Home » Faallo »

Qalinkii Cabdiboqor iyo Qormadiisii Malaysia (Qaybtii: 4aad)

Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi; aqristaha sharfida mudanoow, waxaa in badan su’aalo isoo weydiinayey asxaabtii aan uga soo tagey wadanka Pakistan iyagoo isoo weydiinayey bal in aan isbarbardhig ku sameeyo wadankii aan ka imid ee Pakistan iyo wadanka Malaysia, anigoo ka eegaya dhinacyo faraban oo ardeyda si gaar ah u khuseeysa. Waxaa sidoo kale e-maillo aan yareyn iisoo direy, walaalo Soomaaliyeed oo iyana meelo kala duwan jooga, daneynayana bal labadaa wadan midkii eey u waxbarasho doonan lahaayeen in aan ugu yaraan sawir guud ka siiyo.Waxaan qormadeena isbuucan isugu barbardhigi doonaa waxyaabihii aan kusoo arki jirey wadanka Pakistan ee aan wax kusoobartey iyo wadankan Malaysia ee aan waxbarashada kasii wado iyo sida waxyaalo farabadan eey ugu kala duwan yihiin. Qodobada aan ka hadli doono waxaa ka mid ah: Tayada jaamacadaha wadanka Malaysia iyo kuwa Pakistan, kuwa dowladaha (Public Universities) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private Universities),waxa sababta u ah kala tayo wanaagsanaanta jaamacadahaa labada nuuc ah, anigoo wadankasta gaarkiisa u eegaya, iyo waxyaalo farabadan oo soo hoos galaya. Waxaan sidoo kale ka hadlidoonnaa Deeqaha waxbarasho ee laga helo labada wadanba, Nuucyadooda, sida looga kala helo iyo waxyaalo kaloo farabadan aadna muhiim u ah.

Waan jeclaan lahaa in aan wadankeeyga hooyo iyo wadamadaa aan qormadan kaga hadli rabo is barbardhigo, nasiib darrase! maalinteed ma joogo, waana Caloolyoow, Ciil iyo Murugo inteeda la eh, taasoo aan la wadaago Muwaadin kastoo Soomaliyee, meelkastaba hajoogee! Waase laga baxayaa Ilaaheey Idankii, goorey noqotaba.

Guud ahaan Tayada Jaamacadaha Malaysia iyo Kuwa Pakistan

Guuda ahaan marka laga hadlayo Jaamacadaha wadankan Malaysia waxaa loo qeybiyaa-Sida wadamada kalaba-: Jaamacado dowlada leedahay (Public Universities) iyo kuwo gaar loo leeyahay (Private Universities). Wadankan waxaa tayo ahaan wanaagsan jaamacadaha Dowlada leedahay marka loo barbardhigo kuwo gaarka loo leeyahay, waana waxa uu uga duwan yahay wadamada Mareykanka iyo xiyaa Pakistan-ba oo jaamacadaha Private-ku ka wanaagsanyihiin kana tayo badan yihiin kuwo Dowlada leedahay.

Dhinaca Malaysia

Jaamacadaha dowlada leedahay ee wadankan Malaysia, waxeey helaan taageero dhaqaale oo aad u xoogan oo eey siiso dowlada wadankan, oo laga soo bilaabo 2009-kii go’aansatey in eey noqoto “Xarun-Tacliimeed” aduunka oodhami cilmiga melkasta looga soo wada doonto.Wixii ka horeeyey 2009, waxaa la ogolaa tiro aad u yar oo ardeyda Shisheeye/Ajaanibta ah, rabtana heerarka sare ee jaamacadeed sida: Masters-ka iyo PhD-da. Nasiib wanaagse lagasoo  bilaabo 2009-kii, waxaa albaabada loo furey xitaa kuwa heerka hoose ee jaamacadeed (Undergraduates), aadna loo kordhiyey tiradii ardeyda caalamiga aheyd (International Students) ee jaamacadaha qaadanjireen. Dowlada waxeey siisaa jaamacadaha muujiya tayo-wanaag dhaqaale xoogaan, waxeey u dhistaa una maal-galisaa xarumaha jaamacadeed, waxeey ku saacidaa Project-yo dhaqaale fiican eey ka helaan macallimiinta jaamacadaha iyo ardeyda Project-yadaas la qaadaadhiga macalimiintooda, sidaasna ku hela waxbarasho lacag la’aan ah oo waliba xoogaa dhaqaale ahna eey ku qaataan.Waxeey Dowlada sidoo kale fursad u siisaa jaamacadahaa tayo wanaaga la yimaada in eey ka yareeyso control-ka, fursadna u siiso in eey iskood u go’aansadaan waxyaalo markii hore dowlada u go’aamin jirtey. Waxaa waxkasta ugu muhiimsan in dowlada Malaysia aad u daneeyneeyso in eey qeyb ku yeelato liiska jaamacadaha Aduunka ugu wanaagsan, taasoo nasiib daro! Jaamacadaha ku yaala Caalamka Islaamka eeysan Shanta Boqol ee ugu sareeysan hal xitaa kasoo galin. Sidaa daraadeed waxeey dhaqaalo xoogan, maskax iyo dhiiro-galinba isugu dartaa jaamacadaha eey is leedahay wadanka wey usoo hoyinkaraan sharaftaa weyn. Malaysia waxeey galisey jaamacadaha qaar heerka Apex-ka, 5-ta sano ee soo socota sida: Jaamacada weyn ee USM iyo kuwa la midka ahba.

Dhinaca kale; jaamacadaha private-ka inkastoo kuwo aad u tayo wanaagsan eey ka buuxaan, hadana dhaqaalaha eey ardeyda ka helaan iyo wixii caalamka eey kasoo farsameeystaan ama eey dowladaba kasoo xeeladeeystaan ayey ku taaganyihiin. Jaamacado awood dowladeed la duldhigayo iyo kuwo iskood ha u dabaasheed la yiri ama taageero aan sinneyn la siinayo isku tayo ma noqonkaraan waana xaqiiqda meeshan taalla. Jaamacadahaas Private-ka iyana si eey marka dhaqaale ahaan isu kabaan, tayadoodana kor ugu qaataan, si fiicana isaga caabiyaan tartankaa kala dhexeeya jaamacadahaa dowlada leedahay, ayey waxeey aad u qaaliyeeyaan qarashaadka jaamacadaha, si waxyaabo farabadan ugu kabtaan, dabcan waxna uga helaan.

Dhinaca Pakistan

Wadanka Pakistan waxaa tayo wanaagsan jaamacadaha private-ka, maxaa yeeley wax saacidaad ah oo tayo le kama helaan dowlada, marka eey ka helaana waxa afka u dhigta afarta ugu sareeysa meesha-Ileyn waa wadan kaalinta 2-aad aduunka oo idil uga jira Musuqmaasuqee (Corruption)-, Wey yartahay in aad aragto dhaqaale la galinayo dayactirka iyo qalabeynta jaamacadaha dowlada, maxaa yeeley tubada ayaa si toos ah jeebab gaar ah u suran, hami aduunka jaamacadihiisa lagula tartamana haba sheegin. Waxaase intaas oo dhan kasii daran, maadaama mustaqbalka dhow iyo kan dheer ee wadanka eey ku hardamayaan dhamaan ururada siyaasadeed ee wadanka Pakistan ka jira, waxeey si hagar la’aan ah ugu dadaalaan in eey qeybta ugu badan ka helaan ardeyda dhigata jaamacadaha, sidaa daraadeed urur kasta ee siyaasadeed wuxuu ku leeyahay jaamacadaha dowlada leedahay, garab ardey (Student Wing) oo nasiib darrase “Hubeysan!”, waxaa sidoo kale jira gangs hogaamiya qeybaha ardeyda loona yaqaan (Shaarbo weynayaal) kuwaasoo hadeey rabaad jaamacadaha si qasab ah ku fasaxa, imtixaanad dib u dhiga, mararka qaar iyadoo loo fadhiyo warqadaha jeexjeexa ardeyda dhamaana ku qasba in eey sidoo kale yeelan, mudaharaad carqaladeyn ah marka eey rabaan jaamacadaha ku sameeya, Listiga eey rabaan loo baasiyo ama ogolaasho (admission) loosiiyo. Waa iska caadi Pakistan in aad maqasho jaamacad heblaayo waxeey xirnaaneeysaa mudo intaa la eg oo waxaa ku dagaalamay labada urur oo tiro intaa la egna isaga diley! Bal malee jaamacad lagu leeyahay saacado ama maalin dhan ayaa xabad ka socotaa! Waxaa xusid mudan in markii uu qabtey Gen. Perves Musharraf talada wadanka Pakistan uu cagta mariyey dhamaan gangs-kaas, nasiib darasse isagana wuxuu u Toqfal-dalooliyey, mararka qaarna xoojiyeyba kuwii  eey isku isir kasoo wada jeedeed ee Muhaajiriintii India ka timid, garabkoodii ardeyda ee “All Pakistan Muttahidda Students Organization (APMSO)” ee hoostaga urur weynaha siyaasadeed ee “Muttahida Quami Movement (MQM)”.

Jaamacadaha gaarka loo leeyahay (Private-ka) Mushkiladaa iyaga ma heysato, laba arin darteed: A-Waa tan koobaade; iyadoo tirade ardey ee jaamacadahaa gaarka loo leeyahay aad uga yaryihiin kuwo jaamacadaha dowlada, taasoo keeneeysa in ururada siyaasadeed wax weyn eeysan ugu fadhinin. B-In dadka hogaanka u ah jaamacadahaa Private-ka eeysan ku imaanin rabitaanka ururada siyaasadeed ee wadanka, maadaama ardeyda lagu tartamayana maalgalin dhinackasta ah ayey ku sameeyaan, taasoo u saamaxdey in eey ka tayo wanaagsanaadaan kuwo dowlada leedahay.

Helitaanka Waxbarasho lacag la’aan ah “Scholarships”

Dhinaca Malaysia

Helitaanka waxbarasho lacag la’aan ah waa waxyaalaha wadankaan uu wadamo farabadan uga fiican yahay, waa hubaal in ardey badan ee Soomaaliyeed daneyneyso, maadaama wadankeena iska faqiiryahay hadana sii burburey, eey jiraana waalidiin iyo ardey farabadan oo hamigii waxbarasho uu ku jiro, nasiibdarase! dhaqaalihii la’ oo aan garaneyn meel eey ka keenaan.

Wadankan Malaysia waxaa deeqahaas waxbarasho looga helaa nuucyo farabadan oo kala duwan, waxeeyna kala yihiin sidan:1-Waxaa jira deeqo waxbarasho oo dowlada si toos ah u bixiso oo wazaarada waxbarashada looga xareysto/dalbado lana siiyo ardeyda caalamka. 2-Waxaa sidoo kale jira waxyaalo la dhoho Grant oo ah: area dowlada rabto in baaritaan lagu sameeyo (Research) taasoo jaamacadaha karikara loosoo dhiibo, iyagana Professors-ka aqoonta iyo khibrada u leh usii dhiibaan, marka ardeygii nasiib leh ee professor-kaas iyo Jaamacadaba is fahmaan, wuxuu sidaa ku helayaa deeq waxbarasho heerka PhD-daba ha u badnaadeene, waliba uu dhaqaale fiican ku qaadanayo. 3-Waxaa sidoo kale jirta in jaamacadaha bixiyaan shaqo macallinimo iyo deeq waxbarasho oo isla socota, waxaa la helaa hadii ardeyga buundooyinkiisii Masters-ka sareeyaan, tayo iyo firfircooni gaar ahna uu muujiyo-waase qof iyo nasiibkiis. 4-Waxaa sidoo kale jira machadyo raba in eey caalamka guud ahaan, gaar ahaana caalamka Islaamka ka dhisaan taqasusyo gaar ah, tusaale ahaan: Islamic Banking and finance, taasoo bankiga dhexe ee Malaysia uu dhaqaale kubixiyo, ardeygii nasiibkiisa Allaah ka dhigo wuxuu sidaa ku heli karaa waxbarasho tayo leh oo hadana bilaash/lacag la’aan ah. 5-Waxaa sidoo kale jira deeqo waxbarasho oo eey dowlada Malaysia siiso wadamada caalamka, nasiib darrase dhinaca Soomaaliya waxaa ka dhameysta dad si farsameysan kusoo furdaansada kabacdina ka ganacsada iyagoo “Qaab aan qurxooneyn” u qeybiya oo ka gata oo kaliya dadka “Dad ugu dhow”. 6-Waxaa sidoo kale jira hey’ado iyo shirkado ganacsi oo gudaha ah (Local) iyo kuwo caalami ah (International) intaba oo iyagana bixiya deeqo waxbarasho, waloow ardeyda la siiyo ama helaa eey u badan yihiin ardeyda “Malay-ga” iyo kuwa kale ee wadanka u dhashay sida: Hindiyaanka iyo Jeeyniiska, hada fanfaniin ayaa kasoo gaara ardeyda ajaanibta. Intaas waxaa kuusii dheer deeqaha waxbarasho ee jaamacad kasta gaarkeeda u siiso ardeyda waxbarashada ku wanaagsan, taasoo u dhaxeeysa in gabi ahaanba laga dhaafo lacagta, bar/haaf ama percentage loogu tala galay taasoo ku xiran hadba sharciga u dagsan jaamacada ee la xiriirta buundooyinka ardeyga keeno, kaalinta uu ka galo dufcada (batch-ka) wax la barata iyo waxa uu muteeysanayo in la siiyo. Intaas iyo in kale oo deeqo waxbarasho ah ayaa laga helaa wadankan Malaysia, waxeeyse ku xirantahay dadaalka ardeyga ee ah: raadinta wararka quseeya deeqahaas, buuxinta shuruudaha looga baahanyahay iyo ugu dambeyn nasiibkiisa. Waa hubaal wixii Allaah kuu qorey in aadan weyneynin, dadaalkase waa muhiim, si bini’aadamka horumar u gaaro ama ugu talaabsado.

Dhinaca wadanka Pakistan

Marka laga hadlayo wadanka Pakistan, nuuca kaliya ee deeq wabarasho wax lagu sheegi karaba ee Soomaalida hesho waa tan laga helo dhinaca Safaarada Soomaalida ee ku taalla Islaamabaad ee caasimada wadanka Pakistan. Dowlada Pakistan-Mahadi haka gaartee-Waxeey inta badan sanadkasta ugu deeqdaa ummada Soomaaliyeed deeqo waxbarasho oo farabadan, nuucyo kala duwana isugu jirta.Waxaa ugu caansan Medicine-ka iyo Engineering-ka. Inkastoo bilaash/lacag la’aan in lagu bixiyo loogu tala galay amaanadaa, hadana Safaarada ayaa waxeey ardeyda ka qaadaa lacag, maadaama eeysan heysan/jirin dowlada Soomaaliyeed oo eey wax ka hesho-Waa sida safaarada u micneysee- lacagahaas eey ku magacoowdo safaraada “Ijaarka iyo Korontada Safaarada” Inkastoo safaf dhadheer loogu wada jiro, “Wadooyin farabadanna” loosoo maro, hadii nasiibkaada noqdo meeshaas waxbaa laga helaa. Wixii intaas kasoo hara waa iska “Kismaayo iyo Kistaada”! Qarashaadkaada ayaad wax ku baraneeysaa, waxeeyse ku fiican tahay, waxaad heleysaa jaamacado dhaqaalahaada uu iska xijin karo. Guud ahaanse jaamacada dowlada waa iska raqiis marka loo barbardhigo kuwo gaarka looleeyahay ee Private-ka ah.

Gabagabo iyo gunaanad

Waxa ugu muhiimsan waa dadaal iyo war ururin, adigoo wax weydiinaya dadka ehelka u ah ee meeshaas mudo dheer joogey oo waliba ah dadka meelaha galgala, wax uun raadiya. Waa hubaal in eey jiraan dad wadanka mudo dheer ku noolaa hadana ka dhaga xiran fursadaha ka jira wadankaa kana ah “Lax Dhukan Col iyo Abaar moog!”. Hadii ardeyga dadaalo, shuruudaha looga baahanyahayna isku dayo in uu buuxiyo, una “Istikhaareeysto” oo Allaah dhab u baryo, Insha Allaah waxaan rajeeynayaa in uusan waxba weyneynin.

Afeer

Qormadan waa wanaag-doonis iyo dadaal oo kaliya ee fadlan badi war ururinta iyo tashiga oo qoraalkan oo kaliya go’aan ha ku qaadan/gaarin. Wixii khalad ah ee qoraalka uu leeyahay nuuckasta ha ahaadeene, waxaa mas’uuliyadeeda iska leh aniga oo kaliya. Waxaan soo dhaweynayaa si Kal iyo Laab ah, waxkasta oo su’aalo, sixid, talo iyo tusaaleynba ah. Fadlan adoo mahadsan iigu soo dir e-mailka hoos ku qoran.

Wabillaahi Towfiiq

Qaybihii hore: https://somalitalk.com/tag/cabdiboqor/

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”

PhD-Candidate

MBA (Marketing)

BBA (Marketing and finance)

abdulkadirphd@hotmail.com

Kuala Lumpur-Malaysia

Lasoco qeyta (Qeybtii: 5-aad) Isbuuca soo socda, Haduu Allaah Idmo.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Qalinkii Cabdiboqor iyo Qormadiisii Malaysia (Qaybtii: 4aad) "

  1. Cabdiboqor says:

    Horta dhamaan waad kuwada mahadsantihiin waqtiga aad galiseen in aad aqrisaan, waxna ka dhahdaan qormadii aan sameeyey. Waxaan sigaar ah ugu mahadcelinayaa intii niyad saafi ah oo wanaag iyo waxtoosin “sidii iyaga eey u arkayeen” wax iigu soo qorey. Waxaan rabaa in aan intii awoodeeyda ah aan guud ahaan qodob qodob uga jawaabo, anigoo ilgaar ah ku eegaya dadka qaar iyo qaabkii eey wax usoo qoreen intaba.
    Hadii aan Jawaab toos ah siiyo wiilka magaciisa ku sheegey Seyid Sh. Osman .Horta walaaloow Soomaalida waxeey ku maahmaahdaa “Gafuur cawo ninkiisuu dhibaa”marka waxa kaa guuxaya ee Xaqtiga ah iyo Maseyrka micnno la’aanta ah adiga uun ayey ku dhibayaan.Hadiise aan jawaab kusiiyo,waxaan ku dhihi lahaa:
    1-Urur ardey in aan waxweydiiyo qasab iguma aha adiga hadii eey kuu tahay, waxaa wax la weydiiyaa qofkii wax o gee kaaga war ron qasabna ma aha in uu ardey gaar ah yahay ee qofkastuu noqon kara, wixii aad xayeysii is leedahayse waa kuu kaligaa walaal. Cid aan wax weydiiyey iyo cidkalana kulama ogid ee bal iska tartiibso fudeyd ayaa kaa muuqdee.
    2- Waxa aan is barbardhigayo waa waxa ku cad qoraalka, hadii luqada dhibkaa heysto waa arin kale walaal. Taas iiga kaa filan. Dhinaca sawirada madaama aniga aan leeyahay qoraalka waa wax aniga uun I quseeya sawirkii aan u garto. Laakiin maadaama aan laba wadan ka hadlayo oo aan waxbarasho oo kaliya aanan ka hadlin ee dhinacyo kalana uu taabanayey waxeey iila muuqatey in aan bal ka Wadan ahaan si guud sawiro u muujinaya u doorto. Adiga ra’yigaada ha isku dayin marka in aad igu qasabto, ee adiga inta wax soo qortid sawirkii aan doonto gali ama dhismihii aan gaar u daneyneysaba. Iskuulkaadaba ha ahaadee!
    3-Waxaad igu tiri, qofkii ugu dambeeyey ee Malaysia yimaada ayaad tahay! Taas ma waxey ka turjumeysaa heerka eey gaarsiisantahay garashadaada iyo cilmigaadaba? Maxaa yeeley qof ayaa wadan assignment/Howl waqti yar oo go’an leh looga diraa,waxaana laga yaabaa in wadankas uusan waligiisba horey u tagin, qaar xitaa Dil Madaxeed baaraya. Waqti dheer horey u joogida muhiim ma aha, oo in badan oo wadankana ku duqoobey wax laga faa’iidayana eeysan jirin ayaa badan. Marka maadama aad sheegtey in aan qofkii ugu dambeeyey ahay,waxaan u arkaa Wanaag iyo Amaan dheeri ah, waxa aad Caayda ka dhig is leedahay.
    4-Nasiib darrada ku heysata waxaad kala saari la’dahay in aad qoraal “Wax kaala qaldanaadeen” saxdo iyo in aad qof weerarto “personal attack” ku sameyso. Usluubka wax lagu dhaliilo(lagu naqdiyo) qofka looma gudbo ee wixii kula qaldan ayaa lagu ekaadaa sixitaankeeda, laakiin waaba su’aal da’weyne maxaa diidaya in aan Master-na Pakistan lagu soo diyaariyo, PhD-na Malaysia lagu diyaariyo, subxaanallah!
    5-Horta iska fiiri inta aadan wax qorin, gaar ahaan marka aad tahay qof waxbaan saxayaa leh, MBA-da waxa ku hor qoron ma aha Marketing and Finance ee waa Marketing oo kaliya, cajiib! Waxa eey Marketing and Finance ku hor qorantahay waa BBA-da, hadii aadan garan karina aan kuu sharaxee waxaa la dhahaa Dual/double Major! Xaqiiqdiina wax micna ah kuma jiro in aan u abtiriyo jaamacadii aan ka qaatey iyo sidii aan ku qaatey iyo been in aan iska sheeganayo iyo in kale, maxaa yeeley waxaa kaa burqanaya ayaa iska ah Xaqdi, xaasidnimo,maseyr tabardaran iyo sideed wax u qori kartaa!
    6-Waxaa Soomaalida tiraahdaa “Sixun wax u sheeg, Sixir wuu ka daran yahay”. Qoraalkeeyga kuma qorna Ra’izul wazaare ayaa wax musuqmaasuqeeyey, adiga wixii aad dhaheysase waa wax kuu gaar ah. Wixii jira ee ummada intii wax garankartaahi la socoto ayaan qorayaa, adigana kaaga heybeysan maayo, una maleymayo in aan talo ku weydiinayo. Mida aad leedahay in aan ku niyad jabiyo marabana, fadlan waxba ha reeban, waa ereyo aan la yaabaye!
    Dadka Dr-rada ah ee Boqolka (100) aad ku sheegteyna weey kaa khaldantahay oo waxaan goobjoog u ahaa iyadoo aqoonyahano “PhD-holders ah” tirinayaan inta horey uga qaadatey Diktoorada wadankan Malaysia, habeenkaa 15-na ma eeysan dhaafin-Waa intii la xasuustaye- Marka 100-ka xamaasad iyo iska caadifad ayaad ku qortey. Joogitaanna warkeedaba daa! Maxaa ummada meesha dhigey aduunkaa look ala shaqo tagey intii dantooda meeshan in eey ku jirto u arkey maahane.
    Ugu dambeyn. Horta kuma aqaan, dad’daada, aqoontaada iyo qarashadaadana ma garanayo waloow aan ka qiyaasi karo qaabka aad wax u qoreyso, hadana waxaa waxqti qasaaro ah in aad igu noqoto qof aan u qalmin oo beri inta ku taqaana aan kala kulmo in eey igu dhahaan “In aad u jawaabtaba kan ma eysan aheyn”
    Inta kale waxaan leeyahay qaarka yarkan uu wixii eey qoreen soo qaateyna jawaabta halkaas ayaan kusiiyey.
    Inta kale waad wada mahadsantihiin. Waxaan u diyaar ahay in la i saxo. Waana waxa aan u codsadey e-mailkeygana u bixiyey, wixiise Dacaayad, Xaqdi iyo Xaasidnimo ah sida waxa wiilkan ka Guuxaya, waxba sooma kordhinayaan.Wixii wanaag loola jeedo ayaa uun wanaag dhala.
    Wabillaahi towfiiq

  2. Seyid Sh. says:

    walale waan ku salamay salaan ka dib, waad ku mahadsan tahay dadaalkaga ku saabsan ka haqab tirka Wadanka.. Malaysia. waxaan horay u soo aqriyey qoraaladii horen ee ku qortay Malaysia dhammaantood waxaa ku jiray qalad aan laga filan karin qof titleka master degree ah wado.

    hadaba, waxaan doonayaa in aan qorayiga su;aalo weediyo hadii Alle idmo.

    1. waxaad horay u sheegtay dadka soomaaliyeed ee joogo Malaysia, iyo sida ay u kale joogaan, maxaa ku diiday in aad Urruka ardayda malaysia, aqoon yahayanka joogay 20 yrs in ka badan ama Jaaliyada soomaaliyeed?

    2. qoraalkaga ugu danbeyey ma is barbardhig labo ra’suulwasare, daaraha dheer dheerbaa, ma dhaqaalah, ma diintaa, ma Democracy, ma Geography, mise taariikhda, maxaa ku diiday in Sawirada aad ka dhigto jaamacado maadaama aad ka hadleysid aqoon?

    3. sidoo kale, waxaan maqlay in aad tahay ninkii ugu danbeyey ee yimid dalka malaysia, soow ma habooneyn in aadan degdegin. madaama ay dalka joogaan rag Dr ama gabdho soomaaliyeed Drs oo qaarkood wax ku baratay afka Malayiga?

    4. waxaan kaloo maqlay in aad master ka soo sameeysay Pakistan, hadana aad sheegatay PHD, miyaadan qalad u arg arritaan?

    5. waxaan la yaabay MBA marketing and finance, waxaan la soconaa MBA hal qayb oo kaliya la taqususo, miyaadan ogeyn soomaalidu ka guurtay dhankaas oo aan maanta ay kale garan karaan titalayada maanta jiro? ma Pakistan ayaa sidaan ah mise adiga ayey wax ka qaladan yihiin?

    6. waxaan kaloo lala yaabay in sawirada madaxada labada dal soo saaratay, hadana aad leedahay shaqsiyaad ayaa deeq waxbarasho ka helo dowlada malaysia si musuqmaasuq ah, miyaadan ugu gafin masuulka ama ra’iisulwaraha dalka. miyeesan noqon karin prime minister-ka ayaa iibsado madaama aad isku beegtay war bixinta iyo sawirkiisa?

    talo, anigu ma doonayo in aan qalbiga ka dilo arday soomaaliyeed ee isku dayeyo inuu wax uun qoro. hase ahaatee, waxaan ku dhihii lahaa waxaan joognaa dal aad ugu dheereeyo xag technologyada, si aan la qiyaasi karina noo soo dhaweeyey, waxaan kugu dhiiri galinayaa in aad halkaas ka sii wado qoraalkga laakin fadlan ha noqonin soomaali master gaaray ee la tasho dadka, waxaan hubbaa in aad heli doonto data ama warbixino kale oo ka muhiimsan kuwada aad qoreysid.

    sidoo kale, Malaysia waa ka duwan tahay Dalka Pakistaan, waayo halkaan waxaa joogo 100 Dr kor u dhaafay qaarkood gaareen darajada Associate Prof. qorana ay yihiin Full Prof, inta ugu badana ay yihiin Assitant Prof. intaas waxaa sii dheer, kuwa haada dhameyn rabo PHD, iyo kuwa master tiro ma leh. aqoon yahankaas horay u joogay midba midka kale ayuu ku iqiimeyaa aqoontiisa, iyo qaybta ku taqasusay.

    mahadsanid

    wabbilahi towfiiq

    Seyid Sh. Osman
    Malaysia, Gombk

  3. Cumer says:

    Daaraha dhaadheer ma jaamacadihiiyaa… mase waa dhismo kale

  4. Aad iyo aad ayaad umahadsantahay walaal warbixinta dheer ee aad xilka iska saartay.Anigoon eegeyn inaay sax tahay iyo inkalaba, waxaan hubaa inaysan wax sahlan ahayn diyaarinta qoraal sidaan oo kale ah ayadoo cidi kutaageereyn.
    Kolay qoraalkan wax laga faa’ida mooye cid wax ku khasaartay inaaysan jirin. Waxa ugu yar ee aan ka faa’iday shakhsiyan waa dacaayad loo samaynaya inaay Somalida waxbarasho raadiso iyo furaska jira aduun. Waana khayr haddii ay jiraan qoraala noocaan ah oo aan qabiil iyo koox u hadlayn.Waxaa la oronkaraa waxay galnay xili cusub oo ay soo baxeen qorayaal cusub oo cilmiga xoojinaya.
    Haddii aan milicsado dadkii qoraalkan wax ka sheegey oo aan ubogay naqdiga xurta ah ee ay sameeyeen- waxaay igula fiicnayd inaad saxdaan macluumaadka qaldan sida uu sameeyey qofka ku qoran ‘Bishaaro’ oo runtii bixisay reference iyo meel loo laabta! Sida kala meeshaas kawada oo yaan gadaal noo noqan!
    Wasalaamu Alaykum

  5. Abdi says:

    Aad ayaad ugu mahadsantahay erayadaan wacan ee aad ku cabirtay… waan ka faa’iideysanay….. si kastaba ha ahaatee waxaan kugula dardaarmaa qoraalku waa kala nuuc midka wadanka aad kaga hadlaysid waa inuu cadeymo wataa.. hadii kale waa haaheeyadii soomalida…. Hadalka waxaadb ku sheegaysaa danbiyo la galay…. cadeymo ayey kaa rabtaa…

  6. Bishaaro says:

    walaal aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay qoraalkaga qiimaha leh, ma doonayo in aan wax badan ka naqdiyo qoraalkaga. hase ahaatee, waxaan doonayaa in aan ku saxo.

    1. Malaysia ma bixiso wax deeq ah marka laga reebo Albuqaari ah nin muslim malaysian ah oo siiyo muslimiinta aduunka oo dhan.
    2. ma jirto in dad ama shirkado soomaali ah ay ka helaan deeq waxbarasho dowlada Malaysia habe yaraadeete, waxaa kaliye aan la soconaa in Bank Nagara uu bixiyey deeq waxbarasho wax soomaliya ka yimidna ay hayeenn labo arday oo kaliya, sababtuna waxaa weeyo in climiga cusub ee Islamic finance ah suuq loo raadiyo. dadkaas ka yimid somaaliya waxaa ka mid aqoonyano ka yimid Hargeyso iyo maqdisho gaar ahaan(SIMAD)
    3. waxaan kaloo jecelahay in aan kaa saxo, jaamacadaha malaysia uguma hooreeyso jaamacada USM, Sanad kaste ayey Dowlada Malaysia qaymeysaa Jaamacadaheeda iyo machadyadeedaba fadlan ka aqri war bixintii ugu danbeysay halkaan, http://www.4icu.org/my/. waana sidaan sida ay dowladu u soo saaratay sanadkaan 2010.

    1 University of Malaya

    2 University Putra Malaysia

    3rd International Islamic University Malaysia

    4 Universiti Malaysia Perlis

    5 University of Technology

    6 Universiti Teknologi MARA

    7 University

    8 Universiti Sains Malaysia

    9 Multimedia University

  7. Sadiya says:

    Waad ku mahadsantahay qormadaada aadka u qoran, laakiin waxa aad gudbinayso cadeymo kuma qorna…waxaa aad dalka ka qoraysid waa inay cadeymo leeyihiin oo aysann kaa noqon iska qor, ama isku caanbixi… qormadda marka aan aqriyey waxaad ku cad wixii somalia ku fadhi diriri jirtay o ahaa kala iibsi minxo.. meeshaan somali safaarad kuma laha, cid intay kasoo qaadato minxo oo iibinaysana laguma arkin. erayada qaarkood birri dhib yeesan kuu keenin.
    Ogow waxa aad qoraysid waa arimo tilmaamaya danbiyo , birri cadeymo ayey kaaga baahan yihiin… dalkastana waxa laga qorayo waa ay la socdaa in badan. erayga ka fiirso inta aadan dhihin…uyeel documents.