Home » Warar »

Puntland: Dagaal ka dhacay Karin iyo Galgala dhexdooda oo ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ku dhinteen 13 qof  ay dagaal ka dhacay meel u dhaw Boosaaso ,  oo ah aagga magaalada Karin oo 41 km koonfur ka xigta Boosaaso. Waxaa sidoo kale dagaalka ka hadlay Sheikh Atam. Waxaa sidoo kale dagaalkaas ka hadlay Cumar C/rashiid. Sidoo kale waxaa duqayn xoog leh ka dhacday magaalada Muqdisho ay laba maalmood gudeheed ku dhinteen 30 qof oo shacab ah.

“Waxaa ka dhacay Boosaaso meel u dhaw weerar, oo ciidankii ammaanka ee halkaas joogey lagu weeraray, dagaal xoog leh ayuu dagaalkaasi ahaa, dhimasho badan iyo dhaawac ayaa loo geystey waana laga sifeeyey meeshii, waxaana laga qabtay maxaabiis ay ku jiraan saraakiil uu ku jiro Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ah nin ku jira argagaxisada caalamiga ah oo hore u soo weeraray magaalada Baargaal”, sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo warsaxafeed qabtay.

Waxana Dr. C/raxmaan maxamed Faroole sheegay in ay Puntland ay soo weerartay “Argagaxisada Caalamiga ah” isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri “Waxaan dadka reer Puntland iyo soomaalida nabada jecel iyo caalamkaba u sheegayaa in Puntland ay ku soo duushay argagaxisada caalamiga ah, oo isugu jira kuwo shisheeye ah iyo kuwo Soomaali ah oo magacyo la baxbabaxay, Alshabaab aan ku maqlo. Waana argagaxiso caalami ah.”

Mar la weydiiyey khasaaraha soo gaaray labada dhina, Dr. Faroole waxa uu yiri “Khasaaraha dawladda waa yaryahay, dhaawac ayaa jira, wax dhimasho ah nalooma soo sheegin, dhinacooda 13 nin oo meyd ah ayey kaga tageen meeshii laga qabsaday oo ahayd Sugurre.”

Warsaxaafadeedkii Dr. Faroole Dhegeyso

Dagaalka ayaa ka dhacay meel u dhaxaysa magaalada Karin iyo Galgala. Magaalada Galgala waxay qiyaastii Boosaaso dhanka koonfur galbeed ka xigtaa 60 km, waana magaalo ku taal buuraha Silsiladda Golis korkeeda, ahna magaalo beero ay timirtu ka baxdo.

Idaacada Codka Maraykanka oo waraysatay Cabdi Muuse Jaamac Gaambe oo sheegay in uu ku sugnaa meel 3 kiilomitir u jirtaa meeshii dagaalku uu ka dhacay ee degaanka Karin ayaa sheegay in 3 askar ka tirsan Puntland ay dhinteen, dhanka kale oo ah kuwii weerarka soo qaaday in loo sheegay in khasaare xoog leh gaarey. Waxana uu sheegay in meeshii dagaalku ka dhacay ay hadda xasilantahay.

Halkan ka dhegeyso Waraysigii Gaambe ee VOA

Sidoo kale cod Isniintii dagaalku dhacay July 26, 2010 laga duubay Atom Halkan ka dhegeyso uu Sh. Maxamed Siciid Atom kaga warbixinyo dagaalka iyo in uu khasaare soo gaarey ciidamada Puntland.

Halkan ka dhegeyso Sh. Atom

Cumar C/rashiid Sharmarke, ra’iisul wasaaraha DFKMG, ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhacay aagga u dhexeeya Karin iyo Galgala, isagoo sheegay in DFKMG ay dagaalkaas ka xuntahay. Waxana uu sheegay in laga hortago kooxaha weerarka soo qaaday. Waxa kale oo uu ka hadlay arrinta la xiriirta Puntland oo toddobaadkii hore qabqabatay dad ka soo jeeda Gobolada Koonfureed, arrintaas oo uu ku tilmaamay khalad ay tahay in laga laabto. Waxana uu ku tilmaamay arrin dhaawac ku ah Soomaalinimada, midnimada iyo qaranimada. Hadaladaas waxa uu sheegay waraysi uu siiyey Idaacadda ku hada codka madaxtooyada DFKMG ee Muqdisho.

Halkan ka dhegeyso Hadalka Cumar C/rashiid.

Dhanka kale waxaa dagaallo xoog leh ka dhaceen Muqdisho ay dad ku dhinteen. Waxaa wararka qaar tibaaxeen in kabadan 10 qof in ay ku dhinteen dagaalkaas Muqdisho, 20-kalena ku dhaawacmeen July 26, 2010 dadkaas oo rayad ah. Duqayn kale oo Muqdisho ka dhacday Talaada July 27, 2010 ayaa lagu soo waramay in ay ku dhinteen dad rayad ah oo gaaraya ilaa labaatan kudhawaad. Waxaa wararku tibaaxeen duqayntaas oo u badnayd Suuqa bakaaraha ee Muqdisho in ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo rayad ah. Madaafiicdaas oo dadka shacabku tilmaameen in ay ka imanayaan dhanka Ciidamada AMISOM.

Dhanka kale waxaa magalaada London ee dalka Ingriiska warsaxaafadeed ka soo saaray Ururka Dib u Xoreyta Soomaaliya ayagoo madaxda Afrikaanka ee ku shiray Kampala ugu baaqay in ay sameeyaan guddi soo baara xasuuqa ay ciidamada AMISOM ka geysanayaan Soomaaliya iyo in si degdeg ciidankaas looga saaro Soomaaliya (Akhri Warsaxaafadeedkaas oo Englsih ah)

Dhacdooyinka kale ee arrimaha Soomaalida waxaa ka mid ah in Axmed Maxamed Silaanyo uu (Talaada July 27, 2010) xilka madaxweynaha Somaliland kala wareegey Daahir Riyaale, xaflad lagu qabtay magaalada Hargeysa.


Dood July 22, 2010 uu qabtay TV Aljazeera


Cabdirashiid Maxamed Cirro oo sheegey in Al-Shabaab ay ciidamo Tababaran u dirtey Deegaanada Pundland

Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cirro oo ah Wasiirka ganacsiga dowladda KMG ee ayaa sheegay in ay hayaan xog dhab ah oo ku saabsan in ururka Alshabab uu dhalinyaro tababaran u diray gobolada Puntland si buu yiri ay qas iyo dhibaato halkaasi uga geystaan.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in dhalinyaradaasi oo ahaa kuwo lagu tababaray Koonfurta Soomaliya ay haatan bilaabeen howlahooda, taasina ay daliil u tahay qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee maalmihii dambe ka dhacayay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Cabdirashid Cirro ayaa tilmaamay in Alshabab ay doonayso in fawdo ka dhigto meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya si buu yiri ay ugu suurta gasho ujeedadooda ah in ay dalka keenaan madaxda Alqaacida si ay gabaad uga dhigtaan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in ay dowladda KMG ee Soomaaliya ay garab taagan tahay maamul goboleedka Puntland ayna iska kaashan doonaan sidii dalka looga tir tiri lahaa kooxda Alshabab iyo xulafadeeda.

Cabdirashiid Cirro ganacsiga ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in uu ka fiirsado talaabadii uu dhawaan ku musaafurinayay dhalinyarada kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya taasi oo uu ku tilmaamay siyaasad khaldan oo aan laga fiirsan.

Dagaaladii ka dhacay Deegaano ka tirsan Pundland ayaa la sheegey in labadda Dhinac ay kala gaartey Khasaarooyin inkastoo labada midba dhiniciisa u u sheegety guulo hase yeeshee waxaa lagu waramey in weli ay taagan tahay xiisadii u dhaxeysey labada dhinac sidoo kale waxaa uu madaxweynaha Maamulka Pundland uu sheegey in maamulkiisa ay ku soo duuleen Wax uugu yeerey Argagaxiso Caalami.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Puntland: Dagaal ka dhacay Karin iyo Galgala dhexdooda oo ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof. "

  1. saami says:

    SCW
    waxaa wax laga naxo ah in maanta uu dagaal kadhaco gobolka bari oo ahayd meesha ugu amaanka badan soomaliya isla markaana ka badbaaday boobkii iyo dhacii hala keeyey koonfurta soomaliya,
    aniga waxaan hubaa in dadkaan diinbaa u adeegeynaa leh ee soomaliya ka dagaalamayaa ay wataan danahooda gaar ka ah waayo kuwaan hada umada jaraya waxaa boss u ahaa shariifka TFG-ga isgana waad xasuusataan wixii uu ku hadli jiray iyo hada waxa uu yahay wax isku dhaaw maahan sidaas awgeed waxaan dadka reer puntlad usheegi inaysan khaldamin oo nimankaan sheydaanku ku shaqeysanayo laga sifeeyo wadanka, runtii anigu lama dhacsani maamulka faroole shaqsiyan laakin maslaxada puntland waxay ku jirtaa in lala shaqeeyo maamul kasta oo markaas jira wixii lasixi karana lasaxo,

  2. wadani says:

    waxaan aaminsanahay in puntland ka adkaaneyso kooxdaan buuraha gashay, waa haddii ay tahay koox al qaida ah. waxaana reer puntland kula talinayaa in ay garab istaagaan dowlad ku sheegta meesha ka jirto maadamaa dowlad la’ aan ay dhaanto dowlad xun. waana in aan laga cabsoon in lala xisaabtamo dowlada ileen kali talisnimo meesha kama jirto oo waxaa wax isku darsaday qabiilo doonayo ineey helaan nabad iyo dowladnimo’ ee.

  3. asc dagaalkan wa mid gardaro ah oo lagu soo qaday jaale atam atam wa nin shiikha degankisina joga xaqan uleh waxu rabo inu ku dhaqo marka mamulka jmahada ssff waxa weyan mamul gardaro iyo godob kunool ah ana joogi karin ila inay dadka dhibateyan si ay uga helan tagero dhaqalo wadamada rer galbedka oo an wax la isku hauyo ogayn lakin loga dhigayo dad xagjira in lala dagalamayo

  4. Nabadon says:

    waxaa ilaa mahadi saah in somalitalk uu yahay wesit ka hufaan garab ama dhiinac, marka hadan xalaada galgal u soo jeensado waxaan leeyahay waa arin laga xumado in maantay meshi somaliya ay uu socorari jiirtay la raabo in umaada laga qaxiyo waxaan leeyahay dadla arimahaas ku jira ilaah uu noqda oo diinta waa nastexe hadad diin umaada uu sheegaysan umaada waa muslimin ee see nastexa wax ugu sheega diil iyo bara kiicin umaada wax ku qadan mayso walaalayal qolaada dawladan waxaan leeyahay dadka waxay tabanayaan hala eego oo umada sharciga ilaahay ku xukuma ilaahay intaad uga baqadan
    mahadsniidin

  5. Nabadon says:

    waxaan aad uga xumahay in maantay oo somali laaga suugayeey qaranimo in meeshi uu bed qabtay ay raaban dad xambarsan fiikrada shishayeey inaay raaban inaay guuban marka waxaan leeyahay somaliyey xage u socona awalba dadnimadeena baabaday hadan raabno wax kasta inaan inaaga jira aan la daawayn karin ku nooqonay maxaan raabna somalida taasan waydinayaa

  6. Mahadin

    Waxaa mahad iska leh Ilaahay, Marka labaad waxaan u mahad celinayaa dhalinta Somaaliyeed ee isku hawshey in ay noo soo gudbiyaan Wararka, Wadanimada Iyo Cilmiga aan ka akhrisano Wabseedka Somalitalk, waxaan idinka codsanayaa in aad noo sameeysaan Barnaamij ah Wadani oo nafahansiinaya Waxa Xaqa aan ugu leenahay Wadanka Iyo Waxa uu xaqa noogu leeyahay, Si aan dhalinta Soomaaliyeed oo madaxa looga xadayo iyadoo loo gelinayo shaati diimeed loogu fulinayo dano kale looga badbaado dhalinta soomaliyeedna ay uga badbaadaan in ay ku dhacaan gudka ama bohosha laga tuurayo,

    Mahadanidin