Home » Warar »

Shiikh Atam “Waxaan diyaar u nahay inaan wadahal lagalno maamulka Puntland, laakiin waa haddii ay baabi’iyaan Ashahaado la dirir”

Waxaa weli Dagaalo ka socdaa Buuraleyda Deegaanka  Galgal oo ka tirsan Maamulka Pundland wuxuu dagaalkaas u dhaxeeyey Ciidamada Pundland iyo Ciidamada Pundland  waxaana shalay dagaalo  ka dheceen Buuraleydaas waxaana la sheegey in dagaaladaas ay ku dhinteen 8 Rauux oo laba dhinac iyadoo Isbitaalka Boosaaso lasheegay in la soo gaarsiiyey Ciidamo dhaawac ah   wuxuuna dagaalkaan ku soo beegmey xili uu maamulka Pundland uu sheegay in ay soo afjareen Dagaalkii aagga Galgala.

Hogaamiyaha xoogaga dagaalka kula jira ciidamadda Puntland ku jira dhulka buuraleyda ah ee Galgala; Maxamed Saciid Atam, ayaa ka hadlay dagaaladdi dhawaan looga saaray buuraha Galgala.

Atam ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid iyaga lagu soo qaaday kadib markii ay maamulka Puntland oo uu ku tilmaamay Ashahado la dirir ay ka war heleen in dadka deegaankaasi ay doonayaan ku dhaqanka shareecada Islamka.

Maxamed Saciid Atam ayaa carabka ku adkeeyay in aysan wax wadahadal ah la galayn maamulka Puntland tan iyo marka laga baabi’nayo waxa uu ugu yeeray ciidamada Shahaadadda la dirirnimadda loo dhisay.

“Waxaan diyaar u nahay inaan wadahal lagalno maamulka Puntland, laakiin waa haddii ay baabi’iyaan ciidamada Ashahaado la dirirka ah ee ka howgla deegaanada Puntland, waayo dadka ayey ka ganacsadaan, waxaana loo sameeyey inay dadka Muslimka ah u dhoofiyaan gaalada si lacag ay uga helaan.” Ayaa laga soo xigtey Sheekh Atam.

Sidoo  kale Atam ayaa qiray in laga qabsadey deegaanka Galgala oo ay horey ugu sugnaayeen xoogagiisa, waxaana uu sheegay in haatan uu ku sugan yahay meel aan sidaasi uga fogeyn deegaanka Galgala oo ah buuraleyda ku geedaaman.

Sheekh Atam ayaa ku nuux nuuxsaday in wixii hadda ka dambeeya ay badali doonaan qaabka dagaalka ayna ka dhigi doonaan mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Hadalka Maxamed Saciid Atam ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmo ka hor sheegeen maamulka Puntland in ay bur buriyeen xoogagii uu hogaaminayay Maxamed Saciid Atam ayna ku daba jiraan haraagoodii.

Atam oo waraysi siiyey idaacadda Codka Maraykanka ayaa sheegay in arinta dagaalku uu ku xiriirsan yahay arrrintii Majayahan, isagoo taas ka hadlayeyna waxa uu yiri “sababta labaad (ee dagaalka keentay) waa culaysyo badan oo la saaray dadka degaanka iyo degaankoodii oo la bililiqaystay oo la keenay shirkado maafiyo ah” (Dhegeyso)

Wararkii hore: Puntland: Dagaal ka dhacay Karin iyo Galgala dhexdooda oo ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Dowladda  Federaalka ayaa la sheegey in ay Hub u direen Maamulka Pundland

Warar aan ka helney Rag  ku dhow dhow madaxda sare ee dowladda KMG iyo  Xildhibaano ayaa sheegaya in Dowladda Ku meel gaar ah  ay u dirtay magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, diyaarad siday shixnad hub ah.waxaana la sheegay in hubkaas u badnaa qaybaha hubka ee lagu dagaalamo.

hubka ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay bixiyeen ciidamada AMISOM looguna tala galay in maamul gobleedka Puntland uu kula dagaalamo kooxda uu hogaamiyo Maxamed Siciid Atam kuwaasi oo dhawaan dagaal kula galay ciidamada Puntland duleedka magaalada Galgala. Warar kale ayaa sheegay in hubkaas ay lahayd Dowladda ku meel gaar oo isagu dhawaan laga dejiyey Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho

Sidoo kale wararka laga helaayo caasimada Puntland ee Garowe ayaa tilmaamaya in diyaaradaasi ay soo gaartay garoonka Garowe islamarkaa hubkaas lagu qaadey Gawaari loona gudbiyey dhanka Magaalada Boosaaso.

Wadaadka hogaaminaya kooxda dagaalka kula jirta ciidamada Puntland ayaa sheegay in dagaalka lagu qasbay uuna doonayo in Puntland uu ka dhigo meel lagu xukumo shareecada Islamka.

Warar kale ayaa sheegay in in Hub kale ay soo dirtey Dowladda Itoobiya kasoo ka soo galey Xuduuda waxayna Dowladda Itoobiya ugu tala gashey in lagula Dagaalo Wadaadka Maxamed Saciid  waxaana la filayaa in Madaxwynaha Maamulka Pundland uu dhawaan tegi doono Caasimada Itoobiya si uu Dowladda Itoobiya kala hadlo Xaalada Nabedgelyo ee deegaanada Pundland

Hase yeeshee Afahaeen u Hadley Maamulka Pundland ayaa si kulul u beeniyey in ay wax hub ah ka heleen Dowlada Federaalka iyo weliba Itoobiya wuxuu kaloo uu sheegey  in kooxda ku kacsan Maamulka Pundland ay iyagu hub ka heleen dhinaca Xarakada A-Shabaab  iyo Dowlado uusan Carabaabin Magacayaddoda

Haddi aan dib ugu laabano wararkii ugu dambeeyey ee Dagaalka u dhaxeeya Pundland iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa sheegaya in labada dhinac ay dagaalkaas uga dhinteen ilaa 10 ruux.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Raiisal wasaaraha dowladda KMG; Cumar Cabdirashid uu sheegay in Puntland kaligeed aysan waxba ka qaban karin dagaalka ay wadaan kooxda Sheekh Atam loona baahnayahay in la iska kaalmeysto dagaalkaasi sidoo kale waxaa burburey Waan waan u socotey labada dhinac oo ay wadeen  odoyaal ka socdey Degeenada Pundland.

Xildhibaanad Caasho Cabdalle oo waraysi siisay bbc-da ayaa si toos arrinta hubka loo diray Puntland ugu eeday ra’iisul wasaaraha DFKMG cumar cabdirashiid, ayadoo arrintaas ka hadlaysayna waxay tiri: “Ninka criminalka (dembillaha) ee hubka raray, oo Puntland ka dejiyey saddexda diyaaradood oo hubka ah waa Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo laba xildhibaan oo degaanadaas ka soo jeeda u dhiibay, oo wax qarsoon aysan ahayn, masuuliyadaas in uu qaado weeye. Shariif Axmedna hadduu la ogyahay arrintaasna labadooduba waa laba criminal (dembiile) waxaanuna ka dacwaynaynaa waxaana ka dacwaynaynaa caalaamaka.” ayey tiri.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Shiikh Atam “Waxaan diyaar u nahay inaan wadahal lagalno maamulka Puntland, laakiin waa haddii ay baabi’iyaan Ashahaado la dirir” "

  1. cabdiraxmaan says:

    sheekh atam xaq ayuu ku taagan yahay waana ku saxsan yahay dagaalka uu ku difaacayo diinta iyo dalka waayo dalka waa la soo weeraray waxaana soo weerarty gaalo iyagoo adeegsanaya calooshooda u shaqaystayaal mujrimiin ah oo diintu ku yar iyo damiirku. itoopiya ayaana ay hoos tagaan iyo maraykan ashahaado la dirirka, marka waan in la iska difaacaa dadka ka baayacmushtaraya ama ka ganacsanaya ummada islaamka dhiigooda.

  2. axmed says:

    aslaamucalykum,ikhwaani walaalyaal sheekh maxamed asciid atam
    waa nin ka tirsanaa culimadi alitaxaad e dooneysay in ay xukuumad islaam ah laga sameeyo somaali wax badan kuso halgamay ahan
    ragi dowra weyn ka qaatay la dagaalanki mujirimiinta
    iyo daalimiintra sida maamuulad xaranta ku dhisan e ay ka mid yihiin
    puntland somaliland wuxuu kalo diidyahay kuwa u shaqeeyo gaalad sida shaahad la dirirka ka dhisan puntland waa nin wanaangsan umaad islaamka e
    ku dhaqan puntlan ama gobalad kale e soomalaiya waa in ay tageeran
    wadadka wanaagsan e xaq u dirirka ah puntlanda soomaliland shaahad ladiri land sima jiro donan inta sheeq atam joogo xaqun waligiis ayu jiro doona

  3. Adeer shareecada iyo ashahaado la dirir waa magacyo aad ku qaraabaneysid e, meel ku sheeg intii aad qaraxyada iyo afka la soo duubtay ku laysay, haddii cidi xorayn u baahan tahay adiga iyo ajaanibta kugu harreeraysan ayaa u baahan in dalka laga tirtiro.