay wali tabaysaa haday soo tircin hayaan kuwa isdhiibayna kuwo ka horeeyay ayaa jira ingiriisku waxay dhahaan taariikhda ayaa macalin ah hadii aadan barana adigama way kusoo martaa markaas waxaan u arkaa in ayna barana taariikhdii ayna ahaayeen rag faraha lagalay hawl ayna ehelkeeda ahayn hadana wadi waayay miciina biday xaasidnimi iyo xumaan. aadanaha oo dhan ayaa saas ah oo markii xaqa la raadin kuwo kaleexda jidka toolmoon lama waayo kuwo adkaysan waayana lama waa sida aad adigaba qoraalkaaga ku cadaysay laakiim xoogda isdhiibtay umada masiirkeeda kuwa leexin kara ma aha hadii ay qiil dayaan iyo hadii ay wax ayna ahayn sheegtaanba. adiguna aad baad ugu mahadsantahay qoraalka aad soo ban dhigtay ee ay ku dheehantahay xogta iyo aqoontu kuwo kale oo kuwan oo kale ahna waanu kaa sugaynaa hadii allaah ku solonsiiyo

  18. abdirisaq says:

    Walaal yaasiin waxan marka hore ku leeyahay ilahay haku dhawro oo guul haku siiyo.
    Wiil dhallin yar oo aad u garaad sarreya aqoonna leh aftahanna ah ayaad tahay.intaas markaan leeyahay waa qalnbigayga siduu aaminsanyahay ee yeyesan cujbi ku gelin iyo gharuur.wafoqa kulli thii cilmin caliim.
    Allaha kugu anfao cilmigaaga iyo caqligaaga wanaagsaniyo xikamddaada allahana kusii siyaadiyo.
    Midda kale waxaan aad kugula talinayaa noocaada oo kale waa hogaamiye wanaagsan .markaa si aad u anfacdo umadda walaal bal Diinta aad u baro waaba kaa arkaa inaad aqoon u leedahay haddaba laakiin aad ugu xeel dheeroow.
    Midda labaad taariikhda ayaad ku fiicantahay ee caalamka taariikhdiisa iyo soobixitaankii xadaaradaha caalamka iyo burburkoodi iyo sabaihi mid walba keenay dul istaag midmid.lahga soo billaabo kuwi shiinaha ,hindiya,romankii giriiggii ,islaamkii,dgaalladi kala duwaana ee caalamka ka dhacay .
    sidoo kale siyaasadaha hadda casriga ah iyo dunidu sida ay isugu silsillaysantahay oo surimo yar oo dusmo ah in la mario maro ma ahee aan la siaga ordi karin meel walba.
    waxaan kaa codsanayaa sidoo kale cilmiga dhaqaalaha inaad wax ka barato.saddexdaan maaddo mid waa jiritaankaagi oo dhan waa diinta.midna waa waayo aragnimo lagu tusaale qaato sidi dhibaatooyin badan oo caalmka ah ay udheceen iyo sidi looga gudbay oo lagu furdaamiyey ayaad ka barataa.siyaasadda casriga ahna sida caalmku isu raac raacsanyahay waxa ka shaqaynaya waxa aan shaqaynayn dhibka jira midka muuqda iyo midka qarsoon iyo xalka suurto galka ah ayaa ka dhex arkaysaa.markaa bal anigu adiga ahaan waxaa kuu soo gudbin lahaa taladaas walaalnimo.
    Ninki awr laantu ku dhacday ee qaalinka yar rartey markuu aad ugu cabaaday waa tuu ku yiri adna waa gartaa oo geeli baa kaa tegey anna waa gartey oo gaadiid baan ku biday.
    Hadalka xikamdda badan ee taariikhda leh ee guubaabada waddaninimo iyo islaannimoba leh ee tusaalaha wixi horey u dhacay ee goob jooga aad u ahayd leh waa gar waana aragnaa.laakiin sidi dhibka aad sheegtey looga bixi lahaa danta naga maqanna aan ku gaari lahayn cilmi iyo dhiraandhirin dheer iyo xeelado badan sida xisaabta formulada marka la dhiraandhirinayoi hadba tillabo tallabo loogu beddelo ilaa meeshi ugu dambeyeysey ee la rabay ay kusoo fariisato. wwad ogtahay dadka ku nool dhulka dhagaxa adag ah marka ay ceel qodayaan sallax ama dhadhaab haddi uu ceelki isku gudbo farweyntuna kasoo noqoto ama kari weydo waa laga noqdaa oo taayir baabur oo duug ah baa lagu shidaa dhawr habeen kaddibna biyo aad u qabow ayaa lagu shubaa dhagaxii intaas oo malin garweyn lagu kari waayay asagaa keligii ayaa iska qarxa oo dhambalama markaasaa la sii burburiyaa oo laga gudbaa.bal ogow haddi sidi hore ee ceelka loo qodayay hallugu wado yaan la joojin la dhihi lahaa qalab iyo rag midna ma dhaqnaadeen iyo waqti sallaxuna meeshiisa ayuu joogi lahaa.
    Walaal marka walaalaheen wqxan anigu u arkaa naf iyo maal iyo caqli iyo xeelad inti ay lahayeen waa hureen.Marki ay dagaalka gelayeenna nin annagaan meesha ka hadlayna ah oo shilin siiyey ama dagaalka hal maalinna kusoo booqday ama la galay ma jirin inaan gaalo iyo munaafiqiin la dhihi karin mutadawacnimo ninkii asagu dagaal uu ku dhimanayo ku dhaawacmayo wanted ku noqonayo oo addunka dhan meesh ilagu arkaba la qabanayi ninki asagoon dawlad qoratey oo u dirsatey iyo qabiilo dirtey midna jirin asagu u istaagey intaas oo sano halaq iyo abeeso mugdi iyo roob duur iyo cidlo ,harraad iyo gaajo , jirro iyo duur jiif u sabrayay intaas oo sano ma aha inaan ku degdegno.waxa weeyey inaan u cudur daarno oo ceebtooda asturno oo u duceyno una kaalmeyno talo iyo nasiixa qabow iyo kayr miirid waxaan ahaynna aanan ula tegin.
    Arrinta dalakna dee bal xisaab ahaan aan u qiimaynno hawshaan maxaa hortaagan maxaana dadka somaliyeed heli karaan oo haystaan maanta.meeqa aya ku qaadana kartaa inay guul ka gaari karaan in kastaoo alah leeyahay guusha.intaas markaan eegno aan miisaanno wixi dagaal dhacay min 64 ilaa maanta wixi qarasha baxay wixi wiil dhintey iyo wixi horumar ahaa oo la gaarey.
    Shacbiyadda halganku ku leeyahy gudaha dalka darenka iyo aqoonta dadka loo halgamayo.markaa aan is barbardhig xisaabeed ku sameyno kee baa noo sahlan inaan hadda nabadda qaadanno iyo inaan sideenna kusii soconno.

  19. Faarax says:

    Yaasiin Garaadow waa walaal Allah dartiis kuu jecel waxaan markhaati ka ahay waan soo ma nahaye in aad wadani tahay, Rag kala tag, Ibbi waan ogayn hadalkiisii ahaa yaan la guursan ragga cadowga keenay gabdhahooda, laba Nin oo dhalinyaradaa oo dhiig ma lahan isku feertay ayaan ogaa oo ilkaha iska riday Cumar Xaashi malaha daawatay Vedio kii uu amxaarada ku caayaye iyo C/laahi saraakiil itoobiyaan ah iyo asagaana meel lagu wada qarxiyey, Xasan Jamici iyo Shaafi aragtay, U qiil dayidii Sharif Khudbadiisii iyo Sheikh C/raxman Shaahid baad ka ahayd, Sheikh Ibraahim oo Siyaad barre gaalaysiiyey afkii amaxaaradana qaatay kii Soomaliga caayey goob joog baad u tahay, Nina Qabyaalad ayey ka tahay Nina waa Nin Qadiyad leh sida Bahda SomalITalk.com iyo Adigoo tusaale ah , wiil geel shubayaa yiri Helayaa Nina Dhalashuu Kuugu Dhiisiyey Nina Dhuunuu Kuugu Soo Dhacay. Bal dib u dhagayso hana ooyin Khudbadii Raisalwasaare C/risaaq xaaji Xuseen Part 1 waxaad moodaa walaahi in uu Ibbi qalbigiisa ku jiray tolow ma wajigiisuu ka akhristay Qabyaalada iyo qadiyad xumada, waa khudbad taariikhiya amaanteenada idinkaa leh, waa cudur indheer garad tilmaamayo waayo arag ah, Daawadii naloo sheeg, Yaasiin Halyeey Isma badalow ilaahay kuma badalo Qayad ayaad leedahay. Ogow walaal Ayaaman Waa Maalmo waa la Doogine yaan la dacaroobin, Guusha Muslimiinta ayaa iska leh sidaas niyada u sheeg

    Walaal allah dartiis kuu jecel

  20. Maqaalku wuu dheer yahay,xig-madiisuna mayara waxaana iiga muuqata falsafad aad usaraysa oo xagga qoraalka ah iyo sheekooyinka kudhexjira oo runtii waaqiciga taabanaya.waana maqaal runtii,wakhti badan qofka kaga qaadi kara laakiin hadday udhamayso goor uu dhameeyeyba ogaan maayo.

    intaan akhriska kujiray marna waan dhoola caddeeyaa,oo waxaan layaabaa sheekooyinka qaarkood,marna anigoo akhriska wada ayaan xusuus dheer galaa,marna waxaa iisawirma wuxuu kahadlayo,markaa waa qoraalku aadbuu umiisaan weyn yahay,runta wuu kasheegay,oo maahan in ay qolyahan masiirka ummadda sidaa ugu ciyaaraan.insha allaah siduu gabagabada maqaalka soomaali galbeed dhulkeeeda uma la’a alle usoo dhiciya,wayna joogaan geesiyaan sabanada dhow soo bixi doona.

  21. omar says:

    yaasiin waxaan dhihi lahaa waxaad qortay hadal badan, laakiin qarankii soomaaliyeed aaway!ko hadii kuwii xorta ahaa ay garan la yihiin qiimaha xoriyada oo aad kamid tahay adigu,waa khalad inaad cidkale ku diintaa.

  22. Hassein says:

    Ilaahay baa Mahad leh, Nabi Muxamedna NNKHA. Waxaan kaloo u mahad celinayaa walaal Yaasiin Garaad iyo qoraalkiisa xigmadda badan ee kor ku xar dhan. Waxaanse doonayaa inaan u jawaabo Abdirisaq oo soo dhaweeyey asaga heshiiska isla markaana ka hor yimid Fikradda Yaasiin taasna waxaan ka leeyahay walaal Abdirisaq Itoobiya waa Itoobiyadeedii iyo mid ka sii daran oo ah Melez iyo qoladiisa waana qoladii ku duushay kacbada Aakhir Zaminka bur burin doona kacbada sida Axaadiithta Rasuulkeenna SWC uu ku sheegay markaa Abdirisaq Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (dhurwaa nin aan aqoon baa hilbo ku rarta) Tigreegu sababta Soomaalida u soo dhawaysanayaan waa aad kursiga Itoobiya ku sii fadhidaan ee ma ahan jecayl ay Soomaalida jecel yihiin. Soomaalidu waxay ku heesaysay waqtigii 77kii (Axdi malaha amxaaradu lagu aaminaaye) Markaa ma maanta oo ay soomaali reer reer iyo tuulo tuulo qunsuliyado iyo safaarado u joogaan bay Soomaali axsaan u haysaa?

  23. abdirisaq says:

    Yaasinoow dadka xornimada loo doonayaa horta waxa habboon inay xornimada qiimaheeda yaqannan.kuwa sharci hallagu xukumo la leeyahayna waa inay marka hore sharecada aqoon u leeyihiin si ay ugu qancaan xukunka una ogooladaan.
    Somaliya laba gobol oo inta somali degto ka mid ah ayaa xornimo la siiyey waaana isku darsameen bal waxaad fiirisaa waxay labadi gobol kala muteen. meeshay ku dambeeyeen.iyo maanta meesha ay u socdaan ma xornimo inay sii haystaan mise gumaysi ay gacmahooda ku keensadeen ayay qarka u saaranyihiin inay galaan.
    yaasiin waa xaqiiq aan la inkiri karin inay gumaysi ay ayagu cagahooda ku doonteen ayaga oo ninba wallakiis iska riixayo ay qarka u saaranyihiin inay galan anigu goorma aya dhacaysaan umbaan leeyahay ma ahee laakiin sida hadda ay kusii socdaan shaki marna iigama jiro arrintaas laasaamaxalaah.
    Dadka somaliyeed waa dad aan aqoon badan cilmi diin iyo mid maadi ahba u lahayn.waa dad aan dawladnimo iyo maamul baran intooda badan nasiibna u yeelan inay dhaxlaan oo dad kale ka fiirsadaan.saa dawlad islaam ahna masoo qabsan ooweligood ma maaulin mid gaalo oo aqoon fiican ku maamushana ma helin laaluush iyo baqshiish iyo wax isdaba marin iyo qabyaald ayaa lagu soo maamulay ilaa la yiri iga qabta geeska dibiga.
    Markaan usoo noqdo dadka somali galbeed ama ogadenya.waa dad shacab ah oo masakin ah oo aan lahayn isku duubni iyo dhisnaan sida qoomiyadda loo yaqaan tamiilka oo kale.amana haystaan ilbaxnimo iyo dhaqaale dadkoodu ma laha waxbarasho sidaas u baadan ma laha saxiibbo caalmka iyo deriska midna.halki saxiib oo ay lahayeen waa ka dhintey waa dawladdii somaliyaa waa agoontoobeen.
    waxa dusha ka haysta dawlad aad uga xoog badan haysata caalamka dhan taageeradiisa qawl iyo ficilba lala garab taaganyahay.dhaqaale iyo ciidanba intey doonto heli karta.
    Marka xisaabta la isku celceliyo mid istiraatiijiyo ciidan iyo mid siyaasadeedba misaanku dhinaca kale ayuu u fooraraa.
    Haddi sidaan ay ku socdaan oo xabbad un duurka la galaan waxay noqonayaan mid duurka jooga iyo mid loo direy mid waxbarashadi seegtey iyo mid cudur dilooday waxa loo arkayaa dad cadaw ku ah dalki ay ka tirsanayen wana laxaqiiri oo dadka laga takoorayaa taas oo hoos usii ridaysa noloshooda horumarkooda iyo waxbarashadooda intaba.maalinba meel ayay joogtaa arrintuye marka qoomiyadaha kale furfurnaanta yare timid ka faaideystaan oo dhaqaale ahaan ciidan ahaan iyo aqoon ahaanba is dhisaan ayaguna mid xabadu hesho iyo mid kale oo ku ridaaya laga dhgi anigaan ayaa video ku daawaday niman somali ah oo la laayay nian kale oo somali ahna dhanato ku dul tumanayaan.oo kuwaas maalinkaas dagaalka ku gacan roonaday isu arkaan guushi addunka inay gareen.
    Fadlan Somaliyada weyn aya u baahan in hadda la baro xornimada iyo dawladnimada iyo diinta intaba oo aan lagula degdegin xukn adiguna kuwaas gacanta ku jira ayad leedahay halla xoreyo halla xoreeyo ee xagege loo xoreyn ma inay qabiil qabiil isu qabsadaan mise inay diin baan idinku xukumaynaa la yiraa ayaguna shilamad qaataan oo la isku laayo mise inay qoloba tuulo meegaarato sida hadda na haysta oo shisheeye la hoos gasho.
    Fadlan ha iska qsaarin waddaniyada iyo jacaylkaaga aadka u macaan .arrinta waaqaca ah waxa weeye dadkaanu hadda diyaar ma aha ee bal wax ha bartaan dhaqaale ha abuurtaan jiilki hoggamin lahaa wax ha u bartaan ciidan ha dhistaan markaas ayay miiska wadahadalka fariisan karaan hadday wax helaanna maamulan karaan.