Home » Warar »

Doorashada guud ee Iswiidhan iyo kaalinta musharaxiinta soomaaliyeed


Waxaa 19-ka bisha sebtember 2010, guud ahaan wadanka Iswiidhan ka dhici doona doorashadii qaranka.Doorashadaas waxaa la qabtaa afartii sanoba mar. Wadanka Iswiidhan waxaa taladiisa inta badan qaban jirey xisbiga shaqaalaha ( Social demokraterna). Balse afartii sano ee ugu dameeyey waxaa talada dalka hayey afar xisbi oo ah xisbiyada garabka midig. Xisbiyadaas talada dalka haya ayaa si wadajir ah usoo bandhigay qorshahooda siyaasadeed ee ay ku doonayaan in siyaasada dalka marlabaad loo doorto. Xisbiyada garabka bidix ee uu xisbiga shaqaaluhu ugu weyn yahay ayaa iyaguna samaystay isbahaysi ay kaga hortegayaan kuwa talada haya. Xisbiyada garabka bidix ayaa ka kooban saddex xisbi oo midoobey.

Waxaa loo tartamayaa saddex gole oo kala duwan, Golayaashaas oo kala ah: Golaha baarlamaanka, Golaha gobolka iyo golaha deegaanka ama degmada.

Sawirka:  waa hogaamiyaasha afarta xisbi ee garabka bidix)

Haddaba waxaa si xawli ah ku socda ololihii doorashada, iyadoo uu xisbi walbaa soo bandhigaayo waxyaalaha uu shicibka u qabanaayo haddii isaga la doorto. Saadaasha ku wajahan guusha ay xisbiyadu gaari karaan ayaa ah mid aad isugu dhow taas oo keentay iney aad u adkaato in la sii qiyaaso qolada hogaanka dowlada dalka sweden ku guuleysan doonta.

Kaalinta musharaxiinta soomaaliyeed

Waxaa jira musharaxiin badan oo soomaali ah oo u tartamaaya golayaasha kala duwan ee xildhibaanada loo dooranaayo. Musharaxiintaasi waxaa ay matalayaan xisbiyada kala duwan ee doorashada ka qayb qaadanaaya. Haddaba waxaa aan fursad u helay inaan wareysi la yeesho musharax ka mid ah musharaxiintaas soomaliyeed.

Musharaxaas oo ah: C/risaq Maxamed Xuseen, in muddo ahna ku noolaa waxna ku bartay wadanka Sweden. C/risaq waa qoraa iyo aqoonyahan soomaaliyeed oo si aad ah looga yaqaan wadanka Sweden. Mudane C/risaq waxaa uu u tartamayaa xildhibaanimada golaha degmada magaalada la yiraahdo Eskilstuna.Waxaana uu matalayaa xisbiga shaqaalaha. Magaalada Eskilstuna waxaa degan  dad tiradooda lagu qiyaaso ilaa boqol kun oo qof. Waa magaalo muhiim u ah xagga wershadaha isla markaasna aan sidaas uga fogeyn magaalada Stockholm ee caasimada Iswiidhan. Soomaalida magaaladan ku nool waxaa lagu qiyaasaa ilaa  siddeed boqol(800) oo qof.

(Sawirkan waa musharax C/risaq Maxamed Xuseen iyo gudoomiyaha xisbiga shaqaalaha Mona hahlin, una taagan masharaxnimada booska raysul wasaaraha Sweden)

Musharax C/risaq waxaan wareysigaan ka qaaday isagoo bartanka kaga jira ololihii doorshada.Xiligaas aan waraystayna waxaa uu aad ugu mashquulsanaa soo dhoweynta gudoomiyaha xisbiga shaqaalaha, waa haweeneyda lagu magacaabo Mona Sahlin.

Haweeneydaas oo loo badinaayo iney noqoto raysul wasaaraha cusub ee Iswiidhan, waa haddii ay doorashada ku guuleystaan xisbiyada garabka bidix. Waraysigiina waxaa uu u dhacay sidatan:

Suàal: Bal iiga waran howlaha tartanka doorashada?

Jawaabtii C/risaq: Walaal ololaha doorashadu waxa uu marayaa meel wanaagsan. Waxaa noo haray wakhti gaaraya ilaa saddex usbuuc. Waxaana naga goàn inaan shicibka u sharaxno siyaasadeena ilaa maalinta doorshada oo ah 19-ka bisha sebtember 2010-ka.

Tusaale ahaan waxaa maanta halkaan noogu timid hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee aan anigu musharaxa u ahay iyo weliba hogaamiyaasha xisbiyada kale ee aan xulufada nahay.Halkaan ayaan maanta kusoo dhoweyney  gabadha hogaamisa xisbigayaga, ee la yiraa Mona Sahlin. Waxaa ay halkaan kusoo bandhigtay waxyaalaha uu xisbigu qabanaayo haddii uu doorashada ku guuleysto.

Su`aal:  Maxaa ka mid ah qorshahaaga siyaasadeed ee aad dooneysid in lagugu doorto?

Jawaabtii C/risaq: Qodobadaan ayaa ugu muhiimsan qorshahayga siyaasadeed.

1.Arimaha shaqada: Waxaan doonayaa in la sahlo ama la fududeeyo in dadku ay shaqo helaan. Gaar ahaan waxaa aan xooga saarayaa kooxaha ay ku adag tahay iney shaqo helaan. Kooxahaas waxaa ugu horeeya dadka ajaaniibta ah iyo dhalinyarada.

Kolkii laga hadlaayo dadka ajaaniibta ah, waxaa aan doonayaa in dadka ajnebiga ah loo kala qaybiyo laba qaybood oo kala ah, dad wax soo bartay ama horay xirfad u lahaa iyo dad aan waxba soo baran, wax xirfad ahna aan lahayn. Dadka wax soo bartay ama xirfada leh waxaa aan sahli doonaa in dib loo qiimeeyo shahaadooyinka ay wataan. Waxaan shaqaaleyn doonaa dad xirfad u leh arimaha qiimeynta shahaadooyinka iyo xirfadaha, kuwaas oo si dhaqso leh qof walba ugu jiheyn doona halka uu u qalmo. Dadka aan iyagu horay wax u soo baran waxaa aan u sahleynaa iney xirfado helaan. Taas waxaa lagu suurto gelin karaa in dadkaas oo diro koorasyo xirfadeed oo aan aad u dheereyn. Waxaa kale oo aan doonayaa in la adkeeyo sharciyada ku wajahan takooritaanka iyo qofka oo la faquuqo iyadoo la eegaayo halka uu kasoo jeedo. Waxaan doonayaa in ciqaab adag la marsiiyo shaqa-bixiyihii lagu helo inuu cunsuriyad iwm ku kacay. Waxaa aan doonayaa in waxbarashada luqada Iswiidhishka la casriyeeyo.Lana shaqaaleeyo macalimiin badan oo dadka luuqada bara. Waxaa kaloo aan doonayaa in la tababaro macalimiin ku hadasha afafka waaweyn ee dadka ajaaniibta ah sida afsoomaaliga oo kale.

2.Iskuulada: Waxaa aan doonayaa in iskuulada guud ahaan gaar ahaan iskuulada ay dhigtaan ciyaalka ajaaniibta ah la geliyo dakhli ka badan midka hadda la geliyo. Waxaan leeyahay , war aynu maanta dhaqaale fiican geliyo ubadkeena si ay berito meel uga soo baxaan oo iyagu dalka iyo dadkaba anfacaan. Waxaan xooga saari doonaa in waalidiinta aan horay usoo dhigan iskuul badan la siiyo koorasyo ku saabsan qaab tacliimeedka Iswiidhan. Taasi waxaa ay waalidka u sahleysaa iney fahmaan habka waxbarashada Iswiidhan, isla markaasna waxaa u fududaan doonta iney ilmahooda caawinaan iyo iney xiriir wacan la yeeshaan dugsiga uu ilmuhu dhigto.

Waxaa kaloo jira qodobo kale oo aan doonaayo inaan dhaqan geliyo haddii aan golaha degaanka soo galo.

Su àal:  Ma jiraan waxyaalo aad si gaar ah ugu qabaneysid dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada aad u sharaxan tahay ama guud ahaanba dadka soomaaliyeed ee Iswiidhan ku dhaqan?

Jawaabtii C/risaq:  Ugu horeyn Soomaalidu waxaa ay ka mid yihiin dadka aan wax u qabanaayo. Waayo dadka degmada aan u sharaxanahay ayey ka mid yihiin. Sidaas darteed barnaamijka aan kor kusoo sheegay qayb ayey ka yihiin. Waxyaalo aan Soomaalida si gaar ah ugu qabanaayona waa jiraan. Tusaale ahaan waxaa soomaalida iswiidhan gaar ahaan kuwa cusub ay ku dhiban yihiin in loo sameeyo waraaqaha aqoonsiga ee Iswiidhan. Iyadoo xujo looga dhigay iney marka hore la yimaadaan waraaqo cadaynaaya iney soomaali yihiin.

Arintaas oo soomaalidii ku noqotay mid aad u adag, maxaa yeelay ma ay jirto dowlada soomaaliyeed oo aqoonsi bixin karta wakhtigaan xaadirka ah. Dadka qaarkiis ayaa la yimid Baasaboorkii cagaarka ahaa ee soomaaliyeed, balse dowlada Iswiidhan waa ay diidey iney baasaboorkaas aqbasho. Arintu kuma eka dalka gudihiisa balse waxaa ay saameysay dadka keensan lahaa eheladooda. Eheladaas oo kolka ay dalab iney Iswiidhan yimaadaan soo sameeyaan lagu xujeeyo iney aqoonsi keenaan. Taasi waxaa ay dhalisay in waalid iyo caruurtiis, oday iyo xaaskiis kala irdhoobaan oo midba meel ku xayirmo.

Arimahaas waxaan kala hadlay madaxda xisbiga shaqaalaha ee aan ka tirsanahay iyo weliba gaar ahaan hogaamiyaha xisbiga Mona Sahlin. Waxaana soo jeediyey in baasaboorkii ugu dameeyey ee soomaaliga ahaa loo aqoonsado inuu yahay mid ah caddeyn buuxda. Haddii kale waa in dadka soomaaliyeed laga daayaa waajibaadkan ah iney aqoonsi keenaan maxaa yeelay ma ay jirto dowlad ama safaarad ay ka keenaan. Arinkaas xisbigu waa ay ku qanceen.

Waxaana ay u badan tahay in xal la gaaro oo haddii aan ku guuleysano doorashada. Waxaana aad ugu dadaalayaa anigoo isticmaalaya xiriirarayda kala duwan in arinkaas soomaalida wax laga bedelo.  Waxyaalaha kale ee aan soomaalida ugu talo galay waxaa ka mid ah in dhaqaale fiican la geliyo iskuulada ay u badan yihiin ilmaha soomaalida ah maadaama badankood ay seegeen sanado badan oo iskuul ah. Taasoo ay sababtay dagaalkii dheeraa ee soomaaliya ka dhacay. Dhinaca shaqada waxaa aan doonayaa in dadka soomaalida ah loo sameeyo barnaamijyo xirfadeed gaar ah oo sahli kara iney shaqo helaan.

Su àal: Fursad intee leèg ayaad haysataa inaad ku guuleysato arimaha aad kasoo hadashay?

Jawaabtii C/risaq: Siyaasadu waa gorgortan. Waa intaan qaado oo adna intaas i sii. Balse waxaa aan ku rajo weynahay inaan guul kasoo hoyo doorashadaan oo la ii doorto golaha degaanka si aan u fuliyo barnaamijka aan kasoo hadlay.

Su`aal: C/risaq malaga yaabaa inaad siyaasadaada u weecisid xaggaas iyo soomaaliya oo aad ka qayb qaadato arimaha siyaasada soomaaliya?

Jawaabtii C/risaq: Waa jiraan run ahaantii codsiyo badan oo la igu dhiiri geliyey inaan siyaasada soomaaliya ka qayb qaato. Balse ma aha taasi mid qorshaha iigu jirta wakhtigaan.

Waxaan doonayaa insha allah, haddii aan ku guuleysto soo gelitaanka golaha deegaanka inaan uga sii gudbo oo aan isusoo sharaxo doorashada baarlamaanka Iswiidhan. Balse wax walbaa wakhti ayey qaataan. Waxaana loo baahan yahay dulqaad badan. Xukunka rabina waa meeshiisa

Suàal: Maxaad usoo jeedin lahayd dadka soomaaliyeed ee reer Iswiidhan?

Jawaabtii C/risaq: Waxaan u soo jeedin lahaa iney doorashada ka qayb qaataan, oo aaney dhihin codkaygu waxba bedeli maayo. Weliba sanadkaan waa muhiim in doorashada laga qayb galaa, maxaa yeelay waxaa jira xisbi cunsuri ah oo qarka u saaran inuu baarlamaanka Iswiidhan soo galo. Xisbigaasi waxaa uu kasoo horjeedaa gebi ahaanba dadka ajaaniibta ah iyo weliba isagoo si gaar ah u neceb dadka muslimiinta ah. Haddii aynaan doorashada ka qayb gelin waxaa aan siineynaa xisbigaas cunsuriga ah fursad qaali ah.

Waxaana soomaalida reer Iswiidhan ku dhiiri gelinayaa iney u codeeyaan xisbiga shaqaalaha (socaildemokrati) xisbigaas oo ah xisbiga dadka danta yar. Waa xisbi doonaaya in la soo qaado qofka liita si aan loogu joogsan. Waa xisbi doonaaya dadku iney sinaadaan.

Marka codkaaga sii xisbiga shaqaalaha

Mahadsanidin

Waad mahadsan tahay mudane C/risaq Maxamed xuseen

Geedka dhamaska hoostiisa

Jaaber Xuseen Gaaceyte,Eskilstuna

cityhida@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Doorashada guud ee Iswiidhan iyo kaalinta musharaxiinta soomaaliyeed "

  1. abdi says:

    asc somaaliyay u codaye ninkan walalkina ah iyo xisbigisa aad ayay ino anfcaysa arinta u ka hadlaayo runti o iska dhafa cajisnimada wadanka waada dagan tihine

  2. Assalaamu Alaykum Shacabka Somaliyeed ee Sweden degan. Waxaan idin xasuusin lahaa haddii aadan siyaasada wadanka ka qayb qaadan oo aad ka aamustaan, waxaad ogaataan inay dadkale idinku soo maqanyihiin oo idin soo jiida wax aadan ku farxidoonin.
    Doorashada oo aad ka aamustana waxay lamidtahay adigoo ucodeeyey xisbiga soo bixidoona waayo codkaadii kafada uridi lahaa dhanka kale waad la aamustay.
    Tankale, dad badan ayaa xiligaan oo kale raadiya fadwa in doorashada laga qayb gali karo iyo inkale. Runtase waxay tahay fadwada aad ku joogtid wadanka ayaa kuu banaynaysa inaad doorashada ka qayb gashid. Sanadkii hore ayay ahayd markii Somalida Norway ay qalad ku kaceen oo xisbi cunsuri ayaa soo bixi gaaray, kaas oo masaalixdooda wax udhimayo. Saaxibayaal waad ogtihiin marka ay cusuriyiintu xukunka qabsadaan ee jiifka ka kaca oo muujiya inaad wadanka dagantihiin oo aad tihiin umad jirta.
    Haddii kale waxaa inoo balan ah Muqdishu iyo meesha ay xabada kadhacaysa!

  3. Farah Guled says:

    salaan.
    Waxaan ka mid ahay dadka degan Sweden, aad iyo aad ayaana ugu farxay howsha uu wado mudane c/risaq m Xuseen. Degmo kale ayaan deganahay balse codkayga xisbigaaga ayaa iska leh. Barnaamijkaaga siyaasadeedna waa mid wanaagsan. Guul baan kuu rajeynayaa
    Farah guled
    sweden