Home » Warar »

DFKMG oo War-Saxaafadeed ka soo saartay Weriyaha lagu xiray Puntland

War-saxaafadeed:

Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda FKMG ah waxay ka xun tahay xarigga loo geystay agaasimihii idaacadda Horseed Media, C/fataax Jaamac Mire oo lagu xakumay 6 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $500.

Dowladda FKMG ah waxay la wadaagtaa Maamulka Puntland khatarta kooxaha dowlad iyo nabad-diidka ah, waxayna kala shaqeyn doontaa sidii kooxaha nabad-diidka ah looga sifeyn lahaa dalka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta DFKMG ah Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) wuxuu kala hadlay Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland Abdixakiim Axmed Guuleed arrinta xarigga Agaasimaha Horseed Media. Labada Wasiir waxey isla garteen muhiimadda saxaafadda xorta ah iyo sidii wariyeyaasha madax-bannaan loo dhiirrigelin lahaa. Wasiir Eng. Yariisow wuxuu ka dalbaday maamulka in laga shaqeeyo sidii racfaan loogu dalbi lahaa si loo sii daayo Agaasimaha idaacadda Horseed Media.

Siyaasadda DFKMG ah waxay tahay in dhowritaanka mabda’a xorriyadda hadalka iyo cabiraadda ay yihiin kuwo keeni karta horumarka bulshada. Falalka noocan oo kale ah waxay wax u dhimi karaan sumcadda dalka.

Wasaaradda Warfaafinta
Telephone: +252699941070, +25261 5479911, +25262755400, +252699998854
e-mail: engabdirahman@gmail.com ama somaliinfo.ministry@gmail.com

Aug 17: Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ugu jawaabayo warsaxaafadeedkii Wasiirka Warfaafinta DFKMG. Waxana uu sheegay in weriye C/fataax lagu haysto  arrimo “Argaggaxiso”.. DHEGEYSO


Saxaafadda Puntland oo laga mamnuuca “Muuqaalada iyo Codadka” waxa loogu yeeray “Argagaxisada iyo cidda la halmaasha”…

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdixakim Axmed Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso, Axad August 15, 2010, ayaa sheegay in aan Puntland laga baahin karin  ”Muuqaalada iyo codadka ‘Argagaxisada’ iyo cidda la halmaasha aan laga soo deynkarin dhammaan saxaafadda noocyadeeda kala duwan ee ka hawl gasha Puntland, ciddii ka soo deysana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” DHEGEYSO.

Laakiin, Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Suxufiyiinta Puntland ayaa ku gacan sayray warka ka soo baxay Puntland, isagoo sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarka kasoo baxay wasiirka warfaafinta ee mamnuucaya in saxaafadda Puntland aysan tebin karin wararka mucaaradka. In aysan amarkaas u hoggaansamayn waxa uu ka sheegay waraysi ay Axad August 15, 2010 la yaalatay Idaacadda Codka Maraykanka.  Burhaan oo ku sugan Galkacyo waxa uu amarkaas ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn. DHEGEYSO.

Amarka ka soo baxay Puntland ayaa ka dambaysay kaddib markii dagaallo ka dhaceen aagga buuralayda magaalada Galgala oo qiyaastii 60 km dhanka Koonfur Galbeed kaga aadan magaalada Boosaaso. Taas oo weriyaasha u suurta gashay in ay markasta telefoon kula xiriiraan Sh. Maxamed Saciid Atam oo hoggaaminaya malaysiyada oo dagaalka dhexmaray ciidamada Puntland. Dagaalladaas oo kii u horeeyey ka dhacay aagga magaalada Karin, July 26, 2010.

Intii ka dambaysay dagaalkaas,  Puntland waxa ay bilowday in ay cadaadis saarto saxaafadda, waxaa shaqadii laga joojiyey weriyaal, waxaana la xiray weriye waraysi uu qaaday darteed, weriyaal horena xabsiga ayey ku jiraan.

Taas oo jirta ayaa Qodobka 21aad ee Dastuurka Puntland waxa uu dhigayaa “Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ay ka madaxbannaan yihiin faragelin dawladeed, waxayna u hoggaansamayaan sharciga oo keliya.”

Wareegtada cusub ee Puntland ka soo baxday ee ku saabsan in aan la abaahin karin muuqaalka iyo codadka, waxaa ka horeeyey in July 15, 2010 ay Puntland soo saartey sharci loogu talo galay “Argagaxisada” waa sida uu sheegay Wasiirka Amniga Puntland. DHEGEYSO.

Taariikh kooban taxana Dagaalada Aagga Galgala iyo codadka laga duubay:

July 21, 2010: Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo u waramay idaacadda Codka Maraykanka ayaa markii ugu horeysey shaaca ka qaaday in ay dagaal kula jiraan malaysiyo uu hoggaaminayo ATAM.. DHEGEYSO

July 26: Dagaal ka dhacay aagga magaalada Karin oo 41 km koonfur ka xigta Boosaaso gaar ahaan togga Sugurre, dagaalkaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo malaysiyo uu hoggaaminayo Sh. Maxamed Saciid Atom. Dr. Faroole oo shir jaraa’d qabtay, kana hadlay dagaalkaas ayaa yiri “Khasaaraha dawladda waa yaryahay, dhaawac ayaa jira, wax dhimasho ah nalooma soo sheegin, dhinacooda 13 nin oo meyd ah ayey kaga tageen meeshii laga qabsaday oo ahayd Sugurre.”  Dhegeyso.

July 26: Waxaa isla maalintaas dagaalku ka dhacay aagga Karin ka hadlay Paltalk Atam (ama cod lagu sheegay Atam) waxana uu sheegay in ay yihiin Al-Shabaab,  Alshabaabna ay iyaga yihiin.  Dhegeyso. Waxaa sidoo kale dagaalkaas VOA uga waramay nin lagu magacaabo Cabdi Muuse Jaamac Gaambe oo sheegay in uu ku sugnaa aagga dagaalka Dhegeyso

July 28: Afhayeenka xarakada Mujaahidiinta alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa beeniyey in kooxda ka dagaalamaysa Puntland ay yihiin Alshabaab Dhegeyso

Aug 8: Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo u waramay VOA ayaa sheegay in ay 18 ka dileen kooxda Atam, halka ciidanka Puntlandna laga dilay 3 askari, 13 kalana laga dhaawacay DHEGEYSO

Aug 9: Magaalada Galgala waxaa gaarey wafti ka socda Puntland oo wata ciidamo, waxaana warar xog ogaal  ah sheegeen in maalin ka hor (Aug 9) ay malaysiyada Atam halkaas ka baxeen.

Aug 10: Idaacadda Codka Maraykanka ayaa waraysi la yeelatay Sh. Maxamed Saciid Atom isagoo beeniyey in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab . DHEGEYSO

Aug 10: Waxaa shaqadii laga joojiyey weriyaha Puntland uga soo warama idaacadda Codka Maraykanka (VOA) iyo TV-ga Universal, Nuux Muuse Birjeeb , shaqo ka joojintaasna waxaa soo saaray Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Hidaha iyo dhaqanka Puntland Yaasiin Aaden Rooble.

Aug 13: Wasiirka Aminiga ee Maamul Goboleedka Puntland Yuusuf Axmed Khayr ayaa dagaalada aagga Galgala uga warramay idaacada Codka Maraykanka. DHEGEYSO

Aug 13: Idaacada Codka Maraykanka (VOA) ayaa waraysi ay la yeelatay Sh. Maxamed Saciid Atom, waxana uu ka hadlay dagaalada, isagoo dhanka kalena beeniyey in uu ka hadlay Paltalk DHEGEYSO

Aug 13: Weriye Cabdifitaax Jaamac Mire oo ka tirsan idaacadda Horseed ayaa sidoo kale waraysi la yeeshay Sh. Atom (waa wWaraysiga uu weriyuhu xabsiga ku mutaysatay) Halkan ka dhegeyso

Aug 13: Markii warkaasi baxay waxaa hore laga xiray weriyihii waraysiga qaaday Cabdifitaax Jaamac Mire.

Aug 14: Maxkamadda derejada 1aad ee Boosaaso weriyaha (Cabdifitaax) ku xukuntay 6 sano oo xarig ah iyo $500. Maxkamadda oo xukunka rideysa DHEGEYSO

Aug 14: Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland oo C/qani Salaad oo Sabtidii u waramay idaacadda British Broadcasting Corporation oo ka hadlay sababta loo xiray weriyaha Dhegeyso

Aug 15: Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdixakim Axmed Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in aan Puntland laga baahin karin  ”Muuqaalada iyo codadka ‘Argagaxisada’ iyo cidda la halmaasha aan laga soo deynkarin dhammaan saxaafadda noocyadeeda kala duwan ee ka hawl gasha Puntland, ciddii ka soo deysana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” DHEGEYSO.

Aug 15: Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Suxufiyiinta Puntland ayaa ku gacan sayray warka ka soo baxay Puntland, isagoo sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarka kasoo baxay wasiirka warfaafinta ee mamnuucaya in saxaafadda Puntland aysan tebin karin wararka mucaaradka.  DHEGEYSO.

Aug 16: Wasiirka Warfaafinta DFKMG ah Cabdirahman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray xarigga Cabdifitaax Jaamac Mire, isagoo shegay in “Falalka noocan oo kale ah waxay wax u dhimi karaan sumcadda dalka.”  Islamarkaasna arrintaas waxa uu kala hadlay Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed.  DHEGEYSO

Aug 17: Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ugu jawaabayo warsaxaafadeedkii Wasiirka Warfaafinta DFKMG. Waxana uu sheegay in weriye C/fataax lagu haysto  arrimo “Argaggaxiso”.. DHEGEYSO

Magaalada Galgala waxay ku taal buuraha silsiladda Golis korkooda, waana meel beero ah oo ay ka baxaan noocyada kala duwan ee khudaarta iyo Timir.

LINK: https://somalitalk.com/tag/galgala/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " DFKMG oo War-Saxaafadeed ka soo saartay Weriyaha lagu xiray Puntland "

  1. jamaal says:

    Injineer Yariisow si fiican buu u hadley markaan. Waa in dawladu ka hadashaa arrimaha gobolada ka socda. Nimanka gobolada haysta ee isbaarada u dhigety canshuurtii dekadaha ee xamar la geyn jirey way kibreen. Canshuurta Boosaaso oo sannadkii gaareysa boqolaal malyan waxa iska qaata hal qabiil. waxay aadda qardho,garoowe, iyo Gkacayo halka aan shilin gaarin laasqoray iyo laascanood midna. Maamulka waxa isu bedela hal qabiil oo meesha iska leh. marka waa in dawladda dhexe u hadashaa dadka la xoogey. weriyaha la xirey waa nin ka soo jeeda qabiil yar oo aan dadka laga baqayo ahayn. waa tan keenatay in si fudud xabsi dheer loogu xukumo. Yariisow caqli buu keenay sidii dawladeed buu u hadley. Gahayr ha noolaato!

  2. abdirisaq says:

    Aniga oo aad uga xun dhibka ka socda deegaanka Puntland ilaahna uga baryaya inuu damiyo dadkana iyo dalkana kusoo dabaalo nabad buuxda.
    Ayaan aad uga xumaaday marki aan maqlay in lix sano xarig ah la siiyey wiil dhaalinyaro ah oo ku soo hana qaaday saxaafad xor ah kaddib marki uu wareysi la yeeshay dhinacyadi dagaallamay mid ka mid ah.
    Waa la fahmi karaa haddii weriyuhu qoro editorial ama faallo dhiirri gelinaysa dagaallada looga soo horjeedo dawladda ama uu ku hadli lahaa ama ku dhawaaqi lahaa baraarujin ama kicin dadweyne u dowladda iyo shacabka isaga soo horkeenayo ama uu taageero siin lahaa ururro dagaal kala soo horejeeda dawladda waa garan karraa eeddiisa.
    laakiin saxafiga waa waajib saran in uu dadka usoo gudbiyo warka dhacdo kasta oo dhacda oo isu dheelli tiran asaga oo aan dhinacna si gaar ah u buunbuunineyn.si dadku u ogaadaan wax dhabti dhacay wixi la filan karo inay ku xigaan,rajada laga qabi karo wada hadal iyo nabad dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyadi wax dhex mareen fikraddeeda iyo sida ay damac santahay si loo saadaalin karo dhibka inta uu laeg yahay iyo rajada laga qabi karo in xal la helo.
    Haddiise dawladdu tiraa shib dhaha aniga oo ah dhinacyadi dagaallamay ayaa idiin soo gudbinaya warki oo dhan dhinaca kalena yaan sheeggiisaba lasoo qaadin.dee taasi waxay nuxur tireysaa muhimmadda ama shaqada warbaahinta oo dhan taas oo ka dhigaysa microphone ay daba haystaan masuuliyiinta xukuumadda.
    Taasi waxay keeneysaa warka ay sheegaan saxaafad noocaas ah cidina inasan isku hawlin oo loo raadsado warka meelo kale oo ka madax bannan waxan ay taasi keeni doontaa been bannanka lagu soo dhoodhoobay in lagu burburiyo danti iyo maslaxaddi Puntland kol saxaafaddi guduhu haddi ay ka baxdo mid warkeeda la isku hallayn karo.
    waxan haddaba ka codsanayaa masuuliyiinta Puntland inaysan ururro kale iyo dhacdooyin burburin xornimadi iyo nadaamki iyo sharcigi dalka oo aan la hambabarin ee sugnaan iyo deggenaansho wax waliba lagu xalliyo masuuliyad iyo dulqaadna la muujiyo si loogu guulaysto in dhib kasta la xalliyo.

  3. Marka hore waxaannu ognahay inay tahay Saxaafaddu allad loogu adeego shacabka Soomaaliyeed taasoo ka tarjumaysa hufnaanta warbaabinta ee uu Qaran leeyahay kana run sheegaysa xaaladaha dhabta ah ee jira iyadoon qofna u xigsanayn jinsi, Qabiil ama weji garad. Haddaba qoraalkani gaaban waxaan ku tibaaxayaa Xadgudubyada iyo Hanjabaadaha loo geyso Suxufiinta inaysan Xaq ahayn , qof walba oo ku Xadgudbaana uu yahay qof ku Xadgudbay Sharciga Saxaafadda ee Dunida iyo Xuquuqda Aadanaha waxaan si buuxda u taageerayaa War-saxaafadeedkii uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta ee DFKMG ee Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) , Waxaanna Maamul Goboleedka Puntland si Xushmadi ay ku jirto uga codsanaynaa inay si deg-deg ah Xoriyadiisii ugu soo celiso agaasimihii idaacadda Horseed Media, C/fataax Jaamac Mire , isla markaana ay Maamulka Puntland ka fiirsadaan falalka ay ku waxyelaynayaan Saxaafadda, Suxufiyiinta iyo Xoriyadda Qofka Aadanaha ah jinsi waliba oo uu leeyahay haddii uu yahay qof u shaqaynayo Saxaafadda ama Dhaqaatiirta aan Xudduudaha lahayn ee ka howl gala dhammaan Dunida Dacaladeeda oo dhan waa in la Xaq dhowraa.