Home » Warar »

Boosaaso: Weriye lagu xakumay lix sano waraysi uu qaaday awgeed

Maxakamda Derejada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Maamulka Pundland ayaa Lixsano oo Xarig ku xukumey Agaasimhii Idaacadda Horseed ee Magaalada Boosaaso waxaa kaloo lagu ganaaxay ilaa Shan Boqol oo Doolar  iyadoo markii uu dhacay Xukunkaas Durbadiiba loo dhaadhiciyey Xabsiga Magaalada Boosaaso.

Agaasimaha  oo lagu magacaabo Cabdifitaax Jaamac Mire ayaa waxaa Dacwad ku soo oogey Xeer ilaaliya Maamulka Pundland ka dib markii lagu eedeeyey in Idaacadiisa ay wareysatey Ninka dagaalka kala soo horjeeda Maamulka Pundland Shiikh Maxamed Saciid Atam  wuxuuna wareysigaas ku saabsanaa Dagalada maalmahan ka dhacayey Buuraleyda Galgalo waxaana lagu waramey in Idaacada ay qaadey wareysi Caadi ah oo la mid ah wareysiyada ay qaadaan warbaahinta waxaa la sheegey  in markii la soo qabanayey Agaasimaha ay ku wehliyeen dhowr wariye oo markii dambe la sii daayey

Xariga weriyaha ayaa waxaa cambaareeyey Ururada u dooda Xaquuqa oo sheegey in Agaasimaha uusan heli Qareen u dooda islamarkaana aan Maxkamada  la keenin wax marqaati ah oo dembi ku caddeeyey Cabdifitaax Jaamac Mire  sidoo kale waxaa cambaareeyey Ururada ay leeyihin Bahda Saxaafada waxana codsadeen in si deg deg loo siidaayo weriyaha iyagoo sheegay in uusan gelin wax dambi ah.

Weriyaha shalay la xiray keliya ma aha weriyaasha ku xiran Puntland, balse waxaa jira weriyaal kale oo sidaas oo kale ku xiran Puntland oo ka horeeyey arrintan hadda taagan.

Suxufiyiinta soomaaliyeed ayaa ku jira xaalad adag ka dib markii sanadihii la soo dhaafey ay la kulmeen Dil , Xarig ,Dhaawac iyo Masaafurin wuxuuna Xarigaan ku soo beegmey xilii Warbaahinta Maamulka Pundland ay ka jirto Caburin iyo hanjabaadyo la soo gaarsiiyo dadka ka shaqeeyey warbaahinta, iyadoo sidoo kale warriyayaasha iyana ka shaqeeyey Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo ku nool Xaalada aad u daran iyadoo Magaalada ay ka barakeceen Wariyayaal aad u tiro Badan ka dib markii ay u adkeysan waayey arrimaha foosha xun ee lagula kacayo.

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Boosaaso: Weriye lagu xakumay lix sano waraysi uu qaaday awgeed "

  1. waxaan u arkaa cadaalad darro waligeed taalay maamulka la magaca baxay puntlanad in lagu xukumay c/ fitaax e waxuu sheegay runta iyo sada ay waxa u dhaceyn ee marka hadii ciidamad puntland lag adkaaday maxaa loo sheegay lix sano oo xerag ah waxa aan ka dhacin aduunka ee faroole sxb ha ku ceeboobin iska daa inanka tan kale waxey ku tusaalo u tahay nidaam la aan ka jiro maamul ku sheega puntland

  2. c/kaafi says:

    Waa in la siidaayaa weriyaha xarigiisuna waa mid aan sharciga boos ku lahayn, markaa maamulku waa inuu dib u eegaa arrinta c/fitaax isla markaana la siidaayaa shuruud la,aan si uu u helo xorriyadiisa mar kale.