Home » Warar »

Suxufiyiinta Puntland oo ku gacan sayray Amar ka soo baxay Puntland

Saxaafadda Puntland oo laga mamnuuca “Muuqaalada iyo Codadka” waxa loogu yeeray “Argagaxisada iyo cidda la halmaasha”…

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdixakim Axmed Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso, Axad August 15, 2010, ayaa sheegay in aan Puntland laga baahin karin  “Muuqaalada iyo codadka ‘Argagaxisada’ iyo cidda la halmaasha aan laga soo deynkarin dhammaan saxaafadda noocyadeeda kala duwan ee ka hawl gasha Puntland, ciddii ka soo deysana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” DHEGEYSO.

Laakiin, Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Suxufiyiinta Puntland ayaa ku gacan sayray warka ka soo baxay Puntland, isagoo sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarka kasoo baxay wasiirka warfaafinta ee mamnuucaya in saxaafadda Puntland aysan tebin karin wararka mucaaradka. In aysan amarkaas u hoggaansamayn waxa uu ka sheegay waraysi ay Axad August 15, 2010 la yaalatay Idaacadda Codka Maraykanka.  Burhaan oo ku sugan Galkacyo waxa uu amarkaas ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn. DHEGEYSO.

Amarka ka soo baxay Puntland ayaa ka dambaysay kaddib markii dagaallo ka dhaceen aagga buuralayda magaalada Galgala oo qiyaastii 60 km dhanka Koonfur Galbeed kaga aadan magaalada Boosaaso. Taas oo weriyaasha u suurta gashay in ay markasta telefoon kula xiriiraan Sh. Maxamed Saciid Atam oo hoggaaminaya malaysiyada oo dagaalka dhexmaray ciidamada Puntland. Dagaalladaas oo kii u horeeyey ka dhacay aagga magaalada Karin, July 26, 2010.

Intii ka dambaysay dagaalkaas,  Puntland waxa ay bilowday in ay cadaadis saarto saxaafadda, waxaa shaqadii laga joojiyey weriyaal, waxaana la xiray weriye waraysi uu qaaday darteed, weriyaal horena xabsiga ayey ku jiraan.

Taas oo jirta ayaa Qodobka 21aad ee Dastuurka Puntland waxa uu dhigayaa “Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ay ka madaxbannaan yihiin faragelin dawladeed, waxayna u hoggaansamayaan sharciga oo keliya.”

Wareegtada cusub ee Puntland ka soo baxday ee ku saabsan in aan la abaahin karin muuqaalka iyo codadka, waxaa ka horeeyey in July 15, 2010 ay Puntland soo saartey sharci loogu talo galay “Argagaxisada” waa sida uu sheegay Wasiirka Amniga Puntland. DHEGEYSO.

Taariikh kooban taxana Dagaalada Aagga Galgala iyo codadka laga duubay:

July 21, 2010: Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo u waramay idaacadda Codka Maraykanka ayaa markii ugu horeysey shaaca ka qaaday in ay dagaal kula jiraan malaysiyo uu hoggaaminayo ATAM.. DHEGEYSO

July 26: Dagaal ka dhacay aagga magaalada Karin oo 41 km koonfur ka xigta Boosaaso gaar ahaan togga Sugurre, dagaalkaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo malaysiyo uu hoggaaminayo Sh. Maxamed Saciid Atom. Dr. Faroole oo shir jaraa’d qabtay, kana hadlay dagaalkaas ayaa yiri “Khasaaraha dawladda waa yaryahay, dhaawac ayaa jira, wax dhimasho ah nalooma soo sheegin, dhinacooda 13 nin oo meyd ah ayey kaga tageen meeshii laga qabsaday oo ahayd Sugurre.”  Dhegeyso.

July 26: Waxaa isla maalintaas dagaalku ka dhacay aagga Karin ka hadlay Paltalk Atam (ama cod lagu sheegay Atam) waxana uu sheegay in ay yihiin Al-Shabaab,  Alshabaabna ay iyaga yihiin.  Dhegeyso. Waxaa sidoo kale dagaalkaas VOA uga waramay nin lagu magacaabo Cabdi Muuse Jaamac Gaambe oo sheegay in uu ku sugnaa aagga dagaalka Dhegeyso

July 28: Afhayeenka xarakada Mujaahidiinta alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa beeniyey in kooxda ka dagaalamaysa Puntland ay yihiin Alshabaab Dhegeyso

Aug 8: Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo u waramay VOA ayaa sheegay in ay 18 ka dileen kooxda Atam, halka ciidanka Puntlandna laga dilay 3 askari, 13 kalana laga dhaawacay DHEGEYSO

Aug 9: Magaalada Galgala waxaa gaarey wafti ka socda Puntland oo wata ciidamo, waxaana warar xog ogaal  ah sheegeen in maalin ka hor (Aug 9) ay malaysiyada Atam halkaas ka baxeen.

Aug 10: Idaacadda Codka Maraykanka ayaa waraysi la yeelatay Sh. Maxamed Saciid Atom isagoo beeniyey in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab . DHEGEYSO

Aug 10: Waxaa shaqadii laga joojiyey weriyaha Puntland uga soo warama idaacadda Codka Maraykanka (VOA) iyo TV-ga Universal, Nuux Muuse Birjeeb , shaqo ka joojintaasna waxaa soo saaray Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Hidaha iyo dhaqanka Puntland Yaasiin Aaden Rooble.

Aug 13: Wasiirka Aminiga ee Maamul Goboleedka Puntland Yuusuf Axmed Khayr ayaa dagaalada aagga Galgala uga warramay idaacada Codka Maraykanka. DHEGEYSO

Aug 13: Idaacada Codka Maraykanka (VOA) ayaa waraysi ay la yeelatay Sh. Maxamed Saciid Atom, waxana uu ka hadlay dagaalada, isagoo dhanka kalena beeniyey in uu ka hadlay Paltalk DHEGEYSO

Aug 13: Weriye Cabdifitaax Jaamac Mire oo ka tirsan idaacadda Horseed ayaa sidoo kale waraysi la yeeshay Sh. Atom (waa wWaraysiga uu weriyuhu xabsiga ku mutaysatay) Halkan ka dhegeyso

Aug 13: Markii warkaasi baxay waxaa hore laga xiray weriyihii waraysiga qaaday Cabdifitaax Jaamac Mire.

Aug 14: Maxkamadda derejada 1aad ee Boosaaso weriyaha (Cabdifitaax) ku xukuntay 6 sano oo xarig ah iyo $500. Maxkamadda oo xukunka rideysa DHEGEYSO

Aug 14: Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland oo C/qani Salaad oo Sabtidii u waramay idaacadda British Broadcasting Corporation oo ka hadlay sababta loo xiray weriyaha Dhegeyso

Aug 15: Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdixakim Axmed Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in aan Puntland laga baahin karin  “Muuqaalada iyo codadka ‘Argagaxisada’ iyo cidda la halmaasha aan laga soo deynkarin dhammaan saxaafadda noocyadeeda kala duwan ee ka hawl gasha Puntland, ciddii ka soo deysana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” DHEGEYSO.

Aug 15: Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Suxufiyiinta Puntland ayaa ku gacan sayray warka ka soo baxay Puntland, isagoo sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarka kasoo baxay wasiirka warfaafinta ee mamnuucaya in saxaafadda Puntland aysan tebin karin wararka mucaaradka.  DHEGEYSO.

Magaalada Galgala waxay ku taal buuraha silsiladda Golis korkooda, waana meel beero ah oo ay ka baxaan noocyada kala duwan ee khudaarta iyo Timir.

LINK: https://somalitalk.com/tag/galgala/

(Wararkii hore Akhri: https://somalitalk.com/tag/galgala/ )

DASTUURKA PUNTLAND:
Qodobka 21aad
XAQA SAXAAFADDA
1. Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ay ka madaxbannaan yihiin faragelin
dawladeed, waxayna u hoggaansamayaan sharciga oo keliya.
2. Xeer gaar ah ayaa xadidaya xorriyadda saxaafadda.
http://www.somalitalk.com/2009/may/dastuurka_puntland_09.pdf

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.